BARAHA BULSHADU WAA HUBKA MAANTA: KU DANAYSO OO KU DAGAAL

HUBKA MAANTA WAA POST YADA, MAQAALADA, BUUGTA IYO SHORT-FILMS-KA.

TIGNIKADA MAANTA WAA TV YADA IDAACADAHA, IYO PAGES-KA BARAHA BULSHADA.

From Google


Dagaal qabiil ayaad maqli jireen, waxaad sidoo kale arki jirteen dhallinyaro iyo qabqablayaal dagaalkaas ku danaysta, waxaad arki jirteen Tignimko iyo hub kala duwan oo dagaalka door muhim ah ka qaata. dagaalka dhiig badan ayaa ku daadan jiray marka laysku adeegsado hubka iyo rasaasta. hada sidee xaaladu tahay?

Hada dagaalkii sidiiyuu u socdaa laakiin waxaa is bedelay wixii la isticmaali jiray e dagaalka loo isticmaalijiray sidoo kale qaabkiina waa is bedelay. waxa isbedelay waxaa ka mid ah tignikadii la isticmaali jiray iyo hubkii ama qoryihii, waxaa bedeley tignikadii pages barah bulshada laga saysto iyo warbaahin (Idaacado, TV yo, website yo, IWLM). hubkiina waxaa bedelay post yo, tweets iyo, maqaalo, cilmibaarisyo, short-films, documenters, reports iyo buugaag.
Post-gu wuxuu lamid yahay Bastoolad;
Maqaalku wuxuu lameelyahay miino;
Short-films-ku wuxuu lameelyahay qoriga daba jeexaa;
Documentory-gu wuxuu lameelyahay qoriga sebankaa;
Buugu wuxuu lameelyahay bunbada laysku damiyo.
Waagii hore qofba qoriga uu haysto ayuu waxku dhacsan jiray, hadda qofkastaa qofkii uu wax ka waayo waxa hub uu heli karo ayuu u isticmaalaa, qofba tabartiis, kii post un qori karaa asaguu wax ku laayaa, kii maqaal qori karaa asaguu wax ku xasuuqaa, kii cilmi baaris samayn karaa ayaduu ku raadsadaa wixiisa kuna ciil beelaa. Hada waxaa bilaawday dhaqan ah in meeshii uu qofku geli waayo in uu ku jebiyo post, maqaal, buug, IWLM. Tusaale qofaa geliwaynaya xaafiiska ra'isul wasaaraha wuxuu qorayaa buug uu ku amaanayo ra'isul wasaaraha, wuu soo bandhigayaa markaasaa xaafiiska laga wacayaa sidaasuu ku geleyaa. Hadii intuu qoro loo wiciwaayo wuxuu diyaarinayaa short-film uu sharafta uga dhaamayo waxa jooga xaafiiskaas, sidaasuu ku ciil beelayaa. Anigu waxaan usoo joogay nin nabadoon ah ee M. Faramaajo gabay amaana u tiriyay. Muddo markuu joogay waa waayay wax farriin ah oo uga yimaada madaxweynaha markaas ayuu tiriyay gabay kale e uu sharafta uga dhigay. Isla ninkii waxaan soo joogay asagoo 21kii bishii Febraayo u tiriyay gabay ammaana H.E Xasan Kheyra, gabyaagii maraan qadaynaynay wuxuu nugu yiri aniga iyo rag odayaal ah "M. Faramaajo ayaan gabay u tiriyay iimana soo jawaabin wixii aan ku dhigay waa la ogaa hadduu Khayre ii soo jawaabi waayo sidoo kalaan u gelayaa.

Waxaa jira qaabab kale: Sida in xog laga diyaariyo kooxda markaas xukunka haysa iyo xukuumadda jirta markii laga waayo wax dan iyo seed ah, xogtaasoo iskugu jirta in yaroo run ah iyo inbadanoo been ah si sumcada looga qaado fursadana uga baxaan oo aan mar kale loo dooran, sidaas waxaa loo yeelayaa in waji looga raad sado kooxdaas wax laga diyaarinayo kooxda kasoo horejeeda ee loo malaynayo hadii ayaka lawareejiyo in ay bedelidoonaan.

Iska hubi farriimaha kaasoo gaaraya baraha bulshada, iska mirifsaar waxa madaxaaga gelaya, ha aqbalin wixii soo yeera.

Maxaa xal ah; waxaa xal ah in aan caqliga kaashano oo aan kala garano post-yada laysku laysku raali gelinayo iyo kuwa laysku sharaftirayo, filimada laysku faduulinayo iyo kuwa laysku faaninayo, cilmi baarista calafka lugu kala doonayo iyo midda cilmiga kordhinaysa, iyo maqaalada laysku muquuninayo. Markaad aragto gaari qorisaaran yahay ee mooryaan ku hilantahay waxaad qiyaasi jirtay in ay raad sanayaan qofay tacshiirad huwiyaan, hadda markaad aragto page hubaysan ee mooryaan leeyahay garo in uu raadinayo qof uu tacshiirad huwiyo waxna gaarsiiyo.

Yaan maanka na laaka wasakhayn wax badan sida loo sheegayo uma jiraan, maxaawacay dadkii waa hallaabay.


Follow Me:
https://twitter.com/Honimaam
https://www.facebook.com/Honimaam
Previous
Next Post »