Waxaan qormadaan oga
faaloonaynaa habdhaqanka hogaamiyaha Soomaaligaa, iyo hawlgalkiisa markii loo
idmado masuuliyad. Madaxda Soomaaliya micnaha madaxnimadu masalin, madhicin mana
magaran. Madaxda Soomaaliddu madaxnimadda waxay moodaan maamuus un iyo wax lugu
xaragoodo, uma fahmaan masuuliyad, maxaa wacay si masuuliyad ku jirto kumaba
soo galin oo laaluush ayay ku helaan sida badan. Markii luguu doorto madaxnimo
waxaa luguu doortay waa in aad hormariso dadka xilka kuu dhiibtay, hawlgalkaagu
waa in uu ahaadaa in aad danta guud ilaalisaa.
daartooday daryeelaan dalna uma maqna
Madaxda Soomaaliddu
waxay u hawlgalaan siddii ay ayaku isu hagaajin lahaayeen, noloshoodana u qurxin
lahaayeen, uma hawlgalaan siddii ay deegaanadooda iyo Dalka u hagaajin
lahaayeen. Waxay dhisaan marka hore qurxiyaanna dhismayaasha ay ku noolaan
rabaan muddo xileed koodda. Waxay hufaan noloshoodda iyo inta ayaka la joogta
ee ay qabanayaan indhaha inta u imaanaysa. Waxay hagaajiyaan nolosha askarta
ayaka ku meeran, gawaaridooda, agabka xaafiisyadooda, wax kalana dan kama
galaan sidda badan. Dalka guriga ay ka degan yihiin iyo wadadda soo gasha ayay
ka hagaajiyaan, askartana inta waardiyaynaysa ayay daryeelaan, amniga waxay ka
sugaan gurigooda, xaafiiskoodda iyo wadada isku xirta inta kalana sheelaray
kumaraan. Waxay isticmaalaan qarash (running cost} aan loo meeldayin. Waxay u
isticmaalaan qarashka hab aanku haboonayn xaalada dalka. Nolosha dadka qaar way
hoosaysaa, boga ayay dhulka ku hayaan, madaxduna mukayfay ku qarqaraan, ugu
yaraan 10 weel ayaaa wax loogu keenaa ayadoo loo saaro miis dhalo ah.
Hogaamiyayaasha
Soomaalidda markay xilka qabtaan ayaa Riyo u bilaabataa, rooga casay run moodaan,
salaan sharafta laysku leeyahay, iyo Turunbada loo yeerinaayay tanaad moodaan. waxaa
lugu huwaayeeyaa hoolal ay ku jiraan hobolo aad loo soo hufay hadal jeedin
tooda, soona maray jaansuur jidbaysan. Waxaa hortooda laga qaadaa afareey aan
aragti wayn xanbaarsanayn, iyo wax murti lugu sheegoon ilmaha xitaa lugu seexin,
meel dheer majiraane markay ku qiiroodaan afarayda ayaa sacab lugu saaraa
masraxa, markaasay yabooh aan fulayn kufaanaan, hadhoowna halkaas laga
daadihiyaa ilaa ay ku laabtaan dhismihii laga soo saaray saakay, ama lugu
raadiyaa Xaflad xarig-jar aan xalaal ahayn.
MUNAASABADAHA MADAXDU MAALGELIYAAN
Madaxda xukuumadda
markaas taladda haysaa waxay dhigtaan ogana khubeeyaan dadka xafladdo sida
badan indha sarcaad aad moodo oo aan lugu kala xishoon, waxay iska ilaaliyaan
xafalad ay san qaban dad ayaka aragtidooda aan xambaarsanaysan, xafladaha ayaka
loo qabtana waxaa laga ilaaliyaa in ayka hadlaan dad wax dhaliila madaxda u
haya, waa daciif nimadu waxay dhashay, marka ay soo galayaan waxaa amar lugugu siinayaa
in aad u istaagto ha-u-qalmo ama yuu-u-qalmin, markii loo istaagay isku bogaan,
marka ay hadlayaanna in aad u sacbiso ayaa luguugu baaqayaa ku qanac hadalkooda
ama haku qancin, sacabka waxaadku daraysaa; ‘sax-weeye wax-weeye’ markii loo
sacbiyuu murtile nawada qanciyay ismoodaan. Waxay jeediyaan hadalo aan sariig
lahayn, waxaa siigudbiya da’yar dantoodu ku jirto.
Markaad ka istaagto
xaflad madaxda loo qabtay waxaa kuu banaan kaliya in aad u ducayso rajiimka
taladda haya, in aad amaan kala duldhacdo ha ahaato mid amaanu qabato ama
midaysan qaban, in aad Ilaaheey caafimaad oga bariso, caqli iyo garasho idil
keedna aad u tiiriso asaga, wax kale kuuma furna hadaad dadka ku soo
dhexdhuumato e aad amaani wayso mardanbe fursad uma helidoontid mikrafoon
Dawladdu beteri gashatay. Mikrafoonadda dawladda ayada unbaa loogu duceeyaa
luguna amaanaa, lugu mana su’aalo wax aysan raali ka hayn.
Madaxda Soomaalidu
iskuma kalsoona, qofka ugu carabka jilacsan, balaaqada yar uma babacdhigi
karaan carabkiisa, sababtoo ah qofbu ka dabayshaa danqisa, malahan awood ay ku
yimaadaan fagaaraha dooda kuna dhagaystaan aragtiyadda ka duwan. Shaki malahan
in shacabka badi lahayn garasho cilmiyeed oo ay si cilmiyaysan aragtidooda ugu
dhiibtaan, hadana waa lama huraan in shacabka la dhagaysto lana qaymeeyo
aragtiyada kaaduwan, Markaad madaxtahayna kurtun in aadka dulqaad badan tahay
ayaa loo baahan yahay.
Marka la soo aruuriyo
madaxda Soomaaliddu waxay u dhexeeyaan un; In ay xarig-jaraan mashruuc si
sharaf-dhac ah lugu helay, luguna hir-geliyay, in ay ka qayb galaan kana
khudbeeyaan xafalad aan wax ujeedo ah lahayn, iyo inay koox dada inta gacanta u
haatiyaan qalbiga saaraan waa jacaylaan jirine, in ay kusocdaan roog cas, loo
na yeeriyo turunbo miyirka loogu dejiyo, iyo in ay ku jiraan shamiinto
gadaasheed, wax warana aysan hayn, marmaray ka kordhacaan xafladaan looga talagelin, ayakuna aysan ka war qabin sababta xafladda iyo xarig jarka loo qabtay.
madaxda Soomaalidu kama tagaan wax nidaam ah mana abuuraan, waxay weheshadaan sandeertada saaxiibada caalamku bixiyaan oo runtii dhib nugu ah markaad u fiirsato sida aan isku dhiganay oo aanan u tabcan wax ilo dhaqaalo oo laysku halayn karo iyo nidaam maamul, iyo haayado dawli ah. 10sano waxaa nala jooga ciidan shisheeye, waxaa nugu socda taageero caalamiya hadan Xamar un baa la xasilin la'yahay magarateen sababta; madaxdeenu waligood iskuma tashan mana baraarugsana, hawlgalkooduna sidaas kuma wajahna.
madaxda Soomaalidu kama tagaan wax nidaam ah mana abuuraan, waxay weheshadaan sandeertada saaxiibada caalamku bixiyaan oo runtii dhib nugu ah markaad u fiirsato sida aan isku dhiganay oo aanan u tabcan wax ilo dhaqaalo oo laysku halayn karo iyo nidaam maamul, iyo haayado dawli ah. 10sano waxaa nala jooga ciidan shisheeye, waxaa nugu socda taageero caalamiya hadan Xamar un baa la xasilin la'yahay magarateen sababta; madaxdeenu waligood iskuma tashan mana baraarugsana, hawlgalkooduna sidaas kuma wajahna.
Madaxda waxaa la
shaqeeya dhalinyaro aan dhiifo badan lahayn, dhalinyaro dufuurtu adoomo oga
dhigtay ayaa la shaqaysa, ku waasoo dhoola tuska madaxda dhoohan dhab moodda,
dhulku in uu sugaayiyo, iyo dhaxal in laga sugaayo midna aan ogayn.
Dhalinyarada madaxda gacan siisa waxaa waqtigu ku dhamaadaa ayakoon wax hadaf
ah gaarin, waxaana ka qasaara mudada qofkaas madaxdaa xilka hayo in la eg,
hadhoowaa laqab siga noloshaa dhibku noqota, tacabna oga baahataa. Wayjiraan
kuwo fahma xaqiiqada ee taxadara.
NOQO
HOGAAN DHEEF LEH
Hogaamiyayaasha Soomaaliya waa geed yuhuudka
oo kale, geedkaan ma ogola in geed kale ka agbaxo. Madaxda Soomaaliddu malahan
dhaqan looga daysan karo, ma beeraan kamana tagaan hogaamiyayaal ayaka bedela,
waxay jecelyihiin in ay kaligood muuqdaan, ma ogola in ay cidkale ka garab
muuqato. Ma maamuusaan ciddii wax garata e wax fiican qabata, waxaaba laga yaabaa
inay qariyaan ayakoo is leh yaan la helin cid idinka fiican, ma ogola in
cidkale fekerto dadka ayaka unbaa u fekera aragtidoodaas unbaana dadka u cid
iyo ceersilaa. Hogaamiyayaasheenu nama dhaxal siiyaan hogaan bedela ayaka.
Hogaamiyaha dadkuu
hogaaminayo ka horeeyaa hogaamiye maahan, hogaamiyayaasha Soomaalidu dadka
wayka horeeyaan nolol ahaan wayka fiican yihiin, caafimaad ahaan wayka
caafimaad fiican yihiin, dhamaantood waxaa lugu soo daaweeyaan dalka
dibaddiisa, ubad koodda waxaa wax lugu baraa dibadda, xaasas koodu waxay ku soo
dhalaan dibadda, waxay maal gashadaan dibadda, waxay guryo ka gataan dibada,
xilku markuu ka dhamaan rabo ayay sii daydaydaan halkay ku noolaan lahaayeen.
Hogaamiya wanaagsan waa
run loowga aan been ku khodbayn, daacad amaano leh ( qof lugu aamini karo
nolosha shacabka), karti shaqo leh (gacanta laga la shaqadda xitaa haday dhagax
tahay la jabinayo), garasho leh (qofkasta miiqaamkiisa dhiga, cid walbaa waxay
gashana uqira), fogaan-arag ah (10sano waxa dhici kara qiyaasi kara), guubaabo
leh ( dadka wax ka dhaadhicin kara), kalsooni lugu qabo waana waxa ugu fiican
oo u helo hogaamiye (qofaan ku aamin sanayn ma xukumikartid).
Hogaamiyaha wanaagsan
waa kan doorashada wanaagsan oo soo xula dad waxtar ah oo u qalma in loo idmado
xaafiisyada dawladda ee kala duwan, hadana siiya waxay u baahan yihiin siyay u
gutaan shaqada loo idmaday. Hogaamiye wanaagsan waa kii kudayasho leh oo lugu
daysan karo dhaqan ahaan akhlaaq ahaan intaba.
Hogaamiyaha iyo
bulshadda waxa isku hayaa waa jacayl, in hogaamiyuhu jecel ayahay bulshadda,
bulshaduna jeceshahay madaxda, kuwa ay bulshaddu u ducayso ayaa ah kuwa waxtar ka
leh. Madaxda Soomaalidu ma lahan dhaqan loogu duceeyo, shacabkuna malahan
dulqaad iyo wacyi ay marka hore ku doortaan dad wax gala, anakaa marka hore
laaluush ku keena hadana anakaa hadhoow habaarna, habaarkaas ayay nugula
dhexjiraan waligood, umad waxaanahay laga yaabay.
Bulshada Soomaaliyeed
waa in ay is-hagaajiyaan haday rabaan in madaxdu hagaagto, maxaa wacay anaka
ayay nugu marmarsiyoodaan ayakoo adeegsanaya qaacidadii aheed “qofku masameeyo
bulshada e, bulshadaa qofka samaysa oo saamaysa”, hadaan is hagaajino nuguma
marmarsiyoon doonaan. Sidoo kale waxaa layiraahdaa, “jinsiga Soomaaligaa asagaa
kasamaysn nidaam nacaybka” tusaale dalkii waad aragtaan waxa laaluush isdaba
maraya, sidoo kale Soomaalidu dhaqankaas ah in nidaamka laaga daba wareego
meelkasta ayay la joogaan oo markay dibada aadeen xitaa waxay sireen oo isku
qaseen nidaamiii reer galbeedka. Waxay bilaabeen wax layiraa is-xanbaar, laba
qof oo isla dhashay ayaa dhahaya waan is qabnaa, sidoo kale markii la tagay
Yurub laba qof oo is qabta ayaa oranaya ma is qabno siyay u helaan aduunyo,
markaa soo ma muuqato in bulshada Soomaaliyeed duco qabto tahay.
Gabangabo:
Madaxda Soomaalidu waa
in ay gartaan xaqiiqada dalka iyo dalka ay hogaaminayaan, waa in ay kala
saaraan waxay dalalka kale oga duwan yihiin, waa in aan lugu sirmin rooga cas,
hadaadan huwsanyn calan sharaf leh roogaas cas micne kuuma samaynayo. Xafladaha
iyo xamaasada aan cilmiga ku dhisnayn waa in aan xakamaynaa, iskana daynaa
xafladaha qarashka badan ku baxo ee aan micnaha lahayn. Waa in qarashka hantida
shacabkaan tabaalaysan loo maamulo si dani ku jirto lagana fogaado xadgudubka. Waa
in ay noo muuqato nolosha hooyada aan hoyan karin e baahidu dilayso halka ay
noo muuqan laheed nolosha galbeedka. Waa in aan jilnaa xaalada nolosha dalka e
aanan jilin xaaladaha nolosha galbeedka. hanka iyo hawlgalka hogaamiyaha Soomaaligaa waa in uu dhaafo; dantiisa, dadkiisa iyo daartiisa oo uu daryeelo dalka loo idmaday samata bixintiisa.
Xaaladaan kuma koobna
xukuumad iyo koox gaar ah waa laga wada sinnaa sanadihii la soo maray.
W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
ConversionConversion EmoticonEmoticon