Qoorqoor Wuxuu Isku Qaaliyaynayaa Qiimaha U Dawladaynta Shacabkiisa


W/Q: https://www.facebook.com/HonImaam/


Galmudug waxaa soo balleeyay madaxweyne boos celis ah, waxaa u xigay mid wehsiloow ah, waxay hadda heshay midkii sedexaad oo aanan weli naynaas u bixin.
Shacabka Galmudug markii laga hadlayo dawladnimo bakhtigaa u xalaal ahaa waana huh dhigeen, aad ayayna u sahlaneed in loo dawladeeyo.

Cashabka Galmudug waa shacab ay rajo xumo daashatay oo ka carabdaayay dawladnimada (carabdayn waa marka cunug naaska hooyadiis ka guro uu dhibic caanaa ka waayo). Shacabka waxaa soo daashaday labadii xukuumadood ee madaxweynayashii hore oo ahaa kuwo wax laga sheego iyo wax lugu sheego aan la aqoon.

Madaxweyne Qoorqoor wuxuu madaxweyne u noqday shacab nuucaas ah ee aan xitaa arkin xaafiisyo qurxoon oo ay dawladdu leedahay, wax kale inta iska daysid dastuurka Galmudug xitaa lama sixi karo midka uu yahay waxbaa isdaba maray. Sidoo kale astaamaha Galmudug tiradii ayay ka bateen waayo meesha nidaam kama jirin.

M. Qoorqoor markii la doortay wuxuu u dhawaaday dad lays lahaa uma dhawaan doono dabkana ma kala qaadan doonaan. Arrintaas rajo ayay ku beertay dadka reer Galmudug waxaana kor u kacay filashada dadka reer Galmudug ay ka filanayaan xukuumadda Qoorqoor.

Wax sahlan lama ahan in M. Xaaf la keeno Dhuusamareeb oo uu xilka ku wareejiyo Qoorqoor. Waxaa la filayay in Qoorqoor is caleema saari doono kaligiis xilkana uu isku wareejin doono taasoo cusbada ka qaadi leheed hogaamintiisa.

Wax sahlan lama ahan shacabka in wasiirada Galmudug lugu soo daro mucaarad wax haysta illaa dibadahana looga gacan haatiyo wasiirro shaqo haystay ee aan baaga muudo ahayn.

M. Qoorqoor doorashadiisa waxaa ka sii horeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ah nin aqoon yahayn ah iyo xubno Baarlamaan oo dhallinyaro aqoonyahan ah u badan shacabkuna waxay filayaan haddii intaas iskaashato in cirka la soo tolidoono waxkastana farsamo iyo sanco lugu dhamayn doono.

Intaas waxaa raacay in M. Qoorqoor ku khudbeeyay khudbado dadka damac geliyay. Waxaa ka mid ahaa khubadii uu jeediyay habeenkii ku dhawaaqista liiska wasiirada ee ay ku jirtay “waxaan idiin soo xulay labeentii bulshada”. Labeeni laba ayay faa’iidaysaa A) in ay saxarka ka celiso caanaha marka ay dul fuusho iyo B) in lugu dhaashado oo korka la marsado. Wasiiradu waa in ay saxarka ka celiyaan xukumadiisa sidoo kalana waa in uu ku dhaashadaa.

WAXA LAQABAN KARO IYO FILASHADA SHACABKA WAXAA BATAY FILASHADA

Halkaas marka ay joogto  waxa laqaban karo iyo waxa shacabku filanayaan waxaa badan waxa ay filanayaan. shacabkii Galmudug rajadoodii waxaa la saaray geed dheer oo aan loogu tagi karin, waxayna u hanqal taagayaan wax aysan shalay u hanqal taagayn. Riyada shacabku waxay gaartay meel aan la goyn karin waana isku qaaleeyay M. Qoorqoor shacab kuna waxay ka filayaan in uu tubooyin caanaa guryaha u gelindoono.

Sanadii 2012-kii ayaa waxaa la doortay madaxweyne Xassan Shiiq Maxamuud. Shacabkii waxay maqleen waxaa la doortay madaxweyne idinka war qaba oo aan waligiis dalka ka bixin, waxaa la doortay aqoonyahayn wax ka dhiga jaamacadaha dalka caruutiinana ay isyaqaanaan. Intaas markii uu maqlay shacabkii qof kastaa wuxuu ku riyooday ayadoo guriga loo soo geliyay tubo caanaa mase noqon ileen xaqiio maahayn.

Marka la fiiriyo sunada dawlad dhisidda wax sahlan maahan. Maamul marka uu dumo waxaa lugu dhisaa waqtigii uu dumayay sedex u jibaarkiisa waana sababta Soomaaliya deg degga loogu dhisi la’yahay. Galmudug ayadoon waligeed dhismin ayay waxay sii dumaysay 4 sano. Hadaba maxaa lugu qaban karaa 4 sano ee M. Qoorqoor, mase la gaari doonaa rajada shacabka ee kasoo walhanaysa figta saree ee Buur uu saaray M. Qoorqoor.

Dhaqdhaqaaqyada iyo tilaabooyinka uu madaxweynuhu qaadayo waxay ra'yul caabka u qaabaynayaan laba siyaabood oo laysku seegi doono mar aan dheerayn; 1) Waa in uu isku qaaliyaynayo Qoorqoor u dawladaynta reer Galmudug uu u dhaqmayo madaxweyne xukumaya shacab meel wax ugu joogaan waxna u yaalaan, 2) Filashada shacabku ay ka filayaan dawladda M. Qoorqoor ayaa si xad dhaaf ah kor ugu kacaysa waxaana laga filayaa dawladda Qoorqoor wax aysan qaban karin taasna waxay keenaysaa in laysu adkaysan waayo oo lays eedo waana arrin u baahan in laga feejignaado lagana sii hor tago.

Shacabka Galmudug labo qaab ayay Qoorqoor wax uga rabaan ugan sugayaan; 1) waxay wax uga rabaan dardarta isbedel ee uu la soo galay, sida dhismayaasha, qalabaynta xaafiisyada ee dhalaal koodu baxayo, dhagax dhigyada iyo haday ahaan leheed in uu yahay nin la heshiinaya mucaaradkii yareeyayna kala aragti duwnaanshahii, 2) waxaa wax looga rabaa in uu yahay madaxweyne ay isku fiicanyihiin dawladda dhexe irdo baddanna u furanyihiin una malayn maayo in dawalad dhexe wax gaara tarayso Galmudug.

Madaxweynuhu waa in uu la yimaado falsafado laysku waafajinayo rajada shacabka iyo xaqiiqda jirta. Madaxweynuhu waa in uu shacabka u sheegaa in aysan waxbadan isdhaamin Galmudugtii hore iyo Galmudugtaan oo aan ka ahayn wixii kasoo baxa dadaal si wada jir ah loo galo hadda. Reer Galmudug qaab raqiis ah ayaa loogu dawladaan karaa marka la eego halka ay gaareen, sidaas daraadeed waa in uusan isku qaaliyayn madaxweyne Qoorqoor u dawladaynta shacabkiisa.

Gaban-gabo

Madaxweynuhu waa in uu shacabka u sheegaa Galmudug in ay u baahantahay geed-qaadis, limid iyo abuurasha biqlidiida la sugto. Dadku marka ay arkaan xaafiiskii madaxweynaha oo ladhisay, dhismayaal la dhaga dhigayo waxay filanayaan in ay sidaas ku socondoonto oo uu ayaka dhismuhu soo gaari doono marka danbe meel kastana la dhisi doono. Si looga fogaado isfahmdarro waa in madaxweynuhu shacabka la wadaagaa xof tifaftiran tabartoodana u sheegaa.

Madaxweynuhu waa in uu shacabka u cadeeyaa in aysan jirin wax gaar ah oo dawladda dhexe ay tarayso Galmudug hadaysan jirin, haday jirtana waa in uu u bishaareeyo oo u sheego.

Waa in shacabku iska yareeyaan filashada xaqiiqadana ay waajahaan. Galmudug waxba meel ugu ma joogaan waxaa laga bilaabayaa meel cidlo ah dadkuna waa is wada diidanyahay.

Arragtidaada waxa laqaban karo iyo waxa la filanayo ma isla ekaan doonaan?


W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla "Imaam"
https://www.facebook.com/HonImaam/?modal=admin_todo_tour
https://twitter.com/home
https://calicabdalla.blogspot.com
Previous
Next Post »