QAYBINTII MUDUG WAXAY NOQOTAY ILDUUF PUNTLAND IYO BISHAARO GALMUDUG



W/Q: Cabdifataax Imaam

Marka la qiimeeyo saamayntii ay leheed Puntland xiligii la dhisayay Galmudug, marka la qiimeeyo duruufihii lugu jiray xiligii la dhisayay Galmudug, haddii Mudug qaybta Puntland lugu soo dari lahaa Galmudug waxay qurmin leheed Galmudug oo dhan.

Galmudug waa gobol iyo bar sidaas ayay ku tahay maamul ku maqaam ah maamulada kale oo qaar sedex gobol yihiin.

Waxaan eegi doonnaa waxa suurta geliyay in ay sidaas ku ahaato maamul la miiltaysta maamullo ka gobollo badan. Waxaan sidoo kale eegi doonnaa ilduufkii iyo ayaan daradii Puntland ee dhismihii Galmudug ee noqotay bishaarada Galmudug.

Dastuurka JFD Soomaaliya wuxuu dhigayaa in ay maamul noqon karaan laba gobol iyo wixii ka badan. Galmudug waa gobol iyo bar sidaas ayayna ku martay wixii la oran jiray madasha oo ay ku midaysnaayeen madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada beesha caalamkuna ku aqoonsatay.

Galmudug in ay gobol iyo bar ku ansaxdo waxaa door muhima ka qaatay Beesha Mareexaan oo leh laba degmo kuna heshay kuraas aad u badan iyo madaxweyne ku xigeen. Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumaddii Xassan Shiiq Cabdiraxmana Odowaa ayaa bixiyay kuraastaas ayadoo ay diidan yihiin siyaasiyiin miisaan ku leh Galmudug. Mareexaan Puntland waxaa looga baytiyay kuraas baarlamaan waxaana loogu baaqay in ay wax ku yeeshaan Puntland halkii ay Galmudug wax ka dhisan lahaayeen. Wasiirkii arrimaha gudaha oo arrinta dhisitaanka Galmudug gacanta ku hayay ayaa ku baqsay oo uu u sheegay kuraas ka badan kuwa looga ogolyahay Puntand.

GARASHADII GAAS EE KURSI DAAROOD KA DHIGTAY KURSI MAREEXAAN

Haddii beesha Mareexaan aysan wax ku yeelan lahayn Galmudug, Galmudug waxaa ka maqnaan lahaa qayb ka mid ah Galgaduud iyo qayb ka mid ah Mudug sidaasna kuma dhimmi karin oo waxaa adkaan leheed in la dhiso ugu danbiintiina waxaa la mudan lahaa oo laysu dhiibi lahaa Puntland markaas ayaa la dhisi lahaa nuuca Galmudug ee ay Puntland rabto oo raali ka tahay.

Beesha Mareexaan waxay 16 kursi iyo madaxweyne ku xigeen ku heshaa 2 degmo haddii Puntaland ogolaan leheed in ay qaybteeda mudug ku darto Galmudug ayada ayaa qaadan leheed kursiga madaxweyne ku xigeenkuna wuxuu noqon lahaa kursi Daarood halka uu hadda ka yahay kursi Mareexaan waxayna Galmudug ku yeelan ahaayeen awood iyo saamayn ku filan oo ay danahooda ku baacsadaan.

Maamulkii markaas ka jiray Puntland waxay xukuumaddii Xassan Shiiq uga digeen in aysan wax kuraas ah ka siin dad reer Puntland ah Galmudug. Arrintaan waxay u aheed ilduuf iyo ayaandarro ka dhalatay siyaasad xumada masuuliyiintii xiligaas hogaaminaysay Puntland. Ilduufkaan Galmudug wuxuu u ahaa bishaaro iyo bogsiimo ay ka bogsatay saamaynta Puntalnd. Puntland xiligaas waxay eheed maamul aad u saamayn badan oo aan dhawladda dhexe xarigooda celin. Haddii ay dhici leheed in ay Galmudug wax ka dhistaan waxay qaadan lahaayeen saami aad u wayn waxayna heli lahaayeen awood saamayneed oo xad dhaaf ah.

Puntalnd dano badan ayaa uga xiran Galmudug sidii aan ku sheegay maqaal aan horay ugu daabacay blog-gayga ayna xigteen wargaysyo kala duwan oo cinwaankiisu ahaa ‘Danaha Puntland iyo Dawladnimada Galmudug’. Haday Puntland kuraas ku yeelan leheed Galmudug waxay adeegsan leheed saamaynteeda iyo awoodeeda markasta oo ay dani ka gasho Galmudug sidaasna waxaa xasilooni la’aan kusoo wajihi leheed Galmudug.

In aysan Puntland kuraas ku yeelan Galmudug waxay noqotay wax laysku eedo xiligaan Puntland dhexdeeda eedaasna waxaa loo saariyaa maamulkii markaas talinaayay ee Dr. Cabdiwali Gaas. Waxaa mardhaw soo shaac bixidoona dadaallo lugu doonayo in ay Puntland Gamudug wax ku yeelato kana hesho kuraas ayadoo soo celinaysa qaybta ay ka haysato Mudug.

Xukuumaddii Xassan Shiiq oo aheed xukuumad aan ku meel gaar ahayn iyo dadaalo uu galay wasiir Odowaa oo lugu daray ilduufkii Puntland ayaa Galmudug ka caawisay in ay gobol iyo bar ku ahaato maamul ku miisaan ah maamulada kale. Puntland fursaddii ku dhaaftay dhisiddii Galmudug in ay dib ka gawaarsato ayaa laga yaabaa, wada kaliya ee  u furan si ay iskugu dayaan in ay fursaddaas soo celiyaan waa in ay duraan Galmudugta hadda jirta oo ay ku duraan in ay tahay gobol iyo bar markaas ka dib ay dhahaan waxaan kala noqonay aqoon sigii aan u ahaynay.

Galmudug waa in ay u feejignaataa ololaha ay Puntland soo bilaabi doonto oo ay ku doonayso in ay Galmudug wax ku yeelato.

Haddii Galmudug lugu soo darayo qaybta ka maqan mudug waa in ay ku aqbalaan oo ku qaataan qiime aan wax u dhibayn oo dani ugu jirto.

Puntland xiligaan waa lala saa’iri karaa saamaynteediina waa ay yaraatay. Puntland waxaa soo maray fursad ay ku yeelan kartay Galmudug iyo jaanis ay dekedda Boosaaso uga ilaalin kartay tartanka dekedda Hobyo.

Previous
Next Post »