SAADAAL-WACAN
-saadaal wacan qaybtii labaad
ARAR:
Qormadaan waxaan oga hadlaynaa dhacdooyin Dalka ka dhacay oo
aan u aragno in ay katurjumayaan dib-u-soo kabasho, waxwadda qabsiga, iyo
iskaashiga umadda Soomaaliyeed. Bulsho ku wadda nool Dal/deegaan waxbadan ayaa
ka dhaxeeya, waxaa jira waxyaabo ubaahan in layska kaashaddo, sida in
Musiibooyinka looga falceliyo siwadda jir ah, sida in layska kaashaddo
musiibooyinka uu san hal-qof iyo hal-qays ku filayn.
Waxaan waxbadanka
xusi doonaa dhacdooyin aad usoo wadda joogteen ku waa soo Dalka ka soo dhacay,
iyo kuwo Dalka ka socda oo laga yaabo in aadnan ku baraarugsanayn walina
ishiinu qaban. Waxaaka mid ah dhaqdhaqaaq yadda Ururadda dhaliyaradda ee ka
socda Dalka, doonista wax wadda qabsi,
iyo wadda tashi ay Dhalinyaradda
Soomaaliyeed muujiyeen, istaakulaynta xiliyadda dhibta, sida gurmadkii Pizza
House, dhibtii Gaalkacyo iyo Dhalinyarada Gaalkacyo, Dhalinyaraddii
Gurmad-Qaran, iyo Gurmadii guud ee Ex-zoobe, dhacdooyinkaan dhiilada leh
dhalinyarddu dhab ayay oga jawaabeen.
Qormadaan waxaa ka
horaysay qormo kale oo kumagac ah waxaadka helikartaa daneeyoow baloogayga,
calicabdalla.blogspot.com.
Musiibo; waa
dhibaato ka baxsan ama katanwayn Awoodda Dhaqaale, Cilmi iyo maaraynta cidda ay
asiibto
XAALADDA DHALINYARADDA
MAANTA;
Dhalinyaradda Soomaaliyeed
waxay u muuqdaan kuwo doonaya wax wadda qabsi, waxaa dhaca kulamo farabadan oo
ay iskugu yimaadaan dhalinyaradu, waxay dhalinyaradda aad ugu xiisaqabaan in ay
istaageeraan wax wadda qabsadaan, in kastoo sidii loo baahnaa wali aysan gaarin,
waxay caawiyaan ummaddooda marka dhibtu jirto loona baahan yahay, sida
xaqiiqadda ah waxaa jiray doorar muhim ah oo ay ciyaareen dhalinyaraddu. Waxaan
la inkiri Karin in dhalinyaraddu ku kala firirsanyihiin Ururo farabadan, waxay
dhaantaa waayadii aysan jirin labo isku timaada. Waxa muuqdaa waxay tahay in
dhalinyaraddu ay ku qanci waayeen sidii hore, taasoo aheed in si kali kali ah
ay iskaga joogaan guryahoodda, iyo goobaha wax barashadda. Waxaa jirta qaaciddo
dhahaysa, “marka aad ku qanci wayso xaaladdaadii hore ee aad isbedel
raadiso, Hormar ayaa jira”, Dhalinyaradda Soomaaliyeed waxaa ka muuqda in ay ku qanci waayeen sidii
hore ee ay u noolaayeen, dhalinyaraddu waxay iskugu imaan jireen goobaha wax
barashadda, fadhiku dirriradda iyo goobaha madadaaladda, maanta arinku sidaas
wuuka duwan yahay, Xaafad kasta waxaad ku arkaysaa Urur dhalinyaro, Jaamacad
kastaa waxay leedahay Midaw arday, Maqaayadaad gasho waxaa shir wadatashi
ufadhiya Dhalinyaro haldoor ah, waxaa bilaawday isku masayr qabsho Xafladdo,
wacyi galin, iyo Siminaaro. waxaa bilaawday oo aanan abid horay aanan anugu intaan
Nolosha soo joogay dhalinyaro iskugu faanaysa waxaan qoray Buugaan iyo waxaan
qabtay Bandhig Carwo Buugaag, dhalinyaraddu waxay ku tartamaan Hal-abuurka iyo
wax qorista, aqrista mayla dareensantahay waxaan tirinayo, maxay kaaga dhigan
tahay?. Xiliga kala guurka dhalinyaradda horay u raac yuusan kaategin.
Dhalinyaradda
Soomaaliyeed ururo ayay sigooni gooni ah u asaasaan, wali lama gaarin
midnimaddii loo baahnaa hadana midnimadaas mar qura iskama imaan karto,
bilawgeedii ayaa muuqda, waxaa jira ururo ay ka dhaxayso wada shaqayn isna
ogol, urur radaas waxay si wadda jir ah
wax oga qabteen Pizza house, Ex-zoobe, dibad baxii Koonis, iyo aruurinta
caawinaadda Dadkii waxku noqday Qaraxaas.
Markaad ku qanci
wayso qaabka aad u nooshahay iyo xaaladda aadku sugantahay xiligaas aad
qiimaynta isku samaynayso waxaa jira hormar, markaad aragto isku masayr iyo iskaga
dayashadda wanaaga waxaa jira hormar. Ururadda tiradda badan ee dhalinyarddu asaasayaan
waxayka turjumayaan in ay sidii hore ku qanci waayeen garteenna in ay wax isla
qabtaan isna kaalmaystaan, Bandhig Carweed yadda laqabto sanad walba ee ay
magaalooyinku iskugu faanayaan, dhalinyaraduna Buugaagta ay qoraan ku soo
bandhigaan waxay ka turjumaysaa in dhanka wanaagsan loo dhaqaaqay ummadduna ay
doonayso in ay markaan bal Taariikhdooda qoraan kaydiyaanna si ay mustaqbalka
dib ugu milicsadaan. Dhalinyarada Soomaaliyeed maanta waxay ku tartamaan wax ka
qabashadda dhibaatooyinka Dalka ka dhaca, waxaan ka xusikaraa dhalinyaradda
Magaaladda Gaalkacyo, dhalinyarada Gaalkacyo waxay dhigeen dibadbax taariikhi
noqday kaa soo ay oga soo horjeedeen dhibaatadii Qadka cagaaran ee Magaaladda
Gaalkacyo ka jiray waxay muujiyeen isku duubnidooda iyo rabitaankoodda Nabadda,
waxay muddo halmaalin ku siman joojiyeen danahoodii gaarka ahaa waxay iskugu
yimaadeen danta guud ee deegaanka, waa sidaas sida loo baahan yahay dangaara
kaliya Noloshu kuma dhisna. Hadaan soo qaato dhalinyarada Gobolka Benaadir,
runtii isbedel wayn ayay muujiyeen iyo isku duubni waxay sidadda jira ugu
heelan yihiin u shaqaynta iyo caawinta Bulshadda Gobolka, waxaa aad ii cajabiyay
dhacdadii 14 October sida ay oga jawaabeen dhalinyaradda Gobolka Benaadir,
Isbitaaladda waxaa buuxdhaafiya dhalinyaro Dhiig-bixiyayaal, Xoog bixiyayaal
iyo Talo bixiyayaal ah, dhalinyaradda Gurmad-Qaran waxaa ku jiray nuuckasta
dhalinyaradda Soomaaliyeed Qurba joog, iyo Qaran joog intaba waxaa u badnaa
dhalinyaraddii Jaamacadaha waxay qabteen shaqo natiijaddeeda la mahdiyay rajo
wanaagsanna ku beertay Ummadda Soomaaliyeed. Dhalinyaraddu intaas kaliya kuma
ekaan waxay muujiyeen shucuurtooda iyo sida ay iskugu danqanayaan waxay dhigeen
dibad-baxyo farabadan haba ugu caansanaado 18kii October Koonis ka
dhacay,dhalinyaraddu waxay si gooni gooni ah u caawiyeen dhibanayaashii Gobolka
Benaadir ee Qaruxu waxyeeleeyay.
Gurmadkii guud ee 14
October;
Wixii dhacay 14
October waxay aheed dhacdo aad u xanuun badan runtii waxay taabatay cidwalba,
Dad gaaraya qiyaastii Kun qof ayaa ku geeriyooday, Dadka qaar way gubteen oo
lama arkin, qaar meesha ayaga oo socda ayay ka tageen laakiin waxay ku dhintaan
guryahooda waqtigii qaraxa muddo ka dib, qaarna waa la helay mayd koodda, kuwa
lawaayay waxay u badnaayeen Dad danyar ah Dadkooduna aysan awoodin in ay
warbixin toodda la wadaagaan meelaha ku haboon, waxaa ku taalay goobta qaraxu
ka dhacay Busteejo Shabeeladda Hoose looga baxo xiligaasna Dad badan ayaa ka
bixijiray Busteejadaas, waxaa dhoobnaa ilmo Caseeyeyaal ah oo Waalid kood Xamar
ku ogyihiin in ay jiraan warbixin toos ah na aysan ka heli jirin, Dadkaas cidi
ma sugi karto Tiradda saxdaa ee meshaas ku geeriyootay, laakiin waxaa loo
badinayaa in aysan geeriddu ka badan Karin Kun qof, in ay ka badan tahayna waa
suurtagal, xaqiiqaddu alle ayay agtaalaa.
Dhacdadaas waxaa
loogu gurmaday siyaabo kala duwan, waxaa laga soo gurmaday meeelo kala duwan
Dalka iyo Dibadaba, Muslim iyo Gaalaba waysoo gurmadeen. Waxaan is barbardhig ku
samaynaynaa gurmadka Soomaalidda iyo kan Ajnabiga.
Dawladda Ingiriisku
waxay ugu deeqday Dhibanayaashii Qaraxii Zoobe lacag gaaraysa $20000, labaatan Kun
oo Doolarka maraykanka, halka Reer Boosaaso kaliya ay ugu deeqeen ku dhawaad
nusmilyuun Doolarka maraykanka ah waxaa muuqda in farqi wayn u dhexeeyo,
farqiga u dhaxeeyaa wuxuu yahay Reer Boosaaso dhibtu ayaykay ku dhacday
Ingiriiska kuma dhicin, farqiga wayn oo udhaxeeyaa wuxuu kaloo ka turjumayaa
sida aan iskugu filannahay, sidoo kale Reer Soomalilaan kama aysan aamusin
dhibta ka dhacday Xamar aad ayay ugu duceeyeen Dadka dhibtaas wax ka soo
gaareen. Ummadda Soomaaliyeed aad ayay u kacday siyay garab istaag ugu muujiso
dhibanayaashii qaraxii Zoobe. Wadda jir waa sidda kaliya oo aan ugu guulaysan karno
waxa aan rabno. Dhalinyaradii S.Y.L waxay qaateen doorkooda, dhalinyaradda
maantana doorkoodii haddi ayuu hanaqaadayaa sidaan saadaasha ku ahayo.
DHALINYARADII S.Y.L IYO
DHALINYARADDA MAANTA;
Dhalinyaraddii S.Y.L waxay ahaayeen dhalinyaro Bulshadooda u
adeegay waxna u qabtay intii karaankooda iyo garashadooda ah, runtiina fahmay
in Bulshaddu door muhim ah oga fadhiso, way qaateen doorkoodii Heeryaddii
gumaystihii faraku tiriska ahaana way iska tureen. Dhalinyaraddii S.Y.L waxay
ku amaanan yihiin midnimaddii, is hogaamintii, dulqadkkii culays iyo
isutanaazulkii ay muujiyeen. Dhalinyaradaas waxay isticmaaleen falsafado ay ku
dhaafeen caqabadihii jiray xiligaas. Dhalinyaraddii S.Y.L waxay dhalinyaradda
maanta oga duwanaayeen xildoon maahayn, xooladoon maahayn, xalaal quutayaal
ayay ahaayeen Ilaaheey leh iskuna kalsoon, S.Y.L waxay raadinayeen Xornimo
layaqaan meeshay jirto, waxay la dirirayeen Gumayste Duq ah, iyo gumaysi aanan
anagu keensan, gumaysiga maanta aan ku jirno anagaa keensanay, harcad baan
suuqka soo iibsanahay, markaan baranay “Beesha caalamkooy Biil noo soo raadi” waxbadan
ayaa noogu soo hoosdhuuntay Beesha Caalamka, Soomaali matuugsan jirin.
Dhalinyaradda maanta;
Dhalinyarada maanta jirtaa Runta wayka dheeraadeen, waa
xildoon xooladoon ah, intaas waxaa usii dheer iskuma kalsoona, cadaankay ukala
dhuuntaan, sacaba hoorsigu waa caado halkuu ceebka ahaan jiray, micnaha gacanta
oo saysa maanta ma naqaano, cid gaara kuma riixayo waanku wadda jirnaa ee aniga
hadalkaa ii dheer adinkana aamuska. Dhalinyaradda maanta waxay raadinayaan
Xornimo ku dhexdaadsan Tiin, Gumaystaha maanta jiraa waa casri, gacan teenna
ayaanku keensanay asagu nama soo raadsan anagaa raadsanay, hadaan is ogolaanno
miyuu noo imaan lahaa, dhalinyarada maanta xornimadda iyo madax banaanidu meel
sax ah oo loogu hagaago malahan, Aduunku intii iskaga dhow daba-dhilifku waa
dho’ oo duul dhawr qaaradna iskaga gudub, dhibkaasaa haysta dhalinyaradda
maanta. Maanta shisheeyaha waa loo adeegaa asagoon Dalka iman, halka xiligii
S.Y.L shisheeyuhu koowiyo toban layaal uu la dhextaagnaa Xamar iyo Dhulkeenna
guud ahaan waxa u adeegaana wayska yaraayeen.
Gunaanad:
Dhalinyaradda maanta
waxay muujinayaan loolan, loolanka waxaa ka dhasha Nidaam haddii loolankaas
sifiican loo maareeyo, Nidaamkana waxaa ka dhasha Bulsho fayoow, aan loolanka
maanta jira sifiican u maarayno siyaan u helno Bulsho caafimaad qabta. Qofkii
arka ururo dhalinyaro farabadan ee dhismaya yuusan layaabin hadhiira galiyo
waxaa ku jira isku day wanaagsan dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed ee maanta
jirta. Qof walbaa Bulshadda waqti ha uhuro waqtiga kaligaa malihid, isdhexgalka
Bulshadda waxaa ka dhasha iskaashi iyo aragti isdhaafsi hormar horseedda. Yuusanku
dhaafin waqtiga kala guurka dhalinyaradda Soomaaliyeed.
ConversionConversion EmoticonEmoticon