DASTUURKA PUNTLAND IYO GEEDI SOCODKA FEDERAALKA

Qormadaan waxaan ku eegi doonaa Dastuurka Puntland iyo Dastuurka federaalka meelaha ay iskaga hor imaanayaan, meelaha Dastuurka Puntland wax ka yeelayo midnimada, sharafka, iyo karaamda gayiga Soomaaliya. Waxaan sidoo kale ku waadixin doonaa meelaha ay ka jara-dhaceen siyaasiyiintii reer Puntland ee dejiyay Dastuurkaan, sidoo kale waxaan kula hadli doonaa bulshada rayidkaa ee PL iyo madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni.

PUNTLAND
Maamulka Puntland (MPL) waa maamul soo jiray mudo 18sano ka badan, wuxuu soo maray qulqulatooyin badan wuxuuna usoo dhabar adaygay marxalado kala duwan. MPL waa ka waynyahay maamulada kale, sidoo kale, waa khabiir ka xeel dheer maamulada Soomaaliya intooda kale, PL sidaas ayay is-xilqaan dheeriya ugu gashay arrimo badan oo ay u horeeyaan arrimaha federaalaynta Soomaaliya maadaama ay tahay khabiir soo jireena. PL aragti iyo qadiyad ayay ka leedahay sidii lugu gaari lahaa Soomaaliya barwaaqaa oo PL ka dhexmuuqato. PL waa maamul dhaqaale ahaan ilaa xad isku filan waliba aruursan oo federaalka sirtiisa ka qarsada halka aysan maamulada kale isku filayn oo aysan sirtooda federaalka ka qarsan karin. PL waa qaan gaar, waxay leedahay cuqaal, iyo siyaasiyiin haga.

ISMAANDHAAFKA DASTUURKA PL IYO KAN FEDERAALKA
Dastuurada maamul goboleedyadu waa in ay waafaqaan kan federaalka, PL waxay leedahay dastuur ay ka shidaal qaadato, kaasoo ka horeeyay kan federaalka waxaana jira meelo uu ka khilaafsan yihiin, PL waa hooyada federaalka Soomaaliya. MPL ayaa u ololeeyay kana danbeeyay in Soomaaliya federal qaadato, sidaas darteed PL waxaa saaran xil gooniya haday ahaan leheed sidii loo hir-gelin lahaa fereraalka iyo sidii loogu dhega fududan lahaa dawlada federaalkaa gaar ahaan arrimaha dastuurigaa waa in maamul goboleedyadu oga danbeeyaan Dawladda federaalkaa (DF).
Hadaan fiirino qodobada dastuurka PL ku khilaafayo kan federaalka gobadanimadana ku waxyeelaynayo. Waxaan ku bilaabaynaa qodobo hoosaadyo kuyaala dastuurka PL oo muujinaya in PL midnimada Soomaaliya ku aqbashay hanaanka federaalkaa oo hadii hanaankaas aan la qaadan lahayn ay ka go’ileheed Soomaaliya. waa qodobkaa 3aad faqradiisa 4aad, wuxuuna oranayaa,,,’
 “,,,,Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobka 3aad, hadiiba;
      b) Soomaalida ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga.
      t) Aydaba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya”.
Hadaan idin xusuusiyo faqradaha la sheegay ee 1aad, 2aad, iyo 3aad waxay ka hadlayaan in Puntland ka midtahay Soomaaliya, iyo midnimada Soomaaliyeed. (faahfaahin dastuurka PL udoono)
Qodob hoosaadyada b) iyo t) waxaa ka muuqda hadii federal laqaadan waayo amaba laga noqdo PL wayka fiirsanaysaa kamid ahaan shiyaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa ka muuqda in PL u diyaarsaneed badiil dawladnimo u gaar ah oo ay meesha nooga tagi rabtay hadii Soomaaliya soo xasiliwayso. Sidoo kale hadii haddii laga laabto federaalka PL ayaduna waxay samayn doontaa go’aano ay oga jawaabayso sida muuqata.
Isla qodobka 3aad, faqradiisa 3aad, PL waxay ka madaxtaagaysaa dawladda federaalkaa maadaama ay tahay hooyadii federaalka wuxuuna leeyahay sida tan….’
“,,,,,,inta Dastuurka Dawlada federaalkaa laga marinayo afti dadwayne waxay Puntland ka madaxbanaantahay maamul ahaan Dawlada Federaalkaa”,
Maadaaba PL ayadu riixayso arrimaha federaalaynta Soomaaliya waxaa habooneed in ay qoordhiibato oo aysan qodobkaan iskaga moosin federaalka si maamulada kale ugu daysadaan.
Markii dal qaato hanaan Federaali ah, awoodaha dawladu way qaybsamaan, sida badan waxay u qabysamaan sedex darejo, 1) awood maamul goboleedku leeyahay, 2) awood Dawlada Federaalku leedahay, iyo 3) awood labadoodu wadaagaan oo ka dhaxaysa. Awooda Federaalku wuxuu noqdaa sida badan afar awoodood a) awooda arrimaha lacag samaynta, b) awooda arrimaha milateriga, c) awood xiriirka dibadaa, iyo d) Awooda xuduudaha, iyo jinsiyadaha oo iswata. Awooda xuduudaha iyo jinsiyaduhu waa biyo kama dhibcaan waxaa iska leh federaalka. Nasiib daro PL awoodahaan way faragelisaa gaar ahaan awoodaha lacagsamaynta, xuuduudaha iyo jinsiyadaha iyo awoodda xiriirka caalamigaa. PL waxaa lugu sameeyaa lacag, sidoo kale Dastuurka PL waxaa ku cad in dadka PL ay leeyihiin jinsiyad Puntlander ah waxaana cadynaya, qodobka 4aad, faqradiisa 1aad, waxayna leehahay sidaan,,,’
“,,,Dadka Dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland”.
Qodobkaan waxaa la mid ah qodobka 38aad, faqradiisa 1aad, oo oranaysa,,,’
“,,,,Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland waa muwaaddin Puntland”.
Sidoo kale Dastuurka PL wuxuu fegeragaliyaa awood xuduudaha iyo xiriirka dibadaa, sida ku cad qodobka 80aad lambarkiisa 8aad ee Dastuurka PL waana sida tan,,,,’
“,,,,Madaxweynuhu (waa kan PL e) wuxuu amraa, horana u mariyaa xiriirka caalamiga ah ee Puntland, wuxuuna ka xaajoodaa dabadeedna saxiixaa heshiisyada caalamiga ah’.
PL oo ah Hooyada federaalka haduu sidaan qabo Dastuurkoodu waxaa muuqanaysa culays saaran federaalka kuna hor gudban arrimaha dardar gelinta hanaanka federaalaynta oo uga imaanaya maamuladii ugu muhiimsanaa Soomaaliya.
Waxaa jira Qodobo aad uga adag kuwaan oo ku dhawaanaya hadaanayba waxyeelayn midnimad, karaamada, iyo sharafka gayiga Soomaaliyeed waana qodobka 8aad, faqradiisa 2aad, oo oranaysa,,,’
“,,,,Diin aan tan Islaamka ahayn laguma faafin karo dalka Puntland”,
PL dal maahan, in ay dal sheegataana waxay wax yeelaysaa karaamada gayiga Soomaaliya, dal wuxuu leeyahay qeexitaan wixii larabana looma isticmaali karo.
Waxaa jira qodob kale ku yaala dastuurka PL oo muujinaya in PL isu aqoonsan tahay Qaran, waana qodobka 39aad faqradiisa 1aad, qaybtiisa t) oo dhahaysa,,,’
“,,Adkaynta midnimada ummadda iyo ilaalinta jiritaanka qarannimada Puntland”.
PL qaran maahan waa maamul ahna hooyadii federaalka Soomalaiya, in ay qaran sheegatana waxay wax yeelaysaa midnimada Soomaaliya. Qaran wuxuu leeyahay shuruudo iyo qeexitaan cayuman wixii larabana lagama dhigi karo qaran.

SAAMAYNTA SIYAASADDA PL
PL waxay leedahay saamayn aad u saraysa oo laysku halayn karo, Maamulayaasha PL waxay saamayn ku leeyhiin siyaasaDda dhaqaale, amni iyo musqatbal ee dalka, waxay leeyihiin cadaadis siyaasiya oo aad u sareeya, haday garab istaagaan dawlaDda federaalkaa siyaasada Soomaaliya way degtaa laakin haday ka soo horjeestaan siyaadada federaalka ee ay taageeraan dawladaha Soomaaliya ay isdiidan yihiin siyaasad ahaan Soomalaiya ma xasisho. MPL waa maamul gu’yaal jirsay xiriiro badan oo dibadeena leh, waxaa jira aragtiyo yiraahda mPL wakiilLo ayuu ku leeyahay dawladaha qaar asagana wakiillaa jooga.
Siyaasiyiinta PL waxay galaangal u lahaayeen meelaha lugu karkarinayo siyaasada Soomaaliya xiligii la qorayay Dastuurka kumeel gaarkaa ee Soomaaliya, waxaa jira qodob ku qoran Dastuurka Soomaaliye oo ka hadlaya awoodda maamul goboleedyada, iyo Dastuurka maamul gobleedyada, waa Cutubka 15aad, madixiisa labaad, qodobka 142aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu u dhiganyahay sida tan,,’
“,,,Inta laga gaarayo goorta dhamaan Dastuurada dawladaha xubnaha ka ah federaalka la waafajinayo Dastuurka Dawlada federaalkaa ‘maamulada jiray’ ka hor inta aan la qaadan Dasuurkan kumeel gaarkaa ahi waxa ay sii haysanayaan awoodaha Dastuurkoodu siinayo”.
Qodobkaan PL ayuu difaacayaa, waayo kaligeedaa jirtay xiligii la qaadanayay dastuurkaan kumeel-gaarkaa, waa cajiib in laga helo Dastuurkii dalka qodob dad gaara difaacaya, wuxuu ku difaacayaa wax kasta oo uu Dastuurkoodu qabo, wuxuu ka mid yahay meelaha tusinaysa awooda saamayneed ee PL. Dastuurka PL waxaa dejiyay siyaasiyiin siyaasada ugu jira qadiyad ee aan iskaga jirin, qadiyasaas maahan mid si sahlan loo fasiri karo.
qasriga M.PL
BULSHADA RAYIDKAA ee PUNTLAND
Shacabka PL waa shacab ilbax ah, jecel dawladnimada, jecel midnimada ummadda Soomaliyeed,sidaas darteed waa in bulshada rayidkaa ee PL tilaabooyin ay ku xoojinayaan karaamada gayiga Soomaaliyeed ayakoo abaabulaya doodo furan oo lugu eegayo qodobadaan cabsida ku abuuraya dadka jecel midnimada Soomaaliya. Dastuurka Puntland waa aag ay ka jirto khatar badan oo ka dhan ah midnimada, karaamada, iyo sharafka gayiga Soomaaliya marba haduu qabo in PL tahay dal, iyo qaran. Dastuurka Puntland beelana wuu ka soo bilaawday, Beelana waa lugu xooxiyay, Beelana dantaa ku qasabtay waa in si wada jira ah dib loogu eego dastuurka PL.
DENI IYO QADIYADA PL
Talada dalka PL waxaa la wareegay Madaxwayne aan waxbadan laga aqoon oo xambaarsan qarsada qadiyadii aan horay u soo sheegay laakiin qarsada, malihi qadiyad uguma jiro siyaasada wuu ugu jiraa. Deni Dastuurka PL kor uma aqriyo oo cidna ma maqashiiyo wuxuu iska ilaaliyaa hadalada xanafta leh intii karaankiisaa, hoosbuu u aqriyaa wuxuu farayana wuxuu u fuliyaa siyaan laga didayn. Madaxwayne Deni dalka iyo dadkuba damac ayay ka leeyihiin, dadka PL waxay ka sugayaan doorasho qof iyo cod ah, dhamaystirka dekeda Garacad, iyo guud ahaan horumarinta qadiyada reer PL, sidoo kale dadka Soomaaliyeed waxay ka sugayaan in uu Dastuurka PL iyo kan DF-kaa kala madax duwo oo yareeyo iska hor imaadka labada dastuur oo uusan wax yeelayn quluubta shacab waynaha Soomaaliyeed.
Gaban gabo:
PL waa halka looga saldhigi karo dawlad Soomaaliyeed oo hana qaada, sidoo kale halka lugaha laga qabankaro dawladnimada kufaadhacaysa ee Soomaaliya, waa halka laga waraabin karo hanaanka federaalaynta Soomalaiya, waana halka laga lug jiidi karo.
Hooyada federaalka Soomaaliya (PL) waa in ayadu uga hormartaa u hogaansanka awaamiirta kasoo fusha federaalka maadaama ay tahay halkii uu u ciirsanayay oo ku abtirsanayay federaalku maahan in ay ayadu u horayso waxa yiraa xiriirkaan u jarnay, waa lugu dayanayaa wax wanaagsan waa in looga daysado.
Dastuurka PL waa in uu san noqon mid ummadda Soomaaliyeed walaac ku beera, awoodaha federaalkana carqaladeeya, waa in uu san marnaba u muuqan mid wax yeelaya dhawrsanaanta sharafka iyo karaamada gayiga Soomaaliyeed.


W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla "Imaam"
calicabdalla.blogspot.com
https://www.facebook.com/HonImaam/?modal=admin_todo_tour
https://www.twitter.com/fitah252
Previous
Next Post »

2 Comments

Click here for Comments
June 18, 2019 at 11:33 PM ×

Run ahaantii waa qormo si Xirfadaysan loo tifa tiray kuna qoran luuqad diplomaciyadeed.

Reply
avatar