Qodobadaan waa qodobo aan is leenahay waxay suurta gelinkaraan in uu waaro Jacaylka lamaanayaashu isku qabaan, sida caadadaa Bilaha hore waa lays jecelyahay si aadna waa laysku xiiseeyaa, xiiga lugu jiro todobada ama bilaha u horeeya ee guurka lamaanayaasha hadii layiraa cabira dareenkiina ku aadan xiisaha aad isku qabtaan, Jawaaabtu waxay noqonaysaa macabiri karno
aadbaan usu jecelnahay IWM ah. ayaan markii laysla joogo waa la kala xiisaa labo magacna
waa laysku bixiyaa ilmahayga Aabahood, iyo
ilmahayga Hooyadood ayaa laysugu yeeraa. Wax aadnaan
aqoon idiinma sheegi doono waxaan sikale u dhigi doonaa waxyaabo aad taqaanaan
dibna idiin xusuusin doonaa.
waxaa laga yaabaa in
aanan isku si u arkin kuna kala aragti duwanaano qodobada, muhiimna aadan u
arkin si ka duwan sida aan u arko anugu. Si ay qodobadaan kuugu
muuqdaan sida ay iigu muuqdaan kaalay indhahayga qaadoo oo gasho kuna fiiri, markaas
isku aragti ayaan ka noqonaynaa sida aan muhimka ugu arko ayaad muhim ugu
arkidoontaa aqriste.
Qodobada ayaan gudugalaynaa;
HABEENKII ISLA BAXA OO
ISRAACA;
watigaagu wuxuu u qaybsamaa habeen iyo maalin, Maalinkii waa shaqo sida aduunyo looga bartay, waa iska yar tahay waxa uga soo haraya duca-qabtadaada caadiyan, habeenkii waqti sii duco-qabtadaada oo waaxaad u wadaa goobaha qurqurxoon lana qaado waqti kulana qaado meelo ka baxsan guriga. Guriga markasta ayaad isla joogtaan, isbalansada qorshaha isku darsada, samaysata waqti aad dibadda guriga ku wadda qaadataan. Liido, Beerta nabadda, Jaziira, Daaras salaam, iyo goobaha lamidkaa, saaxiibadaa un ha’uwadin, waqtiyada nuucaan ah, saaxiibadaa kaliya uma baahna. duco-qabtadaadu waatan ugu baahida badan waqtiyadda nuucaan ah in aad la qaadato, halaysku faano yaan la kala faanin. Raggu sida ay u badan yihiin waxaad moodaa in ay iskala wayn yihiin Xaasaskooda marka laga eego sida ay san oga soo hormuuqanayn Bulsho waynta kale ayagoo la xaragoonaya. Muhim maahan in Xaaskaagu aad u qor qorantahay korkana ka quruxsantahay waxaa ka muhiimsan in ay ‘gudaha/qalbigaka qurxoontahay’. Kafarxi, kubeer rajo wanaagsan oo ay lanoolaashiyahaaga ku qabto. Barako ma leh mar haday qalbigeeda gasho ama gaarto saan yeelaa wuu imehersaday dhawrna waan udhalaye.
watigaagu wuxuu u qaybsamaa habeen iyo maalin, Maalinkii waa shaqo sida aduunyo looga bartay, waa iska yar tahay waxa uga soo haraya duca-qabtadaada caadiyan, habeenkii waqti sii duco-qabtadaada oo waaxaad u wadaa goobaha qurqurxoon lana qaado waqti kulana qaado meelo ka baxsan guriga. Guriga markasta ayaad isla joogtaan, isbalansada qorshaha isku darsada, samaysata waqti aad dibadda guriga ku wadda qaadataan. Liido, Beerta nabadda, Jaziira, Daaras salaam, iyo goobaha lamidkaa, saaxiibadaa un ha’uwadin, waqtiyada nuucaan ah, saaxiibadaa kaliya uma baahna. duco-qabtadaadu waatan ugu baahida badan waqtiyadda nuucaan ah in aad la qaadato, halaysku faano yaan la kala faanin. Raggu sida ay u badan yihiin waxaad moodaa in ay iskala wayn yihiin Xaasaskooda marka laga eego sida ay san oga soo hormuuqanayn Bulsho waynta kale ayagoo la xaragoonaya. Muhim maahan in Xaaskaagu aad u qor qorantahay korkana ka quruxsantahay waxaa ka muhiimsan in ay ‘gudaha/qalbigaka qurxoontahay’. Kafarxi, kubeer rajo wanaagsan oo ay lanoolaashiyahaaga ku qabto. Barako ma leh mar haday qalbigeeda gasho ama gaarto saan yeelaa wuu imehersaday dhawrna waan udhalaye.
SAMEEYA GOOB XANAAQA KA
CAAGAN: qofka Binu
aadamkaa xanaaq iskama dhaynkaro wuu se iska yaraynkaraa. Labada qof ee
lamaanaha ah waxay awoodaan in ay san gurigooda xanaaqku wadda joogin, marka ay
ugu yartahay waa in aysan qolka jiifka xanaaq ku soo gelin. Qolka jiigku waa
meel culayska looga nasto, iyadoo Guriga dhanba aan loogu tala gelin Xanaaq. Diyaarsada
Loowxo ayku qorantahay goobtaan Xanaaq
maya, sura Qolka Jiigka iridiisa si aad ugu xusuusataan marwalba. Arintaan
waxay si nafsi ah qofka ugu sheegaysaa in uu isdabciyo, furfurnaadana waxaa
markaas sahlanaanaya in lays waan sado laysagana faa’iidaysto meeshaas Xanaaqa
ka caagan.
MAGAC KUUGAARA
BILKASTANA AAD KA BEDESHO; Duco qabtadaadu magac la’aan maahayn marka ay kuu timid, magac ayay
leedahay waalid jecel ay u xuleen. Haku daynin magaceedii hore Dadka dhan ayaa
ugu yeera, ula bax midkuu gaar ah ee aad ugu yeedho kaligaana aad isticmaasho,
sida sharaf, qaali, dhamma', Cunto macaan,
Timo ku biriq-leey, Raad ku qurux badan, IWL. Sii duco-qabtadaad magac bixinku
haboon adigaa iga yaqaane, Bilkastana ka bedel magacaas, Tusaale markii aad
magac ugu yeerto qiyaastii Bilku dhawaad kabedel adigoo lafiir sanaya laxdo ama
dhacdo ku haboon in aad kabedesho, sida marka ay subixii quraacda kuu keenta
dheh saaka quraacdu caadi maahan, magacaas ayaad mutasatay. Waxaan ku talin
lahaa magaca aad ubixinayso in uu noqdo midka turjumaya naxariis waayo way kuu
naxariisataa markasta oo culayska ayay kaa yaraysaa duco qabtadaadu.
WEELKA MEESHA AY KACABTO
CAANAHA/BIYAHA KACAB; tani waa nuuca ugu sareeya farakaciyaarka ay sameeyaan lamaaayaashu, waa
kaftan iyo isku dhedhejin aad isku dhedhejinayso duco qabtadaada, waxay
muujinaysaa sida aad iskugu dhawdihiin, sida aadnan waxba u kala ahayn. Marka
aad sidaan samaysaan Shaki kuma jiro in uu idinka imaanayo hadal aadku
nefistaan, ma sharixikaro waxa ay xanbaarsantahay waxaan u daynayaa Culimadda
Cilmu-nafsiga, Nabigeena NNKH ayaa Taariikha looga hayaa in uu samayn jiray
sidaan. Nabigu NNKH wuxuu eegan jiray weelka meesha ay Afka saarto Hooyo
Caaisho Alle haka raali noqde’, lafta meesha ay ka feenato ayuu ka sii feenan
jiray. Isku dhiiba caanaha qofba mar hakabado, umu teedku markii uuidinka
xiranyahay, intaan yartaa isku dhib is dhaha aydaaba idinku tegiye.
SUUREE; Dumarka waxaa loo yeelay wali, waa
xigmad Alle’. “Feerteena ayaa laga jeexay” waxa xigmad Alle’. Muxrim ayaa loo
yeelay waa xigmad Alle’. Nolosheeda Ilaalinteedu qof ayay dulsaarantahay Waa
xigmad Alle’. Duco-qabtadaada Wali ayaa kugu salimay siyaad u ilaaliso una
dhawrto waxaa lagaaga baahanyahay in aad sida ay tahay u gudato ilaalintaade,
jir ahaan iyo qalbi ahaan. Qodobkaan kalama jeedo in ay san isku filnayn,
kalama jeedo liidis iyo hoos udhigis, xaashaa lilaah waxaas maankaygu ma soo
qabto. Dumarka waxaa ku beeran maado ubaahinaysa in aad loo suureeyo loona
ilaaliyo markastana lala socdo, gaar ahaan xiliyada culaysku jiro sida marka ay
kala beermayso, marka ay nuujinayso, marka ay foolanayso, marka ay cuslaato,
iyo waqtiyada kooban ee ay guriga ka maqantahay. In aad hadba tiraa
sideetahay/maxaad qabtaa waxba kaama dhibto ayadase wax wayn ayay gelinaysaa,
arintaan waa wax Dumarka ugooni ah hadaanahay Rag in nala yiraa hadba
sideetahay, xageed maraysaa, iyo IWL ah, micne nooma samaynayaan laakiin
Dumarka waxay usamaysaa micno, suuree xaaskaaga.
AMAAN; Amaan xaaskaaga sidoo kale xus hadba
ayadoo ku maqlaysa sheeg sheeg hawsha ay kuu hayso iyo culayska ay kaaga aadan
tahay, dheh hadba “markaad dhimataa war ii yaal”. Waxay xaaskaagu kuugashay soo
koobo waxay kuugu deeqday Xoogeeda, Gabar nimaddeeda, Riximkeedda, iyo
waqtigeeda. Nabigaa yiri NNKH isu hadiyeeya aad is jeclaatiine Nafteeday kuu
hadiyaysay maxaa ka sareeya. Xusidda waxa ay kuuhasyo waxaa ka dhalanaya labo
arin, 1) in aad adugu ogaato sida ay culayska kaaga hayso kuuguna
naxariisanayso, shaki kuma jiro in aad ku darayso go’aamadda aad qaadanayso
ileen waxaad ogtahay doorkeeda e. 2) in
ay ogaato waa Duco-qabtadee doorkeeda wax yaabaha ka la soo gudboonaada
dhankaagana aysan u arkin wax ku yimid in aysan muhim ka ahayn agtaadana ku
fududahay. Xaaskaagu marka ay kaala kulanto wax ay u ragto in aysan ku
haboonayn waxay eegaysaa waxii ay agtaada ka aheed haday aheed qof aad usoo
xaluulato marka aad daasho ee magaaladdu ku soo nacdo, hadaad qalad yarka gasho
qiil kuuma hayso, xalkuna wuu kugu adkaan doonaa. Sika duwan, duco-qabtadaada
hadaad Boqorad yar ka dhigto, intaan kor kusoo xusay, iyo in ka dheeriya Amaan
aad ka soo siibto ayada dhan far iyo food, Maryaheeda Habeenba mid barko barkin
marabou dheh, waxaa imaanaya in ay istiraa ogaaw kani aduu dadkugu yahay
kaamana maarmo, isla markaas hadaad qalad ka gasho waxay kuu arkaysaa qof aan
dantiisa aqoon oo Boqoraddiisii isku taataabtay, waxay ku fekeraysaa in aad ka
baqayso in ay ku liqdo, halmar hadaad dhahdo ‘Abaayooy icafi’, ‘Dantaada ma taqaanid haye waanku cafiyay’ ay
horay kaadhihi doontaa, xalkuna wuu kuu fududaan doonaa ileen horaaad oga soo
shaqaysee.
NADAAFAD; nadaafaddu door ayay ka ciyaartaa
Nolsoheena qaybaheedda kala duwan, hase yeeshee masiino ahmiyaddii loo baahnaa,
wax sida ay muhiimadda uleedahay u dul istaagay oo oga waramay waxaa laga arkaa
Diinka, Salaadu waxay xanbaarsantahay xigmad ah in la ilaaliyo Nadaafadda, ka
soo tag Dahaaradda kama hadlayo, si kale ayay Salaaddu uxanbaar santahay oo hoosta
ugu wadataa in Nadaafaddu suulin oo markasta qofku nadiif iska yahay. Xadiis
ayaa dhahayay Nadaafaddu waa Imaanka barkiis, in kastoo xadiiskas Daciifyahay
hadana waxaa laga dheehanayaa sida Dahaaradda loo wayneeyay si aanan Nolosha u
dhibsan. Haddii aysan Nadaafadi jirin Nolasha waa ladhibsan lahaa bal feker
aduguba caqliga waxaa lugu siiyay in aad fekerto e, farxad yaan la kala raadin
hadaysan Nadaafadi jirin.
Nadaafadda marka aan leeyahay kama hadlayo meel qura iyo
waqti gaar ah, waxaan ka hadlayaa Guriga gude iyo dibad, Dadka ooga iyo marasho,
Caruur iyo Waalid intaba. Marka sayidadaada/sayigaaga xarago kaliya tahay/yahay
xiliwalba iyo Goor walba waxaa kuu muuqanaya quruxdeeda/diisa mafiirinaysid
cidkale, markaad aragto Gabar xaragoonaysa waxaa loo baahan yahay in aad
xusuusato Boqoradaadii oo laafyaha tuuraysa, is lamarkaasna aad hoos ka tiraa
walee midaan ka soo tagay, laakiin haday tahay Baali maxusuusan doontid, qofaan
nadaafad lahayn xusuus kuma fiicna. Biyo waa lama waa yaane, Cadaygaagu hakuu
tiirsanaado Shaambadaadana soo dhawyso taladda intaas Ayaan ku soo koobayaa.
Sida caadada noo ah waxaan is nadiifinaa xiliyo gaar ah, sida
marka aan xafladaha u socono, iyo marxalado gaar ah, Raggu waxay is nadiifiyaan
marka ay Baladka aadayaan, Dumarkuna Aroosyada ayay udiyaarsadaan wixii saanad
ay haystaan. Qodobadda aan sare ku soo xusay waxay ku saldhigtaan qodobkaan
haddii la waayo ama laga gaabshana masuurto gelikaraan qodobadda sare. In
laysraacoo laysku faano xaragadu waa ka koow. Qodobkaan aad haloo sugo.
F.G; sedexda qodob ee dhiman si ulakac ah Ayaan ureebay,
qofkii aan isku aragno goobaha nasiinada galab casirkii anoo faraxsan
Nasiibkiis waan oga dhici oon u sii dheerayn qormadda, laakiin halkaan kuma
qorin mudanayaal.
Gaban-gabo;
birta hadaan lagaraasayn waa is cuntaa, Binu aadamku waa
sidaas oo kale garaaso ayuu ubaahan yahay, qodobadaan waa qodobo aan u arko
haddii la dhaqan galiyo, gaar ahaan dhalinyaradu dabaqaan in ay wax badan ka
qabanayaan kana bedelayaan dhaqanka guracan ee ka dhexjira Bulshaddeena. Lamaanayasha
waxaan kula talinlahaa in qofkasta dhankiisa arinta ka fududeeyo, qof walbaa
haku dadaalo sidii qofka kale Ishiisu uqaban laheed, yaan lakala faanin waqti
yada qaaligaa halaysla qaato, yaan lays xaqirin sisax ah halysu qeexo qofkastana
doorkiisa haloo qiro, halakaftamo, isi suureeya oo halaysu ilmeeyo, halaysugu
yeero magacyoka turjumaya waxa laysku yahay, halaysku mashquulo yaan la kala
mashquulin. Guryihiinna haka dhiginina Qubuur, qubuurahaan laysla hadlinoo lugu
farxin. Taaktikada iyo farsamadda aad isticmaalayso hakuu kala reebnaato yay
halmar kaawadda noqon sida qodobadda qormadaydu kalaharka u leedahay.
W/Q: Cabdifatax “IMAAM”
ConversionConversion EmoticonEmoticon