Soomaalidu waa bulsho da’ayartu
aad ugu badan tahay, waa nasiib iyo hadiyad Alle laga helay, mudanna in lugu
xamdiyo si ay noogu siyaado, Dhalinyaradda Soomaaliyeed bulshada waxay ka
yihiin 75% celcelis ahaan sida ku cad haayada qaramadi midoobay war bixin ay soo saartay. Da’yartu waa hantidda, xoogga waxsoo saar, awoodda
difaaca, iyo xildhibaanadda Dalku leeyahay. Gayiga Soomaaliya Guryaha, goobaha
cibaadadda, iyo goobaha wax barashaddu waxay laciir-ciirayaan da’yar
Soomaaliyeed, halka goobaha go’aangaaris aan lugu arkin dhalinyaro taasoo
dhalinyarada ceebku ah, salkana ku haysa mahmaahyadii Soomaaliyeed ee
dhahaysay “ninkii seexdaa siciis dib-dhalaa”, dhalinyaro goobahaas cidina inama gaynayso, waa inaan
isgaynaa anagu. Dhalinyaraddu malahan wax cod ah iyo wax awood ah taa soo ka
dhalatay midnimo la’aanta dhalinyaradda soomaaliyeed.
Ururada dhiilada ku dhisan ee
codka dhalinyarada wiiqay:
Dhalinyarada Soomaaliyeed maysan
helin Dawlad hagta, hormarisana danahooda, waxaa saamayn wayn ku yeeshay
dhibtii iyo duruufihii Dalka ka jiray ee Dawlad la’aanta laga dhaxlay, dhalintu
tiro ahaan aad ayay u badanyihiin, laakiin waxaan jirin toyo muuqata oo ay
leeyihiin, ayakoo tirabadan in ay san wax tayaalahayn waxaa keenay mid-nimo
la’aan, iyo kala tag dhexdoodaa, isbarbar-yaac ayay ku kala maqanyihiin. Maanta dhalinyarada
nisiibdaradda haysata waxaa ka mid ah, waxay diideen in ay samaystaan daladwayn
oo midaysa ‘hadafkoodda’ iyo Taladooda, ay na ku dhex-tartamaan, lugu barto
keenii haldoor ah, iyo midka ku soo xiga
ee bedelikara, tartankaas waxa ka soo baxa Dalka danwayn ayaa ugu jirta, waana
waxa uu waayay Dalku. Dhalinyaradeenu ma’ogola isu keensiga cududda, aragtida, iyo codka, malahan kala
sugasho iyo kaadsi, keebaa inoo mudan hogaaminta!!, tartan iyo xifaaltan waxqabad salka ku
haya ayaa loo baahanyahay, qofka ka soo dhexbaxa urur ka kooban kun xubnood iyo
deegaanno badan wuxuu ka tayo badan yahay qofka ka soo dhexbaxa urur ka kooban
afar istaqaan iyo hal-xaafad. qof walbaa wuxuu rabaa in uu ka bilaabo meesha u
saraysa, tartan ma’ogalin, iskuma kalsoonin, tartanka Ayaan ka wada dhuumanaynaa,
waxaan hareer maraynaa tartankii wax dhisayay oo ah mid adag, waxaan raadinaynaa meelo jilacsan. Kabilaabidda meesha ugu saraysa,
qofku wuxuu ku heli karaa waa in uu samaysto urur u gaar ah ee asagu leeyahay,
halkaas ayay ka timid daciif nimadda keentay tayo la’aanta!, sidaas ayay ururradii
ku noqdeen afar is taqaan iyo urur-yaroon meel gaarin, tabartiisuna ku egtahay
falaash afar sawir ku jirto, sawiradaasoo labo beentahay, labada kalana micnawayn aanay lahayn, waa intay awoodaan falaash kaa su. Munaasabadaha iyo kulamadda muhimka u ahaan
lahaa haday dhalintu la yimaadaan wax
macina leh, (waa isku duubnaan e), waxaan la nimaadnaa waxaan u adeegayn
danaheenna ee u adeegaya cidwalba ee dani ugu jirto fawadada, waxaan la nimaad
Qiiro Been ah, xiiso aan xal ku jirin, xamaasad xadidan kuna siman
munaasabaddaas, iyo qab-yari, Urur walbaa wuxuu guul wayn ku tilmaamaa markii falaashka
ay wataan ajaaniibta halkaas timaad la fiiriyaan, Businesscards na ka soo
aruursanno Dad wax nooga soo kordhaya aan la arkin, guusha aan raadinayaanno waa
taas un, wax nooga danbeeyaa oo qorshaa majiro. Waxay aheed inaan ka fakerno
wax ka wayn intaas, waxay aheed in aanan ku qancin waxa aan mudanahay wax aan
ahayn, qabkeenu wuu jaban yahay, kornooma hayn karo qabkeennu!!. Midnimadda alle
ayaa dhigay miiqaam sare, waana na laaka reebay kalatagga waana nalookaga digay,
mirihii kala tagga Ayaan guranaynaa hadda. Dani nooguma jirto in aan ka
sacbinno xafladaha nugu magacaaban ee aanan anugu dhigan ee la dhigtay, sidda 12ka August, niyaddeenu way
fiicantahay, laabteenuna way xaarantahay, laakiin garashaddeenu way
gaabantahay, gaabis ka na waxaa ku riday Gar-madoowda naga horaysa eel ay
dhigeen, Dal waxaan ka dhaxalnay Dawladdu daciiftahay. Dhalinyaro baraarugga, dhiimiya dhugtiinna, dheefsada dhulkiinna dhaxal Aabe weeyaan, dhawr aan u dhalanoo
dhulshisheeya katimidbaa dheefsanaysa maanta.
GU-GACA MAANKA DHALINYARADDA:
Dhalinyaradda soomaaliyeed
maskaxdoodu way curatee yay qayoonin, maanka dhalinyaradda wuu wadda guuxayaa,
haladoogto. maanta qofkii dhalinyaro ah oo aad la sheekaysato aad ayaad u la
dhacaysaa sidda uu u fekerayo, iyo meesha uu ka fekerayo hadana ficiladddu
mafiicna waxaan kala jeeddaa sida ay rabaan in ay ku gaaraan maahan sidii sax
daaheed ee larabay in ay ku gaaraan, himiladdeenu way qayirantahay
hiigsigeenuse wuu sareeyaa, waxaan u baahannahay in aan himladdeena qayaxno si
aan u gaarno hiigsingeenna, waxaad arkaysaa dhalrinyaro isku abaabulaya sidii
ay u samayn la haayeen samo-fal, tusaale ahaan waa Taban dhalinyaro ah, arday
ah, ku tiirsan gacan cid kale, is la markaas waxay doonayaan in ay kafaalo qaadaan
waxbarasahdda 100 dhalinyaro Soomaaliyeed, waa arin fiican, laakiin mala
yeelikaraa haddii layeelo muddo intee in la eg lasii waddi karaa?, Hiigsigu wuu
fiican yahay, laakiin wadda loo marayo ayaa qaldan. haddii tabonkooddu is kugu
tagaan hal-qof way awoodaan, barrina mid kale ayay ku dari karaan ilaa ay ka
gaaraan kumanaan.
Ururadda dhalinyaradda ee maanta jiraa waxay ku dhisan yihiin sidda ay u badan yihiin labo qaab, 1) dhalasho wadaag: 2) Degaan wadaag, way fiicantahay oo maxuma laakiin waa in ay midoobaan ururaddu dhamaan, si ay tirabadiddu micne u samayso, si ay saamayn uyeeshaan, cudud muuqatana u noqdaan, sida kaliya ee aan ku saamayn karno cid kale waa midnimo, markaan midoowno waxaan go’aaminkarnaa masiirkeenna, waxaan wax ka badeli karnaa sidda hadda wax ku socdaan oo ah in aan ka sacabtunno kaliya xafladaha dhalinyaradda kumagacaaban ee mashruucaa, lana hareermariyay meeshaylahaayeen, maahan in nalaaku camiro kuraasta xaflado aan waxba dan’ah noogu jirin. hadaanan daladwayn ku midayn ururadaan tiradabadan, hadaanaan daladwayn ee dhalintu ku midaysantahay ku dhextartamin anagoo isku qadarinayna waxqabad iyo sida loo soo kala horeeyay, hadaanaan ogolaan in aan waqti hurno anagoo iska daynayna kabilaabidda mesha ugu saraysa waxba tarimayso ku soo booddu. Marka la helo urur dhalinyaro ee ku baahsan dhamaan Dalka dhalinyaraduna u simantahay, mansabkuna meerto yahay, marka aan qofka ku xulanno maxaad gashaa ee haybta mamnuucno, waxaan qaabayn doonaa masiirkeenna, awooodeenu way muuqan, Taraddeenu way miro dhali, tayaddenana way tusmayn.
Ururadda dhalinyaradda ee maanta jiraa waxay ku dhisan yihiin sidda ay u badan yihiin labo qaab, 1) dhalasho wadaag: 2) Degaan wadaag, way fiicantahay oo maxuma laakiin waa in ay midoobaan ururaddu dhamaan, si ay tirabadiddu micne u samayso, si ay saamayn uyeeshaan, cudud muuqatana u noqdaan, sida kaliya ee aan ku saamayn karno cid kale waa midnimo, markaan midoowno waxaan go’aaminkarnaa masiirkeenna, waxaan wax ka badeli karnaa sidda hadda wax ku socdaan oo ah in aan ka sacabtunno kaliya xafladaha dhalinyaradda kumagacaaban ee mashruucaa, lana hareermariyay meeshaylahaayeen, maahan in nalaaku camiro kuraasta xaflado aan waxba dan’ah noogu jirin. hadaanan daladwayn ku midayn ururadaan tiradabadan, hadaanaan daladwayn ee dhalintu ku midaysantahay ku dhextartamin anagoo isku qadarinayna waxqabad iyo sida loo soo kala horeeyay, hadaanaan ogolaan in aan waqti hurno anagoo iska daynayna kabilaabidda mesha ugu saraysa waxba tarimayso ku soo booddu. Marka la helo urur dhalinyaro ee ku baahsan dhamaan Dalka dhalinyaraduna u simantahay, mansabkuna meerto yahay, marka aan qofka ku xulanno maxaad gashaa ee haybta mamnuucno, waxaan qaabayn doonaa masiirkeenna, awooodeenu way muuqan, Taraddeenu way miro dhali, tayaddenana way tusmayn.
Gabangabo:
Awood dhalinyaroo midaysan
ayaa loo baahan yahay si loo helo waxtarka tiradda dhalinyaradda ee loo
baahanyahay, ururadda dhalinyaradda ee ka jira Dalka waa in lamideeyaa, hadaan
dhamaantood la midayn Karin waa in loo mideeyaa si gobol-gobol, iyo degmo-degmo
ah, mid-nimaddeenna waxaa ku xiran isbedelka Dalka iyo Dadka, “gole dhalinyaro
Qaran” oo aan ku midaysan nahay ayaa qiimaheenna muujinkara, golahaas hadaanan
anagu dhisan ee qolo kale noodhisto waanku sii qiima beelaynaa, dhalinyaro yaan
layska qiiraysnaan Guryahana layska la fadhin qiiradda ficil halugu daro, yaan
sugaynaa in ay nadhisaan?. Gobolaysigu yuu na kala xirin, hala yeesho hanka
sareeya Hal-gobol, iyo hal-qabiil qaran hala majeersaddo. Dhalinyaradda
Soomaaliyeed ma dagaashanna, midnimaddeenna maxaa diidan? Qof kasta haysi saaro
masuuliyad aan midoowno, laysma aaminikaro qiil maahan, in aad qiyaano la
kulanto in aad tirtiranto ayaa ka daran, allahaaga talo saaro.
W/T: Cabdifataax Cali Cabadalla.
Address:
www.facebook.com/cccimaam
Twitter; @mowaadin
2 Comments
Click here for Commentswixii faalaa halkaan iigu reeb ariste waan soo dhawaynayaa fikirkaaga kaamana dididoono.
ReplyWaa warbixin qiima badan runtii lkn waxaa hortaagan midaynta dhalinyarda ayaaa ah qabyaaalad taazo laga dhaxlay jiilalkii naga horeeyay
ReplyConversionConversion EmoticonEmoticon