Waxaa dib u soo noqonaya adeegyadii dawladdu siin
jirtay shacabkeeda ee kala duwanaa, inta hadda la heli karo waxaa lugu helaa si
adag. Waxaan u baahday in aan cusboonaysiisto baasaboorkaygii oo iga dhacay,
marka aad Baasaboor cusboonaysiinayso waxaa la maraa wadadii aad martay markii
aad samaysanaysay bilaawgii hore, oo koow ayaa laga bilaabaa hawsha. Waxaa
lagaaga baahanyahay in aad diyaarsato qarash aan yarayn, waxaa lagaaga baahanyahay
warqad danbi la’aan oo laga qaato C.I.D-da iyo dhallashada, iyo sugnaanta oo
dawladda hoose ee Xamar ay ku bixiso sugunto liido, markaas ka dib ayaad
Baasaboorka dalban kartaa adoo gaynaya warqadahaas dhamaan xarunta jinsiyadaha iyo socdaalka.
Dalku waa dal burburay oo dib u soo kabasho ku jira,
haayadaha dawligaa dhamaan way burbureen gabi ahaanba. Waqtiyadaan danbe haayadaha dawladdu waysoo kabanayaan, wali ma lahan shuruuc adag
oo lugu dhaqo haayadaha adeeg dawladda bixiya, sidoo kale mal ahan madaxdu
bisayl ay ku maareeyaan haayadahaas si loo qanciyo shacabka Soomaaliyeed, loona
bixiyo adeeg tifaftiran oo hufan. Shacabka waa la wareeriyaa ilaa lugu diro
dawladooda, waa layska daba wareejiyaa ilaa quus lugu abuuro, waxaa lugu
sameeyaa waxyaabo aan haboonayn oo laga maarmi karo. Waxaan tagay oo aan la macaamilay shaqaalahooda,
C.I.D, xarunta Dad dhigista, iyo haayadda Jinsiyadaha, waxaan idila wadaagi
doonaa waxyaabihiii aan halkaas ku la soo kulmay.
C.I.D
C.I.D-du waa xarun aad muhim u ah, si lama dhaafaana ayay
shacabku ugu baahanyihiin, waxaa ka hawl gala shaqaale muddo dheer joogay oo aan wax
isbdel hoose ah lugu samayn muddo dheer, shaqaalaha joogaa way ku gaboobeen,
wayku bahaloobeen. Waxa ugu wacan in shaqaalaha C.I.D da wax is bedela ku imaan
waxaan u sababaynayaa laba arin; dayac madaxeed iyo dhalinyaradda cusub ee ciidamadda ku biira oo aan dooran
xaruntaas ka shaqayn teeda.
Xarunta C.I.D da dadka ka shaqaynayaa kuma haboona in
ay shacabka u adeegaan laba siyaadboodba; 1) waa shaqaale ku gaboobay meesha
una baahan in lugu sameeyo isbedel, 2) waxay u bahanyihiin shaqaale balwadi
dilootay ee aan xamili Karin culayska shaqo ee looga baahan yahay xaruntaas,
balwaddu waa waxa tayada ka qaaday adeega xarumaha dawladdu ay bixiyaan, in
kastoo waayahaan danbe laga soo kabanayo meelaha qaar. Qaabka shaqaalahaas u
shaqaynayaan maahan qaab la jeclaysanayo, dadku waxay nacaan xukuumadda oo ay u
sababaynayaan in dadka nuucaan ah ay ayadu u wakiilatay in ay u adeegaan
shacabka. Shaqaalaha CIDdu shacabka iyo xukuumaday is nacsiiyaan.
Xarunta nidaam hufan ee shaqo kama jirto, soo dhawayn
lagama yaqaano, qofkii yimaad malahan karaamo, kuraas ku filan ma taalo,
kadankoodkaa laysugu adeegaa, kala socod malahan hawshu, kiyuugaa isdabahaysta,
kala mudnaan majirto, kuwa buka kaalma gaarihi kama horeeyaan, kala garan
maysid meesha, ku aad wax waydiiso ku arkaysid meesha, kii aad la hadashaa
hagaag kuuma hagayo, waa adiga iyo sidaad surumada u heleesho.
Waxaa sidoo
kale dhibaato iila muuqatay in muwaadiniinta adeega ka rabay xarunta ay
imaanayeen salaadda suxab, dadka u adeegayaana ay imaanayeen labada saac ee
suxabnimo waa laba waqti oo aad u kala fog, waxaa ka muuqda xurmad darro
arintaan.
Laaluushka
lala jahrayay
Dhaqaalaha sharcigaa e meesha lugu qaado waxaa toos
loogu shubaa wazaraadada maaliyadda koonto ay ku leedahay banka, looma dhiibo
shaqaalaha xarunta, aad ayaa loo maareeyay lacagtaas, waxaa se meesha ka jira
farsamooyinka kale. Markii hore waxaa lacagta qaadi jiray shaqaalaha xarunta
waxayna heli jireen fursad, hadda fursadaas way seegtay, arintaas waxay dhashay
culays kale oo shacabka ayaa layska daba wareejiyaa si ay u yiraahdaan wax
dheeriya ayaan bixinaynaaye hanala caawiyo.Waxaa qofka la leeyahay jawaabta
bari u soo laabo ama bixi lacag si degdeg la gaaga dhigo mana ahan wax qarsoon
waa wax dadka dhan hadal hayaan oo lala jaharayo, waxaa jira mukhalasiin ka
shaqeeya waxaas, hadii aad dhiibto lacagtaas waxaa lugu siinayaa jawaabta isla
maalinkaas, arintaas way fududahay in laga hortagaa hadii rabitaan jiro, mana ahan
wax u baahan dabagal iyo baaritaan dheeriya, waxay saarantahay isha baarkeeda,
kaliya hadii shaqaalaha C.I.D da la bedelo waxbaa is bedelaya, waayo shaqaalahaas
waa shaqaale aad u ilbaxay, sidoo kale meesha hadii la keeno shaqaale aan
balwad lahayn shaqada meeshu way qurxoonaanaysaa, waana hufmaysaa. C.I.D da
shacabku qanaaco adeeg kuma haystaan waxayna ku jirtaa meelaha qofkii adeeg u
soo doontaa uu xukuumadaas markaas jirta nacayo, waayo wuxuu aaminsanyahay in
ay ka danbayso dadkaan ay sanna kontoroolayn. C.I.D waxaa jooga Maamo caanbaxday
oo lawada yaqaan, xamaroo dhan waa laga yaqaan.
Sugunto
liido iyo dad dhigista
Sugunto liido waxaa ku taala xarunta dad dhigista oo
laga qaato dhalashada iyo sugnaanta, xaruntaas waxaa jooga dhiig cusub iyo dhalinyaro
fareesh ah, gacan fudud oo aan qayilin balwadna aan lahayn, sida ii muuqanaysay.
wax walbaa maahayn sidii la rabay. Ciladaha aan ku arkay sugunto liido waxaa ka
mid ah, waxay ku taalaa meel ay adagtahay in la gaaro, waxaad moodaa in aan
loogu tala gelin in ay u adeegto shacab waynaha Muqdisho waayo meesha ay ku
taalaa ma jirto cid ay u fududahay in ay tagto markii laga reebo shacabka koofur
bari ee Muqdisho, waxaa jira meelo kale oo ka istiraajisanaa oo u dhexeeyay
shacabka Muqdisho oo dhan, dabcan duruuf ayaa keentay in halkaas laga dhigo
laakiin waa meel looga fiican yahay. Xarunta dad dhigistu waa iska kooban tahay
u ma baahnid cidku hagta oo adaa iska garanaya waana isku xigaan adeeg
bixiyayaashu, sidoo kale waxay leedahay meel la fariisto kuraastuna wayku
filantahay dadka yimaada.
Laaluushka
la hadal hayay
Dhaqaalaha lugu qaado xarunta dad dhigista waxaa toos
loogu shubaa wazaaradda maaliyadda oo ma qabtaan shaqaalaha xaruntaasi mana
jirto lacag lugu qaado markii laga reebo lacago farsamayaqaano ay ka
farsameeyaan shacabka yimaada xarunta loo guna fududeeyo adeega, waxaa xarunta
ka jira gacan sedexaad oo dadka ku qal qaalisa laaluushka si loogu dedejiyo
warqadaha uu u baahan yahay, gacantaas sedexaad waxay is yaqaanaan shaqaalaha
shaqada gacanta ku haya, iyo qofka adeega raba, hadaysan labadaas is aqoon sida
badan ma dhacdo in lacagtaas la kala qaato, waxaa shardiya in la helo qof
yaqaana qofka adeega raba iyo qofka adeega qabanaya ee xarunta ka shaqeeya
sidaasay lacagtaas ku baxdaa. Qofka waxaa la leeyahay jawaabta waxaad u soo
laabataa maalinkaan maalinkiisa, dad degdegsan ayaa imaanaya way dhibaysaa
mudadaas dheer, si kale ayay wax ku raadinayaan. Runtii waa laga maarmi karaa
in qofka la yiraa maanta maalinkeeda u soo laabo oo mudada waa la yarayn karaa,
laakiin faa’iidaa lugu qabaa siday u muuqato oo hadii mudada la yareeyo dadku
waxba ma ogolaanayaan, sidaas darteed ayaa mudada waxaa laga dhigay wax ka
badan asbuuc. War qad in ay qaadato sideed beri waa wax laga fiican yahay
hadaan muraad jirin.
Laanta
socdaalka
Waxaan soo caga dhigay xarunta laanta socdaalka 17kii
Juun 2019 goor subaxa anigoo sita dhamaan wixii la iiga baahnaa. Waxaan ka soo
galay irida oo laygu waydiiyay inaan sito dukumuntiyada loo baahanyahay, waa
lay baaray, waana lay daayay markaan kaabiga cagta saaray waxaa wajigayga ka
horyimid tilmaame wayn oo ay ku qorantahay warbixn dhamaystiran, halka aan ka
bilaabayo, iyo halka aan ku danbaynayo, waxaan helay cid isoo dhamwaysa ee isiisa
lambarka isku xigxigitaanka, iyo kala horaynta muwaadiniinta goobtaas u soo
adeeg doontay. Waxaan dareemay soo dhawayn waxaan helay goob ku haboon
sugashada, waxaan helay lambar igu haboon, iima muuqan dusmaal iyo hormarinta
dad iga xoogban ee aan ka soo horeeyay, waxaa jiray ixtiraam, waayeelka, caruurta
iyo buukaan dhimanku waxay adeega ku helayeen imaanshiyaha (on-arrival) waxaa
jiray shaqaale u heelan oo u idman in ay gudbiyaan dadka jilacsan anakuna
waanku qanacsanayn, shaqaaluhu waxay u carbisanaayeen garaad ahaann ilaa xad
qancinta macaamiisha, heegankuna wuu ka go’naa. Waxyaabo yar yar wayska jireen
laakiin waxaa badneed in laysku dhaarsaday in nala wanaajiyo.
Laaluushka
la malaynayay
Lacagta la iigu adeegay waxaa la iiga qaaday goobta
Bangi kuma aanan soo shubin kumana tuurin, majirin wax lacag dheeriya oo layga
qaaday, waxaa layga qaaday xog hor dhac ah oo u badneed hubin, waxaa la ibalamiyay
maalin ka dib si xogta la iiga dhamays tiro, waxay iila muuqatay mid
maan-gal-ah, kadib waxaa lay balamiyay maalinka-maalin waxayna u muuqatay mid
lagama maarmaan ah maadaama la daabacayo Baasaboorka oo hawshiisu adagtahay ay
sanna ahayn warqad caadiya sidii tii dhalashadda, iyo tii danbi la’aanta oo
lugu daabici karay wax ka yar saacaddo. Meesha kama jirin laaluush laysku qalqaalinayo,
laakiin dadka magaalada ayaa malaynayay in laaluush jiri karo sidoo kale dadka
meesha joogay way malaynayeen maadaama dalku dalkii yahay.
Gaban
gabo:
Muwadiniinta Soomaaliyeed kuma qabaan wax qanaacaa
adeegyada dawladda ee ay bixyaan xarumaha qaarkood. Adeegyadu malahan hufnaan,
malahan tayo, arintaasoo dhan waxaan u sababaynayaa balwadda, waa in gabi
ahaanba goobaha adeegyada dawladda laga bixiyo laga ilaaliyaa dadka balwadda
leh si adeegyadu u noqdaan kuwo tayo leh. Balwaddu qofkeeda waxay ku riixdaa
damacyo xun.
shaqaalaha jooga goobaha dawladdu shacabka ku siiso adeegyada haday si xun ula macaamilaan shacabka, shacabku waxay nacayaan madaxda markaas joogta, waxaana ku diray shaqaalaha sida xun ula macaamilay shacabka. waxaa ugu daran askarta joogta wadooyinka, malahan dulqaad, malahan hadal qurxoon, malahan soo dhawayn, aragtidayda waa halka ugu daran ee xukuumadda iyo shacabku isku nacaan askarta wadooyinka joogaa, waa in madaxdu arintaas u fiirsataa hadii kale markii xilku ka dhamaado ayay natiijadeeda heli doonaan.
shaqaalaha jooga goobaha dawladdu shacabka ku siiso adeegyada haday si xun ula macaamilaan shacabka, shacabku waxay nacayaan madaxda markaas joogta, waxaana ku diray shaqaalaha sida xun ula macaamilay shacabka. waxaa ugu daran askarta joogta wadooyinka, malahan dulqaad, malahan hadal qurxoon, malahan soo dhawayn, aragtidayda waa halka ugu daran ee xukuumadda iyo shacabku isku nacaan askarta wadooyinka joogaa, waa in madaxdu arintaas u fiirsataa hadii kale markii xilku ka dhamaado ayay natiijadeeda heli doonaan.
Waa in madaxda iyo masuuliyiintu hoos u fiiriyaan
haaydaha ay masuulka ka yihiin iyo siday shacabka ugu shaqaynayaan. Waxaa jira
xarumo dhadka lugu dhibo markay adeeg ka doontaan sidaad darteed shacabku waxay
nacaan xukuumadda masuuliyada haysa markaas ileen waa lugu diree.
W/Q:
Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
Facebook/Twitter: @Fitah252
ConversionConversion EmoticonEmoticon