Danaha Puntland iyo Dawladnimada Galmudug

Deni oo ducaysanaya

Dawladnimada Galmudug waxay wiiqi kartaa dhaqaalaha Puntland (PL). Dawadda Puntand iyo maamulka Galmudug waxaa ka dhexeeya xuduud baaxadwayn dadka reer Galmudugna waxay si wayn ugu tiirsanyihiin dekedda boosaaso, sidaas daraadeed PL dano badan ayay ka leedahay Galmudug, faaladaan waxaan uga hadlaynaa arrimahaas iyo kuwo kale oo la xiriira.

Danaha PL iyo Dawladnimada Gal-Mudug

Dekedda Boosaaso waa isha dhaqaale ee ay PL ku tiisantahay waxayna u leedahay reer PL ahmiyad aad u wayn. Dekedda Boosaaso waxaa isticmaala gobolada dhaca bartamaha Soomaaliya sida Galgaduud, Hiiraan Mudug iyo illaa gobolada Ogaadeenya ee Soomaali galbeed. Goboladaan aan soo sheegnay oo dhan xoolahooda ayaa laga dhoofiyaa Boosaaso waxaana ka soo dega badeecadaha kala duwan, gaadiidka IWLM ah ee goboladaas laga leeyahay maadaaba ay tahay dekedda ugu dhaw ee hadda shaqaysa.
Madaxda PL waxaa masuuliyadi ka saaranyahay ilaalinta danaha dhaqaale ee PL oo ay ugu horayso sidii loo ilaalin lahaa dekedda Boosaaso iyo macaamiisheeda waxaana lugu ilaalin karaa in aysan soonaha ka dhismin deked kale oo aysan PL lahayn. Dekedda Boosaaso waxay haybad ku leedahay in ay u adeegto oo ay deked u ahaato shacabka gobolada Mudug, Galgaduud, iyo Hiiraan, haddii dadka dega goboladaas helaan deked kale culays ayaa soo food saari doona dekedda Boosaaso waxaana xasilooni darro soo wajihi doontaa dhaqaalaha PL. Xiligaan dekedda Boosaaso waa dekedda ugu dhaw ee ay haystaan gobolada aan soo sheegnay ayna adeegsadaan. Dakhliga gudha ee PL oo aad u sareeya markii loo eego maamulada kale wuxuu ka helaa dekedda Boosaaso, sida ku cad odoroska miisaaniyadda 2020 dalka PL dakhliga gudahaa ee PL wuxuu gaarayaa $79 oo milyan, aduunkaas lacageed ee aad u jeedaan 70% wuxuu ka soo xaroodaa dekedda Boosaaso iyo kontoroolada daadsan Boosaaso illaa Gaalkacyo oo lacago cashuura looga aruuriyo gaadiidaka badeecooyinka kasoo qaada dekedda ee u socda gobolada dhexe iyo midka u socda dekedda ee qudaarta kazoo qaada Afgooye illaa Beledwayne sidoo kalana xoolaha kasoo qaada gobolada dhexe. Labo jeer ayaa la canshuuraa badeecada kasoo dagaysa iyo tan ka dhoofaysa dekedda Boosaaso, marka ay dekedda timaado waa la canshuuraa, marka ay tagtana waala canshuuraa, arrintaas waxaa laga muujiyay ashtako laakiin ma jirto maamul ka garaabay marna oo cashuurta hal mar ka dhigay.

Xasiloonida Galmudug iyo Xasiloonida dhaqaalaha PL

Maamulka Galmudug maxasilo mana xoogaysto, gugii u siyaadaana goboomooyee garaad uma kordhiyo sidii horay loosheegayba. Galmudug waxay dhacdaa meel istiraatiiji ah, waxay leedahay deked aan shaqayn hadda laakiin istiraatiiji ah  oo ay aktarro bandan indhaha ku hayaan waana dekedda Hobyo. Galmudug waxaa xasiloonida ka qaaday talo la’aan iyo khilaafyo daba dheeraaday waxaana markasta awoodda ku loolama maamul iyo awoodo ka hareer kaca sida culumadii Ahlusunna ee Inj oo ahaa awood kale oo Galmudug ka jirtay. Madaxdii Ahlusunna oo aheed awoodii ugu danbaysay ee maamulka Galmudug awoodda kula loolanta waxay hadda joogaan magaalada Garoowe dadbadan ayaa su’aalo iska waydiinaya arrintaas xogbaddanna aan kahayn.


Dekedda Hobyo Hiiraan waxay u jirtaa 375 KM halka dekedda Boosaaso ay Hiiraan u jirto 883 KM maanta xoolaha iyo qudaarta laga qaado Beledwayne waxaa laga dhoofiyaa dekedda Boosaaso waayo ma jirto deked kale ee uga dhaw. Dekedda Boosaaso waxaa sidoo kale ka dhoofa qudaar laga qaado Afgooye oo aysan u saamaxayn in laga dhoofiyo dekedda Xamar, Afgooye waxay Boosaaso u jirtaa 1,396 KM halka Afgooye ay u jirto Hobyo 859 KM. Dekedda Hobyo Adis Ababa waxay u jirtaa 1,687 KM halka dekedda Boosaaso ay Adis Ababa u jirto 1,735 KM. Dekedda Hobyo Jigjiga waxay u jirtaa 1,069 KM halka dekedda Boosaaso ay Jigjiga u jirto 1,116 KM, sida kuu muuqata Hobyo waxay ka istiraatiijiyad san tahay Boosaaso in ay dekedda Hobyo soo noolaato waxay uga dhigan tahay Puntland-na waxaa kuu sheegaya taxliilkaan kooban ee aan samaynay.

Dawladda PL waxay xiriir la yeelataa cidkasta oo loo arkayo in ay tahay aktar awoodda kula loolamayo maamulka Galmudug waxayna siisaa dhaqaale laga soo jaro dekedda Boosaaso waxaana lacagtaas laga soo jaro dekedda loo aqoonsadaa in ay tahay dhaqaale lugu ilaalinayo danaha PL. PL Ahlusunna waxay la laheed xiriir, waxayna siin jirtay lacag gaaraysa 100 kun oo doolar bishii taasoo ay ku fushadaan hawlahooda. Ahlusunna waxay ahaayeen culumo Galmudug u horseeday dib u dhac baahsan waxaana in mudaaba ka dhaqaaqi waayay maalmulka Galmudug. Puntland sicad ayay u taageeri jirtay culumada ayakoo ogwaliba in ay is hor istaag ku hayaan maamulka Galmudug. Maanta hogaamiyayaashii Ahlusunna waxay joogaan hooygoodii labaad waxaana ka maqan kaliya hubkii asagana way helidoonaan sida la qiyaasayo.

PL waxay gacansaar u fidisay kooxo kala duwan oo ka kacay Galmudug laakiin waxaan idinla wadaagay kaliya kooxdii Ahlusunna oo hadda u danbaysay aanan isla qirsannahay taageeradii aysiisay PL

Galmudug waxaa madaxwayne ka noqday Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo ah hogaamiye ka duwan kuwii horay u soo maray Galmudug waa nin waxka yaqaana xogna ka haya arrimaha dekedaha Soomaaliya, wuxuu meesha ka saaray Ahlusnna waxaa la filayaa in uu xaliyo caqabado kale oo ku horgudbanaa Galmudug sidaasna ay Galmudug ku gasho xasilooni, haddii Galmudug xasisho waxaa xasiloonidu ka tagaysaa dhaqaalaha PL oo ku tuursan dekedda Boosaaso.

Dekedda Hobyo iyo Boosaaso

Dekedda Hobyo oo dhismata dibana u shaqo bilaawdaa waxay saamayn ku yeelanaysaa dekedda Boosaaso waxayna PL badi kartaa in ay federaalka waxbadan uga baahato. PL waxay si joogtaa dhaqaalaha amniga uga heshaa federaalka waxayna ka badantahay lacagtaasi 6 milyan sanadkii, sidoo kale waxay ka heshaa dhaqaalaha horumarinta beesha caalamka, Bangiga Aduunka, iyo UN-ka  sida ku cad odoroska miisaaniyadda 2020 ee uu wasiirka maaliyadda PL soo hordhigay baarlamaanka PL November, 2019. Sidaan horay u soo sheegnay waxaa jirta lacag ay ka hesho PL dakhliga gudahaa oo ay ku kala cosodsiiso hawlaha baaxadda way nee maamulka PL, lacagtaas inteeda badan waxay ka timaadaa dekedda Boosaaso, haddii dekedda Boosaaso wayso macaamiisheeda gobolada dhexe iyo Hiiraan oo ay helaan deked kale PL waxay waynaysaa dakhliga gudahaa ee hadda soo gala, lacagaha PL kasoo gala UN-ka, Beesha Caalamka iyo dawladda federaalkaa waa dhaqaale qorshaysan oo mara hanaan isla xisaabtan aadana mashariic qorshaysan sidaas daraadeed haddii dekedda Hobyo dhisanto inta Galmudug xasisho waxaa ka dhalanaya in dakhliga gudahaa ee PL ay xasiloonidu ka tagto sidaas daraadeed PL dani ugama jirto in Galmudug xasisho.

Waxaa jirta rajooyin isisoo taraya oo laga qabo in Galmudug cagaheeda ku istaagto ayna u hanqal-taato in ay dhisato dekedda Hobyo sidaas daraadeed madaxda PL waxay saadaaliyeen in dekedda Boosaaso aysan la tartami karin dekedda Hobyo sidaas daraadeed loo baahanyahay in la helo deked la tartanta midda Hobyo waxayna madaxda PL bilaabeen dekedda Garacad oo gobolada dhexe uga dhaw midda Boosaaso waxaana si hal haleel ah u dhagax dhigay dekedda Garacad Dr. Cabdiwali Gaas taariikhdu markay aheed July 2018.

Gaban-gabo

PL dano badan ayay ka leedahay Galmudug lagamana maarmo in ay farageliso sidaas daraadeed waa in la sharciyeeyo faragelinta dawladda PL ku hayso maamulka Galmudug oo ay PL dadaal u gasho sidii dawladda federaalkaa door uga siin leheed arrimaha dib u dhiska iyo horumarinta maamulka Galmudug maxaa-wacay dani kuma jirto in maamulka Galmudug lugu dhinac koriyo awoodo kale oo carqaladeeya horumarka maamulka Galmudug.
Shacabka gobolada dhexe iyo Hiiraan markasta waxaa dani ugu jirtaa dekedda ugu dhaw oo ay heli karaan haddii la dhiso dekedda Hobyo macaamiisha dekedda Boosaaso waxay u wareegi doonaan midda Hoybo sidaasna waxaa ku halaabaya danihii PL wayna adagtay in la kala ilaaliyo dawladnimada Galmudug iyo danaha PL.
Danaha PL iyo dawladnimada Galmudug waa in loo kala madaxduwaa oo  la xaqiijiyaa in dekedda Hobyo aysan wax u dhibayn dekedda Boosaaso iyo midda Garacad hadiiba la heli karo.


W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla "Imaam"

Previous
Next Post »