DABAQAD HOOSE IYO
DABAQAD SARE
Dalka Soomaliya malahan Dawlad is-waa-fajisa danaha kala duwan ee Dadka shacabka, danaha shacabku waxay u kala
duwan yihiin qaabab badan, Dawladaha Aduunku maanta waxay si aad ah ula
dagaalamaan in ay abuuranto xalad dabaqad
sare iyo dabaqad hoose, taasoo
haday abuuranto keenta cawaaqib aan la mahadin. Soomaaliya waa Dal ay san ka
jirin Dawlad daryeesha Dadka tabarta daran, Dadka ladan majirto cid canshuurka qaadda si loogu celiyo looguna caawiyo kuwa danta yare aan waxba haysan, si xitaa laysugu dayo in cilmi ahaan laysga daba dhawaado. Soomaaliya Dadka danta yar cuduradda ayaa cidlaysta hadaan Alle u bixin iimaan
qabe wax haysta, Gaajaddu sidoo kale Dan-yarta way daashataa, Dad Soomalidaa
sida ay u badan yihiin wax barasho fursad uma aysan helin, waxay ahaayeen
xamaalato muruqmaal ah, waxaan suuqa Bakaaro ku arkay oday waayeel ah oo dusha
ku xamaalanaya, marka uu socdo ul cuskanaya, dharbarkiisa ayuu ugu xamaalaa
caruur yar yar si ay u moodaan maalintaas iyo habeenkeedda, yaanan ka tegin
Okiyaal ayuu xiran yahay. Bal qiyaas adugu sideed u aragtaa nolosha qoyskaas?
Ganacsato isugu jira Soomaali iyo
ajaaniib ayaa la yimid qalab si-waa-faqsan dan tooda iyo dhaqaalahoodda, qalabku
wuxuu kordhinayaa wax soo saarka, waqtiga ayuu dhaqaalaynaya, si fududna wuxuu u
qabanayaa hawshii ay qaban jireen muruq-maalka Muqdisho, toloow xoogsataddii xagay
qabteen?!!. Muruq-maalkii Muqdisho waybalan baleen, wayna niyad jabeen way quus gooyeen, maanta waxay u baahan yihiin Allahood markaas ka dib waxay u
baahan yihiin Dawlad daryeesha, ganacsatadu waxay caawin karaan caawinaad kooban oo kama darta layiraa, umase diyaar
sannna in ay daryeelaan,
ganacsataddu ma qaabayn karaan mana agaasimi karaan daryeel koodda laakiin
waxay bixin karaan canshuur iyo taakulayn toos ah.
MUSIIBADA AAN LAGA MAARMIN
Makiinaddo casri ah oo laga dhaxlay teknoloojiyadda ayaa lakeenay
Muqdisho, gaar ahaan Dekedda Muqdisho, kambaniyaasha dhismaha, iyo suuqda waaway ee Muqdisho. Qalabka lakeenay waxaa ka mid ah, Qaldooyinka waawayn oo
saaran baabuutar ku waasoo qasa shamiintadda, sidoo kale makiinaddii ka
qaadaysay shamiintadda shubaysayna Guirigii ama wax walba oo lashubayo, gaar
ahaan wadooyinka oo hadda dib-udhis lugu hayo, Dabaqyadda dheerdheer, ku waasoo ay ku baxaan dhaqaale farahabadan, una baahan in ay ka shaqeeyaan
shaqaale farabadan. Qalabkaan waxay fariisiyeen oo shaqo tireen kumanaan
muruqmaal ah, ku waasoo qasi jiray shamiintadda, qaadijiray, kana hali jiray
nolol maalmeed koodda waxaa ku noolaa kumanaan kale, aduguba qiyaas dadka ay
saamaysay makiinadaan.
![]() |
qaldo iyo makiinad shaminto ka dhuuqda |
wiishash
casri ah ayaa la keenay Dekadda Muqdisho ku waasoo ay keeneen shirkaddo
ajaanib ah, waxay qabtaan shaqo aad u farabadan, waxay badbaadiyeen waqti, wax
soo saarkana way kordhiyeen, dhanka kale waxay caqabad ku noqdeen dad aan wax
aqoona lahayn ee iska xamaalan jiray, badan kood qalabka laftiisa mabaran karaan hadii
labaritago. Dekeda waxaa ka shaqayn jiray shaqaale aad ufarabadan, ku
waasoo lugu qiyaaso dhawr iyo toban kun, ugu yaraan shankun ayaa daaqadda ka
baxay, reera hoodii dabkaa ka demay, ilmahoodii hadayba haysteen wax yar oo wax
barashaa maanta meel kuma sheegaan intooda badan, way kala firxadeen ileen
qorshe meel uma oo linne, iska caabinna majirine.!!
Gaarigacan casri ah; waxaa lakeenay gaari Dadka qaar ay u yaqaanaan
Dameer habargidir, gaarigaas wuxuu cariiri wayn ku hayaa Dadka ku shaqaysta
Gaari-gacanka, iyo Dameeraha oo Soomaliddu si wayn u isticmaasho, ayna u leeyihiin aqoon
isticmaal iyo awood abuurasho. Maanta waa ay fududahay in qofku
abuurto ama gadto dameer, ama gaari-gacan si uu ugu shaqaysto laakiin Gaari
wayn magadan karo, Dameerka, ama gaari-gacan aqoon Ayaan u leenahay waan waddi
karnaa cilmi wayna u ma baahna, halka gaarigu u baahan yahay awood gadasho iyo
cilmi oo ay san Dadka badankiis lahayn. Gaarigaan wuxuu si degdeg ah u qabtaa
shaqooyin badan dan ayaa ku jirta, hadana Dadbadan ayuu nolosha ka riday, waa dhibaato u baahan maarayn dawladeed.
MURUQ-MAALKA MAANSHOODAY
Muruq-maalka Muqdisho waxaa soo wajahay waayo adag, waxaa yimid waayo casriya iyo qalab casriya, Dekedda, goobaha dhismaha, iyo suuqda waxaa ka baxay oo
ay barabixiyeen qalabkaan casirigaa kumanaan muwaadiniin Soomaali ah, Dekedda
waxaa ku shaqo waayay ugu yaraan Shankun oo shaqaalaa, waxaa shaqo tiray qalab
ay keensadeen shirkadadha gacanta ku haya Dekedda, sidoo kale goobaha dhismaha
waxaa ku shaqo beelay kumanaan shaqaalaa shaqadoodii waxaa qabta
makiinaddo-casri ah, ku waasoo cidina canshuur ay san ka qaadin hadii laga
qaadana ay san qumanayn waxa laga qaadaa. Dhanka suuqyadda sidoo kale waxaa ku
shaqo beelay boqolaal ku xamaalan jiray Dameer iyo gaari gacan ku waasoo ay
aheed in laga xadido gaariyaasha, waxaa soo dhan waxaa sababay Duruufihii Dalku
soo maray. Majirto cid u jeedda Dadkaas maanta waa lagayaabaa in uu tuugsaddo
qof muruqiisa maalijiray.
XALKU SIDA UU IILA MUUQDO
Mahaleeli karo xalka saxdaa mana ka warhayo
arimaha qarsoon ee la xariira maamulka farsamo iyo midka hogaamineed ee arintaan,
laakiin waxaan soo jeedinayaa siduu iila muuqdo xal ku meel gaara. Waxaa loo baahan yahay in laga
qaado lacago Dadka wax haysta ee kiraysanaya qalabka bedelay
muruq-maalkii qaban jiray shaqdaan qalabku qabanayo, sidoo kale; Dadka qalabka
iska leh dhaqaale ayaa lasaarayaa. dhaqaalahaas waxaa la marinayaa luguna qaadayaa xeer
baarlamaan, waxaanna loo yeelayaa gudi aamina. Dhaqaalahaas waxaa lugu caawinayaa nolosha, gaar ahaan
waxbarashadda ubadkii Dadkii muruq-maalka ahaa ee ay saameeyeen qalabkaan
casrigaa. Shaqaddaan waxaa qabanaya Dawlad, majirto cidkale oo qaban kartaa
maanta waxay u muuqataa inaan la’arkin Dawlad u taagan qabashadda hawshaan,
waayo waxaa wali jira duruufihii abuuray xaaladdaan. Waxaa loo baahan yahay in
muruq-maalka iyo makiinadaha casrigaa la kala maareeyo, inta wax haystaa
Dantooda kaliya ay san ka fakerin ee Dadka muruq-maalkaa laftoodda hoos loo eego, Soomaalidu waa dad Islaam ah oo naxariis badan dadkaas waxay u baahan yihiin turiimo iyo in aan lala dulmarin dhaqaalaha Alle nasiiyay, Teknoloojiyada saamaynteeda taban waa in aan ogaal uyeelanaa.
arintaan uma hayo xalwaara, markii horana inaan xalkeeno wax ogamaan qorayn e ujeedkaygu wuxuu ahaa in aan idin xusuusiyo oo in dhihiina aan ku jeediyo. waa dhibaato hadii dhaqaalaha dalku dad kooban uu ku ekaado, waa dhibaato hadii laysku muquuniyo suuqyada, iyo guud ahaan nolosha ayadoo laga maarmi karo.
arintaan uma hayo xalwaara, markii horana inaan xalkeeno wax ogamaan qorayn e ujeedkaygu wuxuu ahaa in aan idin xusuusiyo oo in dhihiina aan ku jeediyo. waa dhibaato hadii dhaqaalaha dalku dad kooban uu ku ekaado, waa dhibaato hadii laysku muquuniyo suuqyada, iyo guud ahaan nolosha ayadoo laga maarmi karo.
Gabangabo:
Soomaaliya maanta waxay u socotaa
in Dadku u qaybsamaan Dabaqad-sare iyo Dabaqad-hoose, Dadka haysta dhaqaalaha
iyo kuwa cilmiga leh ee la fal-gelikara qalabkaan waxay noqonayaan
Dabaqad-sare, Dadka aan waxba haysan cilmigana lahayn, qalabkaanna aan baran
Karin waxay noqonayaan Dabaqad-hoose waxayna ka dhacayaan nolosha, kama soo
horjeeddo in hormar la sameeyo,waxaan diidanahay in Dadka danyar taa meel
cidlaa loogatago. qof walboow arintaan xil iska saar, kala hadal cidwalba oo
aad u aragto in ay qusayso, ku baraaruji cidii aan ku baraarug sanayn, kasheeg
goob walba oo aad u aragto in ay joogaan cid ka garaabi karta arinkaan, si
gooniya waxaan u lahadlayaa Bahda war-baahinta arintaan iyo Dadka ay la
xariirto ilgaara ku fiirsha waadba yeesheen markaan kahore. Halkaan kuma wadda
xusin dhibaatada muruq-maalku wajaheen laakiin waxaan is leeyahay wax un
waadka iftiimisay. Waa inaan yeelanaa siyaasad cad oo is-waa-fajinaysa
Dadkeenaan Dunidda ka haray iyo Dunidaan casiragaa, gaar ahaan Tikniloojiyadda
maanta iyo Barri.
Address:
https://calicabdalla.blogspot.com
W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla
“IMAAM”
ConversionConversion EmoticonEmoticon