10 QODOBOO RAAJIYA JACAYLKA IYO XIISAHA LAMAANAHA


Qodobadaan waa qodobo aan is leenahay waxay suurta gelinkaraan in uu waaro  Jacaylka lamaanayaashu isku qabaan, sida caadadaa Bilaha hore waa lays jecelyahay si aadna waa laysku xiiseeyaa,  xiiga lugu jiro todobada ama bilaha u horeeya ee guurka lamaanayaasha hadii layiraa cabira dareenkiina ku aadan xiisaha aad isku qabtaan, Jawaaabtu waxay noqonaysaa macabiri karno aadbaan usu jecelnahay IWM ah. ayaan markii laysla joogo waa la kala xiisaa labo magacna waa laysku bixiyaa ilmahayga Aabahood, iyo ilmahayga Hooyadood ayaa laysugu yeeraa. Wax aadnaan aqoon idiinma sheegi doono waxaan sikale u dhigi doonaa waxyaabo aad taqaanaan dibna idiin xusuusin doonaa.
 waxaa laga yaabaa in aanan isku si u arkin kuna kala aragti duwanaano qodobada, muhiimna aadan u arkin si ka duwan sida aan u arko anugu. Si ay qodobadaan kuugu muuqdaan sida ay iigu muuqdaan kaalay indhahayga qaadoo oo gasho kuna fiiri, markaas isku aragti ayaan ka noqonaynaa sida aan muhimka ugu arko ayaad muhim ugu arkidoontaa aqriste.

Qodobada ayaan gudugalaynaa;

HABEENKII ISLA BAXA OO ISRAACA; 

watigaagu wuxuu u qaybsamaa habeen iyo maalin, Maalinkii waa shaqo sida aduunyo looga bartay, waa iska yar tahay waxa uga soo haraya duca-qabtadaada caadiyan, habeenkii waqti sii duco-qabtadaada oo waaxaad u wadaa goobaha qurqurxoon lana qaado waqti kulana qaado meelo ka baxsan guriga. Guriga markasta ayaad isla joogtaan, isbalansada qorshaha isku darsada, samaysata waqti aad dibadda guriga ku wadda qaadataan. Liido, Beerta nabadda, Jaziira, Daaras salaam, iyo goobaha lamidkaa, saaxiibadaa un ha’uwadin, waqtiyada nuucaan ah, saaxiibadaa kaliya uma baahna. duco-qabtadaadu waatan ugu baahida badan waqtiyadda nuucaan ah in aad la qaadato, halaysku faano yaan la kala faanin. Raggu sida ay u badan yihiin waxaad moodaa in ay iskala wayn yihiin Xaasaskooda marka laga eego sida ay san oga soo hormuuqanayn Bulsho waynta kale ayagoo la xaragoonaya. Muhim maahan in Xaaskaagu aad u qor qorantahay korkana ka quruxsantahay waxaa ka muhiimsan in ay ‘gudaha/qalbigaka qurxoontahay’. Kafarxi, kubeer rajo wanaagsan oo ay lanoolaashiyahaaga ku qabto. Barako ma leh mar haday qalbigeeda gasho ama gaarto saan yeelaa wuu imehersaday dhawrna waan udhalaye.

SAMEEYA GOOB XANAAQA KA CAAGAN: qofka Binu aadamkaa xanaaq iskama dhaynkaro wuu se iska yaraynkaraa. Labada qof ee lamaanaha ah waxay awoodaan in ay san gurigooda xanaaqku wadda joogin, marka ay ugu yartahay waa in aysan qolka jiifka xanaaq ku soo gelin. Qolka jiigku waa meel culayska looga nasto, iyadoo Guriga dhanba aan loogu tala gelin Xanaaq. Diyaarsada Loowxo ayku qorantahay goobtaan Xanaaq maya, sura Qolka Jiigka iridiisa si aad ugu xusuusataan marwalba. Arintaan waxay si nafsi ah qofka ugu sheegaysaa in uu isdabciyo, furfurnaadana waxaa markaas sahlanaanaya in lays waan sado laysagana faa’iidaysto meeshaas Xanaaqa ka caagan.

MAGAC KUUGAARA BILKASTANA AAD KA BEDESHO; Duco qabtadaadu magac la’aan maahayn marka ay kuu timid, magac ayay leedahay waalid jecel ay u xuleen. Haku daynin magaceedii hore Dadka dhan ayaa ugu yeera, ula bax midkuu gaar ah ee aad ugu yeedho kaligaana aad isticmaasho, sida sharaf, qaali, dhamma', Cunto macaan, Timo ku biriq-leey, Raad ku qurux badan, IWL. Sii duco-qabtadaad magac bixinku haboon adigaa iga yaqaane, Bilkastana ka bedel magacaas, Tusaale markii aad magac ugu yeerto qiyaastii Bilku dhawaad kabedel adigoo lafiir sanaya laxdo ama dhacdo ku haboon in aad kabedesho, sida marka ay subixii quraacda kuu keenta dheh saaka quraacdu caadi maahan, magacaas ayaad mutasatay. Waxaan ku talin lahaa magaca aad ubixinayso in uu noqdo midka turjumaya naxariis waayo way kuu naxariisataa markasta oo culayska ayay kaa yaraysaa duco qabtadaadu.

WEELKA MEESHA AY KACABTO CAANAHA/BIYAHA KACAB; tani waa nuuca ugu sareeya farakaciyaarka ay sameeyaan lamaaayaashu, waa kaftan iyo isku dhedhejin aad isku dhedhejinayso duco qabtadaada, waxay muujinaysaa sida aad iskugu dhawdihiin, sida aadnan waxba u kala ahayn. Marka aad sidaan samaysaan Shaki kuma jiro in uu idinka imaanayo hadal aadku nefistaan, ma sharixikaro waxa ay xanbaarsantahay waxaan u daynayaa Culimadda Cilmu-nafsiga, Nabigeena NNKH ayaa Taariikha looga hayaa in uu samayn jiray sidaan. Nabigu NNKH wuxuu eegan jiray weelka meesha ay Afka saarto Hooyo Caaisho Alle haka raali noqde’, lafta meesha ay ka feenato ayuu ka sii feenan jiray. Isku dhiiba caanaha qofba mar hakabado, umu teedku markii uuidinka xiranyahay, intaan yartaa isku dhib is dhaha aydaaba idinku tegiye.

SUUREE; Dumarka waxaa loo yeelay wali, waa xigmad Alle’. “Feerteena ayaa laga jeexay” waxa xigmad Alle’. Muxrim ayaa loo yeelay waa xigmad Alle’. Nolosheeda Ilaalinteedu qof ayay dulsaarantahay Waa xigmad Alle’. Duco-qabtadaada Wali ayaa kugu salimay siyaad u ilaaliso una dhawrto waxaa lagaaga baahanyahay in aad sida ay tahay u gudato ilaalintaade, jir ahaan iyo qalbi ahaan. Qodobkaan kalama jeedo in ay san isku filnayn, kalama jeedo liidis iyo hoos udhigis, xaashaa lilaah waxaas maankaygu ma soo qabto. Dumarka waxaa ku beeran maado ubaahinaysa in aad loo suureeyo loona ilaaliyo markastana lala socdo, gaar ahaan xiliyada culaysku jiro sida marka ay kala beermayso, marka ay nuujinayso, marka ay foolanayso, marka ay cuslaato, iyo waqtiyada kooban ee ay guriga ka maqantahay. In aad hadba tiraa sideetahay/maxaad qabtaa waxba kaama dhibto ayadase wax wayn ayay gelinaysaa, arintaan waa wax Dumarka ugooni ah hadaanahay Rag in nala yiraa hadba sideetahay, xageed maraysaa, iyo IWL ah, micne nooma samaynayaan laakiin Dumarka waxay usamaysaa micno, suuree xaaskaaga.

AMAAN; Amaan xaaskaaga sidoo kale xus hadba ayadoo ku maqlaysa sheeg sheeg hawsha ay kuu hayso iyo culayska ay kaaga aadan tahay, dheh hadba “markaad dhimataa war ii yaal”. Waxay xaaskaagu kuugashay soo koobo waxay kuugu deeqday Xoogeeda, Gabar nimaddeeda, Riximkeedda, iyo waqtigeeda. Nabigaa yiri NNKH isu hadiyeeya aad is jeclaatiine Nafteeday kuu hadiyaysay maxaa ka sareeya. Xusidda waxa ay kuuhasyo waxaa ka dhalanaya labo arin, 1) in aad adugu ogaato sida ay culayska kaaga hayso kuuguna naxariisanayso, shaki kuma jiro in aad ku darayso go’aamadda aad qaadanayso ileen waxaad ogtahay doorkeeda e. 2)  in ay ogaato waa Duco-qabtadee doorkeeda wax yaabaha ka la soo gudboonaada dhankaagana aysan u arkin wax ku yimid in aysan muhim ka ahayn agtaadana ku fududahay. Xaaskaagu marka ay kaala kulanto wax ay u ragto in aysan ku haboonayn waxay eegaysaa waxii ay agtaada ka aheed haday aheed qof aad usoo xaluulato marka aad daasho ee magaaladdu ku soo nacdo, hadaad qalad yarka gasho qiil kuuma hayso, xalkuna wuu kugu adkaan doonaa. Sika duwan, duco-qabtadaada hadaad Boqorad yar ka dhigto, intaan kor kusoo xusay, iyo in ka dheeriya Amaan aad ka soo siibto ayada dhan far iyo food, Maryaheeda Habeenba mid barko barkin marabou dheh, waxaa imaanaya in ay istiraa ogaaw kani aduu dadkugu yahay kaamana maarmo, isla markaas hadaad qalad ka gasho waxay kuu arkaysaa qof aan dantiisa aqoon oo Boqoraddiisii isku taataabtay, waxay ku fekeraysaa in aad ka baqayso in ay ku liqdo, halmar hadaad dhahdo ‘Abaayooy icafi’,  ‘Dantaada ma taqaanid haye waanku cafiyay’ ay horay kaadhihi doontaa, xalkuna wuu kuu fududaan doonaa ileen horaaad oga soo shaqaysee.

NADAAFAD; nadaafaddu door ayay ka ciyaartaa Nolsoheena qaybaheedda kala duwan, hase yeeshee masiino ahmiyaddii loo baahnaa, wax sida ay muhiimadda uleedahay u dul istaagay oo oga waramay waxaa laga arkaa Diinka, Salaadu waxay xanbaarsantahay xigmad ah in la ilaaliyo Nadaafadda, ka soo tag Dahaaradda kama hadlayo, si kale ayay Salaaddu uxanbaar santahay oo hoosta ugu wadataa in Nadaafaddu suulin oo markasta qofku nadiif iska yahay. Xadiis ayaa dhahayay Nadaafaddu waa Imaanka barkiis, in kastoo xadiiskas Daciifyahay hadana waxaa laga dheehanayaa sida Dahaaradda loo wayneeyay si aanan Nolosha u dhibsan. Haddii aysan Nadaafadi jirin Nolasha waa ladhibsan lahaa bal feker aduguba caqliga waxaa lugu siiyay in aad fekerto e, farxad yaan la kala raadin hadaysan Nadaafadi jirin.
Nadaafadda marka aan leeyahay kama hadlayo meel qura iyo waqti gaar ah, waxaan ka hadlayaa Guriga gude iyo dibad, Dadka ooga iyo marasho, Caruur iyo Waalid intaba. Marka sayidadaada/sayigaaga xarago kaliya tahay/yahay xiliwalba iyo Goor walba waxaa kuu muuqanaya quruxdeeda/diisa mafiirinaysid cidkale, markaad aragto Gabar xaragoonaysa waxaa loo baahan yahay in aad xusuusato Boqoradaadii oo laafyaha tuuraysa, is lamarkaasna aad hoos ka tiraa walee midaan ka soo tagay, laakiin haday tahay Baali maxusuusan doontid, qofaan nadaafad lahayn xusuus kuma fiicna. Biyo waa lama waa yaane, Cadaygaagu hakuu tiirsanaado Shaambadaadana soo dhawyso taladda intaas Ayaan ku soo koobayaa.
Sida caadada noo ah waxaan is nadiifinaa xiliyo gaar ah, sida marka aan xafladaha u socono, iyo marxalado gaar ah, Raggu waxay is nadiifiyaan marka ay Baladka aadayaan, Dumarkuna Aroosyada ayay udiyaarsadaan wixii saanad ay haystaan. Qodobadda aan sare ku soo xusay waxay ku saldhigtaan qodobkaan haddii la waayo ama laga gaabshana masuurto gelikaraan qodobadda sare. In laysraacoo laysku faano xaragadu waa ka koow. Qodobkaan aad haloo sugo.

F.G; sedexda qodob ee dhiman si ulakac ah Ayaan ureebay, qofkii aan isku aragno goobaha nasiinada galab casirkii anoo faraxsan Nasiibkiis waan oga dhici oon u sii dheerayn qormadda, laakiin halkaan kuma qorin mudanayaal.

Gaban-gabo;
birta hadaan lagaraasayn waa is cuntaa, Binu aadamku waa sidaas oo kale garaaso ayuu ubaahan yahay, qodobadaan waa qodobo aan u arko haddii la dhaqan galiyo, gaar ahaan dhalinyaradu dabaqaan in ay wax badan ka qabanayaan kana bedelayaan dhaqanka guracan ee ka dhexjira Bulshaddeena. Lamaanayasha waxaan kula talinlahaa in qofkasta dhankiisa arinta ka fududeeyo, qof walbaa haku dadaalo sidii qofka kale Ishiisu uqaban laheed, yaan lakala faanin waqti yada qaaligaa halaysla qaato, yaan lays xaqirin sisax ah halysu qeexo qofkastana doorkiisa haloo qiro, halakaftamo, isi suureeya oo halaysu ilmeeyo, halaysugu yeero magacyoka turjumaya waxa laysku yahay, halaysku mashquulo yaan la kala mashquulin. Guryihiinna haka dhiginina Qubuur, qubuurahaan laysla hadlinoo lugu farxin. Taaktikada iyo farsamadda aad isticmaalayso hakuu kala reebnaato yay halmar kaawadda noqon sida qodobadda qormadaydu kalaharka u leedahay.


W/Q: Cabdifatax “IMAAM”
https://www.facebook.com/cabdew 
https://twitter.com/cabdew
https://instgram.com/cabdew 


Previous
Next Post »