RAGU DUMARKA FURFURAN AYAY DUL-HOGTAAN, DUMARKA XIRXIRAN AYAYNA GUURSADAAN


  Qormadaan waxaan ku falaaqayn doonnaa siyaasadda raggu ay ku kala xushaan dumarka. waxaan ka eegaynaa nuuca qofnimo iyo habdhaqanka, iyo isku kalsoonaanta;' taasoo xiriirtoosa la leh tayada qofka. Waxaan sidoo kale xusidoonaa wacyiga dumarka maanta jira. Dumarku waxay leeyihiin qiimo wayn sidaas ayaa keenaysa in aan taxliilino waqtina ku bixinno. Ugu danbayn waxaan sidoo kale bixin doonaa talooyin aan is leeyahay way ku haboonyihiin gabdhaha Soomaaliyeed sife ay u yeeshaan wacyi ay ragga si sax ah iskugu suuqgayn karaan, raggana kusoo xero gelin karaan. 

dumarku way kala dabeecad duwan yihiin, waxaa jira mid furfuran oo kaftanleey ah, dadka si sahlan ku dhexgasha ulana hadal bilaawda iyo mid aan kaftan badnayn dadkana aan sahal ula hadal bilaabin, gaar ahaan raga aan sida badan carrabka la laacin. labadaan nuuc ayaan ku salaynaynaa dabeecadaha dumarka.

Aan la hormaree; raggi waa masayr badan yahay, waata la yiraahdo qoori Xero kuma heshiiso, dumarka laftiisa, waxa jira kuwo dareenka ka socda ee aan bahda iyo caqliga ka socon. Kuwa aan caqliga ka socon dareenkooda ayaa lala hadlaa; waxaa lugu yiraahdaa "quruxdii ayaad ka badatay, si qumman ayaad u naafsanaysaa, qufacaagu aad ayuu u qurxoonyahay, markaas horay ayay kaa raacaysaa. Kuwa caqliga ka socda cid walbaa wax uma sheegi karto, waa dad dareenkoodu aad u xakamaysan yahay-oo aan dareenka farriimaha ka qaadan. Rag caqli badan unbaa la imaan kara siyaasad lugu qancin karo,dhiggeeda dhinac walba ayay guursataa, halka tii hore ay ka hoos marto halka laga filayo.

 DUMARKA FURFURAN/KAFTANLEEY:
  Dumarka furfuran waxaan kala jeedaa Gabdhaha layiraa waa bashaash, kaftanleey jecel in ay markasta ku dhexjirto Bulsho, goobaha waxbarashadda Gabadhaha, iyo Wiilasha isku si ayay ula kaftamaan, inta badan majecla in ay Gabdhaha la qaataan waqtiga waxay jecelyihiin lakaftanka Wiilasha Dhigoodaa, intaas waxaa dheer Farakaciyaarka, waxkala daf-dafidda, hadba qalin iskala boodka, Buugaag kala qarinta, Moobayl isku dhiibka, Sawir yaable is dhaafsiga, sawirro isla gelista. Guraga ay joogaan Gabdhaha nuucaas ah waa Guri Bulshaawi ah, markasta  Asxaab ayaa isdhex qaadaya Guriga, asxaabtuTiinabiga maahan (NNKH).
  Dhaqanka nuucaan ah waa wax aan cidina waxka bedeli karin oo ku xiran sida ay u badan tahay Ababka lasiiyo Gabdhaha iyo Abuuris ka horaysay Ababka, waxaa jira Gabdho Bulsho ku soo dhexkora hadana sidaan aankor ku soo xusay aan ahayn ee Xirxiran/aan kaftanleey ahayn, Dantooda un abaara.
  Raggu Dumarka Furfuran ee leh astaamaha aan kor ku soo xusay way jecelyihiin maanta dhanna way kor dhoobanyihiin markaad aragto hadana dhanka kale waxay u arkaan Raqiis Guurkoodana wayka doorbidaan.
 Furfurnaanta kama wado Qalbifurnaanta, taas cid walba waa loo baahanyahay, qalbifurnaantu waa furaha soo jiidashadda iyo saamaynta qofkale wayna tahay runtii in Dumarku noqdaan Dad qalbifuran.

DUMARKA XIRXIRAN:
  Dumarka xirxiran waxaan kala jeedaa Gabdhaha Ragga aan la Kaftamin Ragga kaxishoodda, Aamusan, Sawdka gaaban, saantayar ee aan Wareegin inta badan, (Maqbiyo). Gabdhaha nuucaan ah intabadan luguma dhex arko goobaha Raggu ku sheekaystaan, luguma yaqaan farakaciyaarka, Buugkala meersiga iyo Taleefoon isku dhiidhiib, iyo kaftan la-wadaag-Wiil, sidoo kale mayaqaanaan Xaflado isku raaca, Bajaaj la fuulka, iyo Liido soo fiirinta badan. Marka lajoogo goobaha wax barashadda dhanka wiilasha ama Ragga ma soo xigsadaan waxay maraan dhanka kale, waxayna ku qanciyaan Gabdhaha kaduwan ee Furfuran/kaftanleeyda in ay Wiilasha ka xigsadaan isagana aadiyaan. Marka laga hadlayo Guriga way adagtahay in ay uyimaadaan Asxaab Wiilasha deriska”, sida badan Wiilal ama Rag uma yimaadaan, waa laga yaabaa in ay u yimaadaan Gabdho saaxiibo ah, gabdhahaas saaxiibadaa oo uyimaada ayaad ka war bixiya waana kuwa laga warsado ee Raggu ka warsadaan ogana wargeeya ileen waa maqbiyee.
 
  DHAWRSANAA DHUR LEH:
  Mahmaahyo Soomaliyeed ayaa waxay oranaysaa “gabar waa tii sawd/cod gaaban oo Saanyar/aanwareegin”, labadaan eray waxay xanbaar sanyihiin labo micnoo waa wayn, hadaan soo koobo Gabari kuma fiicna Fadhi-kudirir, Gabari kuma fiicna hadba meelku harsasho, iyo dibashada. Dahabku iskama yaal Dusha sare ee dhulka wuxuu ku jiraa Dhagax hoostood, Dhaymanku iskamayaal dusha sare ee Badda wuxuu ka hooseeyaa gunta badda, sidoo kale Dumarku waa Dahab waana in loo milgeeyaa sigooni ah. Noqo gabareey qof miizaan leh, gabadha miizaanka leh waxaa laga gartaa hadalkeedda, marka ay raga la sheekaysanayaan waxa lawaydiiyo sida loo waydiiyo ayay u abaartaa, marka raggu uyimaado kontoroolku kama lumo, makala badbataan, waxay raga ugu yeeraan Eraga “walaal” iyo Dhoolacadayn ufiirsi lasocdo, Durmaka nuucaas ah way isku kalsoonyihiin, sidabadan waxayku lebistaan dhar aanku dheegenayn sida “Cabaayadaha” iyo “Sharabaatiyo/Sigisaan” way xiran tahay ayada dhan isoo fiiri majirto, markaad dharka isku dhejiso farakaciyaar wayn maysid gabareey. waxaajira dumar markii qofka jinsi duwan uyimaaddo ama lahadlo Ragaan ka wadaaye, iskala garanwaaya, kala badbata, wajiga qarsada indhaha dadbada, isduuduuba warkana xero-taraara, sida ay ubadan tahay waxaaka soo fakada hadallo aan qorshaysnayn tusinayana sida ay nugushahay markaasay dhalataa in ragu afka laraacraaco, gartaan in ay nugushahay halkaasna oga siigudbaan Ragga qiimaha lehi, Durka nuucaan ah iskuma kalsoona, waxay ku lebistaan dharka ku dhegen sida Funaado, shaatiyaal iyo Hooska-xirad Dayacan, waxay maanku hayaan waxkaadhimanyihiin kor is ku qaadoo is qurxi.

HAASAAWAHA HANA-QAADDA:
  Haasaawe waa in aad isku soo jeediso qofkaasii jeedda, waa bilaawga heshiis qoto dheer. Waxaa jira astaamo lugu garto haasaawaha nabad qaba ee faa’iidadda laga gaaro. Marka la haasaawayo marxalado ayuu maraa haasaawuhu, xaalad bilaaw ah, xaalad dhexe, iyo xaalad qaangaar ah, marxaladahaan isku si looma dhaqmo loomana hadlo, tusaale marka uu bilaawyahay ama mar xaladda dhexe uu ku jiro ereyadda dabacsan lama isticmaalo, sida Macaanto, Qalbigaygii, waanku jecelahay, Xabiibtii, iyo wixii lamid ah, ereyadaan waa Qatar dhalinyaraduna wayku sirmaan, xili ayay leeyihiin ereyadaan hadaad isticmaasho xili aadan waxba ku darikarin waxaybay kuu dhibayaan in ay waxkuu siyaadiyaan daaye. Ereyadaan waxaa loogu talagalay marka lays macaansado, jacaylku xili ayuu abuurmaa’ waa marka laysku naxariisto e, waxaanku talin lahaa in aadaan ereyadaan isku isticmaalin dhalinyaro adinkoon xalaal isku ahayn. Hadaad isku isticmaashaan adinkoon iskuba soo dhawaan karin oo aad meel fog macaanto iyo macaane iska dhahdan waadku la laboonaysaan marka danbana waad isku xumaan doontaan, dhug uyeesha dadka ereyadaan iskugu yeera way isku dhacaan saacado kadibba, ways is raali geliyaan hadana isku dhacaan. dadka Walaal iyo Walaal iskugu yeeraana waligood iskuma dhacaan, marka ay xalaal isku noqdaann ereyadaanna way iska imaan in ereyadaan la isticmaalo waana xiligii saxda ahaa ee ku haboonaa.
  Marka la haasaawayo hadaad aragto dhalinyaro macaanto, qalbii, xabiibtii, my heart isdhahaya ogaaw isku dhacoodu meel majire’, sidoo kale hadaad aragto wicitaan badan oo hadba Taleefoon dhegta lugu hayo waxay calaamad u tahay in uu san haasaawahaas micno lahayn Xaqiiqadana ka fogyahay uusanna sii socon doonin. Sika duwan hadaad aragto dhalinyaro markay haasaawayaan erega Walaal un isticmaalaya waa ducaqabayaal Haasaawahoodu guulku dhamaandoono, mana isku dhacaan in ay isku sii wanaagsanaadaan mooye’, waxay is wacaan xiliyo kooban Taleefoonka dhegta iskagama hayaan, sidabadan waxay ku kulmaan Munaasabado kadis ah ama aysan ayagu qorshayn, arinkaasna wuxuu cusbo uyahay xariirkooda dhadhanna uyeelaa si’aan ladareemikarin ugu yeelaa dhadhan.

SIRTA SOO JIIDASHADDA;
Si raggu kuu arko Xishoo’, dhoola caddeey, kuna dadaal Nadaafadda, waxaad haysato intay rabaanba hala ekaadeen, siday doonaana ha u ekaadeene, 'kuwalacso' ragga, in lugula hadlo ayaa Guul loo arki doonaa inta aad aruursan tahay qaalina waad tahay, in dharbaaxyo dhabarka lagaaga dhifto warkeeddaa’, Ragga qaarkood kuguma soo dhiiran doonaan, waxaa ku soo aadi doona rugcadaa’ taagtaagsanaya ileen qof mug iyo miizaan leh ayaa tahaye, Guusha waxaa lugu gaaraa Geesinimo, iyo adkaysi, Geesinimaddana waxaa lugu gaaraa waxyar oo aad cagaha dhulka ku sii hayso sugnaada habloow, oo sugta, Adkayso waxyar Gabareey oo dulqaaddo waa luguu imaan e. marka qalbigaaga ay gasho waxbaa kaa dhiman ma aadan sugnaan, iskumana kalsoonid, in aadan isku kalsoonayn waxaa sheegaya hab-fekerkaaga, sida aad u lebisato, sida in aad dharka isku dhejiso si aad soo jiidasho usamayso, ku kalsoonaaw dabeecaddaada iyo Wajigaaga, wajigaa soo jiidasho lugu sameeyaa, markaad dharka isku dhejiso Dadka qiimaha leh waykaa dheeranayaan Dadka xunna way kuu soo dhawaanayaan, waana jabidoontaa. markaad dharka isku dhejiso waxay ka dhigan tahay, 'wajigaygii kusoo jiidan waaye, soo raac jirkayga kale waakaase. hadaad maqaalin bada la aado e aad salka maqaalinta bada uridato halkii aad afkeeda bada u ridan leheed, maqaalintu waxay soo qabanaysaa qashinka bada gunteeda yaal, ileen adaa u isticmaalay siyaan loogu tala geline. salka yaan lugu kaluumaysan e wajiga halugu kaluumaysto hablo.

Gabangabo;
  Gabar xirxiran iyo Gabar furfuran taad ahaataba anugu madiidani in gabari wiil lahadasho ama hasaawido, gabadhu way la haasaawikartaa hal-wiil oo ay u aragto in uu waxku soo kordhinkaro, inta kalana ay iska buubiso, adeer wax matare iyo qosolaan muhiim ahayn yuuku dhaafin qayrkaa. waxaan diidanahay waxaytahay Hortanka iyo Tuuryadda, islaaclaaca iyo isla boodboodka, is-ur-urinta iyo is-milicsiga aan micnaha kufadhiyin, kuwaasoo kaa dharsiya’ Dadka danta kaa leh, micnahana kutira, oo kugu danbaysiiyaa is-guduudiso aan la guursan. Sidoo kale waxaan reebayaa haasaawaha marin habaabsan ee dhalinyaradii niyad jebiyay ileen markii aad sida aan soo sheegay aad udhaqanto dhawr qofna aad isku xumaantaan waad niyad jabaysaa. Dhaqanka farakaciyaarka ee wiilasha iyo gabdhuhu farakaciyaaraan, gabdhuhu waykuqiima dhacaan, raguna majecla Dumarka gacma taagtaaga badan ee Ragga laaclaaca, halays aruuriyo gabdho markii la joogo goobaha waxbarashadda iyo goobaha wadaagga ah, yaan qalimeenta iyo buugaagta lakala dafdafin, Taleefoonadda lakala qarin, Indhashareeradda laysudhiiban, hadba yaan dharbaaxyo dhabarka laysu gelin. haloo shawro u jeedo, intii isgaysaana haysu giyaanto.

W/Q: Cabdifataax Cali Cabadalla "Imaam"
https://www.facebook.com/cabdew



Previous
Next Post »

1 Comments:

Click here for Comments
Unknown
admin
May 7, 2020 at 2:37 AM ×

Mahadsanid mataraaz Ali

Congrats bro Unknown you got PERTAMAX...! hehehehe...
Reply
avatar