MAQUUNINTA IYO MAAWEELINTA MAANKA DUMARKA

NUUCYADA DUMAR: FARSAMOOYINKA HAASAAWE-BILAAWGA IYO TABAHA XERO-GELINTA EE RAGA

3 qaab ayay ragga iyo dumarku ku bilaabana haasaawaha, 1) laba qof oo wax wada baranaysay ama wada shaqaynaysay oo halkaas haasaawe ku dhex maro, 2) laba qof dad is yaqaanay isku xuleen iskuna xiriiryeen iyo 3) haasaawe ka billaawda siit-siit yareey waad shidan tahay- lambarkaaga ii-qor. Qaabka danbe waxa aku haasaawe billaaba dadka aan fiirada dheer lahayn noloshana aan si fiican u fahmin, dadka dareenka u saaxiibkia ah ee aan caqliga u saaxiib ka ahayn ayaa ku haasaawe billaaba qaabka danbe, halka labad qaab oo hore ay u haasaawe billaabaan dadka caqliga u saaxiibka ah.   



 Ragu qaabab kala duwan ayay dumarka Haasaawaha kula bilaabaan, siyay usoo xero geliyaan. 

    Dumarku way kala duwan yihiin waxay ku kala duwan yihiin, garaadka, cilmiga iyo shaqsiyadda.

    Waxaan ka soo qaadanayaa sedex nuuc oo Dumarku u badan yahay, lagana yaabo in aad igu raaci doontaan; sedexdaas nuuc, nuucba qaabaa lugu soo xero geliyaa.

    Dumarku isku mid maahan waxaa jira kuwo lala hadlo dareenkooda iyo kuwo lala hadlo garaadkooda. Ragu waa sidoo kale, rag waxaa jira dareenkooda ku go'aan qaata oo amarada halkaas ka qaata iyo rag caligooda ka qaata go'aanka.

    Hablaha habab siyaasadeed badan ayaa lugu edeg-geliyaa ama loo wajahaa marka ragu doonayo in ay la haasaawaan. Gabar markii aad rabto in aad xiriir la yeelato, waxaa lagama maarmaan ah in aad diyaariso falsafad iyofarsamo aad hadal kula bilaawdo, adoo tix gelinaya garaadkeeda, cilmigeeda iyo shaqsiyadeeda, ku waasoo laga dheehdo hab-dhaqankeeda, hadalkeeda, labiskeeda, heerkeeda dhaqaale, wax barasho, iyo heerkeeda bulsho. Aan kala qaado, oo guda galo, anoo jilaya sidii in aan la kulmay.
Google
Nuuca 1aad

Waxaa ii muuqata gabar, way yara qorqoran tahay, qurxoon tahay, way isoo jiidatay. Waxaan rabaa in aan Haasaawe la aado, siyaan Haasaawe u la aado waan qaymeeyay, waxaan ka qiimeeyay mar ay la hadlaysay dhallinyaro kale oo gabdho iyo wiilal iskugu jira, dabeecad ahaan way furfurneed, Carabkeedu wuu laalaabanayay, labiskeedu waa liitay, (waxaan kala jeedaa xoogaa raga ayaa labiskeedu soo jiidasho ayuu lahaa, wuxuu ahaa nuuc sababaya in meel dheer laga arko

       Markaan nuucaanku qiimeeyay waan sahlanayaa, iigama baahna siyaasad saas u adag iyo inaan taxadar ku aado soo tii qayl yaysay? soo tii dadka laac laacaysay?, waxay u baahantahay in aan halmar daandaansado, ama xitaa aan wax ku tuuro, ama Buug ka dafo/kala cararo, ama mid kala cararaya aan uga dhigo saasna kula hadlo oo halkaas kala sii wado, dabadeena xariirka kala qaadano ileen waan ogahay diidi maysee. 

     Ufiirso siyaasada aan ku wajahay markaan samaynayay waxaan ku saleeyay; sahlanaanteeda, labiskeeda, iyo hadalkii ay ku hadlaysay markaan maqlay ee ugu horeeysay, kaasoo ahaa mid aan cilmi badani ku jirin, iyo guud ahaan hab-dhaqankeeda oo umuuqda qof aan degenayn. Hadaan maqli lahaa iyadoo Aayado iyo wax daliilinaysa ama cilmiga maadigaa  xitaa wax ka xusaysa xoogaa waan ka jinban lahaa siyaasadeeda xergeliteedana waan cuslayn lahaa, kumana degdegeen oo daandaansi u lama aadeen si fudud. Gabadha nuucaan ah ayadoon ku aqoon ayaad Social media-ha mayracasho uga baran kartaa. Habkaan waa hab ka koowaad midka xiga:

Nuuca 2aad:

       Waxaan arkay gabar, indhahaygaa qabtay, way icajabisay, waxaan u baahanahay in aan soo duwo soona xero galiyo. Qaabka ama habka aan usoo xero-gelinayaa waxay iiga baahanyihiin siyaasad kuhaboon ayada. siyaasadaa waxaanku salaynayaa astaamo aan ka helay ayada markii aan arkayay, oo maxay yihiin?. Markaan arkayay, way yara degeneed, iska lebisneed sicaadiya, cidna lama tiraab wadaagayn, hablo asaageeda ayay bartanka uga jirtay, diraasadbay la qaadanaysay, ama muunaasabaday joogtay, ama shaqay la wadaagaysay IWLM, xiligaasna wiilal la hortami mayn oo laaclaacimayn. Mahelin fursad aan kula hadlo ama kuwada hadalno, suurta galna maahan in aan iskaga bilaabo war, waayo meel ay iga jirto ma aqaan oo sidii qoftii hore si degdeg ah loo ma miisaami karo. Mar haday saas tahay, waxaan u baahanahay in aan helo fursad kale oo aan si un hadal u wadaagi karno; tusaale. In aan isku aragno wati nasasho, xiisad kale kulan kale, salaam caadiya, ubaytin waxka lumay (qalinaan hayaa makaa lumay), haybin wax iga maqan (buugaan waayee amaad arkaysay cid qaaday, macalinkii xagee maray) IWLM. Hadii fursadahaan mid ka mid ah aan ku helo waxaa iisoo bixi kara fursad aan ku ogaanayo nuuca ay tahay; tusaale waxaanku iri walaal maaragtay hebel, hadii markaas jawaab celinteedu noqoto midaan kontoroolayn hawshaydaan geleyaa oo sheekada waan sii dheeraynayaa, laakiin hadii ay si haboon, kontoroolan oo haboon ay iigu jawaabto waxaan ogaanayaa in ay tahay qof fadhiso waana isku laabanaya siyaan isku soo adkeeyo waa sida ragu sameeyaan e, habloow hala ogaado. Inanta aan kontoroolayn jawaabteedu waxay aadaa meelaan loo baahanyn, qosol aan loo baahanyn, isduuduub aan loo baahanyn, hadala soo jiidasho leh sida; Aboowe iyo jirka hadal (hadal aan afka laga hadlin). Caawinaad aan loo baahanyn oo dib ka timaada oo ay ku caawiso taasoo kabdan aqoonta ay kuu leedahay, warqad ama moobayl kaadhaca in ay kaacaawisaa waa caadi, laakiin in ay kaacaawiso in ay kugu raadiso inta kuhor kacdo wixii aad raadinaysay, dhawr darbina kaala dhacdo sidii aad u heli laheed maaahan wax caadiya, haday shaqadeeda tahay in ay kugu raadiso kuma darin. Gabadha nuucaan ah tii horay kuxigtaa, xoogaa ayay dheertay ugu yaraan ka fiirsasho ayay leedahay mana degdeg badna, wax walba oo aad rabto in aad u bandhigto ama la wadaagtana waxay u baahanyihiin in aad waxku aadiso, intii tabartaa ahna aad qurxiso sabab cadna aad u yeesho. Qaabka aad Haasaawaha kula bilaabayso inanta nuucaan ah waa in uu ku qotomaa sheegtaana sabab cad ee ku’unkamay una jeedisaa qaab quruxbadan caqligeeda intaasaa ku filan, isla markaas inta lugu guda jiro dadaalkaan markasta oo aad u muuqanayso ama sida badan waa in aad labisantahay xoogaa is dhaldhalaalisaa. 

      Gabadha nuucaan ah waxaa ka sii saraysa midda soo socota, gabadhaan looma baahna  marka aad soo xero-gelinayso in ay kugu barato in ay kugu aragto waxtar bulsho, hawlkanimo, maarayn khilaafaad, hogaamin wanaagsan, sooyaal dheer oo laga cabiri karo waxaa tahay, waxaas umaha baahna. Hablo siyaasadaan iska fiiriya waxbaanku dhaqnaa e’. Gabadha nuucaan ah ayadana social media-ha waad ka qooran kartaa hadaad iskugu duwdo qoraalo isku aadan oo faan iyo beerlaxawsi u badan. Habkaan waa habka labaad

Nuuca sedexaad:

       Waxaa jira hab kale oo aan ugu danbaysiinayo sedexda hab ee sida badan la isticmaalo, waa hab ku fadhiya garasho iyo cilmi. 

Aan guda galo. Waxaan arkay gabar, waxaan kukulanay meel bulsho iskugu timid oo loo yimid arrin waxku ool ah, samafal, cilmi iswaydaarsi, ama dan caadiya ee duruufi keentay taasoo isku kal naga dhigtay. Intaas waxaa sii dheer gabadha markaan arkayay way hadlaysay, waxay ku hadlaysay cilmi sida; in ay wax waaninaysay, wax xalinaysay waxaanan afkeedka ka maqlayay daliil diinya iyo xigasho xeer maadiya ku qotonta oo adkii la joogay madaxa u ruxeen. Dhawr theories ayay isku martay intii yaraa ee dhegtaydu doogaysay carrabkeeda da'yey. Inantaas waanla cajabay, waxaan u arkay in ay tahay muwaadin wanaagsan, halkiiyaa qofba jahadiisa u dhaqaaqay labadeena isla hadal daa labadeenaa ma dhicin, isbarasho warkeed daa', runtiina ma filayo in aya yadu ii jeeday in ay i ogeed ubakaadiye, niyadana waxaanka iri maasha Allaah.
          
          Wax waqtigu isguraba, si aan qorshaysnayn oo aan laaga soo shaqayn ayaan markale ku arkay inantii wanaagsaneed ee waagii aayadaha daliishanaysay, waaba ka sii darane markaan waxaan ku arkay ayadoo ku jirta hawl baaxad wayn oo ay ayadu hormuudka tahay, soo qaban qaabisay, oo ay iskud uba ridkeeda iyo filinteeda leedahay, cilmigiina nuucii ayuu uga burqanayaa. Hawshii marqaatibaanka noqday, ayadii waan is aragnoo is waji iyo magacyo baranay, una hanbalyeeyay, intaas waxay iiga dhigan tahay guul wayn. 

        Qoftii waan ladhacay, waxaan kaloo helay xog i anfacaysa, waxaan xusuustay baahidaydii qofeed oo aheed in aan garab banaanaa, daydayayayna qofaan maqaalinta haasaawe galawda ka suro, qoftaasoo; igu maqaama ama iga saraysa, waxna igu kordhinkarta. Waxaan aniga iyo naftaydu isla garnay in ay ayada tahay, hoos ayaan uga gurxamay fiicnaan laheedaa hadaad wax isla heshaan.

         Suaashu waxay tahay; qofta nuucaan ah haasaawe-siyaasadeed nuucee ah ayaa loo baahanyay in aan u diyaariya kuna waajaho? si aan usoo xero geliya, maanka waxaan ka ogahay in aysan sahlayn qoftaani. waxaa loo baahanyahay:

1)     In ay ku taqaano xili dheer qoys ahaan, haday adiga qof ahaan ku taqaanna kasii fiican;
2)      In aad ku miiqaam tahay cilmi ahaan iyo caqli ahaan;
3)    In ay ayadu qorshe ahaan diyaarsantahay (hadayan haasaawe u diyaarsanayn adigu maduwi kartid, caqligaaguna ku siin mayo in aad tiraa wixii horaba iska dhaaf wax cusub hada bilaaw) qorsheheeda waa in aad xog ka heshaa.
Markii intaan la helo qofta nuucaan ah, uma baahna in aad u tagto kuna tiraa in aan ku shukaansadaan rabaa, ama aad ku daydo wixii aad kuwii hore kula macaamishay ama kusoo xero-gelisay, waxay u baahantahay siyaasad mug iyo miisaan leh oo ayada u qalanta.

        Waxaa loo baahanyahay in aad horteeda ku muujiso hawl-karnimo (in ay usoo joogto miro dhalka dadaalo aad adugu bilaawday, arrimo bulsho oo aad si wanaagsan u maaraysay IWLM), waxaa loo baahan yahay in aad dhiboow marto horteeda si ay u aqoonsato qofkaad tahay. Waxaa loo baahan yahay in ay kasbayso cilmigaaga, iyo caqligaaga siyay u xaqiijiso in aadan hoos u dhigayn miiqaabkeeda. Waxaa loo baahan yahay in aad la timaado dhaqan wanaag ku abuura ayada iyo bulshadeedaba qanaaco, kaligeed lama rabo macaa bulshadeeda waa in aad u hawl gashaa sidii ay kuugu qanci lahaayeen. Markaas ka dib waxaa loo sii baahanayaa in aad dhedhen siiso qaabkaad doontaba u mare, in uu kugu jirto baahi haasaawe-dalab. Markaad intaas la timaado hadii dhankeeda luga-deg ka jiro shuruudihii aan sare kusoo xusnayna ay buuxeen ayadaa ka qayb qaadan doonta dhamaystirna la imaan doonta, aduguna waad soo dhibtootee waad nasan. 

      Sidaan ayaa lugu soo xero-geliyaa gabadha cuunaan ah, waana tan ugu siyaasada adag ugu micnaha badan. Ogsoonaaw waxay u baahantahay in aad u shukaamiso marka hore si macnawiya, horteedaadku muujisay waxaad gasho, ka dib si maadiya afkaad kala hadashay, waa hawl culus. Aan kuu raaciyo gabadhaan lagama yaabo in ay haasaase iyo hadal hoose in ay kula furto intaad baraha bulshada ka qoorato waa laga ayaabaa in ay arrimo ganacsi kaala hadasho.

     
gaban-gabo

     qof walba meeshuu leeyahay ayaa la dhigaa, inantii u horaysay  waxay aheed carab-dheer cagta ka falan, cidna aan ka xishoon, sidaas darteed cidka xishoonaysaa ma jirto. Gabadha ku xigtaa waxay aheed inan aan astaameheedu dibada oolin oo u baahan ditaajibin waana sida ay u badan yihiin gabdhaha hooyooinkood soo koriyeen. Midda u danbaysa waa gabar asataameheeda wanwanaagsan bidabda yaalaan lana garan karo halka ay ku gaarsiin karto, waa qof caqli iyo cilmi loogu ciirsado, waliba aan idikugu dare e’, markaan maqaalkaan curinayay waxaan arkay qof nuucaan dabe ah, cilmi iyo caqli Alle ugu nicmeeyey. Waxyaabaha aan ka faaloodo waxbaa igu dhaliya.

        Gababdha u horaysa ee furfuran ah waxay ku xusuusinaysaa mahmaahyadii Soomaaliyeed ee oranaysay, "Gabar iyo Abeeso afkooday u dhintaan". Waxaa lagala jeedaa Abeesadu adoon u socon ayay fuuf kugu tiraa markaas ayaa qofku ogaadaa in meelaha Abeeso ku jirto sidaasna uu ku dilaa. Gabadhaan Furfuran ah ee aan sheegay, marka raggu dareemo in ay tahay qof aan waxba la joogin oo aan micno badnayn qorshana aan lahayn ayay sanka sanka u saaraan illaa ay sinta sinta u saaraan.

       Haduu xageeda kayimaado damaca iyo haasaawe bilaawgu taa anugu kama hadlayo sida ay raga ku kala saarayaan dumarku ayakaan u daayay, dabcan adigana lagaagama baahna siyaasad waayo ayadaa soo bilaawday dantaada un fiirso weeye. Sidoo kale Kama hadlayo sedexda nuuc midkasta guurka lugu gaaro ama looga gudbo halka uu ku dhamaado waayo waad u jeedaa. Sidoo kale waxaanan ka hadlayn qof lugu baray ee lagaa ergeeyay xiriir haasaawe siyaad u la samayso siyaasada lugu dhaqo


W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla Imaam
https://twitter.com/Cabdew
https://www.facebook.com/Cabdew
Previous
Next Post »