![]() |
Facebook GABADHA WAX BARATAY WALIBA HANKA SARE XAMBAARSAN, MAXAY RAGGU UGA MEERMEERTAAN, AYAKUNA GUURKOODA UGA WELWELAAN. |
Welwel ma kaahayaa guurgaaga, aad makuu cabsi geliyeen mahmaahooyinka Soomaalida-ee yiraahda “Guurku waa God mugdi ah Gacanta geli”, qalbigaaga ma ruxeen dhacdooyin ku soo dhacay qof kula mid ah, intaas ma kuu dheer tahay in aad tahay gabar hammi sare iyo hal-abuur leh, guulo horay u gaartay (Xaafidu quraan, Hogaamiso, Ganacsato, Qoraa IWLM), miiqaam lala cajabay bulshada maku dhex leedahay?.
Waxaan la hadlayaa oo aan warka u
wadaa gabdhaha ayakoon guursan hibooyinka iyo hanka sare la soo baxay oo raggu
sidii dab-ku-dhicii ugu meerayaan laakiin aysan la hadlin.
Ma tahay, gabar caan ka ah
fagaarayaasha fikirka, doodaha, cilmiga, hibada iyo hal abuurka?, ma tahay
gabar ku qanciwaysay inta u dhexaysa sariirta iyo jikada-ee doonaysa in ay
hawada sare hiigsato?, Hadaba hadaad u bogayso hadalkayga, hayga dheeraan oo
dhammayso maqaalkaan.
Gabdhaha aan sheegayo-ee sifooyinka sare leh, raggu kuma deg dego, waliba waxaa badan oo dhacda; sifooyinkaas markii gabadha lugu arko, in si qaldan loo fasiro, sida in la yiraahdo gabadhaan lama dhaqi karo, lama shukaansan karo, guri ku jiri mayso, waa isla wayn tahay IWLM. Dadka sidaas u fekeraya waxaa saamayn ku leh aragti bulshada Soomaaliyeed ay qabto oo ah 'in gabadha go'aan loo gaaro' lana boobsiiyo, gabdhahaan aan sheegayo sidaas way ka duwan yihiin. Qorshayaal ayaa meel u yaal.
Gabdhaha dhallinyarada ah midba midda
ay ka hammi sarrayso oo ay ka himilo wayn tahay, ayay ka warwar badan tahay,
dadku mustaqbalkooda way u kala cabsi badan yihiin isku mid maahan, haddaad aragto qof mustaqbalkiisa aad uga warwaraya waa qof
xiddig ah oo bulshada mar un u ifi doona.
Gabadha nuucaan ah-ee waxbaratay,
hamiga sare iyo hibooyinkana leh, sida badan waxay u kala baqdaa; nolosha ay galayso iyo hamiga ay xambaarsan tahay, raggu sida uu u badan yihiin ma
koriyo hibooyinka iyo hanka dumarkooda. Waxaa jira rag aragti ahaan qaba haddii ay xaaskooda siiyaan isbays ay ku dhaqdhaqaaqdo oo ay ku soo bandhigto hibooyinkeeda waxay u arkaan inay dayici karto hawlo kale oo ay ka mid yihiin daryeelka caruurta, gabdhaha hoggaamiyayaasha ah ee hal-abuurka xambaarsan halkaas waxaa ka soo food saara walwal fara badan, taasoo keenta inay muddo aad u fiirsadaan waana halka laga sameeyo been abuurka ah waysla wayn tahay iyo lama dhaqi karo. Dumarku waxay door ka
qaataan guusha ay raggu gaarayaan, ma badna nin door ka qaata guul sare oo
xaaskiisu gaarto, haday ahaan leheed guul hogaamineed iyo mid hal-abuur intaba.
Gabadha nuucaan ah ee aan ka
sheekaynayno ayadoo cabsida nuucaan ah uurka ku haysa, qalbigana ku haysa nuuca
nololeed iyo reer ee ay u bahan tahay-illeen iinsaanku ma kala maarmee, ayay diyaarisaa
siyaasado ay ragga ku kala xusho oo ku kala qiimayso si ay u la baxdo hanad hammigeeda ku xambaari kara. Waxay muujisaa hab-dhaqan ku salaysan xasilooni iyo dan-garadnimo.
Rag iyo dumar hammiga iyo hal abuurka
waa laga siman yahay, sida ninku u hamminayo in uu bulshada waxka bedelo una hoggaamiyo ayaa dumarka qaar ka mid ahna u hamminayaan. Sida ragga qaar ugu baahan
yihiin meel ay ku soo bandhigaan hibadooda iyo kartidooda ayay dumarka qaar ugu
baahan yihiin, sideedana; aadanuhu in uu wax hammiyo, wax curiyo, wax soo saaro
aduunkaan aad u jeedaan ayaa ku cammiran, aduunka waxba mayaalleen haddii uu
san aadane cammirin, aadanuhuna ma cammiri karo aduunka haduusan la imaan hammi
iyo han sare. Gabadhu marka ay hammi sare xambaarto, si ay aduunka wax uga
cammirto, haddii lala colloobo oo laga dido, waa arrin dhadhamaysa wax kale,
haddii la yiraahdo, dumarku kuma jiraan inta hammigooda iyo hal abuurkooda
aduunku ku cammirmayo, waa arrin fajac ku ah dumarka qaybtooda doonaysa in ay aduunka wax ka camiraan.
Insaanka iyo isku tuursanaantiisa
Iinsaanku waa makhluuq u baahan in uu
isla noolaado oo isku tiirsanaado, insaanku waa daciif ma tabar badna sida Alle
ku sheegay Qurankiisa “Waxaan iinsaanka ku abuurnay daciifnimo” Nisaa’ aayadda 28aad.
Qofkasta oo karti iyo hibooyin u
saaxiib ah, kama maarmo qof uu nolosha dunida la muquurto, asalkeenii Aadam
waxaa feertiisa laga jeexay hooyo Xaawo si ay u kaalmayso, ugu horraynna ay u
dejiso asaga.
Qofku marka uu kaligiis yahay waxaa
saaran culays uga imaanaya nolosha aduunka, sidii uu cid kale ama bulshada wax
u tari lahaa, wuxuu u baahan yahay in horta marka hore asaga baahiyihiisa laga
garab siiyo. Alle oo raba in uu na bara waxa aan isku nahay rag iyo dumar ayaa
yiri “aayaadkayga waxaa ka mid ah, in aan idiin abuuray xaasas naftiina ka
ahaaday si aad ugu xasishaan, waxaanan dhexdiina dhignay jacayl iyo raxmad”
Ruum aayadda 21aad. Aayaddaan waxaa ka muuqda xaas hel aad xasishide, sida kale
nin hel aad dhibta aduun-yada dhex martide.
Dhanka kale hadaan ka eegno, Nabi
Aadam markii la siiyay hooy, hu’ iyo wuxuu cuni lahaa oo ay tahay in uu amba
qaado nolosha, wixii u horeeyay ee la siiyay waxay aheed xaas si uu nolosha u
anba qaado. Halkaas waxaa ka muuqda muhiimadda lamnaanaha, yacnii iskaashiga ayaa guul looga dhaliyaa ambaqaadka nolosha.
Dhanka kale markii Nabigeena Muxamad
ahaa NNKH lugu soo billaabayey waxyiga ee la majuujiyay, qarqaryadii iyo naxdintii wuxuu la
hoos galay hooyo Khadiija, meel kale ma aadin, halkaas waxaa ka muuqda sida
lammaanuhu dhibka u wadaagaan.
Kii dadka ugu cagliga iyo kartida
badnaa hadii uu u baahan yahay lammaane uu lurka nolosha ka weheshado ma u
malaynaysaa in aadane kale kaligiis jeexi karo mawjadaha nolosha?. Waxaan u socdaa waxaad rabto ahaawe kama maarantid qofaad kaashato.
Guurku waa iskaashi iyo awood isku gayn aan laga maarmin, waxaan ku qasbannahay marka in aan u fiirsanno oo aan xulashada wanaajinno, lana nimaadno siyaasado wanaagsan, waxaase dhibku yahay markii siyaasadahii wax lugu hagaajinayay dhib noqdaan ee la kala cararo inta laysku shaabadeeyo LAMA DHAQI KARO IYO ISLA-WAYN.
Dumar nuucay ahaataba ina rag allaa wax ugu daray, raggu waa nuucya badan yahay ayadoo
laga eegayo hab fikirkiisa, cilmigiisa, garaadkiisa iyo darajadiisa bulsho. Rag
waxaa ku jira kuwo iska ilaaliya dumarka ku garaad ah, wuxuu u fekereyaa in
ay la tartami doonto, uma fekerayo in ay dhamaystiri doonto. Sidoo kale waxaa
jira rag hawo-raac ah oo gabdhii uu arko iska cayrsada, waa raggaas kuwa dumarka hoggaamiyayaasha ah naynaasta u bixiya kuna shaabadiya.
Nuucyada Ragga
Raggu wuxuu u qaybsamaa hawa-raac iyo Garaad/Caqli raac, hawa raaca ayaa loo badan yahay, waxaad arkaysaa nin la leeyahay 20 haweena ayaa meher u qabtay, abooyoow aakhiro miyaan waxaas wax laga waydiinayn! nolol nuucee ah oo uu kasoo waayay 20kaas gabdhood-oo uu raadinayaa?. Ninka nuucaan ah waa hawo raac dareenkiisa la ciyaara. Diinteenu nafta iyo raacisteeda wayka darisay wayna ka digay, Alle SWT wuxuu nooga digay in aan nafteenna wax kasta ka yeelno , nafta hadaad iska raacraacdo kuuma laalaadiso dooxada guusha, sida badan ceeb ayay ku dhex-taagtaa.
Hasayeeshee qofku ka guulaysta aakhiro iyo
aduun waa kan naftiisa ka adkaada, naftu waa raaxo jeceshay waana cibaado neceb tahay,
sidoo kale naftu waa dumar jeceshahay, markaan si daqiiq ah u iraahdo.
Waxa dumar utuni ku taal ee la arkay ragga hawa raaca ah ayaa ku dhigay, maxay dhib u gaysteen! ragga nuucaan ah kuma haboona dumarka hammiga sare leh.
Ragga caqliga ka dhaqma oo go’aamada
ka qaata, way guulaysataan sida badan, inta badan lama yimaadaan
wax aan laga filayn. Marka aad gabar
hogaamiye ah oo han sare leh guursato, waxaa lagaa filayaa in aad sidii
hogaamiyihii u fekerto, u xishooto una dhaqanto kana samarto wax badan oo aan adigana wax kuu noqonayn xaaskaagana dhaawacaya.
Kitaabka Alle, aayado badan ayaa lugu weeraray nafta, loogana digay in aan iska raacno, halka aan halmeelna caqliga lugu durin, waliba tirsi malahan inta aayadood ee caqliga lugu ammaanay. Ila soco ninka nafta raaca iyo ninka caliga raaca ayaan u socdaa. Ibnu Khalduumi ayaa yiraahda “Caqligu waa miisaan sax ah oo aan soo saarin natiijo qaldan hadii si sax ah loo adeegsado”.
Ninka hawa-raaca ah ma fiiroyo
cawaaqibka ka dhalanaya tilaabooyinka iyo go’aamada uu qaadanayo, su’aalo
dheeriyana iskama waydiiyo waxa naftiisu u baahato, tusaale; waxaa laga yaabaa
in uu xitaa qaato go’aan ah ‘reer reer u
dumi’ ufiirso xaas uu qabo iyo ubadkiisa ayaa laga yaabaa in uu u baylihiyo
islaan uu suuqa ku arkay, oo uusan aqoon markii si dhab ah loo hadlo. Gabadha
hogaamiyaha ah ee aan la hadlayo dhaqanka nuucaan ah ma anfacayo, ninka nuucaan
ahna dhib ayuu ku yahay mana qaadan karaan, sidaas daraadeed; gabdhaha wax bartay
ee hanka sare leh si ay iskaga ilaaliyaan arrimaha nuucana oo kala ah ayay la
yimaadaan taxadar dheeriya, taxadarkaas ayaa si qaldan loo farsiraa oo ragga qaar si qaldan uga fal celiyaan.
Hawa-raacu markuu arko qabar
cusub oo dhawr jeer jidka maraysa waa u foorjoobaa, sidii uu marada uga faydilahaa ayuu falkinteeda galaa xitaa haddii reerkiisu u damayo, in aad u noolaato qoftii ku hor marta marada ka fayd, adna ku anfici
mayso reer kaagana anfici mayso. Qofka nuucaan ah waa
hawa -raac dhintay oo nafta iska raaca, waliba waxaa uga dara dhaqaalaha iyo mansabka. Rag waxaa
jira haday kursi ku fariistaan dumarka ku fida. Ma yara astaamaha hawa raacu
laakiin intaas ayaan ku soo koobay maadaaba aan ka hadlaynay arrimo guur iyo
dumar, iska fiiri ninkaan hadaad tahay gabadhaan ka hadlayo.
Ii ogalaada in aan si kooban uga
hadlo farxadda iyo hawa-raaca: Guri hawa-raac farxadi kuma raagto, asagu wuxuu
sida badan ka murgaa ubad uu midba meel ku xooray, hablaha uu nolosha la qaybsadaana waxay ka murgaan sidii uu yeelay iyo culayska uu saaray, hawa-raaca agtiisa
luguma farxo, gabadha uu guursadaana murugta uma qaddo. Marka uu helo hanti ama
mansab murugo ayaa u billaabanaysa gabadhii uu qabay, halkii ay farxad iyo duco
u billaaban leheed, bal ka waran, reer irsaaqadda Alle murugo iyo kala shaki u
soo kordhinayso.
Soomaaliya waxaa laga yaqaanaa dhaqan
ah in dumarku xoolaha ninkeeda burburiyaan si uusan u la guursan, waa halkaan
halka uu ka yimid dhaqanka nuucaan ah, markii ninka mushaarku u kordho ayaduna
dhibaatada iyo qarashka ayay sii kordhinaysaa si aysan wax uu ku guursado ugu
dhigmin, yaanan ku dheeraan.
Ninka caqliga raacaa marka uu mansab
helo ama uu dhaqaale kororsado wuxuu ka fekeraa in uu farxadda reerkiisa iyo
qoftii ay waqtiyada adag isla soo mareen la sameeyo nolol abaal leh, wuxuu kala
qubaystaa mahadhooyinkii soo wada maray. Ninka caqliga-u-saaxiibkaa farxadda uu
ka helayo qoftii ay dhibta isla soo mareen in uu qof kale ka helo lagama yaabo,
abadan-abadan-abadan!!!!!
Haweenayda himilada leheey, hanka iyo
hibooyinka xambaarsaneey kala garo ragga oo waxaad ku kala garataa, ninka hawa-raaca
ah wuxuu kugu soo raacaa oo soo jiita, quruxdaada
ninka caqli raacaa ee qiimaha leh-na, waxaa soo jiita oo uu kugu soo raacaa qiimahaaga iyo qof nimadaada, dhibna kuma ahan in aad noqoto qof bulshada magac ku dhex leh.
Ninka hawa-raaca ah marka uu gabadha shukaaminayo
wuxuu ka hadlaa waxyaabaha naftu jeceshahay, sida; quruxda, xiisaha uu u qabo,
nalol khiyaaliya, waxyaabaha laysku raacsan yahay (qof dad wanaagsan in aad
tahay, qof faa’iido leh in aad tahay, qof waxbaratay in aad tahay, IWLM ah)
marnaba kama hadlo waxa uu asagu uga duwan yahay dadka kale ee uu gabadha
hogaamiyaha ah u doonayo, uma hadlo sidii hogaamiyihii, oo ma muujiyo
qorshayaasha nolosha danbe uu ka leeyahay, maantada la joogo kaliya ayuu ka
hadlaa.
Waxaa la rabaa in uu ka hadlo, halka
uu ku liito, sida uu u xalin karo khilaafaadka, tanaasulkiisa, iswaafajinta
dabeecadaha labada qof (asaga iyo gabadha) waayo waxaad ka kala timaadeen guryo
kala duwan oo marka ay ugu yaraato aan isku si wax loo cunin, loogana fikirin.
Waxaa la rabaa in aad gabadha u
sheegto sida aad Alle xiriir u la leedahay, haday jiraan guulo aad kaligaa
gaartay oo nolosha qiima samaynaya, haday jiraan caqabado adag oo ku soo
qabsaday oo aad xalisay, halka aad u jahaysan tahay, sida aad u wada noolaan
kartaan, waxa kugu riixaya in aad ayada dalabto, sida aad u wada dhaqi karo adiga iyo hamigeega, waayo waxaan ka hadlaynaynaa waxay ahaayeen hablaha
humuumta iyo hibooyinka xambaarsan. Marka aad waxaan ka hadlayso waxaad la
hadlaysaa gabadha caqligeeda waxaana hadlaya caqligaaga, naftaadu ma hadlayso. Muuji oo dammaanad qaad mustaqbal u qalma gabadha hoggaamiyaha ah.
Qaabka uu ninku u fekerayo ayaa
go’aaminaya nuuca nololeed uu dammaanad qaadi karo, ragbaa fekera in gabadhu u jirto
arrin jinsi oo kaliya, tii intaas ka ka badan doontana ay tahay in il-gaara
lugu fiiriyo oo waliba laga dido.
Hab-fekerkooda iyo Garashada Ragga
Raggu isku si uma fekeraan; ragaa
fekera in laga fiican yahay gabadha sida ninkii bursata arrimaha aduunyada (hoggaaminta,
hal abuurka, awoodda saamaynta iyo muuqashada), ragbaa fekera in ay gabadhu ku
fiican tahay in aysan arrimaha guriga ka mashquulin, dhanka kale ragbaa
ogolaada oo aaminsan in gabadhu si caadi ah u bursato danahooda guriga ka
baxsan oo ay hogaamiye noqoto ama ay xaadirto fagaarayaasha doodaha cilmiga,
siyaasadda, hal abuurka iyo wax soo saarka haddii aysan diinkeeda wax yeelayn.
Rag baa fekera in aysan gabadhu ka
magac dheeraan, wuxuu ka ilaaliyaa fagaarayaasha hal
abuurka iyo soo bandhigista humuumta sarsare, waayo wuxuu ku fekerayaa rag ayaa
kaa duufsan kara, haday gamac yeelatana waxaa kaa qaadan kara rag kaa fiican.
Halkaan marka ay joogto aan iraahdo rag aan isku kalsoonayn ayaa sidaan u
fekera.
Aadanuhu habdhaqanka nolosha waaku
kala duwan yahay, gaar ahaan gabadha hoggaamiyaha ah iyo ninka hawa-raaca ah dhaqan ahaan iskuma fiicna ismana aqbali karaan.
Sidoo kale; gabadha hoggaamiyaha ah ee doonaysa in ay hiigsato guulo waawayn
hab-dhaqanka nolosha kalama mid ahan gabadha caadiga ah ee ilmaheedana korsata,
gurigeedana aan ka bixin sida badan, curfi ahaan labadaan qof nolosha way ku kala
duwan yihiin. Mid bulshadaa taqaan, midna deriska
unbaa yaqaanna. Tan bulshadu taqaanno waxay ku xisaabtamaysaa wax aysan ku
xisaabtamayn midda aan guriga dhaafin. Gabadha hoggaamiyaha ka dhex ah bulshada waxya u baahan tahay in la ilaaliyo xasaanadda ay bulshada ku dhex leedahay, waxaana fahmi kara ninka garaadka u saaxiibka ah.
Hadaan ku siiyo talo layskuma noqdo hoggaamiye bulshada waqti siiya iyo xaasbadane hadba xero cusub ooda, labada mid ku toos. Berigaan yaraa deegaankeena waxaan ku maqli jiray; taariikhda, nin caaqil noo ahaa oo gabadhii uu qabay ay iskaga furtay in uu yahay nin sariirta u faarujiyay maaraynta arrimaha bulshada iyo mashaakilka ka dhex jiray qabiilka. U fiirso, ninkaas hoggaamiyaha ahaa waxa ay xaaskiisu ku eedaysay maahan in uu dumar badan yahay-waa in uu ayadii kaligeed ka mashquulay oo markuu guriga yimaadaba dad is haystaa ka daba imaanayaan. Gabadhu maahan hoggaamise mana danayso waxaas waxay rabtaa nin digsiga wii lugu shubi lahaana keena, guriga hadduu yimaadana aan laga daba imaan, caaqilkuna wuxuu ahaa nin u go'ay hoggaaminta bulshada. Uma qiil-deyayo in aan xaaskaaga waqti lala qaadan, laakiin waxaan u socda sida aysan isu anfcayn labadaas qof.
Gabadha hoggaamiyaha ah-ee bulshada
magaca ku dhex leh, waxay u baahan tahay in ay hesho nin tanaasul iyo garasho
leh-oo iska adag, oo la ilaaliya magacaas iyo miiqaamkaas ay bulshada ku dhex
leedahay, xitaa, waa in ninku uga tanaasulaa xuquuq diiniya oo uu asagu
leeyahay si loo kammillo farxadda iyo darajada gabadhaas ay abuuratay. Gabadha
nuucaan ah waxaa ceeb ku ah; waala furay, way masayrtay, ninkii ayay kala
caroodeen, halla dhexdhexaadiyo IWLM gurigeedana loogama wada hadlo waxaan.
Gabadha derejada leh ee aan maanta
dhan ka soo sheekaynaynay haddii calaf kuu galo ee aad wax isku darsataan ayna
ku tiraahdo; waxaan leeyahay darajo iyo magac ay
yartahay dumar leh, waxaanan kaaga fadhiyaa in aadan ila guursan oo aad
adkaysato anna waan dadaalayaaye, waa in aad gaari kartaa xal aan ahayn waan
kala tagaynaa, meeshii kale ee aad doontaba ka baxe, ogaaw markii aad adigu lugahaaga
ku soo raadsato, gabar meel iska joogta oo xambaarsan hammi adiga kaa wayn, waa
laga filan karaa damaca nuucaan ah. Hadaad laftaadu han iyo hammi sare leedahay
waad aqbali kartaa waadna u diyaarsan tahay.
“Alle wuxuu leeyahay, haddii gabari/xaas ninkeeda ka dareento diidmo iyo iska waynayn ,dhib malahan in ay heshiiyaan oo
isku tanaasulaan, heshiiska ayaa ka khayr badan waxkasta” Allahu akbar. Doodayda
waxaa ku jirtay qayb aan dhahayo waa in aadku dhacdo in aad tanaasusho, halkaanna
waxaan keenay Alle oo dhahaya “in la tanaasulo culays kuma jiro” waxaan filayaa doodaydu
waa istaagtay. Qisada aayadda waad wada taqaanaan, ku sii fidimaayo. Waxaan ku
darayaa; waxaa laga yaabaa in aad dood ka keento duruufta ay ku timid soo degista iyo duruufta tanaasulka aan anigu ka
hadlayo. Meeshaas si fiican ugu fiirso. Aayaddu waxay ka hadlaysaa tanaasul ay
samaynayso hooyo waayeel noqotay oo aan qabin baahi jinsi oo wayn, aniguna waxaan
ka hadlayaa, tanaasul uu samaynayo wiil haysta xaas-waliba il-bax ah oo
baahidiisa ku filan, laakiin raba dheeraad iyo cusayb, waxaan filayaa halkaas
marka ay joogto in doodaydu maan-gal tahay.
Ma doonayo in aan cabsiiyo ragga,
kama dhigna hadlaykaygu in la noolaashiyaha dumarka nuucaan ah ay tahay wax
adag, waliba waxaan idiin sheegayaa nolosha dumarka nuucaan ah waxay leedahay
taariikh iyo guulo lugu naaloodo, marka yaan la baqin, horay ha loo galo ayadoo
wax yar laga tanaasulayo naftana la xakamaynayo.
Ragga waxaan ku sheegay nin
caqli-u-saaxiib ah oo maankiisa la tashta iyo nin hawo-raac ah oo naftiisu
hoggaamiso, ninka caqliga-u-saaxiibka ah kama baqo gabadhaha nuucaan ah waayo
wuxuu hayaa siyaasad iyo hadal uu la hortago, waxaa ka baqa hawa-raaca aan
ahayn hadal uu ku qanco qof caqli iyo cilmi u saaxiib ah.
Ninka caqliga-u-saaxiibka ah waa isku
kalsoon yahay, xaaskiisa wuxuu u noqdaa ninka dunida ugu fiican, wuxuuna
ogyahay in aysan jirin wax ay ku doorsan karto, halka ninka hawa-raaca ah uusan
xaaskiisa siin nolol ay ku aaminto, maadaaba aysan aaminsanayn asna ma aamini karo, waxaana dhacda in uu ka ilaaliyo fagaarayaasha culuumta iyo hal abuurka.
Nolol Qurxoon Mise Qof Qurxoon
Halkaas waxaa ka muuqata in ay jirto
laba qurux; waa quruxda shaqsiyadda iyo midda jirka, mana wada waaraan waxaa
waarta oo kaliya mida shaqsiyadda. Quruxda shaqsiyaddu ee gudaha waxaa laga
helaa; cilmiga iyo bashariyadda qofka Alle u dhaliyo.
Marka aad doonayso nolol qurxoon
waxaad u baahan tahay in aad marka hore doorato qof aduunka qurux ka dhigi
karta, waa halka Soomaalidu ka tiraahdo “qalbi qurxoon raadi ha raadin qof
qurxoon”, haddii aad isku doonayso cilmi badan, caddaan, cayil iyo calaf (maal)
waa arrin kale, kamana hadlayo.
Marka aad doonayso gabar cilmi leh,
garasho leh oo hammi sare xambaarsan gudahana ka qurxoon waa in aad la timaaddo
borogaraam caqli ku salaysan. Si aad gabadha nuucan ah ugu baytiso nolol
qurxoon oo ay isku aamini karto, nolol iyo guri ayada u qalma, waxaad soo
qaatadaa tusaalayaal ay wax ku fahmi karto (testimonial). Tusaale; waxaad ka
sheekaysaa guulo aad adigu gaartay aadna leheed falkintooda iyo fulintooda
intaba, waxaad la wadaagaysaa caqabado aad soo xallisay oo aad guul ka keentay,
sida haddii aad adigu wax is bartay, hadaad adigu shaqo abuuratay, haddii aad
adigu hal abuur iyo hibo hogaamineed leedahay, dammaanad ayay u noqonaysaa
warwarka mustaqbalka ay ka qabto waxayna kuu arkaysaa qof u qalma darajo ahaan.
Gabadha nuucaan ah CV ayaa loo gaystaa shucuur loo lama tago.
Gabangabo
Gabadha hanka sare leh waxay u baahan tahay dammaanad ku aadan in aad ayada iyo hankeeda wada dhaqandoonto ee aadan ayada kaliya daynayn hankeedana aadan daaqad ka tuurin ama aadan u hawlgalin sidii aad uga reebi laheed.
Doodaydu waxay ku qotontay gabdhaha
wax bartay oo waliba hammiga sare leh una hanqal-taaga hoggaaminta iyo u
shaqaynta bulshada-in ay muujiyaan taxadar dheeriya oo ay uga hor tagayaan; in
mustaqbalkooda iyo hammigoodu fashilmaan, waxaan xusay in taxadarkaas ragga qaar
(hawa-raaca aan isku kalsoonayn) si qaldan u fasiraan, kana cararaan gabadhaha nuucaan ah.
Gabdahaha humuumta xambaarsan waxaa dhaqi kara oo u tanaasuli kara nin hoggaamiye ah oo naftiisa ka adag, nin naftu ka adagtahay isma an facayaan.
Gabdhaha aan soo sheegay humuumta
maxbaarsan waxaan leeyahay hawa-raaca cabsiiya oo didiya haydinka leexdee,
waxaadna xulataan hoggaamiye ku mashquulsan samata-bixinta aduunka iyo aadanaha,
iska fiiriya midka ku mashquulsan hooska iyo maryaha dumarka.
Ninka caqliga-u-saaxiibkaa wuxuu ku dhacaa in uu caqligiina qanciyo mana idinka baqi doono, waxaa indinka baqi doona midka dareenka dumarka la hadla ee aan hayn wax qof caqli leh loo sheego ama qancin kara.
Kama hadlin gabar aqoon diimeed leh
iyo mid aan lahayn, diintu waa biyo kama dhibcaan.
W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla "Imaam"
https://www.facebook.com/cabdew
https://twitter.com/Cabdew
ConversionConversion EmoticonEmoticon