SAFARKA YIDIDIILADDA IYO GEERIDDA


                               
            MACHADKA DIRAASAADKA SOOMAALIDA EE ISOS
Shir sanadeedka #ACSOS2016     ISOS               12.13/10/2016
Shir waynihii sanad ka ee Akaadamiyadda Cilmi baarista Soomaalida , waxaan ka mid ahaa dadkii dhalinyarada ahaa ee ka qayb galay, gaar ahaan waxaan ka mid ahaa Dadkii ka qaybta ahaa diiwaan galinta qodobadda halkaas lugu lafo guray ama lugu waddaagay.
Waxaa hadlay Dad badan, oo runtii Aqoonyahan ah, waxayna ka hadleen dhinacyo farabadan, run ahaantii machadku wuxuu ku beeray Aqoonyahan naddii meesha joogay yididiilo fiican sidoo kale wuxuu hammi wanaagsan ku beeray dhamaan umadda Soomaalidaa meelkasta oo ay joogaan.
Shirkaan waxaa lugu soo ban dhigay Cilmi baaris laga sameeyay Tahriibka cinwaan waxaa looga dhigay “Safarka Yididiiladda iyo Dhimashadda”. Cilmi baaristu waxay aheed Tii ugu heerka saraysay ee laga sameeyo Soomaaliya Abid, waxaa lugu ka shifay sababaha runtaa ee ka danbeeya Tahriibta, Dhabaatooyinkiisa iyo xalka looga hortagi karo Tahriibka.
Waxaan taxliil yar ka sameeyay qodobaddii laguxusay shirka, waxaan ka cudu daaranayaa waxyaabaha khaladdaadkaa ee aad ku arki doontaan taxliilkayga.
 
Koox ka soo qayb gashay shirka



             QODOBADDA KEENAYA HAYAANKA AMA TAHRIIBTA
1-    Rajjo xumi
A)     Mid dhaqaale
B)      Mid Amni- darro
a)      Dhaqaalaha Dalku aad ayuu u liitaa taasina waxay keentay shaqola’aan baahasan ciriir Nololeed oo ka jirta Dhamaan Dalka, waxaa jira waddamo ay ka jiraan fursado Shaqqo waa Dallal ka loo hayaa mee, waxay sameeyeen Dallal kaas , siyaasaddo ay is ka ga moo sayaan Dadkaas ku soo hayaamaya , Dadkii hayaamayay waxay ayaguna sameeyeen qaab kasta oo ay ku gaari karaan wadda maddaas.
Qaab ka Tahriibka(safarka Dukuminti la’aantaa)  ayaa ah qaab ka kaliya ee ay Muhaajiriin farrabdan ku gaari karaan waddammo aan ahayn waddan keena Soomaaliya kaa sooy u arkaan in ay Shaqo ka helayaan, arintaas waxaa ka dhalatay musiibo Qaran ayaa lugu yiri  Shir waynaha. Waxaa jira muuqaalo ka imaanaya muhaajiriin ku dhibaataysan Saxaraha, Baddaha, wadda madda lasiimaro ee marinka u ah Muhaajiriinta iyo guud ahaan  Safarka yididiilada iyo Geerridda,  waxaa jira Hooyooyin ku dul umula Doomaha, Saxarraha iyo dhamaan gaadiidka lasii adeeg saddo siloogaaro wadda madda Talyaaniga iyo meelo kalaba, Dad ka qaar ayaaba waasha dhibaatadda meesha taal awgeed, ku waa lixaad kooda waaya Xabsiyaddu meel calaga dhigo malahan waxaa ka buuxa Da’ayartii Qarankeena Soomaaliyeed.


b)      Dalka waxaa ka jira Amni-darro sidaad darteed waxaa jira muwaadiniin farabadan oo la maa danaya Naftooda, aa dayana meelo ay isleeyihiin waxay dhaantaa ama ka fiican tahay waddankeena Soomaaliya dhanka Amniga.
Dadka qaarba dhinac ayay oga timaadaa raja xumidda Amni, ku wo si iskooda  ayay qaraxyada iyo dagaalladda Dalka ka socdaa u qal qaliyeen, ku wanna “shaqo ay qabtaan” ayay ka soo gaartaa cabsi Amni darro sidaad darteed ayay iskaga baxsaddaan Dalka qaab tahriib ah iyo qaabab kalaba.


2-      Duruufo gaar ah iyo ujeedooyin
c)         Waxaa jira Dad u Tahriiba Duurfo gaar ah,  Rag iyo Durmar.
 maadaama aysan Dalka kajirin Dawlad maamusha waxaa jira xad gudubyo ka dhaca Dalka xad gudubyaddaas waa lookala nugulyahay, Dumarku waxay ku jiraan Dadka aad ka ugu nugul Amni xumidda Dalka ka jirta, waxaa jira Gabdho ay dhacdo in ay lakulmaan xad gudub ka dhan ah sharaftooda sida faraxumayn, waxay isku dayaan inay gaaraan meelo kale u dhaanta halkii dhibtu ku soo gaartay, waa fara xumaynta iyo wixii la halmaala.
d)      Waxaa jira Dhalinyara soomaaliyeed, ee ay saameeyeen tiro yar oo ka gudbay dhibta Tahriibta in ay soo diraan sawirro aad u qur xoon oo ay soo marinayaan Barraha bulshadda, sawirraddaas waxay saamayn ku yeesheen  Dhalinyartii Dalka joogatay sidaas darteed waxaa ku dhalanaya ammaad halkaas adunkuna tagtaan, sidaas ayay ku Tahriibayaan Dhalinyaro farabdan maanta.
e)      Waxaa a yaguna jira dhalin yaro u Tahriiba inay u suurto gasho Riyooyin raqiis ah, sida Kubad ku ciyaarista Garoommo qur quruxsan,  Natiijo fiicanna ka helaan ciyaar wannaag goodda taasoon Dalka ku suurto galayn a yaalugu yiri cilmi baarista. Waxaa  sidoo kale shaaca laga qaaday inay  jiraan dhalin yaro u Tahriibta inay helaan Baasa-boorradda Reer  Yurub oo ay u arkaan inay ku heli karaan  xushmo. Waxaa laxusay sidoo kale ku wo waxbarra shaddu ku adkaato, markay dhankaas ku fashilmaanna Nolal ka raadsha dhanka kale oo Tahriibaan, waxaan og nahay in wax barashadda Dalku  ku baxdo Afaf shisheeye mana u wadda fuddudda Bulshadda.
Waxaa dhanka kale  lataabtay Furriinka naftiisa inuu dhalinyaradda ku kalifo Tahriibka waa midka Gabdhaha ku yimaadee, in haddii gabadha lafuro ay fursad kale heli wayso sidaas darteed ay ku dhiiratto Tahriib, mar haddii ay gabar nimadeedii ay aadka ugu baqi jirtay meesha ka baxdo waxaa ka yaraanaya cabsi farabadan oo awal guriga ku celinaysay, sidoo kale waxaa Guriga ka saaraya rajo xummo mugwayn.

3-    Caqabaddaha Dukumenti yadda socdaalka

f)       Baassa-boorka Soomaaliya luguma tagi karo Dunnidda inteeda kale, qofka sitana uma suurto galayso in uu ku tago meesha uu ubaahan yahay, sidaas darteed waxay dhiiro galinaysaa ama ay ku jiidaysaa inay qaab sharci ala’aan ah ku safraan Dadku, Baassa-boorka Soomaaliya ma aqoon sana Aduun waynaha intiisa kale, waliba Xudduudaha ayay ka xirteen, in la dhuuntaa waxay noqotay daw. Saas waxaa yiri Aqoonyahan sharciyaqaan rugcaddaa ah ee Soomaaliyeed, wallow aa nay Ajaanibtu saamayn kuba lahayn Shir waynahaan waa #ACSOS2016’e.

4-      HADDA ISKA BAX HADHOOW DHIIB, IYO MAGAFFAYAASHA
 
g)      Magafa yaashu waxay horu mariyeen qaabkii ay u shaqayn jireen waxayna faafiyeen shabakaddaha  u soo ugaara  Da’ayarta duruufaysan, magafa yaashu maanta waxay ku sugan yihiin magaalo kasta ee ka midda magaalooyinka waa wayn ee Soomaaliya, waxay qabaan taba barro badan oo lugu hoddi karo dhalinyarradda, waxay ugu soo geleyaan Dhalinyarradda gurya hoodda halkaas ayay ku tashkiilinayaan, kuna duufsannayaan.
Dhalinyaradda waxay xittaa ka dhaadhiciyaan waxyaabo maangad ah, sida in waalid ka Dhalin yaraddu wax ka heli karaan hadday meelo halis ah kala soo hadlaan,  caadiyan qof ku markii uu Akhbaar ka soo dirsado Libiya ama meel kale oo khatar ah, ay suurto galtahay in wixii lahayyo aan laga hagra nayn saasna uu ku heli karro lacaggo uu ku fuddu daysto Saffaraddiisa, waxay tusaalaynayaan kuwo hore oo beenbeen ah,  una sheegayaan in saas oo kale loo sameeyay loona gaday Dhul iyo wixii lamidda sidaasna uu ku galay Yurub.

h)      Hadda iska bax hadhoowna dhiib waa  xeelad ay ku helaan magafayaashu Da’ayarta inteeda badan, waana sirkale oo aad oga qayb qaadatay in Dhalinyarraddu Xabsiyadda ku galaan Baddahana ku hodmaan, waxaa loogu xero geliyaa inaysan wax laga rabaa aa nay jirin maanta laakiin markii ay Yurub tagaan laga raboon doono kimista yartaa ee Tahriibta, taa soo Caddad keedu gaarayo qofkii ka baxa Goboladda Koonfure 15000  oo Doolar, Goboladda wa qooyi qofkii ka baxayana 7500  oo Doolar ay ku baxayso, Runse noqon waysay ayay yiraahdeen Cilmi baarashaayshii, markii shishay labo geed lagala wareejiyo ayaa madax furasho loo xirtaa ka badan intii lugu balamay inay ku baxayso Tahriibka, qoloba qolay usiidhiibtaa Jirdilku waa meeshiiisa  cuddu radda xabsiyaduna waa halis aan layska indha tiri Karin.


5-      SINAAN LA’AANTA IYO CADDAALAD DARRADA
i)        Sinaan la’aanta Dalka ka jira waxaa lasheegay in ay qayb ka tahay dhiira galiyayaasha Tahriibta, wuxuu yir aqoonyahan ka hadlay shirka “sinaan la’aantu aadbay oga jirtaa goobaha shaqadda iyo fursaddaha sidaas darteed qofkii la faquuqaa wuxuu ku dhiiraddaa in uu Tahriibaa”, ayuuyiri.
j)        Caddaaladdaraddu waxay haraysay dhamaan Dalka shaqooyika waxaa laysku siiyaa sida laysku xiggo, waxbaro ama wax habaran waxaa ku qasbantahay inuu qof qaraabaa ku kaalmeeyo sidaad u hesho shaqo, haddaadan meelku ogayn qof qaraabaa oo ina adeer nimo iyo wixii lamidda shaqadda kugu gayn lahaa waxaad ku qasbantahay inaad meelo kale majeersataa Tahriibtuba ha u horaysee.




                      XALKA LUGU YARAYN KARO TAHRIIBKA
Waxaa shirka laysku waydaar saday qodobo dhawr ah oo loo arkayo a maba looga hor tagi karo Tahriibka, ku waas oo is hoos imaanayay waxaanan ka soo qaatay ku wii aan is lahaa waa kuwa ugu muhiimsan, waxaa hadlay Aqoonyahan farabadan oo iskugu jira Rag iyo Dumarba.


     Qoddo badda xalinta Tahriibka
1-      Cilmi baadhis iyo wacyi galin

    K) cilmi baaris qoto dheer kuna salaysan xaqiiqadda waxay ka mid tahay waxa lugu joojinkaro, waxayaabaha ugu horeeya ee lugu joojin karo ama lugu yarayn karo Tahriibka waa Cilmibaaris lugu sameeyo Tahriibka sida Machadku sameeyay, cilmi baaristu waxaa la dhihi karaa waa Daawadda saxdaa ee musiibo kasta, la’aanteedna lama arag Dhibaato la xaliyay. Waxay Aqoonyahanno iyo Aqoonyahanno Soomaali ahl aanka mid ahay ku wo ajaaniba dhiiro galiyeen hawsha baaxadda leh ee Machadkaan qabtay uuna qaban doono, waxaanan orankaraa haddaa lahelay waddadii saxdaaheed ee uu u baahnaa Tahriibku iyo wixii la hal maala.
     
k)      Wacyigalintu waxay ciyaari kartaa door muhim ah markii cilmi baaris horboodayso, waxaana aad loogu dhimi karaa ayay yiraahdeen cilmi baarayaasha machadka ISOS musiibaddaan Tahriibka, iyo dhamaan Dhibaatooyinka Dalka ka jira ee nadaashadday.

2-      Xasilooni iyo siyaasad wanaag

L)  xasiloonidda Dalka waxaa ku xiran Dhaqaalaha Dalka, Dhaqaalaha Dalkana waxaa ku xiran shaqo abuur iyo Nolol fiican, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in lahelaa xasilooni Dalka dhan ah, is lamarkaana lasoo celiyaa caddaaladda iyo sinnaanta, si Nabad waarta loohelo.
Qodob kaani waa qodobka ugu wayn waxayaabaha looga hortagi karo Tahriibka sida ay isku raaceen Aqooyahannadda iyo Cilmi baarayaasha Soomaaliyeed  ee iskuguu yimid shirka sanad lahaa ee machaddka ISOS.

M)  waxaan sidoo kale ku taliyay ingoo ka hadlay shirka  waa Cabdifataax Cali Cabdalla’e,in lahelo siyaasad wanaag, lana dejiyo siyaasad u gaar ah Tahriibayaasha taas oo ah heer Gobol waa IGAD-d. waxaa loobahan yahay inay ka midoobaan Reer IGAD qaddiyadda Tahriibka  lana xakameeyo Hayaanka sharci daraddaa, maddiidani in latahriibo, ama la hayaamo waxaan diidanahay silaca. Dadka Tahriibka aa dayaa waxaa jira waddooyin layaqaan oo ay maraan sidaas darteed waxaa fudud in laga celsho Dadka dhibaataddu gaddaal ka riixayso oo haddana ku dhacay dhibaatadda kale.
Wadda madda IGAD laysku yiraa waxay heshiis lageli karaan wadda madda Reer Yurub a yakoo ku la gelaya inay Dad kooda sharci darradda ku safraya ka ceshanayaan, taa bedelkeeddanna ay Dadka wax bartay shaqo u siiyaan, a yakuna ku shaqaystaan, Aduunyo waa dane, oo si sharci ah u qaataan Dadka, arinkaa ama siyaasaddaan waxaa ku caana maala waddamo kale waxay aheed inaan annaku ku caano maalno. Hadii sidaan lahelo waxaa dhici laheed is bedel wayn oo deg deg ah,  waxaanse rajaynayaa siyaasaddaas inay cilmi baaristaan ka dhalandoonto.
Waxaan ka loo xusay in Geeska Afrika waa IGAD-de ay taalo sinaan la’aan taa soo ah dhinbil Dab ah oo dhextaala IGAD waligeenna inta ay taalo maxasilayso Tahriibna ka ma baxayno, hadaan laga gudbin ama laga takhalusin.
Waxaa salka isku hayya sinaan la’aanta xasilooni darradda, Dhaqaalo xumidda, shaqo la’aanta  iyo Tahriibka, aan is waydiinee wadda madda IGAD oo dhan Kursiga u sarreeya sidee lugu yimaadaa? Waataas aan is leeyahay xididka Tahriibka.

      
                                             DHIBAATOOYINKA TAHRIIBKU REEBO
Tahriibku waxaa laysku raacay inuu yahay musiibo qaran sida ka soo baxday shirka sanadlahaa ee macahadka ISOS, runtii awalna waa la ogaa in uu yahay Musiibo qaran laakiin ku ma qotomin cilmi baaris nuucaan oo kaleetaa. Tahriibku wuxuu aad u saameeyaa Soomaalidda oo dhan gaar  ahaan Hooyadda ama Aabaha cunuggiisii oo Bad liqday loosoo sheego ama lawaayaa, runtii wuxuu ku reebaa Dhibaato maskaxxeed iyo mid Dhaqaalaba, waxaa lasheegay in ubadka waalidku lagayaabo inuu ku furdaamiyo wax walba oo uu awoodo, cunugga waalidkiis u gaday wax walba oo uulahaa kuna cayrtoobay hadana aan lafurdaamin ka warrama waa dhibaato wayn, oo soo food saartay waalidiin badan oo aan hubo inay la kulmaan waalidku mar walba.
Dalka waxaa ka hayaama xoogiisii iyo hantidiisii wixii meel kale kaaga soo baxa waad ka samartaaye Dhalin yaradda badi waxaa liqda Bad qaarna waxay ku geeriyoodaan Jeelasha halka qaar kalana lawaayo meel ay jaan iyo cirib dhigeen, o gaaw hadde waxaas waa hanti Dal leeyahay, soo musiibo Qaran maahan?.
Inta ka gudubta Caqabaddaha aadka u tiradda badan ee aan soo sheegnay waxay la gudbaan Dhibaatooyin farabadan haba u badnaadeen mid maskaxeed iyo mid jirba, caafimaad koodu maahan mid laysku halayn karo.


Gaban gabo:
machaddka cilmibaarista  Soomaalida ISOS oo kaashanaya Jaamacadda Mudisho, Cilmi baarayaasha Da;ayartaa, Aqoonyahannadda Soomaalidda, Ummaddaha aan Wallaalaha nahay, iyo kuwa aan saaxiibada nahayba, wuxuu is hor istaag ku samayn doonaa musiibaddaan Qaran, ayay ku yiraahdeen Khudbaddahooda saraakhiisha  kala duwan ee mahadka  shirka ka hadlay.
Sarkaal ka tirsan Jaamacadda Muqdisho ah na madaxa Machaddaka ISOS Feiruz, wuxuu wacadku maray inaan Qowmiyadda Soomaalidda aan mardanbe wixii ladoono laga qori doonin ee ay a yagu iska qori doonaan Runta, Machadku  wuxuu kasbayn doonaa dhamaan dhibaatooyinka daashaday Bulshadda Jumhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna soo saari doonaa  Dhib walba Daawadda ku habboon ayuuyiri Sarkaal Feiruz, marruu hadalkiisa sii watay, wuxuu yiri “cilmi baaris la’aan meelna ma gaari karno, wax hormar ahna rajjo lagama qabo, meesha aan ka kacno oo aan jihaadno, musiibo  ayaa nasoo food saartay ayuu ku soo gaban gabeeyay nuxurka warkiisa.
Maxada Machadka ISOS Feiruz ayaa caddeeyay inuu machadka oo qoob cilmiyaysan u kaashanaya Aqoonyahanno  Soomaali ah oo Dunidda dacalladdeeda jooga, inuu soo saari doono Buug  ka hadlaya Sababha, dhibaatooyinka , iyo Xalka Tahriibka, Sanadda 2017ka.
https://twitter.com/youthimam/status/1133020836863119360


        W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla
Address: 00252617171717

Email:xamtaax12@gmail.com/galmudsom@gmail.com
Oldest