NOOTAAYOOYINKA SIDA LOOBUUXO BEECLOOMA WADDA QABO

markaad timaaddo Nootaayo waxaad waysaa meel aad cag ka dhigto,Dadku maahan dhamaan kuwo beecqaba ama wax gadanaya, waxaa ku jiro Dulaaleey ka tirsi badan, Dadkii beeca qabay iyo kuwii ka beecsanayay.
liiska Doorashadda 2017 aad ayuu ufara badan yahay, qofkii caqli leh durba waxaa usoo baxaya markuu arko liiska wixii ka run ah. cid yeelaysaa majirto 24 loocodaynayo. ogaaw 24ku ka tartamimaayaan Dunida oo dhan ee wuxu waa haldal Kursigiis, "maankayga gaddee ma masaaray liqday".
329 codaynaya iyo 24 loocodaynayo isu qaybi  waa =13 qofkiiba
wax walbaa anshaxbay leeyihiin, arintaan waa arin ka dhan ah anshaxa doorashooyinka Dunidaan maantay, 2bo qof waa wax lagartay  3dexna waydhacdaa, 24 ayaddu doodda kuma jirto.
Wadanka kama jirto Axzaab siyaasadeed waxaa wax lugu kala ritaa xargo looyaqaan xargo Jufooyin, kursi kastaa Jufuu u calaamaysan yahay, Jufooyinaan kuraasta qaar gaynba, waxaan doo nanay Dulli aan Alle nabadin, waxaan dhalanay 1960kii, anagoo lakoowsanay dhibtaan.  waxaan Burburaynay rubuc qarnigii lasoo dhaafay dhalinyaradii maanta laheedna  Dalku wuu beerdareeyay.
                               



Liisku suu u buuxo Kursi looma wadarabo vs qof halka shaqadiisu taal siduu ku imaankaruu kuyimaad



maalinka Doorashadda goobta Doorashadda waxaa imaanaya Dadfara badan, Dadkaas imaanayaa waxay iskugu jiraan kuwo looga baahan yahay goobta, kuwo xeeladdo kala duwan ku imaanaya ee aan looga baahanayn, Baarlamanka dabcan waa looga baahan yahay oo way imaanayaan, qolyaha Amaanku warmaleh. waxaa jira ayakuna musharixiin looqaateen ah ee laqiyaasi karo, suurta galnimadda natiijadda tartankooda ileen layskama tartamee,iyo dhalin yaro gacan siinaya kana gacansiinaya hawlahoodda. waxaa jira niman odayaal ah oo Baarlamaankii nasiib u yeelan, musharax kalana aan waraaqaha u sidaana aysan ka ansaxayn, hawl Aduunyano sugayso. xeelad kaloo ay ku yimadaanna waayay goobtaas wacdaruhu ka dhacayo. waa ku wii iila xeeladda badnaa, waxay isku soo sharaxeen qaab dadban, islamarkaasna waxay noqdeen goobjoogayaal dadban ileen Doorashaddaa dadbaneedde, anagana waxay naga keeneen liiska musharixiintu tiro badannaa!!!!. ogaaw hadhoowna waxaa ufuran madaxwayne meeshaad Dadka ku jiidaysay waan fadhiyay saacadahaagii guushana waxaan qabtay adugu ma ogid.



Halka salaaddu iska qaban la’adahay
Dhalinyaraddu Bulshadda Soomaaliyeed waxay ka yihiin 75% aaway waataan lugu arkin goobaha masiirka umadda Soomaaliyeedde, cadaaladda daradda ayaa salfatay say ilatahay waase soo dhowyihiin anaa oge, damacxumoow meel dayo. Inay soo dhawyihiin waxaa tusaaale ugu filan saamiga 16% ee hadda fadhiya, 2020 qiyaastii waxay ku waa baraysan doontaa 23%.
23% saamiga ah wuxuu ka tayo badnaan doonaa inta kale, yaanan ka tegin Islaaimadda arinta laxiriirta.

Muslinimaddu maahan dheyel dheyel waxaa lajira imtixaan baadigoobaya sabar iyo dulqaad inaan quusanno maahan, waxaanala ka jaazaynayaa Dunuub gacmaheenna aanku keen sanahay, isnaca dirirta, abaaraha ba’an ee aan beerka reebin ee meertadaa, iyo is aaminaad darraddu nookeetanay daciifnimadda waxay ka dhasheen ficiladdeenii xumaa ee aan galnay, waxaa looga bixi karaa inaan Alle gacmaha u hoorsanaa una laabannaa.
Previous
Next Post »