W/Q: Cabdiftaax
Cali Cabdalla
Awoodda qarsoon ee Cashabka
Shacabku waxuu
leeyahay Awood aan la loodin Karin, Dawladi majirikarto haduusan shacabjirin,
jiritaanka Maamul Dawladnimo wuxuu ku xiranyahay Shicibka. Waxaa jira Xukuumad iyo Dawlad
Waxay kalayihiin labo aan shaqo isku lahayn laakiin inta
badan soomaaliddu ma kala saarto cilmi
ahaanna uma kala yaqaanaan sidda loobadan yahay.
Xukuumad; waa maamulayaaasha xaafiisyadda
Dawladda, wax tirsamma, war-qad ku qoran, loona garanayo si sax ah magacyadooda
iyo taariikhdooda, waa wax dhacaya ee leh muddo looqabtay, waa wax is bed-bedel
leh. Xukuumad waa inta ladoortay oo loo idmaday inay mudo kooban ka shaqeeyaan.
Dawlad; waa wax aan tirsanayn si sax ah, kuma
qorna war-qad, ismana bed-bedelaan, Dawlad
waa shicibka oo ay xukuumaddu kujirto, kuwii xaafiisyadda ka shaqaynayay ee
aan horay usoo sheegnay, Dawlad waa aniga, adiga, ayaka, ayadda iyo asagga.
Awoodda shacabka in
laga faa’iidaysto waxay ku xirantahay heerka bisaylka shacabku gaarsiisanyahay
iyo rabitaankoodda waxwadda qabsi. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa labo shacab
Dawladood oo isticmaalay Awooddooda qarsoon, waa Frace iyo Turki.
4 August 1789kii Dalka
faransiiska waxaa ka dhacay Dibad-baxyo aad u waawayn ku waas oo shacabku ku
doonayeen Dawlad wanaag, ogana cabanayeen Maamul xumo ay kala kulmayeen
Boqoraddii markaas xukumaysay Dalkaas. Dadka shacabkaa waxay ka soo tageen oo
ay joojiyeen Danahoodii gaarka ahaa muddo kooban , waxuu qofkastaa ka soo tegay
Dantiisii gaarka ahaa, waxay fahmeen in ay danta gaarkaa kuxirantahay Danta
guud. waxa kale oo ay fahmeen in ay Dawladdooda ayaku bedeli karaan sida runtii
ahna way dhacday waana tan ay ilaa maanta hoos harsanayaan Dawlad kutimid
rabitaan, shacabka Faransisku beesha caalamka waxba kamasugin.
15 June 2016kii
shacabka Turkigu waxay gaareen go’aan, guul, iyo natiijo geesinimo ay ku
gaareen, isticmaalka Awodooda qarsoon, waxay bad-baadisay sharafkoodii iyo
Dawladnimadoodii, waxay cidwalba oo Dunidda maalinkaas ku sugneed u sheegeen
waxa ay yihiin, waxay ku dhaqaaqeen tilaabo mudan ku daysi. Shicibka Turkigu
waxay ka hortageen Afganbigii ka dhanka ahaa Dawladdooda, majirin cid ka
hortegi kartay Afganbigaas oo aan ahayn shacabka, shacabka Turkigu waxay
qaateen doorkii oga aadanaa badbaadadda Dalkoodda.
Labadda shicib Turkiga
iyo Faransiisku waxay guranayaan mirihii ay beerteen saacaddo kooban oo ay
sameeyeen dibad-bax ay ugu hiilinayeen danahoodda qaran. shacabka Soomaaliyeed
gaar ahaan dhalinyaradda maalinwalba u sii kalahaya waxbarashadda iyo
shaqooyinka ayakoon meelku ogayn go’aamadda masiirkoodda waa inay waxka bartaan
Taariikhda, waa inay isticmaalaan Awoodooda qarsoon. Tusaale shicibku haday
isticmaalaan awoodooda qarsoon Soomaaliyoodhan waxay ku hagaajin karaan moddo
ku siman 15maalin, qofka ay rabaan ayay cayrikaraan qofka ay doortaan ayayna
wax u dhiiban karaan, waxay suurtagelin karaan waxay ay ka horyimaadaan anaysan
shaqayn laakiin waa markii lagarto inay jiraan waxka dhexeeya Dadka waa danta
guud e, haddii qof walbaa kusii jeeddo dantiisa gaarkaa waxba kama keenidoono.
CABABSO IYO CODSI-WADDAREED
Qof iyo koox kastaa
wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qayb-galo kulammo ama bannaabax si
xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.
31 June 2017ka magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Dibad-bax
looga soo horjeeday maxkamadayn ka dhacaday Xamar ee ay qaaday maxkamadda CXD
taasoo laxiriirtay kiiskii Waziir Siraaji, waziirkii wazaradda hawlaha guud iyo
dib’udhiska. Waxaa isku yimid Dadka soo tegay danahoodii gaarka ahaa si ay u
muujiyaan Cabashaddooda si wadda jir ah.
27/07/2017ka Dad
shacab ah ayaa Dibad-bax ku qabtay wadda Maka Al-mukarama gaar ahaan Seyidka
ilaa waddadda Dabka, dibadbaxaas wuxuu salka ku hay ashtako lagaqacay sarkaal
ku geeriyooday iska hor imaad ku dhexmaray magaaladda Muqdisho ciidammo kawadda
tirsan kuwa Dawladda, sarkaalkas waxaa lugu
magacaabijiray Ciise Xasan Caraale Ciise Jiijiile(Gaashaale). Shacabkii
dibad-baxa qabtay waxay ka gaareen Dibadbaxoodii natiidaddii ay lahaayeen, waa
loogaraabay waana lakala diray, sinabd ah ayuu ugu dhamaaday
cabasho-wadareedkii.
30 June 2017ka magaaladda Cabud-waaq ee gobolka Galgaduud
waxaa ka dhacay dibad-xab balaaran kaasoo looga cabanayay dilal qorshaysan
kuwaasoo aano Qabiil salka ku haya. Shicibka ku dhaqan Cabud-waaq waxay
sameeyeen dibad-bax aad u wayn oo ay oga soo horjeedeen ficiladaas fooshaxun ee
ku soo laalaabtay Deegaankoodda, dibad baxu wuxuu u dhacay si nabad ah,
shicabku waxay waqti kooban joojiyeen Danahoodii gaarka ahaa, Abaabulka cabasho
wadareedkaas waxaa lahaa Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Degmadaas.
Jalalaqsi waxaa ka
dhacay dibadbax balaaran 10/07/2017, kaa soo qaatay saacaddo badan, waxaa looga
cabanayay waxyeelo lasheegay inay gaysteen cidamadda Dawladda Soomaliya gacan
siinaya ee AMISOM, wuxuu noqday dibad-baxaas mid mirodhal ah, Dadkii shicibka
ahaa waxay gaareen hadafkii ay ka lahaayeen dibadbaxa. Hadafkaas maahayn mid uu
gaari kari lahaa hal-qof iyo kooxyar, waxaa dhaliyay Dadka reer jalalaqsi oo
waddajira. Waxaa lala furay wadda hadal waxaanna looga garaabay dhibkii gaaray
oo dibadbaxa ku kaligay.
Degmadda Cabdicaziis iyo Kaaraan 08/07/2017 waxaa ka dhacay
Banaanbax, kaa soo looga ashtakoonayay fal ay ku kaceen Dad lasheegay inay
qodaan Qubuuro ku yaalla Degmadda Kaaraan, waxaa isku soo baxay Dad farabadan
oo Damiirka iyo Dad-nimadda ka midaysnaa, waxay doonayeen inay joojiyaan
falkaas fooshaxun runtiina way joojiyeen oo wayku guulaysteen, guushaas maa
hayn mid hal qof iyo kooxyar gaarlahaayeen.
Ceelasha ilaa
Ex-kontorool 07//07/2017 waxaa sidoo kale ka dhacay Banaanbax aad u baaxad
waynaa, waxaa looga soo horjeeday Gaari ciidan oo ay leeyihiin AMISOM kaa soo
ku dhacay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Dad shacab Ah. Wadda dheer ee xiriirsa
Ceelasha iyo Ex-kontorool waxay xayireed muddo badan oo aan wax gaaddiid ah
marin, wuxuu noqday dibadbax dareen mugleh ku abuuray ciddii loolaga soo
horjeeday, natiijadda laga gaaray dibadbaxaas ee heerkiisu gaarsiisnaa mid
waddadii dhameed xayiriantay waxaa lugu gaaray wadda jirka shacabka iyo is
garab istaagga walaalahoodii dhibanaa, ee ay waxyeeladu soo gaartay.
Dibad-bax waa sidda
kaliya ee shicibku ay saamayn ugu yeelan karaan go’aamadda laxiriira
masiirkooda, dibad-baxyaddaan ka dhacay dalka meelo kaladuwan si is daba joog
ah waa tusaale muujinaya bisaylka shacabka, waa saadaal wacan iyo ififaale
tusinaya codsi-waddareedyo hirar ah in ay dhicidoonaan.
SAADAAL WACAN
Danta guud oo la
tabantaabiyaa Umaduhu ku tanaadaan, Dan-guud oo Dawlo aanay u duubnayn
dib-jirtaa layiraahdaa. Ujeedadaydu maahan u sacabtumidda cidgaara ee waa inaan
ku raja waynahay in umadda Soomaaliyeed wax wayn iska bedelayaan ayna ku
dhawyihiin garashadda is barbar istaaga hadba qofkoodda dhibtu haysato iyo
micnaha isku duubanaanta. Soomaaliya waxay ku soo jirtay sanaddo rajo-xumo ah,
ka dib markii Dawladdii dhexe burburtay, majirin Dawlad loocabto ama lagacabto,
majirin cid isla ogoleed wax wadda qabsi iyo wax wadda dhisasho midna, shicibku
waxay iloobeen dhamaan qaababkii loola macaamili jiray Dowlad iyo waxkastoo ku
xiran doonis wadareed-codsi ama cabasho miday ahaataba.
Shacabka Soomaaliyeed
maanta waxay u muuqdaan shacab u baahan Daladnimo kuna daalay isdilkii iyo Dawlad la’aantii, waxay u
muuqadaan shacab u bislaanraba qarannimo, qabyaaladdana meel iska dhigay, shacabka
Soomaaliyeed is ma dagaashanna maanta, waxaa is dagaashan Dadyar oo danagaara
leh, waa nasiib darro inay ku waas nakala xir xiraan noona dhexeeyaan.
Abaartii Sima ama igu
sawir haddba sida aad u taqaan, shacabka Soomaaliyeed waxay is garab-taageen
Dal iyo Dibad walaalahoodii u baahnaa ee abaartu waxyeelaysay. aan soo qaato
dhacdo xusid mudan ee Masaajidka xaafaddeenu ku dhaqaaqay soonkii 1438H.
Halwaddeenadda masaajidka ayaa ka aruuriyay lacag gaaraysay lix-kun oo doolar
Dadka xaafadda ee Masaajidka ku tukada, lacagtaas waxaa maalinkasta laga
afurinayay 250qoys, waxaa lasiinjiray raashin nafta uroon, waxaa jiray qoysas
ku afura kuna suxuurta waxa yar e Jikadda masaajidka laga siiyo, Dadkaas
hadaysan walaalaha xaafaddu u soo gurman way qaddi lahaayeen. Arintaas waxay
ahaan doontaa mid joogta ah sida ay balan qaadeen culumadda masaajidku soon
walba, majiri doonto cid danbe ee nugu dhexqadda ayay dheheen culimaddu anagoo
dhergayna waa go’aan geesinimo leh Alle hala garabgalo’e, waa arin tusinaysa
isku duubni is kaashi, iyo is ogolaanshiyo.
Garasbaleey, Kaxda, iyo Siinka-dheer
Barakacayaashii
ku soo hirtay Gobalka Banaadir, degayna Garasbaaleey iyo Siinka-dheer waxaa
gacan mug leh ugaystay Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ardadda Gabalka Banaadir
waxka barta, Barakacaysshu aad ayay u bogaadiyeen Aradadda Soomaaliyeed waxayna
cadeeyeen inay oga fiicanyihiin Hay’adaha, waxay u gaareen si degdeg ah iyo si
aqoon ku dheehantahay, waxay siiyeen oo
ay naftooda ku bad-baadiyeen siin aan magaclahayn, iyo sooryo Soomaaliyeed oo
aan Sir lahayn.
Gaban-gabo
Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolka Benaadir,
gaar ahaan Dhalinyaradda waa inay gartaan Awooddooda, waa inay samaamaynku
yeeshaan go’aanaddooda masiirigaa, ayagoo u maraya Cabasho-wadareed iyo dibad-baxyo
nabadaysan, saacaddo yar oo ay u huraan shicibku Danta guud waxay waxka
bedeli kartaa mustaqbalka Jiilasha soo socda. Hadaan si nabad ah wadooyinka
Bakaaro fariisanno Saacaddo kooban waxaan wax ka bedeli karnaa si deg deg ah
waxa Bakaaro ka soconaya, waxaanan suuqa u jahayn karnaa sida aan anagu u
rabno.
Qormadaydaan cidna
kuma dhibaataynayo, cidna kuma taageerayo, cidna ulama jeeddo, waa fikirkayga,
waa qormo qof aan Qalinka ku caanbixin, waa qormo qof waxku jiraan uurkiisa iyo
mankiisa, sidegen wax iiga su’aal. Ogolaan shiyuhu waa mid furan, waxaa looga
faa’iidaysan karaa oo kaliya sidda wanaagsan qofkii raba.
Address:
00252617171717
ConversionConversion EmoticonEmoticon