QARAN-NIMADDA QIIMAA LOO HURAA

Wax walbaa qaxay ku fadhiyaan qiime, Waxaa jira qodobbo ay ku kala dheereeyaan ku dhaqan kooda wadda madda faqiirkaa iyo kuwa qanigaa, waxaa la ogaaday in ay san waxba tarayn khayraad walba oo aad haysato haddii lagaa waayo qodobaddaan.
    Anshax(ethics); Anshax waa inaad samaysaa moral ahaan waxii sax ku ah kana reebtoontaa wixii khalad ah, wax walbaa waxay leeyhiin Anshax, anshaxu maahan kaliya inaadan Dadka gardaraysan ama aadan caayin. Ganacsigu anshax ayuu leeyahay waa lagama maarmaan inaad u ganacsataa si an shaxa waa faqsan kana dheeraataa wax walba anshaxa ganacsiga ka hor imaanaya, tusaale waxaan arkay Gaari nuuca Hilibka lugu qaado oo meesha hilibka ladhigo Cagaha lugula taagan yahay, Barafku waa sidoo kale, Sunta iyo Raashinka isku meel ayaa lugu miizaamaa, Tima jaraha iyo bararku waa deris, Kuugga iyo Kabalyeerigaa ugu karbadan Dadka. siyaasaddu anshaxay ayadda iyo Beentu waa labo aan shaqo isku lahayn, siyaasaddi waa inaad si wanaagsan u hagtaa wixii luguu idmaday. Dagaalku anshax ayuu leeyahay sii gelimaayo asaga.
   Ladhan qanka Bulshaddu anshax ayay leedahay waana muhim, waa waajib inaadka qayb qaadato bulshaynta wanaagasan, sida inaad beerto Ubad tarbiyaysan, cilmi leh, waddanni ah. Waa inaad Danta guud ka hor marisaa danta gaarkaa, aan tusaale soo qaato dhamaanteen waxaan u baahannahay in Gurigeennu quruxsanaadaa taas waxaa ka horeeya in Magaaladda aad degentahay qurxoonaataa guud ahaan, waxa aan samayno ayaa ah in markii qoraxdu dhacdo ee aan mugdiyar dareenno aan isku fogayno qashinka maanta dhan aan kaydinaynaay, qofkii caawo loodhigo asna markii qoraxdu dhacdo Habeenka kale ayuu dariskiisa ku sii fogeeyaa, Degmo kasta waxaa dhex wareega Toban bac oo qashinku jiro guriba guriyuu u baasaa.
   Midnimo(integrity); monad, sharaf iyo deris wanaag ayay ka bilaabtaa midnimaddu, caado waxaa noo ah hadaan Soomaali nahay, magaaladd Mitir inaan isku jirsanno markaan guryaha dhisanaynno, miyiganna Kilow mitir Ayaan isku jirsannaa ileen Berintu kayar iskuma jirtee. Inlaysku jirsaddo Mitir iyo Kiilow mitir waxay tusinaysaa isku duubni daaye inaan xitaa laysfahmi Karin bal adugu meel udhig Umad  meel ku wadda nool oo aan is fahmi Karin kala cararka iyo kala dheeraan shiyahanna xal u aragtay.
  Masuuliyad(responsibility); qodobkaan waa in qofkastaa yeesho door kana soo baxo, Soomaali hadaan nahay waliba Jiilkaan hadda jira ma aanaan fahmin mana nala barin si sax ah qiimaha qodobkaan. Waxaa jira Xukuumad iyo Dawlad sidda aan u badan nahay isku mid Ayaan moodnaa mana ahan aad ayay u kala fogyihiin waliba. Aan ku horeeyee Xukuumad waa Dad tirsamma lana yaqaan magacyaddooda war qadnna ku qoran, halka Dawlo tahay waxaan tirsamin warqadna ku qorayn. Xukuumad waa Muumulayaal waqti lasiiyay lana doortay xili kooban, halka Dawlad tahay Shicibka guud ahaan oo ay ku jiraan xitaa kuwii xukunka hayay ee ladoortay iyo Dalka. Hadaba shaqadda laga rabo shicibka waynaha iyo tan laga rabo Xukuumadda fara ku firiskaa teemuhimsan mugwaynna?. Shicibku wuu sii qaybsamaa Gobol, Degmo, Xaafad, Qoys, ilaa Qof, heer walba waxaa qofka muwaadinkaa uyaal mazuuliyad aanka saabaxayn midba midda kale, waxaa ugu yar in aad qofka jidka qolof mooskutuura inta ka daba qaaddo inaad jeebka usurto. Markii qof kastaa masuuliyaddiisa ka soo baxo Dalku wuu hagaagi.
   Xeer(Law) Xeer waa waxa Bulsho ka dhigi kara mid isku duuban oo dana wadaag ah Daryeeshana aaya heedda, Soomaaliddu waxay isku tilmaantaa Dad Xeerka qorta laakiin aan dhaqan gelin/ilaalin tusaale iguxir hayga xogaydee. Danaha gaarkaa ee qofkasta waxay ka hor imaan karaan Danaha qofkale waa inuu jiraa xeer is waa fajinaya, qaybsiga dhib iyo dheef sidoo kale waa in lahelaa halbeeg lugu cabiro qaybsigoodda, xeer la’aan waa xariil la’aan Alla anaga noo fudaydiyay Muslim naga yeelay maahan inaan u dhib badnaano Dunidda anagoo Muslim ah.
  Tanaazul(respect); Gobal kastaa Gobal kale ayuu kuudka ugu jiraa, Hubdhigista halaga soo bilaabo midka dariskaygaa ayuu ku an dacoodaa, waxaa is waydiin mudan hadda haan heshino yaalugu bilaabi doonaa xeerarkaan qoronno.
  Shaqo-jecli(love of work); markii dadku shaqo jeclaado ayaa wax soo saarku bataa taas bedelkeedda Dhalinyaraddu siday ay u bdan yihiin wax mabartaan shuud ay nolosha ku saaranyihiin, waxaan jecelnahay oo aan dhexdeenna ceebka ahayn Tuugisiga Baryaha Beesha caalamka, waa ku bisikoonaa kumana baahi beelno.
   Kaydisi iyo maalagashi(saving and invest); shaqadda, kaydsiga iyo maalgashiu waa sedex isku xiran, maalgashi majiro ileen kayd malahane shaqadana maba jeclin. Hadaadan haysan wax aad waxku maal gashato, kaydsato iyo meel aad ka shaqayso Dalkaaga qawsaar unoqo oo nabadka dhig way maysid wax ku maal gashadda Dunidda lacag waytaalaa, Ilmahaagaa wax kaydsan doona maalgeliina samayndoona, Dunidda aad aragtay ee Dadku milyaadeerka yihiin kuwo sabool ah ayaa ka horeeyay marjiro Dal u maddiisu qaninimo ka wadda bileebeen, dulqaad aan muujinno.
  Rajjo(will); dhamaanteen waxa aan niraa Alle un aan u barinno Dalkaan, sax baryaha Alle lagama maarmo laakiin waa in wax lugu daraa. Dhamaanteen waan wadda rajo wanaagsan nahay Dalka waxaan ka aamin sannahay mid khayraad badan oo wax laga soo saari karo laakiin ficil kuma darno aan filcil muujinno. Dhalinyaraddu waxay sugayaan in Dalka loo dhisi doono wax ficilanna lagama hayo waxaan sheeganaa inaanahay 75% bulshadda soomaaliyeed inaan ka nahay gacan mataaganno waxan rabnaa dhamaanteen inaan dhib nataaban Dalkuna iska dhismo waa calaacal timo leh.
  Joogtayn(punctuality); joogtayn waa wax aad u muhim ah, joogtaynta Dawlad wanaag ku dhaqanka xeerarka u dhexeeya Bulshadda iyo istaakulayta waa waxa lugu tisqaado waxa ugu horeeya. Balanta ayaa ugu yar wax lajoogteeyo Balanta mawadda ilaalino sida aan u badan nahay balanfuryaddii aan ka badannay.
  Gabangabo; dhalinyarro aan isku dayno inaan aqbalno sagaalkaan qodob dhaqan gelinna, waa laga yaabaa inaan qaar hadda ku dhaqanno inta naga dhiman aan ku darno, majiro dunidda wax aan ku fadhin qiimo Soomaaliya maanta dhibta dhextaalaa waxaytahay Dadku diyaar uma ahan dhibta marka hore aqbalaan si aan ugu gudubno barwaaqadda, dulqaad aan muujinno.
Previous
Next Post »

1 Comments:

Click here for Comments
June 17, 2017 at 2:04 AM ×

halkaan iigu reeb wixii faalaa

Congrats bro Cabdifataax Imaam you got PERTAMAX...! hehehehe...
Reply
avatar