DIB'UDHACA DHAQAALAHA DAWLADA BARIGA AFRIKA



DIB’UDHACA DHAQAALAHA DAWLADAHA BARIGA AFRIKA

Maqaalkaan waxuu ka hadlayaa caqabaddaha haysta dhaqaalaha Bariga Qaaradda Afrika, wadda madda laysku yiraa IGAD, Afrika gaara ahaan IGAD waa meesha ugu badan ee wax laga qoro, waxa laga qorana waxaa u badan Dagaallo, iyo Gaajjo, Bariga Afrika qariiradda Dunidda waxay dhacdaa boos aad muhim u ah dhaqaalahaan iyo Amni ahaanba, Qaaradda Afrika waxay dhacdaa bartamaha Dunidda, waxaa mara kanaaladda Jabalu Al-daariq, Qanaaddu suways, iyo Bab Al-mentheb, sedexdaas kanaal Dunidda waxay u yihiin marino aad muhim u ah, sedex-meelood meel maraakiibta Duniddu waxay isticmaalaan Kanaaladaas. Dawladaha bariga Afrika ee ku midaysan IGAD waxaa looga fadhiyay in ay dhaqaalha Afrika iyo kan Dunidda oo idil door muhim ah ka ciyaaraan, waxayse ladaalaa dhacayaan dhaqaallo xumi ba’an.
Afirka waxaa loo qaybiyaa shan-kutlad oo deegaan-jaho-wadaag ah, Afrkadda koon-fureed, Afrikadda galbeed, Afrikadda waqooyi, Afrikadda dhexe, iyo Afrikadda “Barri”, Doodeennu waxay ku saab sanaan doontaa Afrikadda Barri, Afrikadda barri waxay ka koobantahay sideed Dawladdood oo ku midaysan urur goboleedka IGAD, magacyadda Dawladahaas waa Soomaaliya, Jibuuti, Itoobiya, Kenya, Yugaanda, Erateriya, Suudaan, Iyo sood-suudaan, sideedaas Dawladood waxay dhacaan bariga Afrika waxaana laysku raacsiiyay qaab lugu heshiiyay oo la xariira hab deegaan iyo siyaasadeed Qaramadda midoobay.
Dhamaan Dawladahaan IGAD dhaqaalahoodu wuu hooseeyaa, dhulkoodunna waa hodan, dhaqaala hoodda waxaa dhufaanay Dhagaal sababay dib’udhac Amni, cilmi, iyo hormar in taba, Dagaalka waxaa sababa sedex qodob, A) waxay maamuli waayeen kala duwnaanshaha Qawmiyadeed taasoo sababay Dagaal; B) muran xuduudeed sababay Dagaal; C) isbedelka cimiladaha oo sdhaliya Dagaal. Sedexdaan qodob bariga Afrika waxay geliyeen Dagaal aan dhamaan waligiis, waddan dagaalka jiro dhaqaalihiis rajo lagama qabo in uu kobco, sedexdaan qodob waxay sababaan dagaalka ka socoda bariga Afrika Dagaalka laftiisa waxaa loo sii qaybiyaa todoba-nuuc dagaal, 1) Dagaal udhexeeya labo dawladood  (inter-state wars); 2) Dagaal ka dhexjira Dawlad (intra-state); 3) Dagaal u dhexeeya Dad xuduud ka talaabay iyo Dadkay u tageen (cross –Border community Conflicts); 4) Dagaal qabiil oo ku salaysan dhul iyo khayraad (inter-communal war); 5) Dagaal u dhexeeya malayshiyaad (civil wars); Dagaal hal-dhinacle, kadhan ah shacabka (one-sided violence against civilians); iyo Dagaal xornimo u dirir (conflicts among Rebel groups).
Dawladdaha IGAD  waa lagama maarmaan iyo biyo kama dhibcaan in ay soo afjaraan Dagaaladaan haddii ladoonayo in dhaqaalaha la hagaajiyo, madhici karto suurto galna mahan in dhaqaala Barriga Afrika wax laga qabto ayadoo Dagaaladaan jiraan, dagaaladaan midkasta oo ka mid ah waxaa jira wax keenaya in uu siijiro, sidoo kale waa in labaabi’iyaa wax yaabaha keenaya sii jiritaanka dagaaladdaan. Dagaaldaan waa waxa nagala haray dunidda inteedda kale Duniddu maanta waxay maraysaa meel aanan xitaa fahmi Karin iskaba daa’a in aan gaarne e, hadana majirto sabab aan Dunidda oga harnaa, majirto sabab ama qiil Dagaaladaan ku sii socon karaan, siday rabto tabashaddaadu ha’udhignaato, dhulaa iga maqan, Daddaa iga maqan, ama wax kale oo kayar ku doode, Dagaaladaan waa in la joojiyaa.
Dagaaladda ka dhaca Bariga Afrika waxaa u badan dagaal dhexmara labo dawladood iyo Dagaal ay sameeyaan Jabhado, waxaan si kooban udhexmaraynaa Jabhadaha ka jira Dawladaha IGAD ee dagaaladda ka sameeyaa Bariga Afrika anagoo wadan walba sigaar ah u xusayna Jabhada soo maray ama kajira. Jabhaduhu waxay ku abuurmaan siyaabo kala duwan waxaase ubadan Jabhadaha xornima u dirirka, waxaa caaddo ka ah IGAD in xitaa markii dawladuhu is dirirayaan ay isku adeegsadaan Jabhaddo, wadan kastaana soo dhaweeyo Jabhadda lidka ku ah wadankay ay dirirsanyihiin ama ay u arkaan in ay u arkaan in uu qatarku yahay danihiisa qaran, wax isla qabsi qaaradaan laga ma yaqaan.

Itoobiya
Dawladda Itoobiya waxay la daalaa dhacaysaa qalalaaso ka dhashay markay maarayn waa yeen kala duwnaanshaha qawmiyadeed, waxay simi waayeen cadaaladna u samayn waayeen Qawmiyadaha Itoobiya, Itoobiya qof kasta Ra’isul wazaare kama noqodo awoodda Dalkaasna si siman loo ma wadaago, sidaas darteed waxaa ka dhexjira Dagaallo dhantaalay dhaqaala hoodda dhib-u-dhacna bilaabay wixii ka danbeeyay 2015kii, sidoo kale Dagaalkii kala dhexeeyay Dawladaha kale ma uu san dhamaan laakiin waa uu suuxay un, markaanna dhib saas u sii wayn kuma hayo dhaqaala hoodda, Itoobiya ganacsigii loo baahnaa lama lahan Dawladaha dariskaa sababtuna waxay tahay Muran xuduudeed ka dhexeeya sababayna dagaallo aad uxun oo kal dhaxayn jiray dawladaha qaar, waxay aheed umadaha Dawladaha IGAD  in ay wadaagaan Ganacsi balaaran taasoo dhaqaalaha saro u qaadi laheed, Itoobiya waxaa ka jiri jiray Jamhaddo hubaysan Dagaalna ka oogijiray Dalkaas, sidda Jamhadda xoraynta Tigreega (TPLF), Xizbiga kacaanka Shacabka Itoobiya (EPRP), Jabhadda xoraynta Ogaadeenya (ONLF) walina jira. Dalka Itoobiya waxaaka jiray Jabhaddo kala duduwan ku waa soo ficiladdoodu waxdan ah ay san ugu jirin dhaqaalaha Dalkaas, iyo Bariga Afrika guud ahaan, Dal sidiisaba haday ka jiraan Jabhaddo lidku ah Dawladda dalkaas Dagaal mahuro Dhaqaalihiisana horay u ma socdo. Itoobiya waa Dawladda Gobolka waxaa looga fadhiyay hogaamin, iyo Maamul wanaag may ahayn in ay is haystaan Dawladaha deriska la’ah.

Jabuuti:
Dawladda Jabuuti waxaa ka jira qawmiyaddo kala duwan, Jabuuti waxaa jira sinaan la’aan, Jabuuti way adagtahay in qawmiyadaha qaar ay Madaxwayne helaan ama qabtaan Taladda Dalka, hal-qawmiyad ayaa xukunka soo haysay kana soo talinaysay Dalkaas. Sanadihii 1991 iyo 1994 Jabhad layiraa FRUD ayaa qalalaase ka sameeyay Dalka Jabuuti, qawmiyadda Cafarta Jabuuti kuma qanacsana habka maamul ee ka jira Jabuuti. Jabuuti waxaa Dagaal salka ku haya muran-xuduudeed kala dhexeeyaa Dawladda Erateriya bulshadda labadda Dalna dhib ayuu ku hayaa hormarkooda murankaas, Jabuuti qalalaase joogtaa kama dhaco gudaheedda, laakiin waxaa saamaynku leh dhib’udhaca dhaqaale ee guud ahaan ka jira barigga Afrika. Hormar la’aanta ka jira Bariga Afrika Jabuuti saamayn ayuu ku leeyahay, Erateriya Ganacsi kalama dhexeeyo, Soomaaliyana Dagaallo ayaa ka jira waxba ma kala kororsankaraan. Jabuuti waxay aheed in ay Itoobiya Baddeeda oga faa’iidayso ayaduna ka faa’iidaysato maadaaba Itoobiya Bad aanay haysan, laakiin nasiibdarro Itoobiya waxaa muhiimadda koowaad u leh Millatariga, iyo waxaan waxba ka soo laabanayn, waxay aheed in ay Aadanaha hormarin ku samayso, kaabayaasha dhaqaalahana hormarin fiican ku samayso sidoo kale, waxay aheed in ay hormariso Tekniloojiyadda si ay ula jaanqaado Duindaan casrigaa, taasoo suurta gelinkarta in dhaqaalaha labadda wadanba hormar sameeyo kadibna wax ugu kordhiyaan dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Afrikoo dhan.

Erateriya:
Erateriya waa wadan haysta Fursaddo badan Baddheer ayay leedahay, sidoo kale waxaa ka jira caqabaddo ay ayagu abuurteen, maahan Dal madaxdiisu ka war qabto Dunidda maanta, uma soo jeedaan Dhaqaalo kobcin. Erateriya waxaa ka jiri-jiray kooxo ay Itoobiya Taageerto, sidda Hay’adda Dimoqoraadiyadda ee Cafarta Badda-cas (RSADO) iyo dhaq-dhaqaaqa Dimoqoraadiyadda iyo Xoraynta Erateriya ee Kunama (DMLEK). Erateiya waxaakaa jira maamul aan lugu wadda qanacsanayn, Maamulkaas Dunidda guud ahaan lama lahan xariir fiican, dawladaha dereska ah na kalama dhexeeyo ganacsi hufan, ganacsi daaye xiriir wanaagsan kamala dhexeeyo. Erateriya majiro wax axdi qarameed ah oo ka dhexeeya, waxaa lugu maamulaa “Aragti” sidaas darteed waxaa ka dhaca dagaaladdii aan horay u soo sheegnay qaarka mid ah, Erateriya waxaa muran xuduudeed kala dhexeeyaa Dawladda Jabuuti, ciidammo nabad Ilaalin ah ayaa Dawladda Qadar ku bixisay labadaas Dawladdood, sidoo kale Dawladda Itoobiya waxaa kala dhexeeya Muran-xuduudeed, dagaalkoodu mardhaw ayuu soo gaaray walina sirasmi ah looma xalin, dagaaladaas waxay wax yeeleeyaan dhaqaalaha Erateriya iyo guud ahaan dhaqaalaha Barriga Afrika.

Suudaan:
Suudaan waxaa ka dhaca doorashooyin aan lugu kalsoonaan natiijaddooda, waxaa madaxwayne ka ah muddo dheer Cumar al-bashiir wuxuu ka soo jeedaa qawmiyad, qawmiyaddaha kale waxay tirsanayaan tabasho, lugu ma na qanacsana qaabka maamul ee ka jira Suudaan sidaas darteed waxaa ka jira isku kalsoonaan la’aan u dhaxeeya qawmiyadaha, Suudaan waxaa ka soo jiri jiray Dagaallo ka hor in ta ay san ka go’in Suudaanta-koonfure Dagaalkaasoo salka ku hayay qaybsiga dhaqaalaha khayraadka Dalkaas. Taariikhada Suudaan waxaa aad looga dhex arkaa Dagaaladdii Daarfuur, Suudaan waxa ka jiri-jiray Jabhadda xorayna shacabka Suudaan (SLPM), Intaas Suudaan waxaa udheer cunna qabatayn saaran taasoo cuuryaamisay dhaqaalaha suudaan iyo kan IGAD guud ahaanba, cunna qabatayntaas waxaa sababay qodob laxariira ‘Diin’ iyo Idhiyoolijiyad (new wars). Suudaan waxay taageerijirtay Dhaq-dhaqaaqa xoraynta Erateriya ee la diri jiray Rajiimkii Mingiste, iyo Jabhadda xoraynta Tigreega (TPLF).

Sood-Suudaan:
Sood-suudaan waxaa soo maray  Dagaal sokeeye, jaha-wareer siyaasadeed, iyo Barrakac, salka ku haya is-fahmi waa awood-qaybsi udhaxeeya qabiiladda Dalkaas, majiro dhaqaale hana qaaday oo ay yeelatay Sood-suudaan. Sood-suudaan waxaa ka jiray ururo sidda, Ciidamadda dhaq-dhaqaaqa Dimoqoraadiyadda Suudaanta-koonfure (SSDM/A) iyo Ciidamadda xoraynta Sood-Suudaan (SSLA). Sood-Suudaan waxaa soo maray Dagaallo sokeeye oo dhawaan-gaar ah ku waa soo wax yeeleeyay  dhaqaalaha dalkaas iyo guud ahaan dhaqaalaha Dawladdaha Geeska Afrika. Sood-suudaan ma muuqato rajo dhow oo ay oga soo kaban karto dhaqaalo xumidda dagaaladdaas ku na heli karto xasilooni siyaasadeed oo dhaqaalaha dalkaas wax ka qabta, waxay u baahan tahay in Dawladaha IGAD ilgaara ku fiiriyaan wadankaas,waxaa lasheego in markii horaba in ay ka go’odo Suudaan sax ay san ahayn, waxaa loo baahnaa in sikale lugu xaliyo dhibtii ka jirtay Gobolkaas.

Yugaandha:
Dhaqaalaha Dawladda Ugaandha waxaa saamayn wayn ku reebay qalalaase dagaal kaasoo Ugaanda lagashay Dawladdo kabaxsan Dawladaha IGAD, sida Tanzaaniya1978-9kii iyo Koongo intii u dhaxaysay 1997 iyo 2007kii, Dagaalkuu ugu danbeeyay 2007kii, wuxuu salka ku hayay lahaanshiyaha Jaziirad lamoodka Rukwanzi Island iyo diidmo ku aadan in ay Jabhaddo mucarad ku ah Ugaanda, ku waa soo kala ah, Ciidamadda Qaran ee xoraynta Ugaanda (ADF), iyo Isbahaysiga xoogagga Dimoqoraadiyadda Ugaanda (NALU), Jabhadahaan Ugaanda caqabaddo adag ayay kala kulmi jirtay ku waa soo dib ulaharay dhaqaalaha Dawladdaas ku na reebay saamayn aan fiicnayn. Sidoo kale Ugaanda waxay caqabado kala kulantaa LRA, maadaaba ay xuduud la leedahay Sood-suudaan, dhamaan dagaaladaas waxay saamayn ku yeesheen ganacsigga Ugaanda ay la wadaagi laheed Dawladaha Deriskeedaa kaa soo doorka ciyaarilahaa koboca dhaqaale ee Ugaanda, iyo guud ahaan dhaqaalaha Bariga Afrika.

Kenya:
Kenya waxaa ku hardama labo Qaymiyaddood oo ku loo lamaya awoodda dalkaas, waa labadda qaymiyaddood oo ay ka soo kala jeedaan Uhuro kenyata, iyo Rayla Odhiinga. Kenya horay ogama jiri-jirin dhaq-dhaqaaqa Jabhadda hubaysan ay ka sameeyaan Dawladaha kale ee bariga Afrika markii laga reebo Dagaallo ay sameeyaan kooxo ay ugu yeeraan “shufto” Dagaalna ka sameeyay Kenya xiliyaddii 1963dii iyo 1967dii. Kenya hadda ayay cagaha la siigalaysaa dooxatooyin Dagaal.
Dhaqaalaha Kenya waxaa saamayn wayn ku leh kala shaki-qab udhexeeya labadda qawmiyadood ee dalka ugu tunka wayn, xiliyadda doorashadda sidoo kale waxaa dhaca qalalaasaha ugu badan ee dalkaas ka dhaca. Wadan siyaasaddiisu ku dhisantahay awood qaybsi qabiil suurto gal maahan in dhaqaalihiisu kobco, Hanaanka isku codaynta iyo dhaqaalaha Dal leeyahay waxaa ka dhexeeya xiriirtoosa.

Soomaaliya:
Dawladdeedii Soomaaliya waxaa riday Jabhaddo hubaysan waxay rabaanba ujeed kooddu ha ahaadee, Soomaaliya malahan dhaqaale la sheegikaro, sidoo kale Soomaaliya waxay dagaallo la gashay Dawladaha deriskaa, Soomaaliya walli lama xalin caqabadihii dagaal oo ka soo bilaawday 1991dii, wali waan ladaalaa dhacaynaa, muran xuduudeedkii wali wuu taagan yahay in kastoo uu san dagaal socon, muranku waa mid badeed iyo mid dhuleed. Soomaaliya waxaa intaas u sii dheer Dagaallo Qabiiloo ba’an waxaa soo dhan waxay noo nugleeyeen Cudduradda, Abaaraha, siyaasaddaha guracan ee shisheeye, iyo Baahidda, inta aan soo sheegay iyo dhaqaalo isku meel magalaan, waxaan ku dhawnahay in nala yeesho waana nala yeelanayaa hadaanaan isku tanaazulin isku na dulqaadan. Soomaaliya waxay u nuglaatay dhibaatooyinka caalamigaa sidda, isbedelka Cimiladaha, Gumaysiga casrigaa, iyo Dagaaladda ku salaysan Idhiyoolajiyadda, sedexdaan aan soo dheegnay waxay sababaan, Abaaro, Daaqa iyo biyaha oo laysku diriro, qal-qal siyaasadeed, iyo horay u socod la’aan, iyo Diinka oo kooxkastaa si-u-fasirato laysku na radiyo.

IGAD sedexaa loogafadhiyaa:
1.       Maaraynta muran xuduudeedka;
2.       Ciribtirka Sinaan la’aanta; iyo
3.       Jabhadaha salka ku haya labadaan.
Dawladaha Barriga Afrika si ay dhaqaalahoodda wax oga qabtaan waxay u baahan yihiin in ay xaliyaan sedexdaan arimood, 1) xuduudaha, waa in ay arimaha Xuduudaha u helaan xal ayaddoo loo marayo wadda hadal iyo xurmaynta xuriyadda, waa in ay dhulalka lugu muran sanyahay Dadka ku nool taladooda mudnaanta koowaad siiyaan, ayagana waydiiyaan sida ay rabaan, masiir koodanna u madaxbaneeyaan codnna ka qaadaan si xor iyo xalaal ah, dhinacyadda isku hayaanna ku wadda qancaan waxa Dadkaas yiraahadan ama codayn toodda ka soo baxa. 2) sinaan la’aanta: Dawladaha Bariga afrika waa in ay sinaan la’aanta suuliyaan, rajjo lagama qabo meel sinaan la’aanka jirto in dagaal, iyo qalalaase ka maqnaaddo, dhaqaalahana dagaal iyo qalalaase ayaa hoos u dhiga, sinaan la’aanta waxa lugu hello kabadan ayaa lugu helidoonaa sinaanta, marka hal-qiil awoodda iska haysto ku wa kale wayka daba wareegayaan, waxaana waqtiga luminaya mucaaradad iyo Jabhadayn. 3) Jabhadaynta: Bariga Afrika waxaaka jira Jabhaddo tirobadan oo lid ku wadda ah dawladahoodda, dawladaha qaar wayba dumiyeen sidda Soomaaliya oo kale, ku wa kalana waxay kala dagaalameen hormarka iyo kobaca dhaqaaale, waxaa arinta sii cakiray markii Dawlad kastaa Dawladda ay deriska latahay Jabhad ku kicisay, una marti gelisay. Jabhadduhu waxay hubka helaan, fariisimo kahelaan, sidoo kale dhaqaalo ka helaan Dawladda ay ku kacsan yihiin Dawladda ka soo horjeedda ee ay cadawga isku arkaan, waana tan sii daba dheeraysay xaaladaha Dagaal ee ka jira Qaaradda Barriga Afrika.
Haddii sedexdaan arin loo helo xal-waara dhaqaala xumidda Qaaradda bariga Afrika ka jirta waxaa loo heli doonaa xalwaara, Dawladaha laysku yiraa IGADna waxay noqon doonaan Dawladdo door muhim ah ka qaata Dhaqaalaha Aduunka, IGAD waxay maarayn doontaa dhibaatooyinka iyo saamaynta Abaaraha, sidoo kale waxay maarayn doontaa dhibaatooyinka ka imaanaya sibedelka cimladaha siikulu laanaya, sababana Abaaraha silsiladdaa ee dhaca markasta.

Gaban-gabo;
Dawladaha IGAD waa in ay dhaqaalaha kubaxa miltariga yareeyaan loona weeciyaa dhaqaalahaas kaabayaasha dhaqaalaha si loo gaaro hormar la taaban karo, sidaan waxay ku imaan kartaa markii aysan jirin waxay ay ka baqaan Rajiimyadda xukunka hayaa waa Jabhadaha, siyaasiyiin lidku ah oo ay markii hore xukunka oga soo qaateen si aan xornimo ku jirin oo aan loo sinayn, iyo Dawlad cadaw ay u arkaan oo Deris la ah. Bariga Afrika waa in laga abuuraa isdhexgal Bulsho taa soo buddhig u ah wadaagga ganacsi waddareed dhaqaalaha kobciya. Waa in aan yeelannaa siyaasad midayan ee aan ku soo dhawaynayno aduunka intiisa kale oo ubaahan qaaradaan dahan, waa inaan Maraynkanka iyo Shiinaha u gar-naqnaa. Jabhadahu intay jiraan dhaqaaluhu wuu maqnaanayaa, Jabhadahoon ciribtirnaa Jaho kalay noo dhaqaajinaysaa, si loo ciribtiro Jabhadaha waa in muranka xuduudaha laxaliyaa, sinaan la’aanta laga gudbaa, Abaarahana laga gaashaantaa, markaas kadib hormainta Milateri way joog san doontaa, waxaa imaan doonta in Bulshaddu isdhexgal samayso, sidoo kale waxaa abuurmi doona Ganacsi wadareed, iyo kobac dhaqaale.
W/Q: Cabdifitaax Cali Cabdalla;
Address;
00252617171717
twitter@cadecaliyare

calicabdalla.blogspot.com 
Previous
Next Post »