ADEEG IYO IIDAAN

  Maqaalkaan gaaban wuxuu  sawiraya oo aan uga hadlaynaa hab dhaqan-caadeedka guryaheena ka jira iyo xaaladda aan xaasaskeena ku dhaqno. maqaalku wuxuu yeelandoonaa qaybo kale oo aan wadaagi doono mar kale haddase waa qayb yar oo kooban.

Xaaskaaga doorkeedu waa in ay binu'aadam soosaarto adiga doorkaaguna waa in aad duunyo soosaarto.

Xaaskaagu guriga maxbuus miyay kuugu tahay mise nolol ayaad isku darsateen si aad hammi u wada xaqiijisaan?. Qoyska qofba door ayuu leeyahay meel ayuuna ku aadan yahay. Ninku wuxuu ku qaybsanyahay sidii uu usoo saari lahaa biilka. Hooyaduna waxay ku qaybsantahay sidii ay iskugu duba ridi leheed hawlaha guriga una soo saari leheed waxa ugu muhiimsan qoyska waa carruutee.

Sida caadada noo ah, reeraha Soomaalida waxaa la yaqaanaa wax la yiraa adeeg iyo iidaankiis (waa raashinka billahaa oo dukaanka laga soo adeegto, iidaanna waa waxa lugu iidaanto sida hilibka maalinlaha ah iyo qurdaarta), xaasaska waxaan dunkaanka uga marnaa raashin beegan oo tirsan waxaanan u dhiibnaa lacag cayuman oo magac leh (iidaan), sidaas ayayna nolosha ku dhamaysataa tii aan Alle badbaadin oo aan ayadu shaqaysan. Ina ragoow dhaqankaan aan meelna ku qornayn dani kuma jirto, dumar(kiina) jadiinka yaan lugu jiri-riqin, oo lugu dhibin( biil fiican hala bixiyo) Waxaan qoondaynaa miisaaniyad ka kooban adeeg iyo iidaan waxaan ku tirinaa bilaawga bisha xaasaskeena siyaan uga tirinno xaasas keenna dhamaadka bisha, dhaqaalaheenna wixii intaas ka soo hara waan kaydsannaa anakoo aad uga ilaalinayna xaasaskeenna si aan uga  faaja-faajoona oo aan danaheena banaankaa ugu fushanno wixii dani naga reebto mooyee wixii kale.

Gabadha guriga kuu joogtaa waa adoo kale danaheedii oo dhan adaykaa dhigtay, reer keedii ayaad ka soo saartay ugana gacan haatisay. Dhexdeedaa lugu sameeyaa xayn tolkiina ka mid ah, wax sahlan maahan. Cid aan adiga ahayn waxba uma gasho umana guddo oo ma qaybsanto. Birmaahan waa binu'aadam, baahiyahaaga oo kale ayay leedahay marmarka qaar way kaa dano badantahay. Markay halkaas joogto aduguna aad la soo taagantahay adeeg iyo iidaan arinka gurigu see noqonayaa?!!!. Xabsiyadda ayaa waxaa ka jira dhaqanka adeeg iyo iidaan ileen maxbuus axsaan malahane, iswaydii gurigaagu ma xabsigaasiyaa? xaaskaagu riyooyin ayay leedahay hadilin riyooyinkeeda, ogaaw in aad riyooyinkeeda disho waxay la mid tahay in aad nolosha dhaafiso!!.

Xaaskaagu waxay xaq u leedahay in ay u noolaato sida aad u nooshahay kaama liidato, maradaad gadato maradeeda kale waa in ay heshaa, moobeelkaad gadato midkiisa kale waa in ay heshaa, maqaayadaad gasho mideeda kale waa in aad take-away uga soo qaadaa, hariyarta aad wadato waa in aad wada wadataan ee aadan ayada bajaaj ku jiidin ayadoo 9bilooda, waxaa intaas dheer wixii lugu heshiiyo ayadoon lays handadayn waa halkeeda oo anugu ma diidani laakiin yaan xaasaska heshiis lala gelin yadadoo laga faa'iidaysanayo masuulkii gurigaan ahay iyo waxyaabo la hal maala, si siman heshiis ha loo galo oo wax lugu wada raaliyahay ha laysla gaaro.

Markii aad xaaskaaga ka kala qarsato dhaqaalaha yar ee lahaysto haday ayaduna ilmaha ay kaa kala qarsato kawaran? waa dhibaato wayn. Hadaba waxa ay hayso dhexda ayay soo dhigtaa mana khiyaanto ee ha khiyaamin waxa aad adigu hayso oo aad soo saarto. Xaaskaagu haday kaniini cunto si aysan uur uyeelaan oo ay kugu tiraahdo waxba mahayo markasta waa dhibaato.

Waxaa jira rag haday guriga yimaadaan ayakoo jeebka ku sida wax ay isku soo iloobeen (lacag) aan habeenkaas hurdo ladin, caawoo dhan waxay iska waar diyaynayaan xaaska oo bisteed ah sidii uu ugu dayrinayay (daynaa laygu leeyahay, wax ma haysto, biilkaa igu dhiba), intaan suququl iyo dayro ku abuurno ayaan niraa iimaan malahan, maxay iimaan yeeshaan ereyadeena iyo muuqaalkeena aan is lahayn baa iimaanka ka qaadaye ( waa loo dayryaa waana la qurux badan yahay bal is qabadsii). In aan xaasaskeena nafis kale u diidno $100 adeega iyo $20 iidaana mooyee waa xaalad xanuun badan luguna minja xaabinayo farxadda qoyska.
HADII LUGUU ROONAADO U ROONAAW REER KAAGA

Wax badan hadaad haysato waa in aad isku daydaa sidii aad ku gaari la heed qanaacada iyo daboolista baahiyaha xaaskaaga, ogolaaw fursad dhaqaale oo ka baxsan waxa digisiga luguugu shubo adiga iyo carruurtaada hadaad wax yar haysato dhexda soo dhig islana qoondeeya si wadar-ogol ah oo saydarayn ka fog.

Adeeg iyo iidaan ku tiri kana tiri (ku tirin waxaa ah markaad bishii 100$ adeeg u siiso, iidaanna aad u siiso $30, aadna tiraa isku ilaali bishaas haday ka hor kaa dhamaato adaa ka masuula, markay ka dhamaatana waxaad leedahay soo tiri imisa maalmood ayaad is ticmaashay bilaan ugu talagalay ee xageed ku dhamays?) hadaadan waxba haysan la garay laakiin hadaad wax haysato aadna saas yeelayso arrintaasi waa gumayn aan geed loogu soo ganban, gob weeye gabdhaheenu ina-ragoow yaan la gumaynin, anigu wali fooda isma aanan darin midaan kala fursan wayno war sanaa naga soo yeeri doona hadaadnan ijiidan adinku dhaqan ahaan.

Ubadka ku kora guri ama xaalad sidaan u xakamaysan ee farxaddu ku yartahay ileen qof cariiri ku jiraa ma farxee waxay wajihi doonaan culays nololeed oo gacan ku samaysa ah iyo farxad la'aan, yaan wax aan micno lahayn farxadda looga qaadin reeraha, yaan laysku adkayn nolosha, hadaad nolosha ku adkayso xaaskaaga ogaaw adigana way kugu adkaanaysaa.

Waxaan ku dari doonaa qayb kale waqti kale.

Afeef: wixii dani keentay dadoow diiradda masaarin.

W/Q Cabdifataax Cali Cabdalla Imaam
Previous
Next Post »