GOLAHA YAAGUDOOMINDOONA MA GAAR HAYOOW GAAS, MISE GEYFANOOW AXMED


Shirarka madaxda maamul goboleedyada majirto cid u baahan in loo naaxnaaxiyo, qof walbaa wuu ka baxsan yahay.
Shirarka ay qabsadaan e markasta la maqlo waa shirar loogu meel dayayo fursad isbays awoodeed ay ku dulaalaan Dadka jilacsan e ay maamulaan iyo Deeqaha caalamigaa, wax kale haku daalin.
 Shirka kadhacaya 'Dawlad deegaanka kismaanyo' waxaa kasoo bixidoona qodobo aanka duwanayn shirkii udambeeyay e ay ku yeesheen xarunta Maamulka goboleedka koonfur galbeed.
Milkiilayaasha Golaha qofba dareenuu qabaa. Hadaan falaa qayno milkiilayaasha Golaha, M.waynaha maamulka koonfur galbeed waa siyaasi aan lagaran ujeedkiisa sida badan, wuxuuna dulaalaa xasradaha siyaasadeed, marmarka qaar madaxda gobolada iyo federaalka, waxaan ismoodsiinaynaa in ay isku fiican yihiin federaalk anagoo ka shidaal qadanayna booqashooyinkii isdaba jooga ahaa ee madaxda federaalku kutageen Baydhaba-janaay, iyo fogayntii wada jirka ahayd e Jawaari lugu fogeeyay, Shiriifku wuxuu ahaa soo jeediyaha la taliyaha iyo gacan saare wayn ee Khayre kaabay. Dareen wayn kama qabo dhanka Federaalka, Sagaal iyo Sideed siduu ugu dhex badbaadi lahaa ayaa udaran.
 M.waynaha Dawlad deegaanka Kismaanyo iskuma fiicana federaalka wuxuu na raadiyaa isbays awoodeed oo degdeg lugu-hel ah. Dareen ahaan mar horuu Federaalka ka diday, golahana wuxuu tarikaro ayuu taraa.
M.waynaha maamulka Hirshabeelle xagana maahan, xagana maahan, waa 'sheelaa', Federaalka waa dugsadaa, ood wadaagbaanahay ayuu ku xoodiyaa, golahana sawiradduu la soo galaa, waa yahaanna lug danbeedis ayaa jiray dhanka Federaalka, wuxuuna og yahay haddiiba lays gacan saarayo in laga horeeyo, wuxuu sugayaa halka ay maraan raga mudda xileedku ka dhamaaday, haday ragaas tagaan Federaalka ayuu la wadaagi doonaa dukumuntiyada goluhu isdhaafsan jiray ee qaraoodiga ahaan jiray, haddii ragaas badbaadaanna, sidaad yeesheen iyeela aan badbaaddee ayuu oran. kahor in uu federaalka ugalona leh.
 M.wayna hareeraha laga fariistay e maamulka ducaysane Galmudug Xeev wuxuu ahaan lahaaba gacanta wax uguma wadda jiraan go'aan ahaan, Gal markuu yiraa cidkaluu ku simaa mudugta in ay utiraa si wax wada la haan shiyo loo muujiyo, micnaha midawgii Jibuutina looga dheehdo meesha, dhanka kale arimaha Federaalka iyo Golaha markaytimaad, wuxuu maanka ku hayaa nimaankuu furi doonin yuukuu rarin, dareen ahaan Federaalka waa Ka baqanayaa, golahana ma dhagaysan karo, (hashii Ninka guran raacay) wuxuu dhibane uyahay Golaha iyo Federaalka, Cadaado iyo Dhuusamareeb, Galmudug iyo maamulka islaamiyiinta Ahlusunnah waljamaacah,  asagoo taagtaagsanaya ayuu jiraa Kismaanyo.
M.waynaha Dawladda Pintland Wuxuu is waafajin la'yahay damaciisa gaarkaa, Dastuurka Puntiland iyo jikaarnimada wadayaasha Federaalka ee hadda jooga, wuxuu damaaciyaa in uu Federaalka badawsado, facaystana sidaas darteed waxaa jira dareen, iskuma fiicna, Kismaayuu joogaa Dawlad deegaanka Kismaanyo dareen ahaan kama didsana laakiin maamul goboleedyada ayuusan ku kalsoonayn, marnabana uma dhimrin lahay Federaalka go'aankiisa Gaas ahaaneed.

Siyaasiyiinta Soomaalidu way kala shakisanyihiin, waxayna kala shakisanyihiin kala shaki 'Damac' keenay, shacabka Soomaaliyeed way kala shakiyeen, kala shaki 'Danu' keentay kadib kala firxadkii Kacaankii iskibriyay ee kar-kaaradda Cagta lawaayay, waa la xalinkaraa kala shakiga Shacabka, laakiin kan Siyaasiyiinta lama xalinkaro.

1-Golaha waxaa lugu gorfeeyaa Gashiga u dhexeeya Golaha iyo Federaalka Dan Soomaaliyeed looma aasaasin markii horaba.
2- Golaha waxaa loogu meeldayaa ilaalinta awoodaha maamul goboleeyada iyo waxayku sheegeen iska ilaalinta faragrlinta Federaalka.

Dhibku hanaanka federaalkaa maahan e waa Damaca shaatiga huwan e Siyaasiyiinta Soomaalida.
Previous
Next Post »