qaybta labaad qormaddii
XIL-SIDASHADDII IYO
XIL-SUGASHADDII XASAN SHIIQ IYO XANJAFINTII BERAAYO
Madaxwayne
Xasan Shiiq wuxuu lahaa door oga banaanaa geedi-socodka dib-u-yagleelidda
Dawladnimadda waxaana ugu muhiimsanaa oo laga sugayay in uu dhamaystiro
hanaankii Federaalka e Dalka loo gartay, waxaa looga fadhiyay in uu dhamaan
Dalka huwiyo hanaanka federaalka oo, fayoobi badan aan laga qabin lagana kayg
sannaa. Nuuca federaal e Soomaaliya wuxuu ahaa ‘isku haye lugu gaarayo isku
imaatin (holding together federal for coming together federal) goboladda dalku way
sii kala tegtegayeen waanay kala didsanaayeen. Naffaa laga dayay federaalka.
Madaxwaynayaashii
Dalka soo maray midba door ayuu lahaa, Cabdiqaasin Salaad Xasan wuxuu nagaliyay
kuna xusuusanay han Dawladnimo Cabdulaahi Yuusuf Axmed wuxuu ku soo furay Dalka
iyo Caasumadda Muqdisho Dawladnimadii lugu huwaayayn jiray Dalka dibadiisa. Sh.
Shariif Sh. Axmed wuxuu nagaarsiiyay in aan kumeel-gaarka kabaxno Dalka
gudihiisana laysku doorto. sidaas si lamid ah Xasan Shiiq waxaa laga sugayay
doorka ah federaalaynta iyo dhamaystirkiisa, runtiina wuxuu abuuray intii tabar
ah federal nuuc un. Wuxuu suurta geliyay Dawlad goboleedyo sanadkii Xamar u soo
aadda shir sanad le ah, kama hadlayo waddadda uu u maray. Waxaa la tilmaama in
uu adeeg saday qaaciddaddii menas justifies the end (guusha gaar wadaad u
martaba).
Xasan
Shiiq wuxuu kala ilaaliyay goboladda oo ay u dhexaysay kala shaki ka dhashay
dagaalddii sokeeye ee dalku soo maray, wuxuu u biif biifay wixii beesha
caalamka laga heli jiray, wuxuu door muhima ka ciyaaray hormarinta Soomalilaan
oo runtii arintoodu ay aheed mid xasaasi ah markii loo fiirsho qadiyaddooda
gooni issu taaga iyo qarannimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Xasan Shiiq wuxuu
unkay nuuc silsilad maamul dawladnimo (brecuericy) hay’adaha Dawladda dhamaan waxay
ahaayeen barkumataal, sida kaamkii ayay isu yaacsanaayeen shaqaala rayidkaa iyo
nidaamiyayaasha dawladnimadd, diiwaan
Dawladeed majirin, daaraha danaha Dawladda lugu
duraamiyo waxay ahaayeen dam, taasi kama dhigna in madaxwaynayaashii ka
horeeyay ay qaribeen e duruuftaa sidda ka dhigtay, madaxdii ka horaysayna uma
ay san soo jeesan dhiigjoojin kale ayay waddeen.
Madaxwayne
Xasan Shiiq wuxuu si xaalad degan ah ku dhaqay siyaasadda goboladda waqooyi e
walaalaha Soomaali-laan. Arinta qoboladda waqooyi waxay aheed, (tahayna kala
tagimayno, wadda tashan mayno, ii talinmaysid) waxay u baahneed dulqaad badan
iyo kudhac geesinimo gaamurtay ku sargo’an. Xiligu wuxuu ahaa xili aan afka
lugu balaarin karin nugu soo biira waayo wax la hayayba majirin. Xasan Shiiq
walaalaha waqooyi wuxuu umuujiyay jileec iyo rabitaan, wuxuu gacan libaax ka
gaystay arimaha hormarinta, binu’aadamnimadda iyo fududayntooda wixii beesho
caalamku ugu tala gashay Soomaalilaan.
H.E.
Xasan Shiiq wuxuu beesha caalamka la jilay shirar hormarineed iyo heshiisyo
caalamiya ku waa soo abuuray rajooyin dhicisoobay oon miradhalin. Wuxuu wax
naga baray yabooha aan afka dhaafsiisnayn sidda badan ee beesha caalamka,
arintaas wuxuu ka hayaa xogbadan oo aanay shacabka Soomaaliyeed ogaal badan u
lahayn. xasan wuxuu soo waddaa buug ama dukumunteri waxa loo yaqaanno waxaan
rajaynayaa in uu waxbadan ku fashilidoono buugaas sidda shacabku wax la
yihiinna wax iska bedelidoonaan, siddoo kale na eedaymaha iyo tuhunka asaga la
tirsanayo uu wax un oga bayaanin doonno qaab is difaac aan ahayn e ah
hogatusaalayn iyo xurguf bixin.
Mudaddii
uu xilka hayay Xasan shiiq shaki malahan khaladaad way dhaceen waan na hoobteen
siddii roobkii sugi mayn anigu in aanu wax qaladda galayn. Hadaan wax ka soo
qaatto waxaa ugu waynaa arintii Maaliyadda oo aniga laftaydu aanan ku jeclaysan
walow gadaal wax iska kay bedeleen oo aanan hadda wax ee ah ugu hayn arinkaas,
micnahayguna uu san ahayn sifiicannaa wax loo maareeyay ee waxaa jirra waxyaabo
kale oo arintaas la xiriira ay na ku fiican tahay in aad ka maqashaan jahadda
ku haboon inaadka maqashaan si xogtu micne idiinkugu yeelato. Sidoo kale
ayadana waxaan indhaha laga qarsan Karin arintii Jigjiga iyo booqashaddii
taariikhiga ageed ee Xasan halkaas ku tagay. Arintaas waxay u baahan tahay
fatash iyo faahfaahin inta aan aragnay ka dheeri ah oo Xasan bixiyo si iimaanku
noo galo. Waxaa kaloo ayaduna meesha taalla booqashadaas waxay ahaan la heeba
kooxdii TPLF-ta ee layiraa lana aaminay in ay arintaas ka danbaysay rabtayna in
ay u isticmaasho qiil ahaan fagaarayaasha caalamiggaa meesha ayay ka baxeen.
Ciribta danbe ee booqashadaan waxay tahay Jigjiga wax hal qof go’aanka gaari
karo maahan, go’aanka gaarista halka Jigjiga tahay waxaa leh Dadka reer Jigjiga
iyo Soomaaliwayn inteedda kale. Haddii qof dhiibi karro Jigjiga waxaa micne
samayn lahaa heshiiskii Maxamed Siyaad Barre iyo Mingest. Xasanna waxaa looga
fadhiyaa in uu carabkiisa u celiyo arintaan e aanu sidaas noogu hagoogin, sidda
wax u jiraanna uu na dhacsiiyo.
DABARKII
DAWLADDII XASAN SHIIQ
Dawladdii
Xasan Shiiq waxaa talaf ka dhigay dabarna ku noqoday is qabqabsi iyo xasraddo
siyaasadeed arinkaas wuxuu ahaa mid ay abuurtay xaaladda dalka iyo hanaanka awood
qaybsiga dalka iyo Dastuurkoo badaw laga ahaa, lakabyo badan oo aad isu
sursuranna lahaa, ansixinna aan soo marin waxa ku heshiiyayna aanay jirin.
Shacabku xasradahaas waxay u tiirin jireen Xasan Shiiq, shacabku waxay u
haysteen mid Xasan Shiiq abuuray. Markii loo hadlo si alle kacabsi leh lagana
tago waaqica is riixriixa iyo taatikadda guraas iska kacsiga siyaasiyiinta,
Waxaan wadda ognahay in awood qaybisga dalka lugu saleeyo 4.5 iyo isqancin.
Sidda xeerka aan qornayn yahay markii madaxwaynaha Hawiye noqdo Daarood ayaa
Rayzulwazaaraha fisha yeeshana si miisaanka siyaasadda loo dheelistiro, markaas
madaxwaynaha la doortaa wuxuu isku diraa cidda leh kursiga kale, yiraahdaana
iska keena nin aan is fahmi karno, sidaasay ku keensadaan ama qof beesha kursiga
leh ka soo jeedda oo madaxwaynaha udhaw ayaa aadda oo yiraahada beeleey halla
isiiyo kalsoonidda anigaa ninkaan fahmi karaya, haduusan haysan kalsoonidda
beesha mehelayo waxa uu rabbo [(ufiirso haddii beeshu siiso kalsoonidda ayakaa
magacaawaday gaystayna meesha maahan nin madaxwayne keenay)] halkaas ayaa sartu
ka quruntaa. Madaxwaynaha iyo rayzulwasaaraha midkastaa wuxuu xambaarsan yahay
fariin himilo ugaara, kudlad, iyo aragti-barbaarin-goboleed. Is faham ma dhex
marikaro wuxuu san ku dhex marikarin labadooda midkastaa wuxuu ku daaban yahay
kudlad sidda xaqiiqadda ah, aragtida hogaanka iyo Dal dhisidda loo marayana
midba qaab ayuu udhigayaa, taasoo waa faqsan danta kudladdiisa iyo siyaasaddiisa.
Isku xagal wax kama arkaan waa lays qabanayaa waayo raysul wasaaruhu ma aamin
saran in madaxwayne keenay, Madaxwaynuhu wuxuu aamin sanyahay inuu asagu keenay
raysul wasaaraha.
Labadda
masuul midna waa la doortaa, midna waa la magacaabaa qaab aanka sokayn doorasho
markii hamiga beesha ogolaan shiya soo siisay laga eego. Madaxwaynuhu wuxuu
aamin sanyahay in asaga la doortay loona codeeyay tahayna in siyaasaddiisa lala
hirgeliyo lagalana shaqeeyo, halka razulwasaaraha kuyimid kalsoonisiinta
beeshiisana uu aaminsanyahay in beeli keensatay gursigeedna uu ku fadhiyo,
tahayna in uu u qayb qaaddo, halkaas ayaa qalalaasuhu ka bilaawdaa, intaas
waxaa basiinka kusii shubaya oo sii hurinayaa waa Dastuurka qabyo wayne ah, ee
lugu udub dhigay deeqaha caalimagaa iyo caliga shisheeye, kaasoo aan kala
qaadayn awoodaha labadaan xaafiis. Inta badan xasradaha siyaasadeed ee u
dhexeeya madaxwaynaha iyo razulwasaaraha waxay ka abuurmi jireen labadaan arin
‘Dastuurka iyo rayzulwasaaraha oo isu arkayay ninku fadhiya kursi awood qaybsi
beeleed’ . arintaan waxaa laga bartay cashar fiican oo dawladdii asaga
kadanbaysay e H.E Maxamed Cabdulaahi Faramaajo ka faaiidaysatay. Faramaajo
rayzulwasaaraha cidna keensadda muu oran, sidoo kale halkii lafilayay in uu ka
imaandoono si un buu xoogaa oga leexday, runtiina iska dhega tiray fariimo
badan oo ka imaanayay 4.5 oo kaa shanaya fadhi kudirir. wuxuu sidoo kale hareer
maray balan qaadyo uu codku helay ku waa soo caqabad ku noqon karay. Wuu ku
caana maalay arintaas wuxuuna furay waddo cusub.
XIRIIRKII
XASAN IYO INTUU XUKUMAY
Madaxwayne
Xasan Shiiq iyo madaxda dalka dhamaan bulshaddu waxay u tahay sedex heer,
hadaan sikale u dhigo bulshaddu madaxda sedex hab ayay ula xiriiraan uguna
xiran yihiin. Heerka koowaad oo ah kuwa madaxwayna gacan yarayaasha iyo
wakiiladda u ah toos na ugu xiran. (kaaliyayaasha madaxwaynaha, Xildhibaanadda
saaxiibka la ah madaxwayna kudlad wadaagtana ay yihiin, iyo waziiradda
madaxwaynaha gacansaarak la leh) Heerka labaad waa Kuwo kusii xiran gacan
yarayaashaas aan sheeganay, (waa nabadoonadda, salaadiinta, Qiiq-joogta, iyo dulaaleeyda
dalaasha siyaasadda) Heerka sedexaad oo ah kuwo kusii xiran kuwaans heerka
labaad ah, waana shacabka loo dawladaynayo.
Qofkasta
ee shacab ah waxa uu ka aamin sanyahay Xasan wadadaas ayay soo mareen saasayna
ku soo gaareen, majiro qof u tagay oo ana ahayn qiiq-joog iyo wakiillo. Waxaa
muuqata shacabka iyo madaxdu war wayn iskamahayn. Dadka shacabka caadigaa ma
arki jirin idmanayaashii faraxsanaa e M. Xasan Shiiq la joogay, sidoo kale
idmanayaashuna way yareed in ay shacabka is arkaan waxaa u dhexeeyay dulaaleey
siyaasadeed iyo Qiiq-joog isku yaqaanna (stackeholders). dulaaleeyda iyo danleeydu xiriirinta iyo
dhexdhex xaadinta shacabka ay sheegtaan in ay wakiiladda ka yihiin iyo
idmanayaasha Xasan waxay u wadda xiriirin jireen si dan u ah dantooda iyo
malaal nimadooda, idmanayaasha Xasan laftooddu dalaalayaasha shacabka iyo Xasan
si dantooda waafaqsan ayay u sii xiriirn
jireen marka halkaas waxaa ka abuurmay dhibaato iyo sumcad dil waxayna
canbaarku aheed maamulkii Xasan horboodayay. intaas aan soo sheegay waxaa ka
dhex adeegayay, dhibna aan loo arag, koox wartebiyaal ah oo danta dalka ka
jecel dantooda booqashadda mareegtooda ayakoo danaynaya (click) kaliya. M.
Xasan Shiiq iyo Shacabkii uu maamulayay isma arag, wuxuu arki jiray kaliya
xoogaa loo carbiyay sacabtunka iyo guul-wadaynta, wuxu se wax badan ogaaday
maalinkii layska diray.
Waxbadannaa
nugu seegan xilhayntii Xasan iyo xaaladdii ku gadaanneed, waxaan u baahanahay
in uu noo xaal waramo hadduu xildanbe naga rabo, sidda muuqata waxa ku jirra
hami hogaamineed, asaga iyo dadk uu rabo in uu hogaamiyanna waxaa ka dhexjira
madmadoow aan la qarin Karin.
Lasoco
qaybta kale ee qormo-faaleedkaan XIL-SIDASHADDII IYO XIL-SUGASHADDII XASAN
SHIIQ IYO XANJAFINTII FEBAARYO.
Waxaa
noo haray sedex cinwaan. Xil-sugashaddii Xasan, xajafintii Febraayo iyo
siiyaalka siyaasi nimadda Xasan shiiq.
W/Q:
Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
Blogg:
calicabdalla.blogspot.com
ConversionConversion EmoticonEmoticon