qormadda qaybteedda koowaad
HORDHAC
Maqaalkaan
waxaan oga hadli doonaa xil-sidashaddii Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud 2012-2016
anagoo ka fiirin doonna tilaabooyin kii sii siyaasadda iyo hagitaanka masiirka
umadda iyo dalka, sidoo kale waxaan ku eegi doonaa xil-sugashaddii Xasan Sh
Maxamuud, waa markii looga guulaystay doorshaddii 2016kii siddii uu xilka u
wareejiyay uguna qancay doorashadda u lana shaqeeyay madaxwaynihii asaga
bedelay. Kama marna maqaalka dharbaaxyaddii ku dhacday madaxwaynihii soo
ariminayay afarta sano dalka filanayayna guusha lagana guulaystay ee uu oga
guulaystay siyaasi cusub. Ugu danbayn waxaan faaqiddi doonaa nuuca siyaasi uu
yahay Xasan Sh Maxamuud iyo heerkiisa siyaasinimo. Maqaalku waa maqaal dheer oo
leh ilaa afar qaybood kana kooban 10bog.
ASAL
Madaxwayne
Xasan Sh Maxamuud wuxuu ahaa rug caddaa u soo shaqeeyay Bulshadda waqti dheer,
wuxuu soo ahaa macalin, wuxuu soo maamulay Ha’addo waxbarasho illaa ha’addo
samafal. Wuxuu taladda Dalka qabtay sanaddii 2016 asagoo ka guulaystay
Madaxwaynihii asaga ka horeeyay mudane Madaxwayne Sh. Shariif Sh. Axmed. Wuxuu
ahaa siyaasi nugu cusub shacab ahaan iyo waliba aduunka guud ahaan.
Doorashaddiisii dalku wuxuu kutilaabsaday hormar markay ugu yartahay gaarsiisan
umad caasimaddooda isku dooratay.
Markii
la doortay sidoo kale waxaa laga baxay kumeel-gaarnimaddii, filashadda iyo
rajadda shacabka ayaa meel sare tagay qof walibaa hanaan dawladnimoo loo
dhanyahay buu sawirtay (ileen waxaa yimid aqoon yahan waxbadan ka duwan dadkii
horay Dalkaan usoo hogaamin jiray, luguna doortay meeshii laysku dooran jiray
meelka duwan waa caasumadda Dalka e). In Dalku kabaxay kumeel-gaarnimadda iyo
in hogaanka Dalka loo dhiibay Macalin meelo badan kasoo shaqeeyay waxay dhistay
rajjo iyo filasho gaaray ‘meel aan loo baahnayn’ waxay naga qariyeen labadaas
arin wixii aan ahayn, xaqiiqaddii gobolka, iyo tii qarniga. Dalka waxaa ka jiray
walina ka jira is aaminaad darro, kalashaki, bisayl la’aan iyo cayr nimo dhaqaale
iyo Dawladnimo intaba. Waxa aanan sifiicanna u aqoon waxa aan u dhiibnay Xasan
Shiiq (yacnii nuuca dalwadnimo e uu hogaanka kayahay ma aanan ufiirsan). Waxaan
u dhiibnay Dawlad kutiirsan cilmi, caqli, iyo cudud shisheeye, canshuur aanan
siin. Waxaan udhiibnay Dawlad aan qoran ciday rabto e loo qoro ciddii larabo,
Dawlad ay ciidan u yihiin haraadigii intii Dalkaan ku hardami jirtay oo is
nacaynaya, Dawlad ciiidan keede uu qorto qofkii dayraa iyo qofkii Daanburigu u
ganbiyo, Dawlad aan la aqoon waxa ay leedahay, Dawlad waxay leheed xoog loog
haysto Guryo, Gaadiid, Gayi, iyo Garawsiyo intaba.
Shacab
waynaha Soomaaliyeed waxay aamin sanaayeen in barwaaqadda kumeel-gaarnimaddu un
in ay nooga aadan tahay hadiiba la jabshay darbigaasana cagaarkii iyo
barwaaqaddii lugu ekaan doono, mase dhicin waayo waxaa naga dahsoonaa waxyaabo
badan, waxaan iloownay in aan joogno Dal wixii ceeb ahaan jiray ay caaddo
yihiin. Waxaa ceeb ahaan jiray Tuugsiga beesha caalamkaan biilka bayt keenna ka
sugnaa, waxaa ceeb ahaan jiray beenta iyo sirta, midba midbuu siraa siriqna u
qoolaa, gobolba gobolluu gallaalaa. Waxaa ceeb ahaan jiray Tuugnimadda waxaad
arkaysaa Tuug laankaruusar watta, bal aduguba xusuuso imasa tuug ayaad taqaanaa
kuna aragtaa ayakoo rooraya maka al-mukarama inta aan soo sheegay waxay
ahaayeen caqaboddo ku hor gudbanaa Dawladnimadda suuban, iyo qarannimo qiimo
leh hadana waan iska indhotirnay mana aanan garawsan. Hadaan intaas garawsan
lahayn waa loogaraabi lahaa duqa dhoola cadayntiisana waa la qaadan lahaa.
Shacabka
Xasan Shiiq u dawladaynayay waxay ahaayeen shacab Dawladnimadda iska ilaalinaya
kana baqaya, Dawladda luguma aaminin Diiq jaban bal iskaba daa’ in qof dhani ku
aamino naftiisa, Amni ahaan, iyo masiir ahaanba. Dawladda cidi iskumay aaminin
waxtarna lagama sugo., Dawladda qof kastaa wuxuu diyaar ula ahaa boob iyo kala
badsasho, sidaan waxaa keenay shacabku waxayka yimaadeen 10sanoo maxaakiim gaar
loo leeyahay iyo qab-qablayaal ah. 10sanoo dagaal sokeeyaa, iyo 20sanoo kaligi
talisnimo ahh, waxaa kasii horeeyay xukuumaddo raydid ah oo aan tabarbadnayn.
Dawlad micno leh ee dalkaan kasoo hana qaaday waxay aheed Dawladdii kacaankii
iskibriyay ee uu hor boodayay Maxamed Siyaad Barre, Dawladiisa waxaa la oran
jiray “Dawladdii Siyaad Barre” taasi waxay keentay markii asaga la waayay in
Dawladdiina la waayay waayo may ahayn Dawlad aan anagu dhisanay. Maamulkii
kacaanku wuxuu dhexdhigay Dadka, kala shaki, is aaminaad darro, Dawladnimadda
ayuu nacsiiyay Dadkii markii horaba aan Dawladnimadda sifiican u aqoon waayo
xarnimadaba waxaa la qaatay maraan dheerayn oo galti ayaa laga ahaa
Dawladnimadda. Dawladdii kacaanku waxay samaysay kutagri fal awodeed, dhaqaale,
aragti iyo xuriyad intaba taasoo qaraarka dhigtay dawladnimadda, Dadgaara ayaa
la beegsaday, toogashaa u yareed wax laysku xukumo xiliyaddii danbe. qofkii
kacaanka u bogi waaya waxaa la marinjiray cinqaab. Dawladdu waxay u muuqatay
midaan shacabka rabin shacabkuna sidaas ayay u naceen Dawladda. Dawladdu way
boobijirtay shacabka, shacabkuna Dawladda wuu boobijiray meel ay ku heshiiyeen
majirto. Shacabku waxay u baahnaayeen in Dawladda la heshiisiiyo si loogu
Dawladeeyo.
Kacaankii
dalkaan soo xukumay dawladnimadda way dhaameen shacabka iyo dawladdiisa waxay
dhexdhigeen colaad, waxay dawladnimadda ka muujiyeen suurad xun, quus ayay
dadka geliyeen is aaminaad darro wayn ayaa dadka Soomaaliyeed dhexdhigeen,
dagaaladdii sokeeyana arinka way oga siidareen. Waxaa kaloo jirtay ayaduna arin
kale oo aan la wadaagno Afrika. Afrika awoodaha dawligaa ayaa laga sameeyaa
hantidda sidda badanna aragti nuucaas ah ayaa siyaasiyiintu xanbaar sanyihiin.
Xasan shiiq xiligii uu xukunka la wareegay cid walbaa ma aysan qoran jiran
shaqaale dawladeed la ma na dooran jirin ushaqaynta dawladda dadka waa lugu
baryijiray sidaasooy tahay waxaa qasab aheed in uu helo dad la shaqeeya lana
xambaara dawladnimadda. Asakarta waxaa qoran jiray qofka nolosha kadhacay e loo
yaqaan “dayradda” siyaasiyiintuna baddi waxay ahaayeen haraadigii
halgamayaashiii dalkaan kusoo halgamay labaatankii sanoo dawlad la’aanta iyo
wakiilo kasocda danleey. Xaaladda dalku waxay maraysay meel aan la qiyaasi
karin muddo dheer ayuu dalku soo burburayay wuxuu u baahnaa waqti badan iyo
dadaal dulqaad la jiro siyuu u soo kabto.
Waxaa
harsan qaybo kala ah
1- Xil-sidashaddii
Xasan Shiq (2012-2016)
2- Dabarkii
dawladdii Xasan Shiiq
3- Xil-sugashaddii
Xasan shiiq (2016- 2020)
4- Xanjafintii
Febraayo
5- Siiyaalka
siyaasinimo ee Xasan Shiiq
6- Gaban-gabo
Waxaad
kala socon kartaa wabseedyadda aan wax ku qoro, barahayga bulshadda iyo
bartayda aan ku leeyahay baloogga sumaddiisu tahay Calicabdalla.blogspot.com
W/Q:
Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
twitter@aaaimaam
Instagram@CCCimaam
3 Comments
Click here for CommentsHada Ma waxaad Naleedahay Dowladii Jaalle Siyad Barre(kacaanka) Waxaa kafiicnaa Dhanka Hogaanka Cadaalada iyo rabitaanka Siyaasiga Tan Xassan Sheekh Mahamuud? Qaab noocee ah ayaad Wax noogu qiimaysay..
Replywalaal kama fiicayn. tii siyaad barre wixii ay samaysayba waxba nama dhaxal siin noogamana tagin. siyaad barre nama lahayn allaa nalahaa waxay aheed in uu dhawro axdiga dadka u yaalay xoogna uu san nugu haysan illaa intii laga adkaysan waayo oo aanay kicin dad aan maamul aqoon dano kalan alahaa dabcan. waxay aheed in uu joog muddo amaba uu horay doorasho cadaaladda ah qabto. xasan wuxuu ahaadaba waxbuu nootagay xilkana waa wareejiyay. siyaad barre ma xilbuu wareejiyay
Replyxasan xilbuu wareejiyay. siyaad barre xil ma wareejin wixii uu qabtayna waxba nagama soo gaarin. xasan wuxuu qabtay waxay noqdaanba waxbaa nasoo gaaray. siyaad nama lahayn allaa nalahaa waxay aheed in uu xuriyad nasiiyo doorashana qabto cadaalad ah. warkiiyoo kooban waa kaas walaal.
ReplyConversionConversion EmoticonEmoticon