waa qaybtii sedexaad faalo tixane aheed ee aan cinwaankeeda ka dhignay "xil-sidashadii iyo xil-sugashadii Xasan shiiq iyo xanjafintii Febraayo" taasoon qaybaheedii kale horay u wadaagnay.
Madaxwaynahu
markuu xil ka kadego waxaa u taala hawl balaaran taasoo ah in uu ka qayb qaato
hormarinta nolosha bulshada, in uu saadaal iyo talo ka bixiyo geedi socodka siyaasadda
dalka, kana qiiliyo khatara siyaasadeed ee uu dalku gelayo.
Madaxwaynihii
hore Xasan Shiiq wuxuu xilka u wareejiyay si xarago leh, dabacsanaan kujirto,
bisayl ka muuqdo ka dib markii doorashaddii looga adkaaday uu na aqbalay si
geesinimo ku jirto khilaafsanna, dhaqanka Afrika looga bartay, waa faqsanna
dhaqankii hore ee Soomaaliyaddii hooyadda u aheed dimuquraadiyadda Afrika.
Wuxuu jeediyay khudbaddo abuuraya qalbi furnaan (“Soomaliyada cusub halaga
qaybqaato”), ka turjumaya bisayl iyo in Xasan ogolyahay in uu marna wax xukumo
marna la xukumo. Xasan Shiiq waxaa ka codeeyay oo uu waayay codadkii
xildhibaanaddii xukuumadduu hogaaminayay ay soo xushay, xulista xildhibaanadda
tacab ayaa oga baxay sife uu u dhamaystiro waxyaabo uu ku taamayay.
Madaxwayne
Xasan Shiiq wuxuu noqday xildhibaan golaha shacabkaa wuxuu qaatay siyaasad
xasiloon, siyaasad aan lahayn xanaf iyo dhaliilo ka dhan ah dawladda asaga ka
danbaysay. Waxaa jira siyaasiyiin jeediya hadallo kala qaybinaya bulshadda
Soomaaliyeed oo runtii rajo xumo kubeera shacabka. Xasan wuxuu qaatay siyaasad
ka duwan taas, siyaasad iimaan ka muuqdo, siyaasad ‘sugasho’ leh. Xasan Shiiq
wuxuu isku maaweeliyaa in uu dadka la wadaago khibradihiisa waayo aragnimo,
wuxuu u dhawaaday dhalinyaradda Soomaaliyeed oo intuu xilka hayay fursaddu u
diiday. Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu u dhaqmay wuxuu yahay (waa in uu yahay madaxwaynihii
hore dalkaan) wuxuu sugay in uu san ku dhex carcararin xasradaha siyaasadeed e
dalka soo maray in tii uu xilka ka sii maqnaa. Arintaas waxay noqotay dhaqan
dadbadan soo dhaweeyeen.
Xanjafintii
febweri
Madaxwayne
Xasan Shiiq wuxuu galay doorasho uu sifiican oga soo shaqeeyay, doorasho uu
dhinac walba ka soo qaabeeyay, runtiina uu rajo wayn ka lahaa. {(Waxaan is oran
karaa Xasan wuxuu eer saday qaabkii ay u meteleen wakiiladdiisii, kudladdii la
oran jiray “Damjadiid”. Dhalinyaraddii waziiraddii Damjadiid ee faraxsanaa
waxay riiqiyeen, si aan haboonayna u mataleen Xasan Shiiq, waxay xurgug ku
beereen, siyaasiyiintii, xildhibaanadii iyo salaadiintii deegaanadii ay kasoo
kala jeedeed, taas ayaa keentay in xasan la ‘xanjafiyo’ lugu la na dhaco caro
ay dhaliyeen dhalinyaraddii gacanta u aheed saas na looga codeeyay}). Waxaa jira doodo dhahaya Madaxwayne Xasan
Shiiq wuxuu eer saday in uu gacan saar la lahaa Dawladaha deriskaa ayadoo laga
shidaal qaadanayo booqashadiisii iyo ereyaddii uu ka jeediyay Jigjiga. Haa’
cadaadis waa lama huraan haddaad hayso hogaan un hayso dawlad daciif ah kuna
taal meel istiraatiiji ah, ciidanna waa lagama maarmaan hadaad cidaan wax ba reebayn
is haysaan, ayadoo saas jirto, Maya calanku waa lama ciilaan!!
xaqa cod bixinta waxaa lahaa xildhibaanno la
soo xulay oo kooban loona arkayay in la jahayn karo codbixintooda. Xasan Shiiq
maxamuud wuxuu dadaal badan ku bixiyay siddii uu u soo laaban lahaa markale
taasoo uu u ogolaanayay Axdi-qarameedka qabyadda ah iyo damaciisa
binu’aadamnimo. Waa wax markasta dhaca in qof siyaasi ah isku dayo, soo
laabasho, waa haddii uu heli karo qiil u saamaxaya. Kooxdii Damjadiid e uu
hogaanka u hayay madaxwayne Xasan Shiiq waxay galeen hardan siyaasadeed, soo
saareen xildhibaanno lala balamay, lugu la na balamay sii wadista rajada iyo
guusha kudladdii Damjadiid loo yaqaanay. Kudladdaas waxay ka dhexjirtay
quluubta dadka, maahayn kaadiriin tirsi beelay e wada daadihinayay siyaasad
gaamurtay, waxaad ka garan kartaa inay ahaayeen fara kutiris, hebeenkii
doorashadda Xasan garbihiisa waxaa taagnaa/joogay oo kaamirooyinku qabteen
Waziirkii arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa’ oo ah runtii shaqsi wacdare kasoo
dhigay deegaan doorashaddiisa wuxuu ahaa ninyaroo lugu aamino meeshii loo diro,
deegaanka iyo damjadiid labudba waa ku danqabeen, iyo Ustaad Faarax Shiiq
Cabdulqaadir oo asagu aamusnaanta wax ku kala jara, meel dheerna natiijooyinka
iyo ribixa siyaasadda ka qaabeeya, waxaa dheer labadaas ee rag kale oo ka mid
yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aan asagu waqtigaas la joogay waxba ka
galin kudladana abaal badan ku lahaa, runtiina kudladdu abaalkii waa uguday oo hadba inta la gardaadsho ayaa kursi
iyo xil la saari jiray, Damjadiid waxay ahaayeen koox aan gaarsiisnayn xizbi
ninwalbaalaa
Waxa
lugu eedayn jiray xukuumaddii Xasan Shiiq in uu isku meegaaray koox ayaka
kaliya uu wax u ogolyahay xilalka u wakiisho. Runtu waxay tahay in Xasan uu
dalka iyo dawladnimadda masuul ka yahay, wixii xumaadana ay dushiisa yihiin.
Aduunku wuxuu leeyahay meel qofka laga eego waxa uu yahay, qof kastaa lamabar
ayuu leeyahay halkaas ayaa laga eegaa waxa uu galo iyo waxa uu gooyo,
Soomaaliya taasi kama jirto, dadka dhan way kala shakisan yihiin, qof ku dhacaa
majiro in uu xil u dhiibo qof uu san aqoon. Arintaas Xasan sameeyay ee ah in
koox is bahaysatay, intay rabaanba hala ekaadeene ee aan qabiil wadaagin dalka
xukumaan waxay aheed wax wanaagsan, kudladii Damjadiid waxan ognahay inay
ahaayeen dhalinyaro kala jufooyin duwan aragtina ka dhexaysay tiradoodu intay
rabto ha ahaadeene, markaa kudladu dhibmalahayn.
Madaxwayne
Xasan Shiiq wuxu wajahay mawjado siyaasadeed sidda in lugu eedeeyo in uu yahay
nin koox u xiran, in uu yahay nin hoosta ku watta dawladaha deriskaa iyo
shisheeye, in uu yahay nin maaliyadda ku tagri falay ayuu eersaday, iyo xurguf
siyaasadeed oo kala dhexaysay dhamaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Waxaa
jiray siyaasiyiin iyo beelo ku doodayay in la daba marsiiyay xaqii
wakiilashadda iyo ergo dirashada, dhaqankay rabeena aanu matelin. Sidoo kale
waxaa ayaduna aan la inkiri karin in Xildhibaanaddii xiligaas kusoo biireen
dhalinyaro farabadan ku waa soo aad u caaboonaa imbadanna Xasan looga waramay
arkayna dhaqdhaqaaqyo lugu tilmaamay in ay ka yimaadeen dawladaha deriskaa, u na
yimid in ay Xasan caawiyaan, waxaa dheeraa shacabka oo qiiro geliyay
dhalinyaradaas fartana ugu fiiqay meel aan Xasan ahayn iyo Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi
Faramaajo oo markii hasytay isla ogloonshiyaha shacabka Soomaaliyeed baddi.
Xasan Shiiq wuxuu isu arkayay in uu san jirin qof ka mudan. Xasan sida ay u
weriyeen wakiiladdiisu wuxuu qabay kalsooni, waxay ka qariyeen sidii ragnimadu
ku jirtay ee ay umateleen iyo in ay rag soo riiqiyeen. Waxaa u rooneed Xasan in
uu beelaha ayaka isku diro wiilashii faraxsanaa e awooda haystayna uu yiraa ka
danbeeya dhaqanka saxdaa intii suurtagal ah. Si kastaba Xasan waa la xanjafiyay
waana laga codeeyay waxay ku noqotay layaab, aaway tacabkii dadaalkii iyo
juhudigii la galay wuxuu ogaaday waxa dadku rabaan waxaan ahayn inaan cidi
qaabayn Karin, casharbuu qatay maantana u malayn mayo in uu ku laabanayo
wadadii uu horay u maray.
XASAN WAA XIL-DOON
Qofka siyaasigaa ee
xilsare qabtaa waa bir madoow oo kale, birtu markay xumaato ee gaariga laga
furo lama tuuro waa la xareeyaa si looga faa’iidaysto markii mida aadku
bedeshay kaaga xumaato, oo meel geeri go’an ah kaaga jabot, ama ay noqon wayso
saal-baashkii aad malaynaysay. dawladuhu siyaasiyiinta rugcadaagaa dib ayay oga
faa’iidaystaan waxayna u yaqaanaan “experts, human liberary” aduunka lagama
yaqaanno dhaqanka ah cirka gee’ dhulka
ku dhufo Soomaaliya un baa laga yaqaanaa, siyaasadda Soomaaliya waxaa la
yiraahdaa nin soo maray ma soo celiso dhaqankaas waa dhaqan u baahan in la bedelo
waayo markii qofka waqti iyo xoog laynlin kaaga baxo waa dhibaato inaad degdeg
iyo sahal u oga tagto. Waxaan rabaa in aan idinla wadaago in aanan Xasan Shiiq
u la dhacsanaan lahayn sidda aan u la dhacsanahay hadda oo aan qorayo
maqaalkaan. Waxa dhacay ee keenay in aan la dhacaa waxay tahay in Xasan cashar
lama ilaa waana loo dhigay doorashaddii Febweri asagoo xeelad badan u soo galay
siddii uu u soo laaban lahaa hadana iridaa laga bixiyay, waxaa la tusay in aanu
maal, iyo xulufo lasoo qaabeeyo midna aanay kursiga ku haynkarin. Xasan wax
cajiiba ayuu sameeyay hadana waa laga guday, waa la edbay ayaan oran karaa
Xasan. Hadan sidaas la yeeli lahayn wuxuu is moodi lahaa in uu dadka leeyahay
dalkana warkiis daa’. Xasan Shiiq hadaan doorashadaas looga raayeen waxbadan
ayaa ka dahsoonaan lahaa odaga maanta wax ka dahsoon malahan. Ii la fiirsadda
oo is waydiiya muxuu Xasan u bedelay magacii ururkii sii hore? Ii la kuur gala
khudbadihii uu ka jeediyay fagaarayaashii caalamiga ahaa iyo ku wii maxaliga
ahaa. Ila taxliiliya salaantii togneed iyo madax raaricintii markii uu xilka
wareejinayay waxay aheed bisayl iyo garasho dawladnimo, iyo is dhiibid shaqsi
ah.
Madaxwaynihii
hore Xasan Shiiq wuxuu tijaabiyay waayo aragnimo badan, wuxuu maanka ku hayaa
wadaddii hore ee ay qaadsiiyeen dhalinyaraddii faraxsaneed ee muruq maalka
aheed ee ka shaqaysan jirtay dalka, wuxuu sidoo kale maanka ku hayaa
dariiqyaddii ay ka leexatay xukuumaddii asaga ka danbaysay iyo godadkii ay ku
dhaceen. Xiligii xukuumaddii Xasan Shiiq geeska Afrika waxaa ka jiray culaysyo
farabadan, xaladda geeska Afrika way xasilantahay siddiina wayka degantahay
culaysyaddii Xasan haystayna majiraan hadda hadduu sidaas ugu yimaaddo wuxuu u
arkaa farsad, sidoo kale madirsan doono wiilashii uu waagii dirsan jiray e wuxu
isku dhiib doonaa dhaqanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed igana talsha
orandoonaa.
Madaxwayne
Xasan Shiiq waa siyaasi leh damac hogaamineed, waa siyaasi la yaqaanno waxa uu
ku fiican yahay, waxa uu kuliito, iyo inta ay dhantahay waayo aragnimaddiisu.
Xasan Shiiq wuxuu soo xukumay dalka xilli adag. wuxuu yaqaanaa halka danbasku
ka kululyahay iyo halka uu ka qaboowyahay, wuxuu yaqaanaa sidda loo miisaamo,
loona dheeli tiro qaybtanka iyo kaltanka awoodaha beelaha Soomaaliyeed. Dalku
hadba wuxuu qaadanayay sistam dawladnimo wali dalku wuxuu haystaa sistamkii la
haystay xiligii Xasan soo ahaa madaxwaynaha sidaas darteed waa siyaasiga kaliya
e la garanayo, lana tijaabiyay e aan ugub nugu ahayn, waa siyaasi waqti ku
filan ku soo qaatay awoodda dalka sidoo kale waqti ku soo qaatay awood la’aan,
helayna, fursad is barbardhig xili madaxnimo iyo xili shacabnimo. Xasan Shiiq
wuxuu awood u leeyahay in uu ka leexdo humaagta guul wadaynta iyo sacabtunka
aan xaqiiqadda ku salaysnayn e laga caadaystay geyigeenna Soomaaliyeed.
Xasan
Shiiq wuxuu ku dhacay godad dhawr ah, qaar waxaa ku riday xaaladda cakiran ee
geeska Afrika iyo xaaladda aduunkaan maanta faragalintu noqotay caadada, qaar
waxaa ku riday xaaladda siyaasadeed e dalka oo ah mid aan anshax iyo dhawr si
luguu ogolayn, qaarna waxaa ku riday damaca binu’aadamka iyo berri maanta ku
deberta siyaasadda Siyaasiyiinta Soomaalida, maanta waxaa soo dhan Xasan wuxuu
u leeyahay awood garasha, Xasan Shiiq waxaa nagagalay waqti, maal, iyo maskax
waxaa la joogaa xiligii aan ka soo ceshan lahayn, Xasan Shiiq waa hanti dalkaan
iyo umadaan leedahay, waxaa quman in laga faa’iidaysto. Shaki malahan in Xasan
khaladaad ka dheceen hadana inta aan soo sheegay e kuriixay waa midaan in dhaha
laga qarsan karin, u malayn mayo in qofaan khalad galayn haduu jiro qof aan
khalad galayn uma baahnin qof khalad galaya sida Xasan. Dadbaa xusuusta markay
Xasan Shiiq maqlaan dhulkii Galmudug loo yaqaanay, dhulkii ayraboorka u dhawaa’
iyo 11heshiis Xasan asagaa laga rabaa in uu qurxiyo arintaas ama dafiro oo
diido, amaba xalaaldhimadooda daaha ka qaado.
Madaxwayne
Xasan Shiiq sedex meel waxaa oga kordhay waayo aragnimo iyo caqli wayn. Siddii
uu doorashaddii 2016 u soo qaabeeyay iyo sidii natiijaddu isu bedeshay caqli
waynnaa oga kordhay wuxuuna su’aal geliyay shaqaddi uqayb sanayaashii faraha
fududaa (Adowaa’ iyo ragiisii) sidoo kale dhaqdhaqaaqyaddii dawladdii asaga ka
danbaysay waxaa oga kordhay waayo aragnimo wayn. Dawladdii Shariif Xasan u ma
diyaar sanayn in uu waayo aragnimo ka kororsaddo halka uu aad ugu diyaarsanaa
in uu dawladd Faramaajo wax ka kororsaddo. Madaxda Soomaaliya waxay u baahan
yihiin la taliyayaal aan kula jirin xayn daabka maadashadda iyo Amaanka (dhagaxda
iyo baabuurta buled-buruufkaa) e ay madaxdu u galeen duruufaha amani. Waxay u
baahan yihiin in ay lataliyaal ka dhigtaan dad ka war qaba xaaladda dadka la rabo
in la xukumo, waxay u baahan yihiin lataliye sedex kun caasi ku raaca, la
taliye sidda badan lugeeya, la taliye sedex kun shaax ku caba, fariistana
maqaayadaha xogta iyo xaaladda saxdaa taallo e cid walbaa soo gaarto.
Gabangabo:
Soomaaliya
dhibaato ayay ku qabtaa in hadba qofkii xukuma waxyar lacayriyo ee la caayo. Waxay
u baahantahay in laysu dulqaato layla shaqeeyo ee aan xashaadada oo kale laysku
noqon, in aan lugaha laysku dheegnaan ayay u baahantahay Soomaaliya. Maalinkasta
qof aan la aqoon aan tijaabino maahan wax aan ku gaari karno umadaha horumaray.
Hadaan qof ku siranno nooma furna in aan cayrino kaliya in aan kabkabano oo ku
meel gaarnana way noo furantahay. Konton musharax ee aan la aqoon waxaa ka
fiican labo la yaqaan midkastaa waxa uu ku liito iyo waxa uu ku fiican yahay.
Maqaalkaan
cidna ugu daraan mayo cidna ugu roonaan mayo waxaan marsiiyay meel dhexdhexaad
ah.
W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla Imaam
ConversionConversion EmoticonEmoticon