TANI WAA ARAGTIDAYDA GAAR KA AH
ADIGA ARAGTIDAADU MAXAY TAHAY?
Hiishu marka la shido ee ay hurka dayso, kor ayay ka bakhtisaa, hoosna sahal ogama danto, waa lugu sirmaa oo caruurtu way ku dul ordaan.
Qofka M. Faramaajo mooda miskiin, rabana in uu sidaas ku jahawo, waa qof raba in uu ku dul ordo hiil-hooska kulul mana fahmin Faramaajo.
Madaxwayne
Maxamed Cabdulaahi Maxamed waxaa lugu tilmaamaa shaqsi laab xalan, laga dhib iyo
mu’aamarad badanyahay oo dadyoow kale wax u meeriyaan oo aan isku filnayn. Waxaa lugu naynaasay Mooge aan ogayn waxa hareerihiisa ka
socda, shaatiga uu sitana lala sito. Waxaa laga hayaa saraakiil sarsare in M.
Faramaajo uu laab xaaran yahay, yahayna shaqsi niyad wanaagan oo si fudud loo saadaalin
karo siyaasadihiisa iyo halka uu wax u wado laakiin ay jiiraan ashqaas kale oo ku
laran Faraantina u ah.
Kuwaa quursada madaxwaynaha oo ku dura in uusan san si aftahannimo iyo bahalnimo ku jirto u hadlin inta dadka horyimaado, kuwo kalaa u suureeya madaxwaynaha nin meel cidlaa ka helay kursi dayacan.
Kuwaa quursada madaxwaynaha oo ku dura in uusan san si aftahannimo iyo bahalnimo ku jirto u hadlin inta dadka horyimaado, kuwo kalaa u suureeya madaxwaynaha nin meel cidlaa ka helay kursi dayacan.
Hadaba
anugu waxaan qabaa in aan M. Faramaajo cidina si sax ah u fahmin, way jiraan
ashqaas kooban oo fahansan laakiin waa dadka sida dhaw ula macaamilay un, wixii
ka horeeyay inta uusan qaban xilka madaxwaynaha. M. Faramaajo waa shaqsi aan
lafahmi karin indhihiisu meesha ay ku yaalaan (kalama jeedo indhaha runtaa,
waxaan kala jeedaa siyaasadiisa, iyo go’aan qaadashadiisa), waa miskiin seefle
qaboowga waxku naara (Allaa wax naara kalama jeedo Naartii Alle), waana siyaasi
yaqaanna abaabulka qarsoon, waa shaqsi awood u leh in uu daawado qofka uu ku
cinqaabayo gacmihiisa gacmo aan ahayn siyuu iskaga hor wareejiyo hadii laga
fursan waayo. Wuxuu si raaxo leh u daawadaa siyaasi uu uqaday sagu (Faramaajo) sun siyaasadeed oo la rafanaya suntaas (xusuuso sidii uu yeelay Jawaari). Waa farsamo yaqaan aad u adeegsan kara qofka hadal la’aanta iyo
maamusnaanta ku fahmaya. Sidaan waxaan u iri doodaydana ku cuslaynayaa
qodobadaan soo socda.
Qodobada aragtidayda
M.
Faramaajo wuxuu ku guulaystay doorashaddii 2016kii oo aheed doorasho adag
markii laga eego laba dhinac. Waa dhinaca koowaad e, doorashadii 2016kii waxaa
si wayn saamayn ugu lahaa taliskii talinaayay oo markale soo sharaxay M. Xasan
Sh. Maxamuud kuwaa soo dhamaan galaangal u lahaa cidwalba oo doorashada
ka shaqaynaysay iyo xubanaha codaynayey, sidoo kalana maamul goboleedyada kulahaa
xulufooyinka gacan saar la leh. In aad qof kula tartanto kursi uu horay ugu fadhiyay wax sahlan maahan.
Sidoo kale waxaa jiray gacmo dibada ah oo rabay in ay soo baxaan dad ayaku ay dan ku qabeen, kana hortagayay cid kasta oo ay khatar u arkayeen. M. Faramaajo waxaa loo arkayay siyaasi wadaniyaddu madaxmartay shisheeyahana neceb nidaamka feraalkaanaa aan aamin sanayn, sidaas darteed waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo dhahaya Faramaajo ha laga hortago, sida muuqatayna shacabku asaga ayay u oomanaayeen, waxayna u arkayeen madaxwayne shisheeyaha faragelintiisa wax ka qaban kara. Waxaa jiray saadaalinno dhahayey, "haddii Faramaajo madaxwayne noqdo wuxuu dhisayaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, sidaas darteed wuxuu halis galin karaa wadamada Soomaaliya xurguftu kala dhexeyso, gaar ahaan kuwa deriskaa". Waxaa xusid mudan intii M. Faramaajo ololaha ku jiray wuxuu sameeyay balan qaadyo ay ka dideen danleeyda Soomaaliya danaysa.
Sidoo kale waxaa jiray gacmo dibada ah oo rabay in ay soo baxaan dad ayaku ay dan ku qabeen, kana hortagayay cid kasta oo ay khatar u arkayeen. M. Faramaajo waxaa loo arkayay siyaasi wadaniyaddu madaxmartay shisheeyahana neceb nidaamka feraalkaanaa aan aamin sanayn, sidaas darteed waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo dhahaya Faramaajo ha laga hortago, sida muuqatayna shacabku asaga ayay u oomanaayeen, waxayna u arkayeen madaxwayne shisheeyaha faragelintiisa wax ka qaban kara. Waxaa jiray saadaalinno dhahayey, "haddii Faramaajo madaxwayne noqdo wuxuu dhisayaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, sidaas darteed wuxuu halis galin karaa wadamada Soomaaliya xurguftu kala dhexeyso, gaar ahaan kuwa deriskaa". Waxaa xusid mudan intii M. Faramaajo ololaha ku jiray wuxuu sameeyay balan qaadyo ay ka dideen danleeyda Soomaaliya danaysa.
Dhinaca
labaad e doorashadaan la xiriiray, kuna hayay culayska M. Faramaajo wuxuu ahaa
qodobka ka saamaynta qabiilka iyo deegaanka. M. Faramaajo waa nin Daarood ah,
meesha doorashadu ka dhacaysay waxay aheed Xamar oo Hawiye saamayn badan
kuleeyahay. Waxaa jira aragti tiraahda “Hawiyaa Xamar iskugu codeeya, cidkalna
way adagtahay in ay kasoo baxdo dorasho Xamar ka dhacday” burburkii kadib
majirin is dhexgal bulsho oo buuran, Xamar iyo waxa ka socda waxaa aad saamayn
ugu lahaa beesha Hawiye, Daroodna waa lugu gariin tiranjiray un. waxba saamayn
wayn ah kuma lahayn. Beesha Daarood ra'isul wasaare ayay filan jireen. M.
Faramaajo wuxuu ka soo dhexbaxay aragtida nuucaas ah, Xamar na wuxuu ka soo hooyay
guul taariikhi ah, wuxuu na jabiyay aragtidii oranaysay Hawiye waa isku
codeeyaa, Daaroodna waa masabitaa. Waxaa is waydiin mudan M. Faramaajo
haduuyahay nin jilacsan sidee guul uga keenay Xamar, doorashadii 2016kii?.
Haduu miskiin yahay sidee ku helay codka kudladdii humaagta xixbi laheed ee Daljir, ayna hor bodayeen ragii Bukhaari, Fiqi, iyo rag kaloo badan?.
M.
Faramaajo markuu kuguulaystay doorashada waxaa looga fadhiyay ra'isul wasaare ku
yimaadda wadatashi iyo saamayn beeleed, taasi madhicin waxaa yimid
ra'isul wasaare aan ku imaan wadatashi, kana yimid meelaan la filayn, kuna yimid
siyaan lafilayn, kuna ansaxay siyaan la moodayn, una shaqeeyay siyaan la arag,
lana maqal. Hadii Faramaajo indhihiisa loo jeedo maxaa intaasoo dhan u dhacday
oo wax looga badaliwaayay?. Waxaa xusid mudan arrintaan waxay ka kaalmaysay in aysan asaga iyo ra'isul wasaaruhu markasta is haysan waana arrin dhaaftay madaxwaynihii asaga ka horeeyay mudane Xassan Shiiq Maxamuud oo dhibaato badan kala kulmay saamaynta ra'isul wasaare Beel iyo siyaasiyiin soo jeediyeen.
Ra;isul wasaarihii
uu keenay Faramaajo wuxuu isbedel ku keenay hogaankii baarlamaanka oo runtii
lahaa saamayn aan caadi ahayn, xukuumadda Faramaajo waxay meesha ka saartay
gudoomiyihii baarlamaanka, waxay na saameeysay golaha shacabka taasoo ah wax aan
la filayn madaxana kawayn, arintaan sicad ayuu Madaxwaynuhu ugu lugu lahaa
waana marka aan fahmay in aan lafahmin M. Faramaajo qeexitaanada la saarayaana
ay waxka qaldanyihiin. Mudane Jawaari markii arintu ku xumaatay wuxuu u qayla
dhaanshay madaxwaynaha asagoo yiri Madaxwayne arinka naga soo faragali, waaba
la ogaa tuu ku dhigay markay kulmeen Madaxwaynaha iyo Jawaari. M. Faramaajo
asagoo qoslaya oo u riixriixaya ayuu ku yiri Jawari, “gudoomiye iscasil”
qaboowguu ku cinqaabay. Tanina waa mid tusinaysa in aan M. Faramaajo si sax ah
loo fahmin shaqsiga uu yahay.
Qodobka
kale ee aan ku xoojinayo aragtidayda waxay tahay; qaabkii xukuumada Faramaajo
ruuxa uga qaaday maamul goboleedyada, una qancisay dawladaha deriskaa gaar
ahaan Itoobiya iyo Irateriya. Qaabkii ay gacmaha ugu laabtay dawladaha
khaliijka sida Imaaraadka oo kale, iyo qaabkii ay saamaynta muuqata ugu
yeelatay diblomaasiyada caalamka. Soomaaliya waxaa soo eegay indhaha
warbaahinta dunida ugu caansan sida, Al jaziira, CNN, BBCda qaybteed African
focus, iyo kuwo kaloo badan taasoo ka dhalatay tilaabooyin uu qaaday M.
Faramaajo, tilaabooyinkaas oo aan is leeyahay cidkale way kacabsan laheed mana
qaadeen sida arintii dhexdhexaadnimada wadamada khaliijka ee tunka wayn iyo
wadanka yar ee la hareereeyay ee Qadar. Sidoo kale yaanan ka tagin ka qayb qaadashada kiiskii cunaqabataynta Erateiya ee Faramaajo ku dhacay si geesinimo leh.
Intii Faramaajo talada hayay waxaa soo maray dalka qalalaasooyin
diblomaasiyadeed oo ka dhashay go’aamo uu qaatay kana qaatay arrimo dhawra,
hadii Faramaajo uu san waxba ahayn cidna isma qoomeen ee dadka ay is qabteen
wuu u xariirsanaan lahaa, cidnana kama dideen, magaca moogana macquul buu ahaan
lahaa.
Xukuumada M. Faramaajo waxay tilaabooyin laga yaabay ka qaaday mucaaradka dalka ka jira, waxay la aaday gacan aan raxariis lahayn, oo ay ku sheegeen mid bir ah, taasoo miskiinimada ka dheer, waxay halhayska dhigteen lamataabtaan ayaan taabanaynaa, ‘kama hadlayo sax bay eheed iyo khalday aheed ee, waxaan uga hadlayaa dhacdo ahaan’. waxbadan oo horay caadi u ahaan jiray ayaan hadda caadi ahayn. Xukuumada Faramaajo waxay samaysaa isbedelo aanay jirin cid saamayn ku leh hab qabiil iyo hab siyaasadeed midna, horay waxaan u ogayn in qabiilka aragtidiisa la tixgalin jiray, ayna saamayn ku lahaayeen magacaabista iyo xilka qaadista oday dhaqameedyadana la dhagaysan jiray markii qof la magacaabayo.
Hey'adda shaqaalaha rayidkaa waa loo dhaqaaqiwaayay, waxay aheed aag aan yac layska oran oo ninba markiisa ku guro xigtadiisa. Xukuumadihii ka horeeyay xukuumada Faramaajo shaqaalaha rayidkaa waxaa lugu samayn jiray isbedel kordhin ah, qofba qofuu keensanjiray, oday dhaqameedyadaa qorijiray shaqaalaha rayidkaa, waziirada iyo dadka xukuumadaha ku jirayna warkood daa’, majirto cid eegi kartay tayadooda, iyo tiradooda, maanta wax u dhaqaaqi karaa majiraan, cidna kuma dhacdo in ay waxku darto, qofkii dhinta unbaa qof lugu bedelaa. Xubinnimada shaqaalaha rayidkaa waa waxa loogu raadin badan yahay xiligaan anigu xitaa inta derbi kasta isku garaacay waan waayay, hadii Faramaajo miskiin yahay maa la muquunsho oo haayadaas loo daato?.
Ciidama waxaa ku baxa dhaqaale farabadan, arrimaha ciidamadu waa aag madoow kudheeraan maayo cidwalbaana kama hadasho arrimaha ciidamada waxaanse isla ogayn. Majiro taliye ogol in ciidamada hoosyimaada tiradooda la ogaado siyaan laysugu jaangoyn ciidamada uu hayo iyo mushaarka uu u qaadayo. Taliye walba unugta uu hayo in ay kororto meeyee ma yaraan jirin qof na kama dhiman jirin (askariga dhinta madhiman ayaa layiraa, sidiisaa loogu mushaar qaataa), maanta ciidamadu waydhintaan wana la tiriyaa. Ciidanka isbedelo badan ayaa lugu sameeyay waxaa la soo saaray dhallinyaro badan, waxaana loo dhacay odayaal aan la taaban jirin.
Wasaaradaha
dadka jooga lama aqoon dad maqan ayaa koontadooda laagu dirijiray mushaar, halkoonto
ayaa shan mushaar oo kale duwan ku dhici jirtay. Dhaqankii nuucaas ahaa
dhuuntaa loo galay xukuumadda Faramaajana wayku adkaatay dadkii, dadkii nuucaanku
shaqaysan jiray dhibaa haysta culaysaa gorodda rabi ugeliyay, hadii Faramaajo
yahay Mooge muxuu u moogaan waayay arrimahaan sare ku xusan.
Xukuumada
M. Faramaajo waxay raacdaysay dalkana ka erisay ergaygii Qaramada midoobay waxay eheed arrin la yaab ah, runtiina waa arrin u baahneed ad-adayg iyo kudhacbadan, sidoo kale waxay erisay,
ergaysii iyo wakiilkii Soomaaliya u qaabil sanaa FOA ayadoo u qabatay saacado.
Waxay ku caanbaxday xukuumadaan in ay carab adag kula hadasho diblomaasiyiinta
hey'adaha caalamigaa iyo wakiilada gaarkaa ah ee Qaramadamidoobay. Uqaybsanaha Soomaaliya ee UN-ka fadhiyaa Abuukar Baalle wuxuu noqday danjire baar leh oo hadba danjire buurta. Wuxuu ka hadlay oo khubado uu ka jeediyay UN-ka asagoo duraya shaqada danjirayaal Soomaaliya ka shqeeya, wuxuu sidoo
kale carabka ku adkeeyaa Soomaalilaan oo awal xukuumadihii hore madaxa u salaaxi jireen. Waxaa soo dhan Faramaajo wuu moogaay miyaan niraa? Maya e, fahanka Faramaajaa nugu
yar.
Gabangabo;
M. Maxamed Cabdullaahi ma ahan siyaasi siyaasaddiisa si sahlan loo fahmi karo ama la saadaain karo, arrimaha aan soo sheegay waad u soo wada joogteen kuwo la mid ahna waad u sii joogi doontiin qaarkiin. Waxaan ku doodayaa aragti shaqsi ah. Madaxwayne Faramaajo miskiin maahan waa la mooday, mooge maahan waa la mamay, miskiin seefle weeye aan la garanin, waa mu’aamaradiiste kugu muquuniya muruq islaameed, qofkuu qawido qaboowguu ku cinqaabaa, waa siyaasi sirtiisa aan la suulin karin. M. Faramaajo wuxuu jecelyahay cidlada, ma jecla in xaafiiskiisa iyo madaxtooyadu buuxsanto. Qof ahaan wali lama macaamilin mana hor fariisan, siyaasada Soomaaliya na kama shaqayn, laakiin waxaan isku dayay in aan u fiirsado, waa danbas la moodo in uu damay asaan dansanayn. Mudo xileedkiisa wuu nooleeyay dhaqdhaqaaqiisana waxaa laga dareemay meelo badan, haday ahaan leheed, Geeska Afrika, jaamacada carabta, Shiinaha, iyo qaramada midoobay.
Maamul goboleedyadii wuxuu kasoo moosay meelobadan miiqaamkoodiina hoos ayuu u dhigay sida ay u badanyihiin kuwa harayna hadda ayuu ku daba jiraa.
Inta aan sheegnay waa tusaalayaal yar waxaaka badan inta anan sheegin e u qarsoon, iyo inta uu soo wado hadda. M. Faramaajo si sax ah looma fahmin, anugu inta aanka arkay ayaa igu filan, adinkuna waxaadku baran doontaan waxa uu soo wado hadaad ku baran waeyseen intaan hada aadka aragteen.
W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
2 Comments
Click here for CommentsMaqaal aad u cajiiba, aragtiyo eey wehliyaan tusaale iyo dhacdooyin saxa, aad baan ugu faraxsanahy inaan aqristo maqaalkan, mahadi hakaa gaarto lawadaaga aad nala wadaagtay.������
ReplyWaa maqaal aad iyo aad u miisaan badan oo fadhiya
ReplyConversionConversion EmoticonEmoticon