Cabdifataax Imaam |
Xukuumadda Nabad iyo
Nolol (N&N) ee uu hogaanka u hayo Mudane Xassan Cali Khayre iyo Ahlusunna
waljamaaca (ASWJ) 11/12/2019 waxay gaareen heshiis u dan ah labadooda (N&N
iyo ASWJ) kaasoo ay ku doonayaan in ay ku dhameeyaan khilaaf u dhexeeyay kooxda
iyo xukuumadda N&N. Waxaan taxliilinaynaa waxa keenay in ay heshiiyaan
ayadoo aan ognahay in ASWJ horay u diideen heshiisyo dhex mari lahaa maamulkii
Cabdikariin Xusseen Guuleed iyo Xukuumaddii Madaxwayne Xassan Sh. Maxamuud,
dhanka kalena waxaan eegaynaa waxa sababay in N&N oo aan jecelayn in ay cid
kale wax ku darsadaan ay ASWJ wax ku darsadaan, sidoo kale waxaan eegaynaa miisaanka
heshiiska iyo iskaashiga N&N iyo ASWJ. Ugu danbayn waxaan eegi doonnaa
natiijada uu heshiiskaan ku keeni doono reer Galmudug iyo guud ahaan
Soomaaliya.
ASWJ
Kooxdaan loo yaqaanno
ASWJ waxay ahaayeen waayihii danbe xarako maamusha magaalooyinka kala ah
Guraceel iyo Dhuusa mareeb, xarakada waxaa hor jooge ka ah wadaadka magaca
dheer markii la joogo Dhuusa mareeb iy Gurecee ee loo yaqaano Macallin Maxamuud
iyo laba wadaad oo asaga ay qaraabo yihiin. Taladda ASWJ ee ugu danbaysa waxay
ka go’daa sedexdaas wadaad gaar ahaan macallin Maxamuud. Marka afka laga leeyahay
ASWJ waa magac wayn oo huwan xasaanad xarako xoog badan oo saamayn ku leh
Dhuusa mareeb laakiin waayihii danbe arrinku sidaas waa ka duwnaa oo ASWJ waxaa
soo food saaray awood yari dhanka dhaqaalaha, ciidanka iyo siyaasadda ka dib
markii waqtigii ku dheeraaday shacankii labadaas magaalana ay ka daaleen
tuftooda aan lugu tanaadin iyo balan qaadyadooda aan bayr biyaa ka soo xasilin.
ASWJ waxay gacanta ku dhigeen Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo
heehaabaya waxayna ku soo dabeen N&N ayakoo ugu danbayntii 11/12/2019 wada
gaaray heshiis ay labada dhinacba ku qasbanaayeen.
Xukuumadda
laga tiroda badanyahay
Nabad iyo Nolol waa
xukuumad laga tiro badanyahay: Marka aan leeyahay laga tiro badanyahay waxaan
kala jeedaa; Nabad iyo Nolol waxay lumisay dhamaan saamileeydii siyaasadda dalka
gaar ahaan maamuladdii iyo dadkii tayada lahaa ummadda Soomaaliyeedna sumcadda
ku dhex lahaa, sidaas ayaan u isticmaalay erega ‘xukuumadda laga tiroda badanyahay’.
Sida aan wada ognahay N&N waxaa iska casilay dad tayo iyo sumcad u saaxiib
ah, dadkaas waxaan ka xusi karaa Drs. Maryan Qaasim oo is-casishay November
2017, iyo Amb. Daahir Maxamuud Geelle oo is-casilay May, 2019, waxaa asaguna
December, 2018 iscasilay xildhibaan Cabdifittaax Geeseey dhamaantood N&N
waxay waxay iscasilaadooda ku sababeeyeen in ay la cararayeen sharaftooda iyo
sumcadooda dadkuna waxay u aqoon sanaayeen in ay haayeen dad waxaan u qaadmin
diidi kara. Dhanka kale R. Xassan Cali Khayre wuxuu si iskiis ah xilka uga
qaaday wasiirro la sheegay in aysan dhulyaal ku dhex ahayn xukuumadiisa,
wasiiradaas waxaa ka mid ah wasiirkii wax barashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan
oo xilka laga qaaday July, 2018, iyo wasiirkii arrimaha dibadda Yuusuf Garaad
Cumar oo asna xilka laga qaaday January, 2018, labadaan shaqsi ee uu Raysulwasaaruhu xilka ka
qaaday waxay ahaayeen kaadiriin tayo iyo magac u saaxiib ah lamana oga sababta
Khayre xilka uga qaaday, sida badan waxaa la tuhunsanyahay in xilka looga
qaaday in ay ahaayeen wasiirro aan u dabacsanayn raysul wasaaraha inta bandanna
aan ka muuqan raysul wasaaraha agtiisa. In wasiir dal dhan xilka laga qaado
sababtana aan la sheegin waxay caay iyo xadgudub ku tahay shacabka
Soomaaliyeed. Xukuumadda N&N waxay xaafiiskii ka riixdeen April, 2018
gudoomiyihii hore ee baarlamaanka mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo ahaa
rugcadaa dawlad yaqaan ah sababta ay uga reexiinna lama sheegin. Gabar aan
asturnaan badanayn haddii lala soo dejiyo nin wadaad ah oo ajnabi ka ah shaki
kuma jiro in uu hadba cawradeeda arkayo xalka kaliya oo gabadhaas iyo ninkaas
lugu kala maarayn karaana waa in la kala raro oo ay laba irdood kala degaan,
N&N waa ninman iska khaladaad badan waxayna ogaayeen in hadba Jawaari
cawradooda arkayo sidaas ayayna iskaga rareen iridana uga xirteen si uu san cawradooda
hadba u arkin. Jawaari wuxuu isku dayi jiray in u saxo N&N gaar ahaan
markii wasiir Maareeye oo faraxsan oo kale uu u keeno baarlamaanka xeer uu san
aad u soo fiirin Jawaari waa laadi jiray waana wax yaabaha ugu badan oo ay ku
qoon sadeen. Dhanka kale waxaa ayakuna jira dad khubaro ah oo aan hayn xilal
sare ku waasoo aan saaxada siyaasadda uga muuqan sida wasiirada aan soo
sheegnay laakiin Nabad iyo Nolol u hayey hawlo aan la dheyelsan karin kalana
shaqayn jiray daaha gadaashiisa, waxaan ka xusi karaa oo laysla wada ogyahay
marqaatina laga wada yahay Muna Al-sharmaa oo miriqdeeda la waayay ka dib
markii Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Maxamed uu dhawr habeen ku dhaxay Nayroobi.
Yaanan ka tegin in aan xuso in uu san raysulwasaare Khayre ku bedelan dad u
dhigma dadkii uu xilka ka qaaday iyo dadkii iska casilay dhamaantood, dad ayaa
ku dooda raysulwasaaruhu sidaas wuxuu u yeelay in uu ka dhigo saalootada golaha
wasiiradda mid ka caagan xifaaltanka hal abuurka, kana dhigo goob aan si madaxbanaan
loo fekerin, arrintaas waxay keentay in ay ku sii kordhaan xukuumadda
culaysyada uga imaanaya quursiga iyo ku digashada ka imaanaysa siyaasiyiintii
ka soo hor jeeda ee isu arka in ay ayaku bedeli doonaan. Waxaa bilaabatay in
N&N lugu tilmaamo xukuumad naxsan oo isku dhex yaacsan oo aan lahayn tayo
iyo khibrad ay ku maarayso arrimaha dalka, madaxweyne Deni oo khudbad ka
jeedinaya Garoowe 8/8/2919 ayaa ku tilmaamay madaxda xukuumadda dalka ka jirtaa
in ay la mid yihiin ardo hadda jaamacad ka soo qalinjebiyay oo la yiri dad
qalliin ku sameeya, hadalkaan wuxuu muujinayaa sida loo quursanayo N&N. Raysul
wasaare Khayre asagaa xukuumadiisa u nuglaysay siyaasiyiinta ka soo hor jeeda
markuu wasiiradiisa ka dhigiwaayay kuwo sumcad iyo tayo leh magacna bulshada ku
dhex leh. N&N waxay gabtay in ay dood iyo garaysi ku goosato cadkeeda
waxayna caado ka dhigatay in ay ciidansato ciidanka sharafta badan ee
Soomaaliya oo mushaarku uu u soo maro N&N. Xukuumadda raysulwasaare Khayre
meeshii ay muraadka yeelato waxay gaysataa midiyo badan halkii ay gaysan leheed
maskax iyo maan badan, N&N waxay muraad ka yeelatay Baydhabo sanadii
2018kii waxayna ciidan ku guraysay November illaa December oo doorashadu
dhacday, sidoo kale N&N waxay muraad ka yeelatay Dhuusa mareeb waxayna ku
gurtaa ciidamada Gorgor iyo Haramcaska oo ay hogaaminayaan taliyayaal wax ka
gala goobaha gardarada ee aysan gartu oolin. Dhanka kale xukuumadda N&N
waxaa ka maqan Maamullo mug iyo miisaan ku leh siyaasadda Soomalaiya sida
Puntiland iyo Jubaland taasina waxay ku keentay in N&N ay dareemaan
xasilooni la’aan iyo xulufo la’aan siyaasadeed ayna ismoodaan in aysan dalka ka
wada arrimin.
Labada dhinac waxaa
heshiiska ku riixay midba arrin u gooniya, sida aan soo sheegnay ASWJ waxaa
heshiiska ku riixay awood darri soo wajahday haday ahaan leheed dhinac dhaqaale
iyo dhinac siyaasadeed intaba. Dhanka kale N&N ayaka waxaa ku riixay
heshiiska, waxay dareemeen in aysan haysan garbo badan sidaas darteed waxay ka
raadinayaan miisaan xulufaysi iyo in ay iska yareeyaan culayska siyaasadeed ee
ka haysta in loo arko xukuumad laga tiro badanyahay.
Nuxurka
Heshiiska Xukuumadda laga tiroda badan yahay iyo Xarakada Xoogyaraysay
ASWJ heshiiska waxay
bideen miciin waayo waqtiga ayaa ku dheeraaday waxayna lumiyeen awoodoodii dhaqaale,
siyaasadeed iyo middii rabitaan ka bulshada, sidoo kale waxay lumiyeen
cududoodii ciidan waayo dhallinyaradii caqiidada ugu dagaalami jirtay Macalin
Maxamuud way baraarugeen oo waxaa soo gaaray xaqiiqadii taalay miiska
gorgortanka Macalinka iyo Xukuumadda waxayna garteen in waxa loo dagaalamayaa
aysan ahayn caqiido ee ay meesha ku jirto dan. Sida la sheego Macalin Maxamuud
markii uu la gorgortamayo Nabad iyo Nolol wuxuu kalla hadlaa ilmihiisa iyo
danaha xididkiisa iyo xigaaladiisa. Arrimahaan aan soo sheegnay waxay keeneen
in ASWJ ay wiiqanto kuna qasbanaadaan in ay ka tanaasulaan waxyaabo badan oo
aysan horay uga tanaasuli jirin waxayna qaateen 20xildhibaan, ayada lafteedu ma
fududo oo gacan maran waydhaantaa waana meel ay ka gacan togaalaysan karaan
maamulka loo soo dhisidoono Galmudug iyo dawladda dhexe.
Xukuumadda Nabad iyo
Nolol cidna wax kuma darsato waliba waxay jeceshay in ay ka adkaato ciddii ay
is qabtaan, wax xeelad ku soo galay waligood ma quudan sida uu sheegay wasiir
hore Amb. Daahir Geelle, goobaha tartankana iskuma fiicna, intaas oo dhan
ayadoo lugu yaqaanno in ay heshiis la gasho kooxda ASWJ waxbaa ku qasbay waana laba
arrimood 1) Beesha caalamku ASWJ waxay u taqaanaa xarako qun-yar-socda ah oo
aan ahayn xag-jir sidaas darteed cadaadis ayay ku saareen N&N in ay la
heshiiyaan maadaaba ASWJ horay loo la galay dhawr jeer heshiisyo sida kii
jabuuti iyo kuwo kale oo dalka gudihiisa lugula galay ayna u ekaadeen garab
siyaasya oo dalka ka jira, ogaada haddii uu san M. Xaaf heshiisyo iyo wadda
hadllo la galeen beesha caalamku halla qadariyo ASWJ ma dhahdeen. 2) N&N
waxaa magac xumo iyo waji gabax ka soo raacay Baydhabo oo markii ay maamulka ka
dhiseen ka dib ay noqotay in aqoonsi loo raadiyo M. Cabdicasiis Lafta gareen
loogana raadiyo beesha caalamka taas ayay maanka ku hayaan waxayna is lahaayeen
markaan ka fogaada wixii Baydhabo oo kale.
Nuxurka heshiisku waa
sunno xun oo loo jidaynayo Galmudug iyo Soomaaliya waxaana galay xukuumad
xeerinaysa wax horay u dhacay iyo xiriirka beesha caalamka iyo xarako xoog
yaraysay waana mid ku salaysnayn dan gaara baahina aan loo qabin, Galmdug waxay
ka dhexaysaa beelo, beelahaas ayayna tahay in lala galo heshiis. In N&N
heshiis kula gasho sedex nin wax ay leeyihiin 11 beelood waxay ka turjumaysaa
hab fekerka iyo aragtida madaxda manta jirta, waxaa xusid mudan in heshiiskaan
Madaxwaynaha jamhuuriyaddu aad u la socday 20ka xidhibaanna asagu bixiyay halka
raysulwasaaruhu muddo diidanaa
Saamaynta
halista heshiiska loo ekaysiiyay
Heshiiskaan wuxuu halis
ku yahay Galmudug iyo Soomaaliya oo idil wuxuuna ku yeelan doonaa Galmudug
samayn xun, heshiiskaan waa sunno xun oo la jidaynayo waxaana daliishan doona
cid kasta oo wax ku doonaysa si xun (dariiqanimo iyo jamhadnimo). Haddii ay
Galmudug ama gobol kale oo Soomaaliyaa ay ka soo ifbaxaan xarakooyin kale ama
kooxo kale ku waa soo isbidaya awood siyaasadeed waxay noqon doontaa in ay wax
ku doonaan sidii ay wax ku dooneen ASWJ ka dibna loo yeelo wixii N&N ay u
yeeleen xarakadaan ASWJ waayo waxay helayaan marmarsiyo iyo sunno xun oo horay
loo jideeyay. Heshiiskaan ASWJ wuxuu siinayaa awood iyo fursad gorgortan
waxayna ku carqaladayn doonaan maamulka hadda loo soo dhisi doono Galmudug iyo
maamulka ka sii danbeeya kan hadda wasiir qarafaan soo amaamudayo arrintooduna waligeed waa taagnaandootnaa, intaas kuma
ekaan doonto saamaynta ASWJ waxay waligood kula dhex jiri doonaan Galmudug
carqalad siyaasadeed iyo sad bursi aan dhamaan waayo 20 xildhibaan waxay wax ka
bedeli karaan natiijada codayn ay sameeyaan xilli codayn laga rabo. Heshiiska
waxaa ku cad in 20ka xildhibaan ee la siiyay ay ku ekaan doonaan maamulkaan
hadda la soo dhisayo laakiin sidaas ma dhicidoonto. Heshiiskaan waxaa galay dad
aan ogayn in waagu beryayo. Macalin Maxamuud hadduu helo 20xildhibaan wuxuu
Dhuusa mareeb ka eryi doonaa madaxwaynihii uu rabo wuxuuna keeni doonaa kii uu
doono. Macalin Maxamuud oo jooga Dhuusa mareeb waa aar jooga kayn bahgooyaa oo
aan lahayn geed lugu maato.
Soomaliya:
Heshiiskaan Soomaaliya wuxuu u geli doonaa taariikhda wuxuuna ku yeelan doonaa
saamayn xun. Soomaaliya waxaa ka jira xarakooyin badan wax badan ayayna ka
baran doonaan heshiiskaan, marka ay arkaan in ASWJ loo yeelay damacyadoodii ay
ku doonayeen saamaynta siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa dhicidoonta in xarako
walba iyo jamhad kasta uu galo hammi iyo
damac la mid ah midka ASWJ u meel maray. Doodo waxaa jira yiraahda “ASWJ way u
qalmaan in la siiyo miqaam siyaasadeed waayo waxay gobolada dhexe ka difaaceen
Al-shabaab”, doodaas waa mid jaban ASWJ waxay maamuleen Dhuusa mareeb iyo
Guraceel kaliya mana difaacayn degmooyinka kale iyo tuulooyinka u dhawdhaw sida
Baxdo Godinlabe iyo Docoleey. Dadka gobolada dhexe deegaanadooda waxay u
difaacdaan qabiil qabiil, tuulooyinka aan soo sheegay waxaa difaacday qabiilada
dega ayakana ha lugu abaalmariyo miiqaamka la siisay ASWJ waayo ayakuba waxay
defaaceen degmooyinkii ay ka soo jeedeen, jufooyin badan ayaa difaacday
tuulooyinkooda iyo degmadeeda halla abaal mariyo yaan la abaal marin sedexda
wadaad kaliya.
Boosaaso waxaa 1991dii
tagay uruka Al-itaxaad waxaana odoyaasha Boosaaso u dhiibeen dekedda Boosaaso waxaynaka
qaadan jireen saami gaaraya 20% ururkaas oo ahaa mid aad u xoog badan oo
dagaaladdii la ogaa la galay madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf maamulkii Puntland
laga dhisay waxba lagama siin waxaana loo arkayay haddii kuraasbadan la siiyo
in ay ayaku u arrimin doonaan Puntland, Soomaalilaan sidoo kale hadda waxaa ka
jira jabhad uu hogaamiyo in la yiraahdo Janaraal Caarre madaxwayne Muuse Biixi
kuma dhaco in uu kula heshiiyo saami siyaasadeed waayo maal ayka soo galaan
maba jirto waxaan beelaa iska leh Galmudug waxay la mid tahay Puntland iyo
Soomaalilaan mana ahan in loo gudoomiyo wax xun oo mustaqbalka ku keeni kara
aafo siyaasadeed. Galmudug horay ayaa loogu sameeyay wax loogu yeeray raysul
wasaare lugumana caano cabin oo waa la ogaa sidii beeluhu u sii kala fogaadeen
in hadda waddo kale lugu sii furo waxay tusinaysaa sida aan wax wanaaga looga
rabin Galmudug.
Gunaanad:
Nabad iyo Nolol waa in
aysan ku adkaysan in ay maamulka Galmudug u jideeyaan sunno xun oo ay
dhufaanaan (jabiyaan) ama aysan dhamaystirin halistaas lugu sheegay heshiiska,
waana in arrinta Galmudug loo diro dad tayo leh loona madaxbaneeyo reer
Galmudug arrimahooda lagana xishoodo dhaqanka reer Galmudug. Nabad iyo Nolol
marin xumo iyo aqool xumo ayay isku darsadeen, dhaqankii reer Galmudug waxay ka
adeejiyeen agaasimayaal aan xishoonayn.
Raysul wasaare Xassan
Cali Khayre markii la magacaabay wuxuu soo dhisay xukuumad tayo leh oo ay ku
jiraan dhawr sawiir oo u soo jiiday sumcad iyo magac, dhawr jeer ayuu ka dib
wax magacaabay dhamaan magacaabisyada uu sameeyay maahayn kuwo lala dhacay,
waxaan kula talin lahaa in uu dib u eego tayada wasiirada u jooga hadda. R.
Khayre qofka wasiirkaa waa in uu san ku qaymayn muxuu adiga kuu gala, waa in uu
ku qaymeeyaa muxuu dalka u galaa, wasiiradda xukuumadda N&N sida badan
dalka waxba u ma galaan waxay wax u galaan R. Khayre kaliya.
Raysul wasaare Khayre waa
in uu ka dhigo golaha wasiirada madal laysku naqdin karo ee uu san ka dhigin
meel ka caagan wax iswaydiinta iyo ku tartanka fikirka hal abuurka iyo wax
dhisidda. R. khayre waxaan kula talinlahaa in uu sanadaan soo socota isku dayo
in uu ka khudbeeyo madal ay joogaan dad waxka diidi kara waxna su’aali kara,
sedex sano ayuu ka soo khudbaynayay madal uu ogyahay in aysan jirin cid
khudbadiisa waxka waydiin karta.
Qore: Cabdifataax Cali Cabdalla "Imaam"
Contact:
cccimaam@gmail.com
Www.Facebook.com/Honimaam
www.twitter.com/HonImaam
--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Faaladaan waxaa daabacay wargaysyo dhawr ah waxaa ka mid ah Caasimadda online iyo Ceelhuur online
https://www.caasimada.net/heshiiska-xukuumadda-laga-tirada-badan-yahay-iyo-xarakada-xoog-yaraysay/
http://ceelhuur.com/heshiiska-xukuumadda-laga-tirada-badanyahay-iyo-xarakada-xoog-yaraysay/
ConversionConversion EmoticonEmoticon