GAROOWE IYO GORGORTAN SIYAASADEED

Garoowe waxaa kasocda xafaladda caleemo-saarka madaxwaynaha la doortay, Siciid Cabdilaahi Deni. waxaa ka qayb galaya dhamaan madaxda maamul goboleeyada iyo Madaxwayna JFS Maxamed Cabdulaahi Faramajo. madaxda dawlada federaalkaa iyo muumul goboleedyadu iskuma fiicanayn waayihii danbe, waxaa u dhexaysay madmadoow siyaasadeed, majirin fursado ay kuyeeshaan waddahadal ay ku xalinayaan kala aragti duwnaanshiyahooda iyo khilaafaadka u dhexeeya.
maanta waxay ku kulansanyihiin Garoowe. majirto awood federaal e qasbi karta maamul goboleedyada sidii dawlado is garabyaala ayay iskugu afceliyaan, waxayna isu diraan waxaad moodo diblomaasiyiin markay wadashaqaynayaan, calal Iyo Calanay is garabsurtaan. siday u dhaqmaan aan u eegno.
sida ay tahay caadada diblomaasiyada markii uu dhaco kalahakad diblomaaiyadeed (diplomatic deadlock) e ay is khilaafaan wadamo, ayna go'aan kanaaladda ay isku marsiin jireen casuumaadda waxay isku gaadaan shararka caalamigaa e diblomaasiyadda, sida; G8, G20, Arab league summit, AU summit, IGAD summit IWLM. wadanka markaas lugu kulmayo ayaa door ciyaara wuxuu isku heliyaa wadamada uu ogyahay in ay dano wadaagyihiin qaab sedex geesood ah, ama laba geesood. wuxuu wadankaas qalqaaliyaa kulamo laysku hor fariisinayo diblomaasiyiinta ugu sareeya wadamada is haya, sidaas wuxuu kuqaban qaabiyaa ajandayaasha laga wada hadlayo asagoo udhigaya qaab asaga faaiido kasoo kali karto. waxaa jira asaguna hab kale ee ay, wadamada is haya, wadanka faaiidadu ka maqantahay ee u arka khilaafka jira in asagu uu ku waynayo arimo amaan, dhaqaale, iyo xulufo ayaa kacodsada wadanka lugu kulmayo, UN-ka, EU-da, AU-da, Arab-league, IGAD in ay qaban qaabiyaan kulan dhexmara wadanka kale ee khilaafku ka dhexeeyo lana xaliyo khilaafkaas. yaanan ku dheeraan. sidas ayaa gorgortan lugu galaa xalna lugu gaaraa.
maanta Garoowe waxaa jooga rag is waayay, rag wax isku keenan waayay. rag markuu is qabto way camal maaba'aan mudo, madaxda Garoowe joogtaa ma camal baabe'een oo gorgortan masamayn doonaan mana ka faaiidaysan doonaan kulanka Garoowe, Denina arinta dabiib mala dhihi doonaa mise halkiiyay wali ugu guntan tahay oo way isku jixindoonaan. sida saxdaa waa in aanu khilaafkaan dhaafin Garoowe siina socon. waxa ay isku hayaan maahan dan shacab, waa dan kuraas iyo ma soo laaban doontaa.
siyaasiyiinta ilbaxa ah munaasabadoonoo kale waxay u noqotaa fursad, waxayna ku xaliyaan khilaafaadkooda, bisayl majiraa mise waa la beerdarayn doonaa Garoowe SUmmit?
sidii ay u tageen  madaxda maamul goboleedyadu  GAroowe, ma aanan maqlin isdhoodhoob siyaasadeed iyo shirar ay yeesheen, halkaas waxaan ka dheehanayaa in ay camal baabe'een diyaarna u yihiin isu soo dhawaan shiyo, sidoo kale mar horaa udanbaysay hadaladii afgoosadka ahaa e laysu marin jiray warbaahinta, iyaduna saadaal kale ayay bixinaysaa ayaduna.
hogaamiyaha Puntilaand Deni wuxuu udhaqmaa si ilbaxnimo kujirto intii aanka arkay, waxaan filayaa in uu ka odoyayndoono ragaas kala carooday, masiirka umadda Soomaaliyeedna ka badbaadin doono. geedo in lugu sii kala jiro dani kuma jirto Deniyoow.
warkayga indho uma lahan mana maqlayaan, wax xiriirana kama dhexeeyaan korjoogtada iyo kuwa ciyaaraya siyaasada Soomaaliya. waxaanku talinlahaa in lays xodxoto, maanta oodhanna xafladda ayaa socondontee caawa halaysku in laysku guureeyo ayaan lahaa, xurguftana hala xaliyo xiiso yeelan waysaye. Waxaa na sugaya in aan isku diyaarino dabaysa isbedelka geeska Afrika ka socota maahan in aan isi sii haysano.

W/Q: Cabdifitaax Cali Cabdalla “Imaam”
www.facebook.com/cccimaam
calicabdalla.blogspot.com
Previous
Next Post »

1 Comments:

Click here for Comments
January 31, 2019 at 11:45 PM × This comment has been removed by the author.
avatar