![]() |
Cabdifataax Imaam |
Marka ay madaxda maamul goholeedyadu socdaalayaan si ay u soo
gudtaan shaqadooda maalinlaha ah waxaa hareera yaacaya dad farabadan. Arrintaas
waxay keentaa culays waxay ku keentaa qorshaha madaxweynuhu u soo baxay,
shaqada baratakoolka madaxweynaha iyo amaanka madaxweynaha intaba waxayna
keentaa in uusan madaxweynuhu socon socod qumane hagaasan.
Madaxa hab-maamuusku wuxuu awood u leeyahay in uu tilmaamo madaxwaynaha oo uu u sheego halka uu marayo, halka uu ariisanayo, dharka uu kusoo lebisanayo IWLM. Waxaa halkaas kaaga muuqata muhiimadda hab maamuuska iyo culayska shaqada kooxda hab maamuuska.
Madaxa hab-maamuusku wuxuu awood u leeyahay in uu tilmaamo madaxwaynaha oo uu u sheego halka uu marayo, halka uu ariisanayo, dharka uu kusoo lebisanayo IWLM. Waxaa halkaas kaaga muuqata muhiimadda hab maamuuska iyo culayska shaqada kooxda hab maamuuska.
Kooxda baratakoolka madaxtooyada, unugga amaanka madaxtooyada
si gaara ciidamada sida xirfadaysan u waardiyeeya madaxweynaha waxaa saaran
masuuliyad aad u wayn oo ay ugu horayso maamuska iyo badqabka madaxweynaha.
Markii aad cid ka ilaalinayso ciddii ay la macaamilaysay wax sahlan maahan
waana shaqada ciidamada gaarkaa ee madaxda.
Marka madaxwayne shaqo aadayo ama uu gelayo safar gaaban, safarkiisa
iyo qorshayaashiisa waxaa laga ogyahay maqaayadaha, xeryaha iyo guryaha inta uusan safrin saacado ka hor iyo xitaa
maalmo mana loo baahna in cidkastaa sii ogaato qorshayaasha madaxtooyada. Waxaa
arrintaas ugu wacan in laga ogaado xeryaha iyo maqaayadaha in madaxweynaha
hareero dhooban markasta dad aan loo baahnayn in ay hareera dhoobnaadaan wax
duruufana aysan keenin in ay hareero yaacaan madaxweynaha. Sax maahan in ay
madaxweynaha iyo ciidamada waardiyaha gaarkaa ee sida xirfadaysan u hubaysan loo
dhexeeyo oo uu u dhexeeyo qof aan duruufi keenin kaliya waxaa madaxweynaha iyo
ciidankaas u dhexayn kara qof duruufi keentay. Duruuftu hal mar ma keeni karto
in ay madaxweynaha iyo ciidankaas u dhexeeyaan ku dhawaad 20 illa 50 qof. Waxaa
u dhexayn kara qofka sida dhaw u caawinaya madaxweynaha oo xaafiiskiisa ka
tirsan iyo wasiir ama hawl wadeen kale oo markaas madaxweynaha kala shaqaynaya
arrin gaar ah ama warbixin siinaya. Waa dhaqan gaboobay in madaxweynaha laga
daba yaaco oo laysku istaago inta la kala xigsanayo madaxweynah iyo sawirka
dhacaya, sidaasna waxay madaxweynaha ka luminaysaa haybad u socodka iyo
qorshayaashii soo bixitaankiisa waxayna ku keenaysaa kooxda amaanka ilduuf badan,
waxayna keenaysaa isku dhex yaac iyo in baratakoolkii lumo ileen haddii la
yaaco waxaa laga yaabaa in ay lunto kala mudnaanta iyo kala horraynta madaxda
oo uu madaxweynaha ku xigsado agaasime ama hawl wadeen kale amaba madaxweynayha
saaxiibkiis ayadoo sawiir goobta joogo hadhdhoowna markii lugu arko saxaafadda
bulshadda si kale ayaa loo fasirayaa.
Miisaan-u-socodka
madaxda
Miisaan u socodka madaxweynuhu waa muhim waana sababta loogu
asteeyay kooxo shaqo oo kala duwan sida tiimka baratakoolka iyo hab maamuuska,
unugga amaanka iyo hawl wadeeno kale oo saacida madaxweynaha. Socoka
madaxweynuhu ma ahan markasta mid fudud oo isku dubaridan si qummanna uguma
socon karo bushada dhexdeeda sidaas daraadeed kooxda amaanka iyo barataboolka
madaxweynaha waxaa saaran masuuliyad baaxaddeedu wayntahay.
Madaxweynuhu waa in uu helo xasilooni intii uu heli karo
arrintaasna waxaa xil ka saaranyahay baratakoolka iyo kooxda gacanta ku haysa
amaanka madaxweynaha. Kooxda baratakoolku gacanta kuma hayn karaan xaaladda
madaxweynaha haddii ay dadbadan soo kala dhex galaan ayaka iyo madaxweynaha
sidoo kale kooxda amaanka waxay ku keenaysaa in ay bilaabaan ilduuf iyo in ay
shaafalatayn waayaan socsocdka iyo dhaqdhaqaaqa barta madaxweynuhu ku
suganyahay oo laga yaabo in badkeedu waynyahay.
Dhextaal: Subscribe dheh youtube kayga siina wado aqriska
Waxaan maalin maalmaha ka mid ah ka agdhawaaday meel uu
imaanayey madaxweynaha dalku. Kor markaan uga jeedo waxaad isleedahay qof
khalad galay ayaa laamaha amaanku ridridayaan oo hantaatiqinayaa oo xabsi loo
wadaa waayo siday u ridridayeen madaxweynaha oo ay u hantaaturaynayeen, dadka
dhan kabaha ayay iskaga istaagayeen. waxaan is lahaa maalinkaas ka hor
madaxweynaha waxaa loo waardiyeeyaa si cilmiyaysan xaalkuse waa ka duwnaa sidii
ii sawirneed oo madaxweynaha waxaa lala daba yaacayey silis, bunbooyin iyo qoryo
aan is iri amaanku waa u furnaa xabaduhuna qudada ayay u yaaleen. Dadka qoryaha
gacanta ku hayaa miyir malahan oo meesha waxaa yaacaya dad tiradii ka batay oo
aan garanayn wax ay ahaayeen, qoryaha ay hayaan ma kontorooli karin ayaan is
iri oo xanibku si uu u xirnaa ma hubo haddii qalab qalab yar dhacdana xitaa madaxweynuhu
wuxuu ugu jiraa qoryohooda halis waayo haddii qof wada qori xabadi ku
taagantahay haddii kacta looga istaago oo uu kufo boobaha uu sidaa in uusan
beer reebayn shaki malahan. Dhammaan madaxda Soomaaliya saas ayaa loo
waardiyeeyaa
Dalku malahan macaahid lugu barto hab maamuuska iy
baratakoolka, madaxweynihii talada yimaadaa wuxuu keensadaa koox uu ku
kalsoonyahay kuwaasoo ku milma hay’adaha amaanka madaxtooyada iyo hab maamuuska
illaa ay saaqaan. Waaxda hab maamuuska ee wasaaradda arrimaha dibaddu ma tayo
badna ama ma noola waana halka ama albaabka laga soo galo wasaaradda arrimaha
dibadda iyo guud ahaan wasaaradaha dalka.
Aad ayuu u dabacsanyahay hab maamuuska iyo amaanka madaxda dalka guud ahaan waxayna madaxdu qatar ugu jirtaa dadka waardiyaynaya naftooda oo aan qaab xirfadi ku jirto u haysan hubka ay ku waardiyaynayaan madaxda, madaxda laftoodu marmarka qaar ayakaa abuura caqabad keenta isku dhexyaac iyo ilduuf badan.
Gaban-gabo
Madaxdu waa in ay abuuraan maamul hab maamuus aqoon u leh
hawlaha hab maamuuska iyo baratakoolka. Xumbnaha maamulkaas waxaa laga keeni
karaa safaaradaha ama waxaa la carbin karaa dhallinyaro hor leh.
Marka madaxdu socdaalayso oo ay shaqo aadayso ama ay safar u
baxayso waa in aad loo baabulaado oo aad laysugu duwnaado dadka baxaya ee
madaxweynaha la yaacayana la yareeyo waayo dhib ayay ku keeni kartaa xitaa
dadkaas yaacaya naftooda oo haddii la yiraahdo dadka madaxweynaha la socda
magacyadooda iyo xilalka ay hayaan oo warqad ku qoran soo hor mariya waa culays
intiisa la eg.
Waa in madaxda maamul goboleedyadu iska daayaan haf hafta iyo
habqan u socodka kabaha laysaga istaagayo markii madaxweynuhu dhaqaaq yar
sameeyo.
Ciidamada sita hubka muuqda sida bunbooyinka bannaanka
saalootada ama qolka madaxweynuhu ku jiro ha joogeen ciidamada hubku u
qarsoonyahayna madaxweynaha haku caawiyeen saalootada iyo qoka uu ku jiro
xiliyada shirarka rasmiga ah.
Qaraabada iyo xubanaha ururada madaxweynuhu xiriirka la
leeyahay waa in laga jafo madaxtooyada la wadaleeyahay si loo sugo haybadda
dawladnimada iyo maamulka suuban.
W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
Waxaad igala socon kartaa:
ConversionConversion EmoticonEmoticon