MAALINKII DHEGEHEEDA HABEENKIINA QALBIGEEDA

  Hooyo soomaaliyeed oo gabadheeda la dardaarmaysa ayaa ku tiri “habeenkii sankiisa, Maalinkiina ishiisa”, biya dhaca labadaan eray oo dardaarankaa waa in ay gabadhu nadaafadda ku dadaasho oo nin aysan habeenkii wax u soo urin maaliniina ishiisu aysan qaban wax aan nadiif ahayn. Hooyadaas waxay doonaysay in ay gabadheeda si kooban ula dardaaranto runtiina waxay siisay dardaaran aad u mugwayn. Hooyadu waxay doonaysay in ay gabadheedu noqoto hooyo wanaagsan sayigeeduna aad ugu qanco, waxayna ku tiri labo eray oo labaduba nadaafadda ahmiyad siinayaa. Nadaafaddu waa waxa kor u qaadda farxadda noloshana qiimo u yeela.

Aniguna waxaan iri anoo la hadlaya dhallinta maanta, maalinkii dhegteedda habeenkiina qalbigeeda, sida aan wada ogsoonnahay hadaan nahay ragga waxaan caan ku nahay dhiibista amarro ad-adag, qaylo, xanaaq, kaligi -talisnimo, (intaas dhegeha uma roona) sidoo kale waxaa dhaqan noo ah Daryo iyo rajada mustaqbalka oo been laga sheego,(intaas qalbiga uma roona).
Aabayaashu inta badan guryaha majoogaan sida dhaqanku yahay, laakiin inta yar oo aan joogno guryaha waxaan ku qaylinaa caruurta ayaddoo lagayaabo xitaa in aysan qalad gelin laakiin aan ku xumaynayno hooyada oo aanan si toosa wax udhihi karin. Sidoo kale waxaan naqaanaa dhaliil muujin: waxaanaa halaysan saanay wax yihiin halkaanay la'dahay arrintu IWLM. Ragga qaar ayaa xaaskooda lafteeda ku xanaaqa wax yar oo hadal iyo wada tashi lugu xalin karo darteed.

Reeraha Soomaaliyeed wax wadatashi ah kama dhex jiraan haday ka dhex jiraanna aad ayay u yaryihiin waxaad arkaysaa qoys dhan oo aysan jirin cid wax isku sheegaysa maalin iyo habeenba  kuudkaa layskugu wada jiraa, waana sababta keentay in ay bulshaddeennu ka kori wayso maskaxda. Caruurta Soomaaliyeed sida ay u badanyihiin ma yaqaanaan sida fagaare looga hadlo ama cid kale loola doodo oo loosoo gudbiyo waxa maanka kaaga jira waayo maysan kusoo korin jawi wadda hadal iyo aragti isdhaafsi.  waxyar oo Alle u nimceeyay way jiraan oo hadli karaa laakiin ma badna. Arrintaan waxaan u aanaynayaa in aysan guryaha ka jirin wax la yiraahdo Nabad iyo waddatashi. Waxaa la rabay in ilmuhu guriga ku bartaan wada hadalka iyo wada tashiga ayna waalidkood ka min guuriyaan Fagaaro ka hadalka. Guryaha waxaa ka jia arrinta aan ka hadlaynay cagsigeeda waana idho guduudis, canaan iyo xanaaq iswata, gacan ka hadal, iyo wax aan diinta Islaamka ku raad yar. Waa dhibaato haddii gurigaagu u ekaado xero milateri oo amarku taaglaynta iyo cigaabtu caado ka tahay.

Guryaha waa lugu nastaa dumarkana waxaa loo abuuray in aan ku xasilno, xero milateri luguma nasto askarna luguma dhex xasilo, ragoow  hadaad guryaheena  ka dhigto xero milateri halkeed ku nasanaynaa? hadaanse caruurta iyo xaasaskeena askar ka dhigno sideen ugu xasilaynaa agtooda?. Hadaad u fiirsato guryaha Soomaalida maantaasoo dhan waxaa ka yeeraya "qaatilbaan taagannahay, dhibadanaa ku waani IWLM", yaa abuuray dhibtaas adiga ayaa abuuray markaad gurigaaga ka dhigwaysay guri wadatashi, haddii la wada tashan lahaa wax walba xanaaq la'aan iyo wada hadallaa lugu xalin lahaa, sidaan u badannahay Habaarka waan ku kaftannaa, qaxwada iyo qayladu waa isku mar subixii, canaantu cishihiiyay gaartaa, hawshii cunug loo diro halgaadyaa loo raaciyaa. Cunugga sidaad ku barbaaraa sedee noqonayaa? mise meesha waxaas ka jiraan ayaan xero ciidan ahayn?.

Maalinkii dhegeheedda:
 Canaanta, qaylada iyo xanaaqu dhegaha uma roona, aan ka ilaalino xaasaskeenna dhagahooda canaanta iyo qaylada, sidaas waxaa ku dhalanaya waddatashi reerka xasilooni u keena. Guryaha
Soomaalida waalidka iyo caruurtu wax iskuma sheegtaan wiilka iyo aabihiis wax iskuma sheegan karaan way kala baqayaaqn, gabadha iyo hooyadeed waxba is kuma sheegtaan waa isgaadaan markay fursad iska helaan, waxaan nahay ummad is wadda gaadaysa sida sirdoonkii oo kale, dhamaanteen waan isku wada maqannahay sidaas darteed waxaa abuurmay ummad wada sirdoon ah oo aan bun isga dhimayn haday fursad kala helaan!!.

Markaad xaaskaaga dhegeheedda ka ilaaliso hadimada ee aad kalsooni ku beerto waxaa imaanaya in aad heshiis dhab’ah wada qaadataan meeshana waxaa ka baxaya nin iyo naag colna maahan nabadna maahan oo waxaad noqonaysaan nabad iyo heshiisa, kalsoonidii ayaa abuurmaysa, naxariis baahda ayaa ku xigta halkaasaa bulshadiina noqotaa ulsho caafimaad qabta. Maamulka guryihiinnu waa tijaabada dadnimadiina.


   Habeenkii Qalbigeedda:
  Ragga Soomaaliyeed waxay quluubta dumarka ku waxyeeleeyaan wax layiraahda Dayro iyo quusin rajo xumo isku bedesha. Dayradu waxay yaraysaa rajada nolosha qofka kana faraxadda ayay ka xayuubisaa. Xaaskaaga hadaad habeen kaa soo dhan u dayryayso rajo beel ayay noqonaysaa wayna tiiraan yoonaysaa noloshuna qiime u yeelanmayso. Habeenkii markaan soo hoyano dayradaan bilaawno subixii quraacdaan ku cunnaa waxaanan sidaas u yeelaynaa yaysan xaasku wax ku waydiin.Gabadha islaameed ma waxaad isku soo raacdeen in aad kayaabsato noloshadhanna aad murug oga dhigto mise in aad la abuurto nolol qiimo leh?, “Alle wuxuu oranayaa qofkii laga qariyo shaxiixnimaddiisa waa loo naxariistay”, Dadka shaxiixnimadaada ka qari.  
  Dumarka yaan habeenkii oo dhan loo dayryin, halla dhiirigeliyo hana lugu abuuro rajo wanaagsan oo loo sheego runta yaan inta la samaysto dhawr koonto oo mid maranyahay midka maran lugu sirin Xaaskaagu markay rajo wanaagsan qabto ayay yeelataa hal abuurka ereyada naxariis lehna ku hadashaa, laabteedaa xaaranta, runtay kuu sheegaysaa ileen runtaad u sheegtee, ha sugin in run luguu sheego inta been sheegtid, waa luguu miisi doonaa beenta aad u miisto, xisaabtii Allana waa kuu diyaar.

  Gabangabo: qof walbaa shaqadiisa haka soo baxo, gabadhu haday maalinkii ishu waxay dhibsato ilaaliso, habeenkiina sanku waxa uu dhibsado gurigu wuu qor xoonaanayaa nolol qurxoon ayaana dhalanaysa.
  Haddii aabuhu maalinkii dhegtu waxay dhibsato carabkiisa ka ilaaliyo, habeenkiina qalbigu wuxuu dhibsado gurigu wuu xasilayaa dadka guriga ku noolna nabadayaa dhex maraysa afkaaruha ayaa lays dhaafsanayaa waana laysku soo dhamwaanayaa igu danbayn dadku waa isku uur samaanayaan mustaqbal wanaagsan ayaana la wada dhisayaa.
Guryeheenna aan isgaad gaadka ka suulinno, aan iska dayno dhaqanka ah jaanis isku raadinta, ilma heenna aan la sheekaysanno oo marka hore ninka iyo xaaskiisu ayaku ha sheekaysteen ilmaha hortooda.

       F/G: hadaad wanaagsantahay adigu kaama hadlayo, farta haysku fiiqin.
   
W/Q: Abdiftatah Ali Abdalla  “imaam”
contact: cccimaam@gmailcom
www.twitter.com/HonImaam
         00252617171717
Previous
Next Post »