Midabkaaga ha doorin

Cadaan kuu keenta caafimaad darro, ceebo kala duwan iyo caro Alle maarriin iyo madoow midkii Eebe kuu gartaa dhaanta.

Da'yartii rag iyo dumarba way is wada holmiyeen, korkii dhammaa waxaad moodaa in dab la geliyay ee hadana laga saaray.
Maqaarkoo layska diiro iyo midabkaagoo la dooriyo ‘ku-meel-gaar iyo dafaq-si ayay kuu horseedaa’. Tafsiirka eraga Dafaq-si gunta maqaalkaad uga bogandoontaa laakiin gun-dhiga ku ogaaw in aan kala jeeddo  ({inaan meher lugu la hawaysanayn}) eraga Ku-meel-gaarna waad iska wada garanaysaan. Aqriste u dhaadhac gunta iyo gabangabada maqaalka.
Maqaalkaan waxaan ku eegaynaa is-cadaynta iyo waxa uu ka dhaxlo qofka is-cadeeyaa. Sida badan waxaan ku ekaan doonnaa sida aan aragnay waxa dhaca markii qof is-cadeeyo, ogsoonaaw waxa aan ka hadlidoonaa waa waxa ku yimaada noloshiisa, iyo halka uu ku danbeeyo qofka iscadeeya. Sidookale waxaan taaban doonnaa sida bulshadu kuu arkayso marka aad is midab-duugto, iyo miiqaamkaaga bulsho ee aad qaadanayso markaad iscadayso.

Midab-duugu (is-cadayn)tu waxay qofkeeda u horseedaa xasilooni darro, heehaab nololeed, hubanti la’aan mustaqbal, is-kahasho, dhuudhuumasho, wax kala xasayn/qarin iyo amaan darro nololeed dhamaanteed, amaanka hal-nuuc ayaan u naqaanaa sida badan amaan xumo waxay ku dhantahay midab-duugga, maalinkaad is-cadayn isku bilaawdo amaankaagu faraha wuu ka baxay, caafimaad ahaan, rajo ahaan, iyo reer ahaanba. Midab-duuggu waa waxa u adag ee la joogteeyo, dhawr sababood darted, aan mid iyo labo ka xuso garashadayda, 1) waa tilaabo xun oo ka dhan ah Iimaanka saliimkaa iyo Abuurista Alle, wax Alle lugu daba maraynayo adayg waa ku dhanyahay fudaydana ka dheer. 2) cilmi kuma qotonto oo qofkeeduba waa maan-gaab aan hagaag-sanayn, waa qof is-gabay, waa habaab-san oo ka lumay dariiqa guusha loo maro, kuna lumay surumada looga war-wareegto caqabadaha nolosha, waa qof ay ka miririx-santahay sirta noloshu oo u baahan asaguba in la farageliyo, lagana dhiciyo naftiisa iyo xasaanaddiisa.

Qofkastaa wuu wanaagsanyahay wuxuuna mudanyahay qadarin iyo xushmayn xasaanadiisu siinayso. Xasaanad waa karaamayn qofka u sugnaagtay oo Eebe la dhaliyay, hadaan dhanka siyaasadda idinka tusaaleeyo waxaa xasaanad leh xildhibaanadda, diblomaasiyiinta iyo WLM, qofku intuu xasaanadda haysto layskama xiri karo ilaa laga qaadana xabsi lama geliyo lugumana sameeyo wax yaabaha aanfiicnayn inta uu xasaanadda haysto, sida in la ciqaabo, casaaro, la xiro iyo WLM, biya-dhaca warkaygu waxa weeye is-cadayntu waxay kaa qaadaa xasaanadda waxayna horseedaa in lugugu la kaco waxyaabaha qaar kuwaas oo aan lugu la hawaysteen haddii aadan is-cadayn xasaanadana aadan iska qaadin, waxay keentaa in dadka qaar ku hawystaan (dadka xunxun) halka aanay ku hawaysteen hadaadan is-cadayn, war iyo dhamaantii way xuntahay is-cadayntu hadaba ma waxaad sugaysaa in ay kugu soo xirto qof wanaagsan hasugin inta xunbay kugu soo xirtaa.

Intaas aan kor kusoo sheegay iyo in kaloo badan ayaa keenaysa in ay tahay wax aan loo hayn xal lugu joogteeyo, markay ay kaa jajabantahay go’antahay dhaqaalo ahaan, ama cilad kale sida in aad bukooto/jirato ama aadka deeraato halka ay kuugu kaydsantahay kiimikadu waxaad la kulmaysaa ceeb waayo xaqiiqadii iyo farsamaddii  Alle ayaa muuqata farsamadaadiina way suushay. Aan dul istaagno halkaan, waxaad ceeb u aragtaa farsamadda Alle tii aadku bedeshay ee aad adigu curisayna faanaad u aragtaa, hadaba soo ma cadda in aad cag ku taagtay  Eebe oo aad leedahay anaa kaa farsamo fiican waa Allihii koonkaan abuuray oo neefsigaaga maamulayay u fiirso, intaas hadaad garan wayso soo maan-gaab maahid, midka kugu soo raacaa soo maan-gaab maahan soo maan-gaabyo meelka wada buuxa maahidin? Midkaad kusoo jiidato midabkaaga Alle  kuu uumay waa maanka-nabad-qabe aragti fog meel dheer ku gaarsiinkara wuxuu rabo iyo wuxuu san rabinna u kala cadyihiin.

Labadaan su’aal ufiirsadda; Qofka is-cadaynayoow cilmul-qaybka maka war haysaa oo ma ii xaqiijinkartaa in is-cadayntu calafkaagii Alle kuu qoray wax ka bedel maku samaynayso, qofkii Alle kuuqoray qofaan ahaynna is-cadayntu calaf makuugu darayso? Maya masugi kartid.
Qofka is-cadaynayoow ma xaqiijinkartaa in looxul maxfuudka kuugu qorneed midab Cadaan taabelkeedana Alle kumadoobeeyay kuna dulmiyay wax is-dabamarinna kugu sameeyay? subxaana Allaah, maya ma xaqiijinkartid. Hadaba is-xakamee xaqiiqda u laabo kuqanac midabkaaga.

Midab-duugu wuxuu si fudud u sheegaa qofkiisu qofka uu yahay, waxaa is-cadeeya shaqsi aan isku kalsoonayn, isku dhexdaadsan, maanka maro kaga daahantahay, meel dheer aan arkaynin, garasho ahaan fashilmay wax xal ah na aan hayn, qof haray ayaa luguu arkayaa.
Is-cadayntu waxay muddo kooban kuu dagtaa maan-gaab damiinna, meel dheer aan eegin maankiisu tolanyahay midaan adigaba ku dhaamin, waxay kaa dheeraysaa kuguna diraysaa inta caqliga leh, markaad wajigaaga cadayso lugahaaga ayaa qiraya inaad khiyaanooleey/khiyaanoole tahay yaaku aaminaayo oo reer kaaga taganaya/Aqal kuu galaya?

Midab-duugu wuxuu kuu horseedaa dafaq-si iyo ku-meel-gaarnimo, ha xasilin weeye, hagaag ha u noolaan weeye habloow halyska jiro, haloo fiirsaddo halkaas, hilibkiina yaan la hoolin. Dafaq-siga iyo ku-meel-gaarka aan kala aqaaddo deetana naax-naaxiyo. Dafaq-si waa qaab wax loo cuno oo aan wanaagsayn, tusaale wax loogu talagalay in qaaddo/macalgad lugu cuno hadaadaadan ku cunin bedelka aadku cunto carabka, ama dhuuqitaan sidaas dafaq-si ayaa la yiraa. Qofka  markii la arko in uu is-cadeeyo qof si sax ah Guur ugu soo aadayaa majiro ama wuu yaryahay qaabkalaa wax looga raadin, qofkastaa Dafaq-si buu ku dayayaa, sida bandanna Danta iyo Duruufta ayaa luguugu soo dhuuntaa lagaagana faa’iidaystaa waa layska yaqaanaa waa qaaciddo caam ah, cidna kama dahsoona yaan colaad la iigu qaadin.

Ku-meel-gaar nimadda; marka aad is-cadaydo cidda ku calmaynaysaa cimri dheeri iyo Caqli-saliima kugu tabimayso, waxay maamka ku haysaa midaan/midkaan miyaa la masruufi karayaa?!! Labo qaab-ba luguu ma masruufi kaarayo caafimaad ahaan iyo Caqli ahaan, shaki kuma jiro in aan garaadkaaga la kabi Karin, shaki kuma jiro in aad dhaami doonto dhasha aad dhali doonto waayo adaa is-dhaamay Dheeheey, hadaba sideed u waari oo waayo u joogi, wixii lugu wad-waddaa waa waayo kooban waana lugugu meel-gaari, intaa waxaa wehliya adiga is-cadeeya laftaadu marmarka qaar waxaa u fekeraysaa hir-gelinta habka ku-meel-gaarkaa, tusaale danaa kaa dabatimid, mid aadan aqoon, lugu waari karaynin asaguba fashilan ayaa maalin kuu yimid inta jeleec kubiday, duruufta kaaga jeeday, Dadnimadaada qawiday, inaad u qalantiyo quursikuu quuray. Kugaray adna garatay  waxaad is-leedahay ku-meel-gaar kan inta danta iyo duruuftu ku hayso awaluusan hayn Caqli lugu waaree. Hadaba waxaan oo idil maxaa kuu horseeday waa midab-duuga iyo is-cadaynta, kawaran haddii aad ku qanci la heed midabkaaga Alle kuu uumay waxaa muuqanaysa qofnimaddaada, qanaacaddaada iyo miisaankaaga wax aan dan ahayn cid kaala hadlaysaa majirto Xasaanadaada ayaa ku ilaalinaysa la gaagana baqayaa.

Qofku marka uu is-cadeeyo waxay kusii riixdaa waxyaabo kale sida in qofkii cadaysin iska dhigo oo muxuu astur kufalayaa haduuse is-asturo siday u muuqan?  is-cadaynta iyo inta ku dheerigaa sida habaysnaanta Horaadyaha, iyo hilig-hiligta Hilbaha guud aah hadba dhinacbuu faydi siyuu macaamiil u soo jiito.

Ladnaanta iyo laafyaha luguma badbaado sida badan raggu wuuku laac-laaci, is-cadaynta iyo is-cadaysi-mintana kaba siidaran oo waa lugu durduriyaa gabaru markay is-cadayso hadana cadaysin iska dhigto, is-cadaynta iyo is-caysi-mintu waa labo calaamo oo keenta in aan Ceebta lagaa la xishoon, ma dhawrsana iyo dhawr kaloo eray ayaa kusoo dhacaysa qofku markuu ku arko adoo is-cadeeyoo cadaysin iska dhigay, sababtuna waxay tahay dhawrsanaan dhasheedba maahid, dhaqankaagaadka dhawrsan waysay, madoowgii iyo Afrikaanimaddii waad nacday, Abuuristii Alle ayaadka dhawrsan waysay, sidee adiga luguu dhawri?

Midab-duugu qofkiisa wuxuu u siqiyaa halka uu doonayo in uu u siqo dhan aan ahayn, marka aad is-cadaynayso waxaad rabtaa in luguu bogo luguuna mooddo in aad cadahay, luguu bogi mayo oo reerkaaagaa u horeeya way kunacayaan waysan kuu sheegayn mooyee, fariinta aad doonayso in uu diro fariin aaan ahayn ayuu kaa dirayaa midab-duugu waa in aadan shaqsiyad lahayn iskuna kalsoonayn ayuu sheegayaa, waxa aad doonayso wax aan ahayn ayuu ku dhaxal siinayaa waa in qof xun kuusoo xero galo wuxuu kudhaafinayaa Guri farxad leh oo waara.

Waxaanka hadlayaa waa in laysdiiro oo faranfar layskadhigo masheegayo in lays hab-habeeyo sida in cilaan bootar iyo make-up la marsaddo, waxa aan ka hadlayo waa in la isticmaalo Diyaano waxka bedelna lugu sameeyo maqaarka lana fiiqo illaa xididaddu soo baxaan.

W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
https://www.facebook.com/cabdew
https://twitter.com/cabdew 

Previous
Next Post »