SALAADDA IYO DHALINYARADDA

Salaaddu waa rugniga labaad e arkaanta Islaamka, waa waxa koowaad e lagaa xisaabin doono maalinka qiyaamaha. Dhaqanka Islaamku waa dhaqan u baahan barasho, maahan wax ay ku filan tahay ama lugu haleelikaro bowsi. Dhamaantayadda waxaan ognahay sidda dhalinyaradeennu kuyihiin salaadda arimahaas iyo dhibtoodda ayaan wax yar ku  faaqiddi doonaa maqaalkaan kooban.

Salaadu waxay leedahay arkaan ay ku ansaxdo, waxay leedahay waxyaabo buriya, haleeya. Meelbay ka bilaabataa meelayna ku egtahay. Salaaddu waxay u baahan tahay in loo xeraysto loona qasdo barashaddeeda. Sidda aan u badannahay cibaadadda waan bowsannaa, is-moodsiinaa oo qiyaasannaa. Cilmigu wuxu u kala baxaa waa jib iyo sunno, cilmiga midka waajibkaa qofkasta wuxuu ku yahay waajib, maahan wax ku haboon in la mala awaallo, lana bawsaddo. Cilmiga sunnaha waxaa kaa kaafiya haday jiraan deegaanka aadku nooshahay dad kale ee bartay barashaddiisu waajib maahan.

Dhalinyaro aan is waydiinno qof walba iyo naftiisu hasheekaysteen, is waydii horta cilmiga salaadda ma boowsatay mise waad baratay oo shiiqaad u hor fariisatay? Haday kuusoo baxdo jawaab ah waan boowsaday oo waan qiyaastay kawaram haddii adoo sodon sano tukanayay markii aad maalinka qiyaamaha is taagto Alle hortiis wixii salaad aad tukanaysay wajiga lagaaga dhufto luguguna celiyo!! Soo tacab qasaaray maahan maxay kaa dhibaysaa hadaad hadda jilibka u laabto oo aad barato salaadda iyo cilmiga waajibkaa oo dhan, sidda salaadda, soonka, sakadda, qubayska waajibkaa, iyo dhamaan cibaadaadka waajibkaa. Waxaa dhibaatto ka taagan tahay in dhalinyaradda qubaysku qubays un u yahay oo aanu u kala duwanayn. Qubaysku wuu kala duwan yahay qubayska janaabadda looga qubaysanayo lamid maahan qubayska aadka qubaysanayso boorka Xamar, aan baranno aanan iska sugno qubayska dahaarasho qaadashadda ee janaabadda anagoo waafaqayna sidda shareecaddeennu jidaysay.

KIISALAADIISA XUMAYNAYAY
Salaadda markaan xiranno ayaa miyir noogu danbaysa, faataxadddu waa nugu duubantahay, farataag taaga kalana waa iska caaddo. Hadba dhinac milicsigu kama marna salaaddeenna. sidda diiqii ayaan gawda gelinnaa salaadda. Salaadda arkaan teedda waxaa ka mid ah xasil. Waxaa lagaa rabaa in aad ku xasisho rukuucda, istaaga udhexeeya rukuucda iyo sujuudda, sujuudda, iyo fadhiga u dhexeeya laba sujuudood. Nabigeenna NNKH wuxuu arkay nin tukaday markaa buu ku yiri tuko ma aadan tukanne, ninkii wuu ku laabtay, wuuka faaruqay salaaddii. Wuxuu ku yiri haddana tuko ma aadan tukanne, illaa markii danbe uu yiri ninkii Nabi Alloow intaasaan aqaannaa. U fiirso ninkaas saxaabigaa sujuud kama tagin, rukuuc kama tagin, wax kalana kama tegin kaliya salaadda ayuu san ku xasilayn. Nabigu NNKH saxaabigii wuxuu u baray salaadda siddii ay aheed siyuu xasilka salaadda usugo. Xasilka salaadda ayaan oga socdaye markaan rukuucno, aan sugno rukuucda, marka aan rukuucda kalaabanno aan gaarno istaaga illaa aan u ekaano wax taagan. Sujuudda aan sugno ayadana, sidda diiqii yaan la gaawin waa sidda aan ubadanahaye. Fadhiga u dhexeeya labadda sujuudoodna sidoo kale waxaa loo baahan yahay sugnaan iyo xasilooni salaadeed. Afar meel ayaa lagaa rabaa xasil, rucuukda, istaagga ka danbeey, sujuudda, iyo fadhiga suguudda ka danbeeya.

DIB-U-DHIGISTA IYO DAYACAADDA SALAADDA
Alle wuxuu aayad quraanna kuleeyahay “halaag wuxuu u sugnaatay kuwa salaaddooda hilmaansan”. Ogaaw waxa laga hadlayaa waa qofka salaadda aan sii nayn himadda iyo mudnaanta e tukanaya xiligii uu rabo dayacanna. Dadka aan jameecadda asiibayn ayaa laga hadlayaa. Aan is waydiinno meeqa salaadood ayaan malinkii ku tukannaa jameecadda, sidee jameecadda oga fekernaa, mise waaba iska hilmaansanahay. Alle wuxuu jecel yahay salaadda waqtigeedda la ooggo. Alle majecela waqtiga lanacay, waqtiga nugu baaray, saan u danaysanayno ayaan tukannaa markaan wax aan qabanno wayno. marka aan dhamayno shaqooyinka ee xaafiisyadda la xirayo ayaan tukannaa waliba waxaanku tukannaa meelo aan u qalmin, meelo cariiriya, waxaan u tukannaa qaabkii aan sheegaynay e ninkii salaadiisa halaynayay, waan dhugdhugaynnaa! Alloow nabadbaaddi adaa badbaadda leh e’. Aan isku dayno in aan kutukanno jameecadda, watiga la nacay aan Alle kadayno aayadahaas quraan iy Axaadiithtaas sare ku xusan wax dhegaha laga furaysto kawan dhalinyaro. Banooniga iyo salaadda mudnaanta salaadaa leh, aan joojinno xiliga salaadda. Shaqaddda markaan ka nimaadno haddii salaad dhawdahay yaan la seexan.

ASTURKA IYO SALAADDA
Dhalinyaraddii waxa looga maaro la’ayahay labis aan ku haboonayn salaadda, sidda dib ka xirashadda surweelka, iyo buumayaasha jilbaha kusiman. Waxaan saraawiisha ka xirannaa baridda qarkeedda taasinna waxay keentaa in ay naga faydmaan marka aan gudanayno rugniga rukuucda iyo sujuudda, dabadeenna ayaa banaanaata taasina waxay keenaysaa in aan jabinno rugni ka mid ah arkaantii salaadda oo ah asturnaanta. Waxaa ayaduna sidoo kale ah wax aa laga xishoon saraawiisha kusiman/kasareeya jilbaha oo dhalinyaraddu oga daysaddaan ciyaar yahanno qaabeeya hab labiska dhalinyaradda runtiina dhalinyaradda ka gumaysta madaxa. Waxaa intaas sii dheer in dhalinyaraddu masaajidda la soo galaan Alle hortiisana la istaagaan calaamadda saliibka ee Kirishtanka ah, waliba ayadoo ay u saaran tahay dhanka bidix halka qalbiga dhalinyaradda ku beegan. Waa adeecitaan halkii u danbaysay, waa kudayasho, hogaansanaan nuucii ugu sareeyay e loo hogaan sanaaddo duul aan kugu diin ahayn, waa noolaynta dhaqan is laameed e khilaafsan dhaqan kaaga, waa isxilqaan iy fidinta afkaar shisheeye wax aan cadaab ahaynna laga dhaxli mayo cafiskii Alle waa halkiisa asaguna wuxuu u baahan yahay sexex shardi si luguu cafiyo.

Waxaanku talinayaa in aan la noqon qofka masaajidka u danbeeya soo gala una horbaxa, halugu nagaaddo hana la barto cilmiga axaadiithta iyo sunaha. Shaydaanka yaan loo hogaan sanaan, isku day in aad cabaar kitaabka furto maalinkii inta aad rabto aqriye. Hadaad aqriso maalinkii laba aayad kugu filan waqtina kaa qaadan mayso, maalinkaagana way noolaynaysaa, waxay ku gelinayaan labadaas aayadood xisilooni iyo Amni stress na in uu san kugu dhicin ayaa laga yaabaa hadaad ka sii badisana luguma heli karo.

KUDAYASHADDA Imaamka
Imaamka in la raaco e aan layska tukan waxaa ku ansaxaya jamcinta salaadda, kaligaa iskama tukan kartid waana waa jib in aad Imaamka raacdo. Raacitaanka shiiqa waxay lee dahay aadaab, waa in aad ka danbaysaa aadanna ka harin (tartiib, iyo Tartiil). Inaad oga horayso sujuudda ama istaagga ma banaaanna, isddoo kale in aad ka harto xoogaa ma banaanna, suurad dameer in aad yeelato ayayba dhashaa. Waxaa jira wax maanta aan dheyel sanayno laakiin aakhiro nugu waynaan doona, arimahaan waan samaynaa dhibna nalama lahan. Waxaan kaloo samaynaa in aan imaamka khilaafno marka salaadda laga baxo. Tusaale waxaad salaadda imaamka ku xiratay ayadoo labo ragco ama ragco ku dhaaftay. Siyaad u dhamays tirto waxaad u baahan tahay in aad la timaaddo wixii ku dhaafay ka gadaal marka imaamku gadoomo. Gadoonka imaamku waa salaama naqsiga u danbeeya maahan kan u horeeya. Sidaan u badan nahay waxaan shiiqa ka furannaa markii uu asalaamu calaykumta u horysa yiraahdo ma sugno tan labaad, arinkaas waa khilaaf waxaadna imaamka oga hartay meel dhexe, waa in aad imaamka sugtaa ilaa uu dhameeyo salaama naqsiga aadna hubisaa asalaamu calaykumta u danbaysa.

Gabangabo:
 maalinka qiyaame haddii salaadaadu burto oo ay noqoto mid aan si sax ah loo soo tukan jirin ogaaw camakaaga kale micne samayn mayo oo waa buray asna. salaadda iyo arkaan teedda asbuuc waa lugu baran karaa hadaanana cibaaddo kale baranayn aan salaadda hal asbuuc ku bixinno. cibaadda iyo diinka islaamku qiyaas maahan, “ra’yigu waa hebeen mugdiya, xadiiskuna waa maalin” salaad arkaan teedda aad cadba meelka soo koobiyaysay cibaaddo kuu noqon mayso, barro arkaanta islaamka. Qiil ma heli kartid diinku meel kasta ayuu yaalaa maanta. Qofkii aan sunaha alle baran qawlka eebe ma fahmin, aan baranno sunaha iyo axaadiista. Maanta caafimaad iyo waqti ayaan haysannaa barri maheli doonno. Wax fudud yaanan culays u yeelin. Maqaalkaan naftayda iy naftiinuu quseeyaa dhalinyaro.


W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
Previous
Next Post »