DIYAASBARADA IYO DARDAARANKAYGA

diyaabarada inta nootimid e siyaasada kuqaadan waxaa la yiraahadaa waa intii kadhacday
nolosha qurbaha e aadka u adag xawaarahana dheer. inta maqan e aan noo imaan waa in adkaysibadan tacabna geliyay nolosha qurbaha, sahalna aan usoo jeesan karin, wax soosaarna leh runtii.
diyaasbaradu door waxay ka qaadatay arimaha binu aadamnimada, iyo kaabista nolosha qoysaska, waa door fiican waxaa lugu cabiray inay nooga fiicanyihiin dhaqaalaha beesha caalamku nasiiso, waa laga yaabaa faankii Soomaaliyeed in uu kujiro oo qiyaaskaan waxaa sameeyay Soomaali, runtiina aniga waa ii muuqdaa doorkoodu waa wax in dhuhu qaban karaan.
kama hadlayo anugu in diyaasbaradu maalgaliso isku dhacyada, iyo dagaalada ahligaa ayadoo dhaqaalo soo marinaysa ahaladooda, dad ayaa qaba doodaan siwayn waliba, sidoo kale kama hadlayo falfalxumada lugu xanto diyaasbarada.
waxaa sidoo kale diyaas baradu hada saamayn ku leedahay siyaasada iyo dib u hagaajinta dalka, iyo dawladnimada. hanalaaka fiiriyo 20sano kadib markii wax hagaagaan waxay oran doonaan adinkoo maaro laydiin waayay ayaan idinka soo gaarnay. waa Soomaali oo nagama duwana dhibna malahan hadana xaqiiqadoo lahayo xaalada ogama darto. waan ka badanahay tiro ahaan inta siyaasada Soomaaliya gacanta ku haysa markii loo kala qaado diyaasbaro iyo dadka gudaha joogay, laakiin waxay hayaan haayadaha sare ayaka ayaa madaxnoo sida badana wazaaradaha iyo maamul goboleedyada hogaamiya, sidoo kale dalka xaafiisyada ugu sareeya ayakaa haga.
diyaasbarada siyaadada ku jirta waa la xantaa waxaa lugu xantaa in ay yihiin intii kasoo dhacday nolosha qurbaha oo ku dhisan tartan, anshax, iyo karti, diyaasbarada waxtarka leh waxay kujiraan maamulada, ganacsiyada, iyo hardanka nolosha qurbaha oo ah ninkii dayay ku degtaa. waxay ku galeen si adag mana u sahlana in ay sahal oga soo haraan, waxaa lugu doodaa inta nootimid waa in tafi waysay nolosha qurbaha iyo Yurubtaas kala cararaysa.
waxaan ku eedayna diyaasbarada nootimid in ay yihiin dad Yurub soo nacday, ayaku masoo nicin Yurub ayadaa soo nacaday baanku adkaysanaa, aragtidaan dadbadan ayaa ku fogaaday waase lays kalaga baran e aan fursad siino walaaleheen.
nolosha qurbaha gaar ahaan Yurubta waxaa lugu guul gaaraa tacab badan iyo waqtidheer cilmiguna waa lafdhabar, halka nolosha iyo siyaasada Soomaaliya sifududu lugu koro aanay u baahnayn dadaalbadan, waa kufilan baasaboor ajnabiya, ingiriiska oo aad kickicinkarto, iyo suudkood xiran taqaan.
diyaasbadara noo soo laabatay siyay noo caawiyaan haday yihiin dadkii waxtarka lahaa, kuwaasoo aan nolosha qurbaha aan tafi wayn Soomaaliya meesha aytaal orod ayay oga kicidoontaa, mudo koobana wax muuqda ayay qaban doonaan sidaan ogabaranay. hadaysan ahayn waynala haridoonaan, gadaalayna noo jiidi doonaan maadama ay fadhiyaan xaafiisyada dalka laga hago kuwa usareeya, wasaaradaha, Haayadaha madaxa banaan, baaralmaankana ay hifka yihiin, sidoo kale maamul goboleedyadana way harqiyeen.
xisaabi ma xumee ha na la ka fiiriyo inta nootimid waxa ay soo kordhiyaan ha na loo qiro libintoodaa yaan la abaal dhicin haday wax fiican oo mug leh nugu soo kordhiyaan haloo qiro.
afeef: hadalkayga ujeedkiisu maahan muujinta iyo buunbuunin kala duwnaan noo dhexeysa e wuxuu yahay garashada iyo milgaynta intii wax na tartay.
Previous
Next Post »