Madaxada Dhuusamareeb iskugu tagtay waxaa si wada jir ah
canaabu uga saarneed dhanka beesha caalamka iyo shucuubta ay hogaamiyaan. M.
Deni culays wayn ayaa ka saarnaa dhanka shacabka markii laga yimaado in uu eeda
la wadaago madaxda Soomaalida guud ahaan. Reer Puntland waxay Deni ku dhaliilsanaayeen
in ay dawladda Federaalkaa iyo xiriirka Puntland xumaaday, arrintaasna ay ku
dhacday siyaasad xumo Deni ee la hagaajin karo sidaasna waxaa runtii nugu seegay
ayay yiraahdaan waa shacabka Puntland e, dano farabadan, oo ay ugu horayso in
saamayntii siyaasadda Puntland hoos u dhacday ama ay siiro noqotay.
Deni maahane madaxda kale ee maamul goboleedyada wax
culaysihi kama saarnayn dhanka shacabkooda waayo siyaasadda maamulada kale
shirko luguma ahan shacabka iyo siyaasiyiintuna saamayn wayn kuma lahan.
Waalaga yaabaa siyaasadda iyo talada Galmudug in shirko lugu ahaan lahaa laakiin
ayadu waaba iska curdun. Si guud madaxda federaalka iyo maamul goboleedyadu
waayahaan way ku ceebaysnaayeen indhaha caalamka, waayo waxaa lugu jiraa xilli
xasaasi ah oo laga sugayay siyaasad ay heshiisku yihiin oo lugu wajaho
doorashada iyo cudurada aduunka ka jira.
KHUDBADIHII MADAXDA
Khubadaha madaxda maamul goboleedyadu meelo badan ayay iskaga
ekaayeen gaar ahaan Deni iyo Waare, khubadahooda waxaa ku jiray hal eray oo
ahaa “doorasahda yaan laga baqin”. Waare wuxuu hadalkiisa oo dhiira gelin ka
helayay kii Deni maray meel u dhaw kii Deni. Qoorqoor asagu cidna ma taaban
karin wuxuu ilaashanayay dano muuqda, halka. Axmed Islaam uu iska ilaalinayey
qaadaa dhigga iyo falaaqyanta bulshada ka imaan kara hadduu katan-dhable ku
hadlo waliba si bisayl ku jiro ayuu uga siibtay. Laftagareen wuxuu u muuqday
nin ay latahay waxa ay latahay madaxda kale mana jirin asagu cid uu la
xifaaltamayay awalna is hayntooda waa uu ku dhibanaa oo culays ayay ku aheed,
farxad ayay uga caddeed Laftagareen.
M. Qoorqoor khudbadiisu waxay eheed khubad u
badan mahdin iyo maro-ilaalin. Wuxuu ku raaxaysanayay ereyada soo dhawaynta iyo
sagootinta. Wuxuu sidoo kale aad u laxawsanayay madaxsalaaxa dadkii la
martigeliyay oo ammaan kala dul dhacay Galmudug.
M. Deni wuxuu u hadlay si kudhac iyo
raganimo ku jirto markii loo eego mawqifyadiisii hore, wuxuuna u muuqday nin
waxbadan liqay. Deni khudbadda uu jeediyay wuxuu ugu talagalay in uu ku
qaabeeyo ra’yul caamka. Tusaale wuxuu taabtay in ay dabadan oo xildhibaano ku
jiraan shirka miro dhalkiisa ka qayb qaateen. Waxaa xusid mudan in ay suuqa
taalay in madaxda oo 7 qof aheed waxaan ahayn aysan shirka door ku lahayn
waxaana si wayn uga hadlay Amb. Yuusuf garaad. Waarun madaxda albaabka ayaa u
xirnaa waxa shirka kasoo baxayna ayaka unbaa isla gartay.
Sidii Deni u yimid waxaa bannaanka yaalay in madaxda
maamulada iyo dawladda federaalka ah khilaaf u dhexeeyay. Deni si ku dhac iyo
geesinimo leh ayuu u yiri “waa yahaan khilaaf ayaa jiray laakiin waxaan
cadaynaynaa in aan la shaqayn doonno madaxda” hadalkaas ma ahayn mid si fudud Deni
ku dhihi karo sida la filayey laakiin waa uu ku dhacay waana yiri. Hadalkaan
waxaa soo dhawayn doona siyaasiyiinta reer Puntland waxaana ku laab qabowsan
doona shacabka reer Puntland.
Deni khubadiisa inta
danbe waxay u badneed falaash iyo toosh ku ifin aan sarbeeb duugan ka marnayn.
Wuxuu falaashka u billaabay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyihiisa
baarlamaanka oo aan runtii waxa u jeeda aan la arkin oo ku hoos xabaalmay
Qoorqoor. Sallaan ujeed leh ayuu Deni la sii maray masuuliyiinta aan sheegay,
waxaa xusid mudan masuuliyiintaan wax sheegi jiray iyo wax xusuusan jiray way
yaraayeen. Munaasabadihii waa waynaa ee Galmudug kasoo dhacay inta la xusay way
yartay amaba lama xusin.
Deni intaas kuma ekaan wuxuu sii falaashay madaxwaynaha oo
yiri “madaxwaynaha waan la shaqaynaynaaye doorasho fiican ha galo”. Arrintaas
fasiraad badan ayay yeelan kartaa, waxay noqon kartaa in uu kala jeeday,
madaxwaynuhu yuusan hunguriyay waqti kororsi iyo kursi la cararide, si sharaf
leh dadka ha u la tartamo, doorashana ha qabto. Sidoo kale Deni wuxuu carabka
la aaday siyaasiyiinta daaha gadaashiisa siyaasadda ka walaaqaya oo uu yiri “ragga
naga maqan hayimadeen waan la shaqaynaynaaye”, wuxuu kala jeedaa siyaasiyiinta kuraasta
raba lana dirirsan madaxda maamul goboleedyada.
M. Waare wuxuu si toos ah u aaday mahmahaa ku
qaloocatay M. Faramaajo taasoo aheed in qofka lugu tijaabiyo caafimaad kiisa
madaxa, haan hoos ka daloosha buuxinteeda. Haddii qofku haanta biyo kushubo oo
uu isku dayo in uu dhaamiyo caafimaad darro ayay muujinaysaa. Mahmaahyadiisa
waxaa loo fahmay; qofk iyo cod qabashadeedu waa haan salka ka duleesha buuxi,
waxaana qof iyo codku doodayay M. Faramaajo. Sidoo kale wuxuu raaciyay in aysan
soconayn fantasiye siyaasadeed iyo faan. Arrintaas wuxuu ku durayay siyaasaddii
M. Faramaajo uu ku xaragoonayay ee aadka u qiiradda badneed (qof iyo cod),
Wuxuu sidoo kale farriin cad u diray dad uu ku sheegay dad kuraasi dusha u
saarantahay.
M. Axmed Islaam oo aad loo sugayay arrintiisa iyo
khudbaddiisa, wuxuu hadlkiisa ku billaabay mahmaahyadii Soomaaliyeed ee mugga
wayneed, “Gacmo Geelijire hoos ayaa loo dhaqaa, wexeenana hoos ayaan u
xalisannay” ayuu yiri, wuxuu u muuqday nin la cararaya cad uu ka cabsanayo in aan lootufin, waxaa ka muuqday in uu helay tiimbarihii xalaalaynta
kursigiisa oo ay muran geliyeen Nabad iyo Nolol. Ahmed horay wuxuu usoo dejiyay
oo kolayga ku sitay MP. Cabdirishiid Xidig oo uu kala kulmay loolan adag. Wuxuu
u muuqday in ay M. Faramaajo ku heshiiyeen si dani ugu jirto waa Axmede laakiin
xoogaa uu qawid sanyahay oo uusan ku jiifan karin ballan Khayre iy Faramaajo
waayo; horay waxay u wada hadleen Khayre oo Kismaayo loogu sameeyay fantasiyo
wixiina waxba kama soo bixin. Islaam wuxuu ku cataabay in lays cafiyo oo
caloosha laysku furo, wuxuu cadeeyay is xumaansiga in aysan lahayn wax faa’iidaa,
wuxuu sheegay in layska warqabo oo laysku xirnaado, wuxuu u muuqday nin ku
riiqay is riixriixii siyaasadeed ee soo jiray waayahana.
M. Laftagareen horay ayaan usoo sheegnay waxka
badanna kama sheegi karno. Laftagareen waxaa dhib, culays iyo eed ku hayey
khilaafka madaxda maamulada iyo dawladda federaalka ah. Laftagareen qadarin iyo
kool koolin kuma qabin federaalka, kursigii ay saareen ayay uga dul tageen mana
soo fiirin, marka uu asagu u yimaadana salaam xiiso leh ma salaamaan umana sara
kacaan, waxay kasoo qaadeen kursigiisa kursi ay ayaku leeyihiin oo meel amaana
u yaalla. Laftagereen duco gaar ah ayuu ducaystay dhibkii ayaa xalay Ilaaheey
ka dul qaaday mar haddii ay afka Deni kasoo baxday isma hayno madaxda
federaalka. Laftagareen wuxuu ku celceliyay “maanta ayay naga hartay waa lays
khilaafsanyahay waad maqlaydeen Deni” hadalkaas wuxuu tusayaa in ay utun ku aheed
Laftagareen khilaafka waayo nin uma hiilin karo wuxuu ahaa Hal labamidigle
araacay.
R. Khayre asagu wuxuu ka hadlay cunto, cuntana
si aan u faalayno ma naqaanno waxaase dhib iyo culays ku hayay agfadhiga Deni
oo ka miisaan waynaa. Khayre ammaan uu Qoorqoor uday ayuu usii mariyay reer
Galmudug. Si toos ah in uu u amaano way la haboonaan waysay wuxuu dhex
marsiiyay amaanta reer Galamudug.
Khudbadda M. Faramaajo wuxuu galay taariikh uu uga
sheekaynayo dadaaladii dhawlad dhisidda Soomaaliya, wuxuu eed kala dul dhacay
COVID19 oo uu ku eedeeyay in uu cuuryaamiyay dadaalo uu ka galay arrimaha
doorashada. Madaxweynuhu wuxuu u muuqatay in uu wali agtaagnaa haantii Waare
sheegay oo uu san ka quusan riyadiisii qof iy cod ee uu Waare ku sheegay
fantasiye aan laga dhabayn karin. M. Faramaajo xooga wuu iska fogaynayay eeda
ah cidda diidan qof iyo cod, wuxuuna arrinta u ekeeysiiyay in ay jiraan dad
diidan in shacabka lugu celiyo awoodda arrintaasna uu qaatil ka taaganyahay.
Khubaddiisa wuxuu ku gaban gabeeyay qiimayn uu kusameeyay
xukuumaddiisa oo sheegaysa in ay meel fiican ku wadaan, asagoo raaciyay in
shacabku iska aaminaan oo ay niyadda iska wanaajiyaan.
Khudbadaha Axmed Islaam iy Deni waxay iska la haayeen in ay
dulqaad ka sheegeen madaxda dawladda federaalka ah, runtiina lama fahmin
dulaqaadkaas ay ka sheegayaan waxa uu yahay iyo sida uu ku yimid. Nabad iyo
Nolol waa u daranyihiin madaxda maamullada, il naxariis leh iyo gacan turiinana
kuma taagan, sidaas daraadeed dulqaadka ay ka sheegayaan durriin ayaa loo fahmi
karaa.
Waxaa la oran karaa M. Deni ayaa qaabeeyay khubadaha ay
jeedinayeen madaxda maamul goboleedyadu dhamaantoodna asaga ayay raaceen.
Madaxda maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ah waxay
fadhiyeen maalmo Dhuusamareeb, waxay soo saareen warmutiyeed aan xaaladda dalka
la jaanqaadayn waxayna u muuqatay in ay go’aan ka qaadan waayeen arrimaha
doorashada iyo guraastii gobolka Benaadir ee Aqalka sare laga siiyay. Labadaan qodob
waxay ahaayeen qodobada ugu xasaasisan ee laga sugayay in madaxdu ka hadlaan.
Qodobadaan waa masiiri si sahlanna go’aan loogama gaari karo,
arrintu in ay sidaan tahay way ku baraarugeen sida muuqata madaxdu, waana tan
keentay in ay wax go’aan ah si sahlan uga gaaraan. Markii ay shirka soo
aadayeen waxay ahaayeen niman isku hilloowsan oo waji-gabax dhameeyay
shacabkana ku hor ceebaysnaa sidaas ayay hal haleel ugu soo daateen markii
Galmudug ku dhawaaqday gogosha.
Amb. Yuusuf Garaad ayaa horay u duray shirka, wuxuu ku duray in aysan madaxdu la tashan dadkii la socday iyo in ay yihiin dadkii taladu ku dhammaan laheed ayna u dhaqmayaan sidii dadkii taladu ka billaabanaysay. Waxay u muuqataa in madaxdu ku baraarugtay warka Yuusuf Garaad, oo ay hadda guddiyo farsamo is kaga dhiibi doonaan, hadalka Yuusuf aad u saameeyay natiijada heshiiska Dhuusamareeb ayaa la oran karaa. Su’aal ayaa imaanaysay, gudiyadaas yaa ka mid noqonaya, sideese lugu gelayaa?.
Arrimaha laga hadlayo waxaa u muhiimsan doorashada, sidaas
daraadeed waxaa la filayaa in madaxwayne kastaa soo dirsan doono oo gudiga ku
dari doono dadka uu ku kalsoonyahay kaliya. Si kale hadaan u dhigno, madaxdu
waxay gudiga kusoo daridoonaan maamulayaasha kaanbaynadooda doorashada.
Madaxda maamulgoboleedyada iyo dawladda federaalkaa waa isku
agdheceen, muddo ayay isi soo hayeen, dadkii iyo beeshacaalamka waa ay ku
horceebaysnaayee. Waxay la noqotay in ay Soo saaraan war muryiyeedka aad
aragteen kadib maalmo ay qol ku wada jiree. Waxay ku biyashubatay taladii
Yuusuf garaad. Waxaa hadaladooda ka muuqday in ay ku wada hadleen markii ay ku
jireen qolka kaligood ah aan kala nabad galno oo qofba qofka kale shartiisa
haka hayo laakiin siyaasadu sidaas ma ogola.
Madaxdu shacabka waxay ugu baaqeen in aan la baqin laakiin
uma sheegin wax baqdinta layskaga daayo, shacabku waxay aaminsanyihiin in
mustaqbalkoodii dabku baxayo yaan la baqin afka ahna kuma gam’I karaan.
Madaxda qaarkood warmurtiyeedka siday u calalinaayeen ayay
biyo ku liqeen qaarna sidiisa ayay u liqeen ayakoon calalin.
Waxaan ka warsugaynaa Shirka 15ka Ugaasto sida lugu heshiiyay
xalayna la aqriyay, baaqasho iyo dib-u-dhac labada waa la filankaraa waxaa
laga yaabaa in laysku mari waayo arrimaha qaar. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in
maamulaa qaar oo ay ka xayirnaayeen deeqo caalamiya loo fasaxo sida arrintaas
loo hirgeliyo ayayna ku xiran tahay sida shirkaas layskugu yimaado, sidoo kale
sida layskugu fahmo qodobadii doorashada iyo gobolka Benaadir aan ayaduna ka
marnayn samaynta shirka.
W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla
https://www.facebook.com/Cabdew
ConversionConversion EmoticonEmoticon