MIISAANKII LAYGU QALQAALIYAY IN AAN FUULO EE QIIMAHA LA IIGA QAATAY





Falsafaddii dahabiga aheed ee dadka lacagta looga gurtay iyo sidii laftayda la iiga qaaday lacagta ayaan idiin kaga sheegayn doonaa anoo sheekada dhawr qaybood ka kala dhigitoona si aadnan ugu caajisin, illaa sedex qaybood ayaan ka dhigay.

Muqdisho laba nin oo miisaanka dadka lugu cabiro ku shaqaysan jiray oo aan ku arki jiray mid Bakaaraha midna KM4 illaa KM5 inta u dhexaysa, waxay noqdeen dadkii iigu falsafadda badnaa marka laga hadlayo Badeeco gadista iyo socod siinta Suuqa.

Nimankaan waxaan sidaan ku qiimeeyey ka dib markii aan wax ka bartay Badeeco/Adeeg gadista oo xoogaa cilmi ah iiga baxay. In aad Badeecadaada ama Adeegaaga socod siiso ayadoo aysan waxba u socon Dadka kula mid ka ah ee adeegaagoo kale bixiya wax sahlan maahan.

Aan diin kala baxo Sheekada ragaan aan sheegay iyo adinka anoo isku deyaya in aan sideedii idiinkugu sawiro sidii in aad goob joog u ahaydeen.

Qiso Qosol Badan oo Qiimo badan Joogta

Waa galab Qoraxdu baalka sii dhigayso oo ay jawiga dhan dhiin guduudan ka dhigtay, waxaan marayaa Isgoyska Benaadir, dhismaha Wakaaladda biyaha hortiisa. Waxaa waxaa Ishaydu qabtay Dad laamiga dhiniciisa dhooban. Waan ku leexday, Dadka waxaa dhex boodboodaya nin jir yar oo caato ah, afkana Ubur ka dhoobaya oo kiishad yar ay ugu jirto lacag shilin Soomaali ah oo qiyaastii kunkun ama mayee laba labo iskugu duuduuban Kellida uga lulato, korkiisa hadaad eegto dandarro naffeed, mid jireed iyo mid arrad intuba waa ka muuqdaan.

Dadka ku xoonsan way wada qoslayaan, miyirkoodu wuxuu ku maqan yahay nin inta caloosha tunburyo looga dhiftay amar lugu siiyay in uu si degdeg ah u koro makiinad midda dadka lugu cabiro ah oo duug ah oo ciidda baalka kula jirta, waxa tunburyada ku dhifanaya oo amarka bixinayaa waa ninkii ugu tabarta yaraa inta meesha joogta ee aan horay Isha ugu dhiftay. Ninku sida uu Dadka fiirinayo iyo sida uu Sanka u taagayo waxaad moodaa in uu balaayo damacan yahay, meel istaagi maayo, wuxuu si saa'id ah u isticmaalayaa Tamar aanan u jeedin meel uu ka qaadanayo korkiisana aan iiga muuqan, waa naf Neef ka dhawr ah oo aan is iri amuusan si dhamaystiran u naafsan karin?. Afartiisa Addin oo laysku duubay ma dhama halkayga Adsin sidaan qiyaasay naftaydu ma waawaynaan badni oo Indhaha dadka ma buuxiyo, hadana ninkaani iga sii daran.

Ninkii miisaanka sii fuulayay markaan imaanayey oo ka soo dagaya ayaan Isha ku soo celiyay asagoo ka soo degaya Miisaankii, markiiba wuxuu muujiyay qanaaco oo asagoo fajacsanna dhanka kale u degay lacagna bixiyay. Wuxuu ku biiray dadkii meesha xammaasadaysnaa. Dadka shaqadoodu waxay tahay baan is iri in ay dadka ku dhiiri geliyaan in ay Miisaanka fuulaan, waayo, qofkii Waddada maraya iyo kii yimaadaba ayakaa u yeerayey oo lahaa "kaalay ninkaan laga yaaban yahay u imaaw" qofku marka uu yimaado oo uu ku soo leexdo Gacan haatiska wadarta meesha dhooban, hadana uu arko waxa ninka lifta yari sheegayo, waxaa dhalaysa ka dabata waxa la sheegayo oo tijaabi. Waan u fiirsaday, waxaan is iri amay raggu shirko yihiin oo wuxu TuRurubkii Ceelgaabta oo kale yihiin?. Hadana anaa isu jawaabo oo waxaan isku qanciyaa Ragga meesha dhooban iyo waxa ninku qaadayo wax shirko lugu noqon karo maahan ninka laftiisuna wax shirko lala noqon karo maahan.
Mid kale ayaa loo yeeray, waxaa la soo taajiyay meel bannaan oo Dadku ka kala si kadeen, markii qofku halkaas oo istaago ninka aan sheegay ee nafta yar ayaa qofka ku wareegaya asagoo Indhaha ku gubaya, suu ugu wareegayo ayuu mar qura meel ku aadan Xuddunta ayuu Gacantiisa jug uga siinayaa  suu ku oranayaa waxaad tahay intaas oo kiilo fuul miisaanka qofku intii ayuu noqonaya, waxaase mushkilad ah sida uu gacanta ugu dhifanayo, qofku waa gariirayaa oo meesha uu markaas Cagaha ku hayo waa ay ka qaadmayaan. Ujeedka uu ugu dhifanayo sheekada qaybaheeda danbe ayaad ku ogaan doontaa. Qof aan jugtaas lugu dhigan fuulimaayo  Miisaanka.

Waxaa la soo gaaray xilligii anigana laysaari lahaa, malaha waxaan is iri waxaa tahay ninkii ugu madaxa adkaa ee soo mara, waqtigii ugu badnaa ee qof meesha yimaada is dhangiijiyana waad is dhangiijisay, markaan waxaa xoogaa i jilciyay, arrinta ninka
Dadkii oo dhan waxa uu sheego ay noqonayaan ama ay ku dhawaanayaan, lacagtii oo iigu jirtay jeeb hoose ayaan kala qaybiyay oo aan qoondadiisii soo geliyay jeebka kore, illeen ninkaan seerayn maayo oo lacagi in ay san ii baaqanayn way muuqataaye.

Markaan lacagta soo diyaarinayey ee aan kor soo gelinayay qoondadiisa ayaa kuwii orinayay kii ugu fudaydka badanaa Isha igu dhiftay oo iga arkay meel laba qof dhexdeed ah oo cariiri ah, malahaygana wuxuu iska dhaadhiciyay oo u qaatay in aan diyaar ahay oo hallay saaro aan leeyahay, meeshii yareeduu isku soo majiiray asagoo leh………… Dabadeed waxaa dhacay tii ugu darned. Qaybta danbe ayaad ku ogaan.



Sheekada in aan wax ka tagay ama aan wax ku daray waa laga yaabaa waqtiga oo fogaa iyo sheekada oo aan qurxinayey hadana qisada ninkaan waa run waana laga yaabaa in qaarkiin aad aragteen ninkaas sida aan sheegay ayuuna u dhaqmayay oo wax u socodsiinayay, wuxuu ahaa qof aan caadi ahayn, qaybaha kale ayaad ku ogaan doontaan xog kale oo cajiib ah.

Follow Me
https://twitter.com/Cabdew
https://twitter.com/Cabdew
Previous
Next Post »