DIYAASBARADA SOOMAALIDU WAXAY NOQOTAY GEEL LABA MIDIGLE RAACAY

 


𝘈𝘥𝘶𝘶𝘯𝘬𝘪𝘪 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘢 𝘴𝘪𝘪 𝘴𝘢𝘢𝘲𝘢𝘺𝘢 𝘤𝘶𝘯𝘴𝘶𝘳𝘪𝘺𝘢𝘥 𝘤𝘢𝘺𝘳𝘵𝘪𝘪𝘯𝘢 𝘤𝘢𝘨𝘢 𝘣𝘢𝘥𝘢𝘯 𝘬𝘶𝘮𝘢 𝘵𝘢𝘢𝘨𝘯𝘢.

Dalkaan waxaa naftu uga jirtay lacagaha diyaasbaradu dibadda ka soo dirto, taas oo ka deg degsiimo badan gargaarka beesha caalamku la soo luudo oo aan garriinka dhaafin, markii loo fiiriyo deeqda diyaasbaradeena.

Diyaasbaradii markii ay is yiraahdeen dalkii aad beerateen ku bagaaxa waxaa ka hor timid magac bixin aan qaban iyo is qaybin qaawan (qurba-joog iyo Qaran-joog).

Qurba joogtu waxay si toos ah oo muuqata door shariifa uga ciyaareen; 1- Yaraynta iyo ka hortagga faqriga guud ahaan, gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada reerahooda. 2- Hogaaminta dalka iyo hal abuurka ganacsiyada iyo 3- xiriirta deeqaha caalamigaa iyo ka faa'iidaystayaasha Soomaaliyeed.

Qurba joogtu waxay u yimaadeen dalkii uu ku tiirsan dalalkii ay kasoo tageen. Waxaa u fududaatay in ay la jaanqaadaan fursadaha dalka ka jira, taasoo keentay eed, sidoo kalana ku soo jeedisay indhaha dadkii horay u joogay dalka.

Diyaasbarada dhinacna u ma fayooba, qurbaha waxaa hooshka ku qaaday cusuriyad dalkii gudihiisana waxay wajahayaan haruuf baaxad wayn.

Dalka diyaasbaro ayaa hogaamisa sidoo kale degmooyinka badi diyaasbaro ayaa hogaamin doonta halla soo dhaweeyo.

𝐖𝐀𝐐𝐓𝐈𝐆𝐈𝐈 𝐃𝐀𝐇𝐀𝐁𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐇𝐀𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐒𝐁𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀

xukuumadda Hassan Ali Khaire Nabad iyo Nolol waa marka ay siyaasadda dalka hogaamiyeen qurbajoogtii ugu badneed abid ee dalka hogaamisa.

Diyaasbaradu waxay hogaamiyaan hey'ado dastuuri  ah iyo kuw aan ahayn sidaasna waxay ku ciyaareen door muhim ah.

Aan ku billabo e madaxwaynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Faramaajo) dhawaan ayuu tuuryo ku xaabiyay baasaboor dalka maraykan ka ah.

1- Ra’isul wasaaraha dalka mudane Xassan Cali Khayre wuxuu haystaa baasaboorka dalka Norwey.

2- Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad wuxuu hastaa baasaboorka dalka Kanada.

3- Wasiirka wasaaradda qorshaynta Jamaal Maxamed Xassan wuxuu wataa baasaboorka dalka Kanada.

4- Wasiirka waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre wuxuu haystaa baasaborka dalka Kanada.

5- Wasiirka duulista hawada sare Cabdullaahi Salaad Oomaar wuxuu haystaa baasaboorka dalka Kanada.

6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin waxay haysataa baasaboorka dalka Kanada.

7- Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac wuxuu haystaa baasaboorka dalka Kanada.

8- Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiqi Warfaa wuxuu haystaa baasaboor dalka Maraykanka.

9- Wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xassan wuxuu haystaa baasaboorka dalka Denmark.

10- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs. Fawziya Abiikar Nuur waxay haysataa baasaboorka dalka Talyaaniga.

11- Wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle wuxuu haystaa baasaboorka dalka Maraykanka.

12- Wasiirka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka Badda Maryan Aways Jaamac waxay haysataa baasaboorka dalka Tanzaaniya.

13-  Wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalaynta Eng. Cabdi Maxamed Sabriye wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK.

14- Wasiirka amniga gudaha Abuukar Maxamed Islow wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK.

15- Wasiirka wasaaradda cadaaladda Dr. Xassan Xusseen Xusseen wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK

16-  Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo dib-u-dhiska Cabdi Aadan Hoosoow wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK.

17- Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Xamza Macalin wuxuu haystaa baasaboorka boqortooyada UK.

Wasiirada xukuumadda Xassan Khayre waa 25 sawiir markii aad fiiriso inta qurba joogta aheed waa tiro aad u badan waxayna tusaale cad ka tahay kaalintoodii hogaamineed waana mid aan la inkiri karin.

Waxaa intaas sii dheeraa sawiiro xigeenada, wasiiro dawlayaasha, agaasimayaasha iyo xildhibaanada diyaasbarada ah, sidoo kale waxaa jira gudoomiyayaa degmo iyo gobo loo haysta baasaboorro.

Waa laga yaabaa wasiirada qaar sida aan ku sheegay in aysan ahayn oo aan isku qalday laakiin waxaan shaki ku jirin diyaasbarada in ay u eheed xilli dahabi ah muddo xileedkii Khayre.

Dad ayaa ku dooda waxaa dalka ku soo laabtay diyaasbaradii aan tayada ahayn ee tafiwaayay nolosha adag ee tartanka ku dhisan ee qurbaha, ku waasoo halkaan miciin biday.

Waxaa xusid mudan in diyaasbaradu doorka ciyaaraan yaraynta faqriga oo ay soo diraan bishii lacago gaaraya 1.4 bilyan sida Bangiga aduunku sheegay, waxay sidoo kale doorka ciyaaraan hal abuurka iyo soo kordhinta ganacsiyada wax ku ool ka ah. Arrintaan oo faahfaahsan mar kale ayaan ka hadli doonaa.

Waxaa iswaydiin mudan mar haddii madaxweynuhu tuuray baasaboorkii ajaanibka ahaa arrimo la xiriira damac siyaasiyo iyo olole siyaasadeed madiidi doonaa in xukuumadda soo socota soo gasho qurba joog farabadan?.

Haddii arrintaan madaxweynuhu siyaasadeeyo, gabalka ayaa ku dhici doona diyaasbarada waxayna u noqon doontaa rajo xumo. Waxaan ka war sugnaaba waa magacaabista soo socota oo laga yaabo in ay soo laabtaan wajiyadii hore oo diyaasbarada u badannaa.

Follow:

https://twitter.com/Cabdew/ 

https://www.facebook.com/cabdew  

Previous
Next Post »