Facebook Pages-ka Ganacsigaaga si Sax ah ma u Isticmaashaa? Sidee loo Isticmaalaa?

 Facebook pages-ka sida ugu wanaagsan ugama faa’iidaystaan ganacsiyada Soomaalidu (qaar)!!

Waxaa aad u soo badanaya baahida ay ganacsatadu iyo ganacsiyadu u qabaan  baraha bulshada si ay ugu suuqgeeyaan badeecadaha iyo adeegyada ay bixiyaan u lana xariiraan macaamiishooda.


Si duug xayisiin samaynta waa lugu dhibqabaa oo cilmi badan looma lahan intaan arkay, qofka xayisiin u xilsaaran shaqadiisu waxay tahay in uu waxgado, Soomaalida wax xayisiisaa dadka waxba kama gadaan ee waa u xaraabeeyaan ama ka qosliyaan, markaas waajibkoodu wuxuu noqonayaan maaweelin waana khalad!!

Qoraalkaan oo dhawr qaybood ah, waxaan ku iftiimindoonaa, qaladaad dhawr ah oo aan ku arkay marka dadku ay Facebook farriin soo dhigayaan isla markaasna ay lacag ku xirayaan. Qaladka u wayn wuxuu dhacaa marka Facebook lacag lugu xirayo, sidoo kale shaqadaas waxaa loo diraa dad aan ahal u ahayn, dhamayso qoraalkayga oo dhawr qaybood ah, waxaan isku dayayaa in aan wax ku kordhiyo wacaalkaaga.

Baraha bulshadu waa meel uu ka jiro Suuq, ayna yaaliin baahiyo fara badan sidoo kalana looga baahan yahay xog badeeco iyo adeeg.

Ujeedka qoraalkaan wuxuu yahay in aan ku iftiimiyo qaladaad yaryar oo iiga muuqday xayisiimaha aan Facebook ku arko 90% qiyaastayda. Wixii noo saxan way noo saxanyihiin-oo waa sidii la rabay laakiin waxaan diiradda saaraya inta toosinta u baahan ee naga qaldan.

Baraha bulshadu waa platforms u baahan barasho iyo in la darso si aad si qumman uga faa’iidaysato, hadaan ka soo qaadanno Facebook, wuxuu leeyahay casharro loo kala xadeeyay 8 darajo. Darajo kasta ama Kooraskasta wuxuu ka sii kooban yahay ugu yaraan 40 cashir oo aad u gaagaaban. Sida Post aad soo dhigtay lacag loogu xiro waxaa lugu bartaa cashar gaar ah, sida followers-ka page kaaga loo kordhiyo waxaa lugu bartaa hal cashar halka samaynta page-ka lafteeda lugu barto cashar gaar ah laakiin Soomaalidu wayska xoogsataa oo waxaan ku isticmaalnaa ku day iyo ku dhifo.

 

Marka ganacsi loo samaynayo Page, qofka ganacsiga iska leh wuxuu u tagayaa qof multimedia ah ( designer), wuxuu ku dhahayaa, waxaan u baahnahay in aad Facebook ii samayso isla markaas ii maamusho aadna ii ilaaliso, aadna ii horumariso oo aad kor u qaaddo dadka ku tixan.

Sidoo kale waxaan kaa rabaa in aad xayisiimaha ii maamusho oo aad joogto xayisiin ugu xirto intaas kaliya maahane waliba waxaan kaa rabaa in aad markasta ii curiso farriimaha la soo dhigayo.

Hadaba waxaas oo dhan maahan shaqada qofka naqashadeeyaha (designer) ah, waxaad u diraysaa shaqo uusan lahayn, shaqadiisu waa muujin qurxin (visualizing), maahan xayisiin qore (copywriter) maahan xog curiye (content developer) maahan page iyo xayisiin maamule (social media promoter and ad runner), maahan sheeko dhaliye (story-teller).

Waxaani waxay shaqadooda tahay dad kale oo ah khubaro baratay xiriirka (communication Consultance) qaybahooda social media promoters, copywriters, xog curin (content developers), sheeko curin (story-tellers) ku waasoo si fiican u yaqaanna sida xayisiimaha baraha bulshada loo xiro ama loo maamulo (adds running).

Page marka la abuuro shaqada koowaad ee loo baahan yahay waxay tahay, koow in page-kaas la dhiso oo la buuxiyo sharuudaha uu Facebook lagama maarmaanka ka dhigayo oo ay ugu muhiimsan tahay in la hubiyo in amaanka iyo badqabka page-ka, wax kale hadaysan ku dhicin page-ka waxaa laga yaabaa haddii aad si deg deg ah ku gaarsiin wayso dadka ku tixan 100 qof in laga dhigo un-public (mid aan loo jeedin).

Marka xigta waxaa loo baahan yahay in la joogteeyo page-ka oo mar walba wax la soo dhigo si uu u ahaado mid markasta laga arko timeline-ka dadka ku soo tixmay iyo kuwa ku sii tixan.

Arrintaasi waxay u baahan tahay juhdi iyo dadaal dheeri ah, mana qaban karo qof wax kale ku mashquulsan, waa in uu jiro, qof xirfad u leh, keenista dhegayste sax ah, qof kasta oo jooga baraha bulshada ma ahan dhagaystihii kugu haboonaa. Ganacsi kastaa wuxuu leeyahay dhegayste gaar ah.

Ganacsiyadu isku mid maahan, tusaale, Isbitaal iyo maqaayad isku dhegayste maahan, waxbadna ayayna ku kala duwanyihiin marka ay joogto in xayisiin loo sameeyo.

La soco qaybta 2aad.

Waxaad ku ogaan doontaa sida ay u dhacan yihiin dadka Facebook xiyisiimaha ku xira.

Fursadaha la haysto oo aan laga faa'iidaysan.

Sida qaldan ee dhagaystayaasha loo soo xero geliyo iyo sida saxda ah.

IWLM ila soco.


Samaynta xayisiinta iyo aqoonta isticmaal ka applications-ka sida Facebook iyo Twitter waa kala labo kala madax banaan shaqana ana isku lahayn, mar ayaan samaynta xayisiinta gaar uga hadli doonaa laakiin waxaan hadda diiradda saarayaa qaladaadka ka jira isticmaalka baraha bulshada waxa la soo dhigayaa waxay doonaanba ha noo ahaadeene.



Previous
Next Post »