FACEBOOK PAGES-KA GANACSIGAAGA SI SAX AH MA U ISTICMAASHAA? SIDEE LOO ISTICMAALAA?

QAYBTII 2-AAD: Xayisiin samaynta iyo Facebook

Ganacsiyadu way kala duwanyihiin, Bangiyada iyo Isbitaalada oo kale aad bay u sahlantahay in loo diyaariyo content (xayisiin/farriin). Uma jeedo; way sahlantahay in la sameeyo farrin 3-da ilbiriqsi ee u horraysa qofka dareenkiisa qabanaysa-ee waxaan u jeedaa, faafimaadku waxyaabaha loogu baahi badan yahay ayuu ku jiraa halka bangiyada iyo maaliyad wixii la xiriirana ay dadku aad u daneeyaan, taas ayaa keenaysa haddii xitaa qofku uusan farriinsamaynta aqoon in uu markiiba qabsan karo dareenka qofka.

Xayisiinta dhegagan (inclusive message) iyo qofka xayisiin sameeyaha ah waa jibkiisa, marbaan ku dheeraan doonaa ee aan hadda aado waxyaabo yaryar oo aan ka sixi lahaa ganacsiyada qaar.

Waxaad arkaysaa pages ay Isbitaallo leeyihiin oo aysan dhagaysan dad badan, wax dhaqdhaqaaq ahna aan samaynayn, waxaa keenaya in aan marka hore si fiican loo fahmin muuhimadda uu page-kaas u leeyahay Isbitaalka, waxaa laga yaabaa oo aad arkaysaa Isbitaalkaas oo page qof kale ku bixinaya lacag ayadoo uu dhahayo; i gaarsii dhagaystayaasha kugu xiran. Muxuu uga baahan yahay?


Waqgtigaan la joogo, waa in uu ganacsi walbaa leeyahay Facebook page, isla markaasna waa in uu xilli walba kala hadlaa oo kula xiriiraa macaamiishiisa. Hadaad Facebook page kaaga si wanaasan uga faa'iidaysato waxaad fursad u haystaa in aad marka aad doonto aad la hadli karto tirada aad doonto oo dhagaystayaal ah, sidoo kale waxaad fursad u haysataa in aad ogaato oo aad iska tiriso inta qof ee aad gaarto, waxa ay kaa aamisan yihiin, waxaad u la hadli kartaa sida aad rabto adoo u sheegaya waxa aad danaynayso. Marka aad farriin u dirayso macaamiishaada, waxaa biyo kama dhibcaan ah in aad taqaano sida farriin loo sameeyo!!

 Waxaad ogaataa marka aad digital media-ha gaar ahaan social media-ha aad ka shaqaynayso oo aad wax ku qorayso sedex arrin ayaa kuu taal, 1) in aad farriin u diyaariso dad kaa maqan, waa qasax ah in aad farriin cad oo aan sharaxaad u baahnayn u diyaariso, waayo fursad uma haysatid in aad u faahfaahisid- oo aad dhahdo meeshaas saas iyo saas ayaan u la jeeday. 2) in aad farriin u diyaariso dad aan waqti haysan-oo aan waxbadan aqrin karin iyo 3) in aad farriin u diyaariso dad mobile-ka maanta dhan salaaxaya (scroll up and down). Ujeedka aad u socoto muxuu yahay?  waa in aad dadkaas aan waqtiga hayn- oo kaa fog-oo mobile-ka salaaxaya aad dareenkooda qabsato oo aad hayso ilaa dhammaadka taasina waxay u baahan tahay xirfad gooni ah.

Ogsoonaaw si aad sidaas u samayso oo aad qofka dareenkisa u qabato, waxaad haystaa fursado dhawr ah iyo waliba waqti xadidan, mar ayaan fursadahaas gooni uga sheekayndoonaa hadase,  waanigaas waxyar ka taataabtay.

Ganasiyadu sida badan si sax ah ugama faa’iidaystaan digital media-ha gaar ahaan Facebook pages-ka inta aan arkay, waxaa ugu wacan; dad aan wax badan ka baran oo wax kale bartay ayaa lugu dirqiyaa in uu ka shaqeeyaan wax dhigista page-ka, tusaale qof naqshadeeye (designer) ah haddii aad u dhiibto page-kaaga ee aad u xilsaarto in uu kuu maamulo asna waad dhibtay adna waad is luggoysay waana waxa aan markasta samayno. Qofka naqshadeeyaha ah wuxuu yaqaanaa sida sawir loo qurxiyo oo loo abla-ableeyo, shaqadiisa maahan sida qof aan waqti haysan-oo aan ku hor joogin hadana mobile-ka maanta dhan salaaxaya dareenkiisa loo qabto, anoo kale ayay shaqadiisa tahay.

Dadku waxay sameeyaan in ay u yimaadaan qof naqshadeeye ah ayna ku dhahaan “ma rabtaa in aan boorar kaa samaysto? Adiguna waa in aad page-ka iiga shaqaysaa haddii kale waxba kaa samaysan maayo” qofkii naqsahdeeyaha ahaa waa ku qasban yahay in uu dhaho anaa kuu soo dhigaya page-ka illeen shaqadiisii iyo wixii uu bartay ayaa ku soconaysa oo waxba laga samaysan maayo haddii uusan page-ka qofka u qabanayn oo uusan wax u soo dhigayn.

Ma sahlana in la curiyo sheeko (content) ha ahaato xayisiin ama wax kale, tusaale ganacsi fariimaha loo sameeyo waa 3 nuuc mid un, 1) in  uu badeeco ama adeeg uu hayo uu dadka barayo faa’iidada ay leeyihiin iyo sida loo isticmaalo, 2) in uu wax cusub oo soo socda uu dadka u sheegayo iyo 3) in uu ganacsigiisa dadka ku dhex dalxiisinayo si ay baahi ugu dhalato, waxaa intaas soo raaca in uu soo bandhigayo guulo uu ka gaaray baahi uu ganacsigiisu daboolay (success story) iyo in uu baahinayo waxa loo yaqaanno testimonial (guul laga gaaray arrin gaara sida qalliin halis ah oo muddo dheer socday oo la xaliyay). Intaan marka aad samaynayso waxaad ku sii qasban tahay in aad u diyaariso qaab dareenka qofka qabanaysa, waa hawl culus!!

Dadka aan arkay ee maamula pages-ka ganacsiyada inta badan kaliya ma aahan dad aan aqoon sida loo diyaariya farrin qofka dareenkiisa qaban karta, waxaysan sidoo kale aqoonin page-kii laftiisa iyo adeegyada uu ka heli karo ee uu Facebook u diyaariyay. Tusaale marka aad page-kaaga wax soo dhigayso ee aad lacag ku xirayso fursado badan ayaad haysataa, waxaa ka mid ah in aad haysato fursad ay xayisiintaadu uga soo dhex muuqan karto pages fara badan waliba dadka ugu caansan pages-kooda waxaana a dhahaa instream-ad (xayisiinta ka soo dhexbada marka muuqaalada la daawanayo). Waxaad haysataa fursado aanan halkaan uga sheekahyn karin- oo aan ku soo koobayo, ‘dhagaystaha aad doonto ayaad xulan kartaa’. Fursadaan inta badan lagama faa’iidaysto.

Markii aad farriin ka samaynayso sedexdaan aan soo sheegay waxaad u baahan tahay in aad aqoon u leedahay fariin samaynta iyo in aad xirfad u leedahay sida dareenka qofka loo qabto, dadka dareenkooda la qabanayo waa kuwee, waa dadkii aan waqtiga haysan-ee moboles-ka iska salaaxayay isla markaasna kaa fogaa.

Qaybtaan waxaan ku soo koobayaa; waa arrin qaldan in dadka naqshadeeyaha ah lugu qasbo in ay page maamulaan oo ay wax soo dhigaan si ayakana taas bedelkeeda sawir looga naqshadaysto. Markii ay sidaas dhacdo oo aad qofkii aad boorarka iyo sawirada aad ka samaysanaysay aad ku dirqiso in uu page-kana wax kuu soo dhigo, dhagayste sax ah ma gaaraysid, waxaa ku gelaya lacag aan faa'iido badan ku soo gelinayn.

Facebook pages-ka si sax ah loogama faa’iidaysto 80%, ma jirto tiradaan meel sax  ah oo aan ka xitay laakiin waa qiyaas aan samaynayo anigu oo ku salaysan indha indhayntayda saxna way noqon kartaa, qaladna way noqon kartaa.

Way jiraan Isbitaallo hal iyo laba ah oo sida ay u isticmaalayaan aan la dhacay, waliba waxay aad uga faa’iidaystaan instream-ad waxa loo yaqaanno oo ah xayisiinta ka soo dhexbada marka muuqaalada la daawanayo waana runtii Boqorka xayisiimada. Waxa ay ku tahay gaar ayaan qaybaha danbe ugu sharixi doonaa.

Cilmiga Xayisiin samaynta iyo aqoonta applications-ka digital media-ha xilligii la dabaqi lahaa ayaa la joogaa, sidii hore ee aheed Bishaaro Bishaaro Bishaaro wax luguma wadi karo, hadda waxaa kusoo biiraya saaxada xayisiin samaynta dhallinyarada Tik Tok oo wixiiba waraca u rogay, xayisiintii ayay ka dhigeen riwaayad. Applications-ka ayaka dad yar ayaa waqti ku bixiya in ay bartaan oo aqoon ku isticmaalaan.

Qaybaha danbe waxaan u sheekayn doonaa, qiimaha xayisiimaha Facebook in uu kuugu sameeyo xayisiinta ay ku haboontahay, siyaabaha qaldan ee followers-ka loo soo xero geliyo ee aan arkay iyo sida saxda ah ee la rabo, inta maalin ee ku haboon in aad xayisiin Facebook run-garayso, lacagta ugu haboon ee ay tahay in aad maalinkii ku xirto, sawirada ugu haboon ee xayisiin Facebook lugula xiro iyo kuwa aan saxda ahayn, sababaha dadka  looga xiro in ay Facebook xayisiin ku sameeyaan, page aan followers badan lahayn ma gaari karaa dhagaystayaal ka badan pages-ka asaga ka followers-ka badan IWLM.


Waxa kale oo aan mar eegi doonaa dadka caanka ah oo dhegeystayaasha badan haysta ee loo wakiisho xayisiimaha, tusaale; ganacsi wayn ayaa u tagaya wiil baraha bulshada aad looga dhagaysto laakiin wax uu xeeriyo aysan jirin, wuxuu ku la heshiinayaa in uu muuqaaladiisa u saaro loogada ganacsida isla markaasna muuqaal dhawr ilbiriqsi ah ugu daro muuqaalkasta oo uu dhigayo. Arintaas qaladaad badan ayaa ka jira, mar ayaan eegi doonaa si faahfaahsan:

Si kooban

1- Markii qof soo dhigay aad ku darsato xayisiin yar, dadka muuqaalkaas daawaday in ay xayisiin daada daawadaann sideed ku xaqiijin kartaa?

2- Dhagaystayaasha muuqaalkaas gaaray ma yihiin dadkii aad u baahneed?

3- Muuqaalka xayisiintaada lugu darayo ma yahay mid ku haboon in aad xayisiinta ganacsigaaga lugu daro?

4- Qofka aad siinayo heshiiska nuucana ah ma ku matali karaa, sideeda si joogta ah ugu heli karaa muuqaallo uu xayisiinta kuugudaro si waafaqsan ida aad ku heshiiseen?

 


W/Q:

Cabdifataax Cali Caballa (Imaam)

+252617171717




Qaybtii 1-aad, haddii aadan horay u aqrisan halkaan ayaad ka aqrisan kartaa.

https://calicabdalla.blogspot.com/2022/09/facebook-pages-ka-ganacsigaaga-si-sax.html

Previous
Next Post »