Xayisiimaha Facebook (Facebook ads)

 Qaybta 3aad: Xayisiimaha lugu xoolo beelo ee Facebook.

3 qaab ayay dadku xayisiinta ganacsigooda u gudbiyaan, 1) qolo page ayay facebook ka samaystaan halkaas ayayna ku gudbiyaan, 2) qolo page qof saamayn leh ayay lacag ku bixiyaan, waxaa jira qolo sedexaad-oo qaab iga yaabiyay u gudbiya xayisiintooda, waa dadka idaacadaha lacagta ku siiya in xayisiintooda loogu daro wararka ay soo daayaan, tusaale waxay kula heshiinayaan muuqaalada aad soo dhigaysaan gadaal nooga soo galsha xayisiinta. Idaacaddu qof hadlaya ayay soo jarayaan xayisiintii ganacsiga ayay ku daba xirayaan markaas ayay soo gelinayaan page-kooda.

Dadka page-kaas ku tixan ama uu muuqaalkaas gaaro markii ay warka daawadaan ee ay xayisiinta la gaaro wayska dhaafayaan-oo wayka tagayaan waayo ma jiraan wax ku qasbaya qofkaas in uu xayisiinta ku darsado haddii uu warka dhagaystay. Qaabka nuucan ah ganacsiyada xayisiintooda ku gudbiya ee lacagta ku bixiya meel cidlo ah ayay ku wadaan lacagtooda, waana doorashada ugu xun ee loo doorto gudbinta xayisiinta.

Waxaa jira dad qof caan ah page-kiis dhaha ii saar muuqaalkaan xayisiinta ah, cilladaha ay leedahay horayna waan ku sheegay gadaalna waan ku sheegidoonaa. Qaabka kale waa in uu ganacsiga page loo sameeyo, waa qaabka ugu wanaagsan faa’iidooyin badan ayuu leeyahay, waxaad dooran kartaa dhagaystaha aad rabto, waxaad ogaan kartaa dadka iyo meelaha uu gaaray, Facebook in uu xayisiin kuu sameeyo waa waxa uu u jiro.

Xayisiinta Facebook

Xaysiinta Facebook waxay u baahan tahay aqoon iyo waayo aragnimo ku timaadda laba qaab koow in uu qofku barto oo uu soo aqriyo casharada uu Facebook ugu talagalay dadka raba in ay xayisiin sameeyaan iyo in uu leeyahay khibarad uu ku helay baraatig uu ku sameeyay xayisiin, hadada isku daydo in aad isticmaasho adigoon aqoon u lahayn qasaare badan ayaad ku galaysaa, dadna gaari maysid.

Waxaan arkay dad sameeyay xayisiin Facebook (Facebook Campaign) oo hadaf keedu ahaa page like ama in followers la helo, qofkaas cost per like (qiimaha qofkii page-ka like dhaha lugu goosto)  waxaa loogu dhiftay $0.08, waa qiimo aad u sarreeya, waxaan arkay sidoo kale qof page ku xiray hal mar $726 (todobo boqol labaatan iyo lix doolar) wax yar maahan, dhammaan waxyaabahaan oo dhan waxaa keenaya in page-kaas loo dhiibay oo xayisiin ku xir la yiri qof aysan xirfaddiisa ahayn aqoona u lahayn.

Cost per like-gaagu waxaa la rabaa in aysan ka badan $0.014 xitaa lama rabo meesha 4ta ah in ay 5 noqoto, sidoo kale waxaa la rabaa, daily budget-kaagu in uusan ka badan 3 doolar, isla markaas waxaa la rabaa in aysan xaysiintaadu socon wax ka badan 4 beri. 4 maalin ku dhifo 3 doolar, waa 12 doolar. Waxaa la rabaa meesha uu ninkaas ka dhigay $726 in aad kadhigto $12 kaliya haduu rabo markay dhamaato xayisiintaas mar kale ha run-gareeyo. Haddii aad baqdo daily budget-kaaga waa aadka dhigi kartaa $5 maalmaha fasaxana waa in aad ku dartaa 4ta beri ee ay xayisiintaadu soconayso intaas hadaad ka badiso waxaa dhacaya cillad kale, gadaal ayaan ku sheegayaa. Daily budget waa lacagta aad ugu talagashay in uu Facebook kaaga goosto 24 saacba, 4ta maalinna waa lifetime-ka xayisiintaada.


Xayisiin Facebook marka la xirayo waxaa laga xiraa laba meel, in uu qofku kor yimaado post-ga Facebook-giisa oo uu taabto meesha ay ku qoran tahay Boost iyo in uu qofku sidaasna ku xiro iyo in uu Ad manager-ka ka tago oo uu si fiican uga fara buuxsado ayay kala tahay, waxaa fiican in aad Ad manager-ka ka xirto waayo waxaad helaysaa features fara badan oo aadan marka kale hesheen. Marka aad isticmaalayso qaabka hore hadana aad mobile ka maamulayso xayisiinta, wax wayn filan maysid.

Waxaan ku talin lahaa lacagtii tirade badneed ee dadka caanka ah pages kooda lugu bixinayay in halkaan lugu bixiyo, qof caan ah oo magac leh isla markaasna war maalin leh ah soo daaya, waad u wakiilan kartaa xayisiin aad ka leedahay ujeed gaar ah dhib malahan, laakiin waxa ugu wayn aad ku tiirsan tahay page-kaaga in uu noqdo ayaa fiican.

Xayisiin aan shactaro iyo maadays ahayn ee xirfad iyo aqoon lugu sameeyay oo mid marka hore dareenka qofka qabanaysa, haynaysa kana dhaadhicinaysa ugu danbayntana ku riixaysa in uu qaado tallaabadii aad ka rabtay in uu qaado, ka dibna page-kaaga aad dhigato wax badan ayay ka wanaagsan tahay xayisiin aad gadaal kasoo raaciso muuqaal uu qof samaystay kaasoo haddii la rabo qof ama beelo lugu caynayo, waa nasiib darro in aan arko ganacsiyo waa wayn oo dhiirigelinayo in dad lacaayo ama qabiillo laysku diro.

 

 

Waxaa jira dad waaya lacago lugu goostay wax aysan aqoon?

Ma waysaa lacago fara badan oo uu Facebook iska goosto ama maysaga kaa taagan tahay lacagi markasta?, haday jawaabtaadu haa tahay, hadaba waxaa kaa qaldan lifetime-ka xayisiintaada.

In ay ku gasho lacag fara badan ama ay lacag iskaga kaa socoto waxay ka timaaddaa in aadan markii hore xayisiintaada u yeelin waqti ay istaagto, waa iskaga kaa soconaysaa illaa uu Akoonkaagu eber noqdo!

Markii ay eber noqoto maxaa dhacaya? Wali waygugu socotaa lacagtii illaa la gaaro waxa loo yaqaanno threshold limit (qiimihii aad Facebook u sheegtay in uu kaaga goosto marka ay gaarto xayisiintaadu) tusaale horay waxaad Facebook ugu xiratay in uu Koontadadaa Bangiga ka goosto lacagta xayisiinta markii ay gaarto 10 doolar ama 100 dooalar, inta badan 10 doolar ayaa si asag ah (default) ugu xiran, marka haddii aysan xayisiintaadu lahayn lifetime xadidan, waa ay iska soconaysaa, isla markaasna Koontadaada Bangiga ayaa gawda lugu haynayaa, hadhoow ayaad maqlaysaa dadkii oo dhan oo oranaya “lacagaa iskaga kaytaagan iyo lacagaa layga xadaa”.

 

Dhibaatada haddii daily budget-ka xayisiintaada tirada laga badiyo?

Haddii aad daily budget-kaaga badiso, waxaa dhacaysa in uu Facebook kugu badiyo cost per like-ga, meeshaan dad badan ma wada fahmi karaan, in qoraal ugu sawiraana way adag tahay runtii, hadaan isku dayo, Facebook xayisiintaada dadka ayuu hor dhigaa si ay like u saaraan, dadka kuma qasbi karo in ay like saaraan page-kaaga, sidaas daraadeed waxaa laga yaabaa in aad daily budget-kaagu badan yahay dadka 24 saac ku soo like-gareeya oo xayisiintaada soo raacaana ay yaryihiin, Facebook lacagta uu kaa jaranayo wuxuu u qaybinayaa dadkii page-kaaga like dhahay, marka ayadoo uu daily budget-kaagu badan yahay in aydadka ku soo like-gareeyaa yaraadaan ayaa laga yaabaa, markaas maxaa dhacaya, waxaa laga yaabaa in haddii laysku qaybiyo daka ku soo like-gareeya maalinkaas iyo lacagta baxday ay isku dhigmiwaayaan oo halkii qof ee like dhaha page-kaaga uu kugu fadhiyo $0.09 ama $0.1 waa qiimo waali ah, maxaa la rabay in uusan ka badan $0.014.


Waxyaabaha kale oo muhimka ah ee keena in ay xayisiintaadu meel fiican gaarto waxaa ka mid ah, sawirka ama muuqaalka aad xayisiinta ku darayso, tusaale hadaad raadinayso page followers aadna sawir ku raadinayso isla markaasna sawirkaas uu yahay mid aan qurxoonayn ama uu qoraal badan dhexda kaga qoran yahay, waxaa ku galaya cost per page like fara badan waayo dad badan ma gaarayo lacagta daily budget-ka kuu ah ayaana loo qaybinayaa dadkii follow soo dhahay page kaaga.

Waxaan kuu xaqiijinayaa arintaan aan ka sheekaynayno in ay tahay mid lugu fahmi karo aqris iyo baraatik oo ay adag tahay in aad qoraalkayga ku fahanto laakiin waxaan doonayaa in uu qoraalkaygu dareen ku geliyo.

Waxaan oo dhan waxay imaanayaan markii qof aan qoon u lahayn xayisiinta Facebook maamulo ama run-gareeyo, markii hore xayisiinta qoristeeda iyo soo saaristeeda ayaa qaldaneed markii xigtayna Facebook ayaa layska saaray isla markaasna aqoon darro ayaa lagac loogu xiray, natiijo aadan mahdin ayaa kaaga soo noqonaysa.

Facebook-gaaga qofka kuu maamaamulayaa waa in uu ahaadaa qof is joogta ah u la socda isbedelada ka dhacaya platform-yada Meta waayo is joogta ah ama asbuucle ah ayaa wax looga badalaa oo aqoontii hore xitaa kuguma filna.

Soomaalidu Facebook ayay si aan caadi ahayn u isticmaashaa waxaana jooga dhagaystayaal aad u fara badan, Facebook waa platform lays ganaaxo, lays ciqaabo layskana xiro waliba marka ay joogto xayisiin in la run-gareeyo, qormada 4aad ee tan xigta ayaan uga hadli doonaa.

Lasoco qaybaha xiga, wali waxyaabaha muhimka ah ee aanan ka hadlin waxaa ka mid ah sida loo sameeyo xayisiin aan shactaro ahayn sida Soomaalidu caadaysatay ee kooban, cad, lafahmi karo isla markaasna dareenka qofka qabsanaysa. Waxbadna kama aqoonno laakiin intii aan aqaanay ayaa la qaldaa wxaanan isku dayidoonaa in aan iftiimiyo.




Qaybtii 2aad

https://calicabdalla.blogspot.com/2022/10/facebook-pages-ka-ganacsigaaga-si-sax.html




 



 

Newest
Previous
Next Post »