𝐌𝐈𝐈𝐒𝐀𝐀𝐍𝐊𝐈𝐈 𝐋𝐀𝐘𝐆𝐔 𝐐𝐀𝐋𝐐𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐐𝐈𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀𝐍𝐀 𝐋𝐀 𝐈𝐈𝐆𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘


𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝟐𝐚𝐚𝐝


Ninkaan aan ka sheekaynayo qofka Qaska (meesha u dhexaysa xudunta iyo gumaarka oo dhanka xuduna u dhaw) ayuu jug ka siinayaa asagoo cagaha dhulka uga qaadaya markaasna dhahaya “waxaad tahay intaas oo kiilo fuul miisaanka” haddii qofku noqon waayo inta uu sheegay marka uu Miisaanka fuulo “lacag kaama rabo iska bax” ayuu leeyahay. Anigu waxaan watay markaan asaga u imaanayey lacag aanan ugu talogelin in aan Miisaan ku fuulo waxaanan soo maray hadaan miisaan fuulayo kuwo badan oo Laamiga dhiniciisa la hurdoonaya Miisaanka iyo Makarafoon dhayay "isla soco hayska socone, hadaba lacagta ma iga qaatay oo ma sheegay inta kiilo oo aan ahaa? Sheekada ayaa ku ogaan doontaa. Say wax iga noqdeen marka uu jug isiiyay? sheekda ayaad ku ogaan doontaa.

Markaan lacagta soo diyaarinayey ee aan Jeebka kore soo gelinayay qoondadiisa ayaa kuwii orinayay kii ugu fudaydka badanaa Isha igu dhiftay oo iga arkay meel laba qof dhexdeed ah oo cariiri ah, malahaygana wuxuu iska dhaadhiciyay oo u qaatay in aan diyaar ahay oo hallay saaro aan leeyahay, meeshii yareeduu isku soo majiiray asagoo leh “kaalay kaalay” sidii in uu iga qaadayo lacag luga yare igu leeyahay, xagayguu u soo doobiyay wuxuu rabaa in uu lacagtayda ka bixiyo halkii tiisu ka baxday. Waxaa la wada ogyahay anna aan ka baxanahay, qofkii ninkaas naftaahi tunburo in ay ka dhimatay lacagi.

Waxaan ku fiiriyay Indho kulul oo waliba ku gubay anoo u la jeeda iga laabto hoosna waxaan ka iri iga tag haygu soo orrine orka iyo qalqaalada ma jecliye, waxaan diidayaa in la ii fahmo qof ay soo qalqaaliyeen oo ay ka caqli badiyeen kuwaan orinayaa, kamana in aan ka baqay in ay iga qatar geliyaan sunuud aan ku reebtay Jeebka hoose kan kore inta ku jiraa dhimataye, waxayna u dhimatay ninkaan dadka Qaska ka jugaynaya hadana lacagta ka raba.

Dhinacaan istaagay inta Gacmaha gadaal iskaga duubtay anigoo curcurka gacanta Bidix midda Midigtaa ku taako qabtay oo hal Lug ku istaagay midda kalana gaafa-baxsaday isna maahiyay sidii nin aan dalab iyo dan toona aysan ka dhicin, waxaan rabaa in aan iska yareeyo Shucuurta mehered laawayaasha orinaya si aysan jawiga iiga lumin oo aysan iigu darsamin tunburyada i sugaysa ee inkaar qabaha turufatoorkaa ganacsigiisa ku socodsiinayo. Balka waran Feer meeshii jirkaaga u jilacsaneed lagaaga dhiftay oo aad hadana lacag ku darayso?!!.

Waxaan isku diyaariyay oo aan u soo dhawaaday meeshii uu Dadka ku tunburayey, qofka la tunburayo waxaa la soo is taajinayaa sidii aan horay u sheegay meel miisaanka u dhaw oo xoogaa Dadku ka kala sikadeen. Waan soo dhaqaaqay ayadoo aysan i qalqaalin kuwii orinayay. Ninku waa naf laakiin tunburyadiisu marka ay qaska kaaga dhacdo sawir kale ayaa kuu baxaya, waxaad isleedahay birmiyuu kuu qariyay hooguhu, qofka is adkeeya ee isyiraa is xooji xitaa wuu gariirayaa markuu ku dhifto gacantiisa.

Meeshiiyaan soo istaagay, wuxuu billaabay in uu iIndhaha igu gubo, waa markii iigu horraysay oo aan soo hor istaago ibtiladdaan, Afkuu Ubur ka dhoobayaa Biyo Barqadiiyaa ugu danbaysay, laamo Jaad ah oo uu malaha qof ka khaliifay ayuu dabaadigoodii ruugayaa garriin ahaanna ugu yaalla, hadba dhinac ayuu igala wareegayaa anigoo taagan meeshii uu Dad badan ku khaliifay. Waxaa nugu xoonsan kuwo aan wax shaqaa ka dhicin, waxay daawanayaan sida uu i yeelidoono, maaqaan waxa ay ka helayaan oo aan ka ahayn qosol, qosolna wax nin wayn u soo shaqo tago maahan, taasina waa sababtii markii horaba shakiga igu abuurtay oo aan isku iri Turubkii Ceelgaabta ayaad joogtaa.

Anoo fekeraya oo Maskaxdaydii labo u qaybiyay: Qayb ka fekeraysa imtixaankaan agtayda Uburta tuuraya oo aan ogahay in uu igu dhifan doono gacantii gadaal u tuurtay Rag iga tun wayn iyo qayb ka fekeraysa kuwaan iska orinaya oo i fiirinaya waxa ay dhihi doonaan markuu igu dhifto ayuu mar qura inta iska dhigay nin i dhaafay oo igu soo wareeg doona mar kale iyo marar kalaba, ayuu qaska jug iiga siiyay, intii uu soo tunburayba anigaa u fududaa!! Marshi-biyeedkii oo aan qof ka baxay jirin ayaan gadaal ugala dhacay jugtisa, lugu qabay aanahayn, kana sii dhex dhacay kuwo iga danbeeyey, garbahay i soo qabteen sidii in aan ka fakanayo oo ay i soo gancan geliyaan, ayadoo garbaha lay hayo oo aan ka fekerayo waxa uu igu dhiftay ayaan lacagtii Jeebka sare ka soo bixiyey, illeen lama gaarin xilligii la bixinayay lacagta oo waxaa ii dhimman in aan miisaankii fuulo bal in aan noqdo culays gaaraya 53 oo uu igu sheegay ninkii i tunburay oo asagu xagga iska aaday markuu jugta igu dhuftay, ahmiyad waynna aan i siinayn. Lacagta markaan soo bixiyay kuma uusan soo boodin laakiin farta ayuu iigu tilmaamay in aado Miisaanka oo aan fuulo, kuwo korkaygaa ayaa sixitaankayga la orinaya laakiin markaan xilli aan hadal wax ku fahmayo maahan tilmaan waxaan ahayn wax ku fahmimaayo, tilmaanta adima yare oo kalaa i anfacaysa dhego gacan iiguma jiraan, buuq iyo jugtii ninkaa idhego tiray. Qofka markuu jugsiiyo degdeg ayuu tiro u sheegayaa wuxuuna ku amrayaa in uu fuulo miisaanka dhinac ayuuna iskaga dhaqaaqayaa asagoon soo fiirinayn xitaa oo iska dhigaya wax aan waxba ogayn. Marmarka qaar KM4 oo uusan Arag la gaarin ayuu iska fiirinayaa sidaan ku qiyaasay, Sankuu iska taagayaa, waligeey nin ka jilis badan maarag. Miisaankii waxaa i saaray oo iga dejiyay kuwo uusan wakiilan asagu aniguna aanan i caawiya oran oo iskood isku xilqaamay.

Markii aan ka degay wuxuu taagan yahay ninkii meesha wajigayga ku aadan wuxuuna u diyaarsan yahay in uu lacagta iga hantiyo, qofkasta marka uu miisaanka ka dego waa hortaagan yahay sida badan, marka uu jugta ku dhufto qofkana waa iska tegeyaa, waxaan garan waayey sida uu horteena ku imaanayay asagoo sii socda ayaa iigu danbaysay, markuu is yiraahdo deg qofkii uu sidii rahdii soo kadlaynayaa, markaasuu hortaada ku soo dhacayaa.---------- Dabadeed maxaa dhacay?

Waxaa dhacay intii aan noqday oo makiinaddu sheegay iyo wax kaloo badan. Sheekada ninkaan waxaa ka haray hal qayb, sidoo kale waxaa haray sheekadii ninka kale ee asna falsafadda runta u dhaw ee Miisaanka Bakaaro ku haystay oo aan anigu ku jiro Dad fara ku tiris ah oo lacagta ka badbaadsaday sheekadiisana waxaan idin siin doonaa halka qayb ee tan ka hartay marii aan dhamayno.

Sheekadaan in aan wax ku daray si aan u qurxiyo waa run laakiin ninka aan sheegayo iyo sida uu u dhaqmayaa gebi ahaanba waa run waxaanan filayaa in aad aragteen ninkaan.


Previous
Next Post »