M. fARAMAAJO WUXUU RAADINAYAA RA'ISUL WASAARE HAWIYE WAX KA GALA LAAKIIN AAN WAX U GELIN




Madaxweyne Faramaajo wuxuu raadinayaa 
Ra'isul Wasaare aan lahayn han iyo himolo, sidoo kalana Hawiye aan wax u galin laakiin waxa ka kala. Beesha Hawiye waxay doonaysaa kursiga madaxwaynaha.


M. Faramaajo wuxuu ra'isul wasaare ku keenayaa qaab la tashi iyo qancin ku salaysan asagoo la tashanaya qancinayana Qabiil, maamul iyo xulufo siyaasadeed mid ama dhammaan.

Aragtidaan Dadbadan ayaa qaba kuna doodaya, waan diiday doodaas waana ka hor jeedaa gabi ahaanba sida aad ka dhedhemin karto cinwaanka aan faalada u sameeyay.

Waxaan ku diidayaa oo doodayda ku adkaynayaa qodobadaan soosocda;

  1. Ra'isul wasaare iyo Madaxweyne laysu keenay ma wada shaqeeyaan mana wada shaqayn karaan, arrinkaasna waxaa wax naga baray taliskii M. Xassan Shiiq oo dhawr ra’isul wasaare isu daba mareen,
  2.  Madaxweyne Farmaajo qof loo keenay waxba lama qaybsan karo mana fahmi karo,
  3. Madaxweyne Faramaajo xilli adag ayuu ku jiraa, waxna lama qaybsan karo qof ay keen sadeen xoogag siyaasiya keensadeen.


Soomaaliya waxaa wax lugu qaybsadaa 4.5, kuraasta Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaa qayb u heli jiray sida badan Hawiye iyo Daarood. Marka Beeli hesho kursiga madaxweynaha Beesha kale ayaa la yiraahdaa keensada nin aad isku raacsantihiin oo laga la siiyo kursiga qoondada idinkugu soo aaday. Ra'isul wasaaraha sidaas ku yimaadaa wuxuu isbidayaa awood iyo in uu ku fadhiyo kursi Beelu qayb u heshay.

Xukuumaddii Xassan Shiiq sababihii ay u yeelatay 3 ra'isul wasaare waxay aheed in ra'isul wasaarayaashu ahaayeen kuwo ay saamayn ku leeyihiin Beelo markii hore madax waynuhu ka talo geliyey xulista ra’isul wasaaraha. Arrintaan waa arrin uu Faramaajo ka qaatay cashir wayn waana iska jiro in uu ku dhaco dabinkii Xassan Shiiq ku dhacay.

  • M. Faramaajo markii uu Khayre magacaabayay marinkaan awal ra'isul wasaaraha lugu soo xuliijiray waa ka meertay waana tan keentay in ay 3sano wada joogaan Xassan Khayre ayaa la oran karaa.
  •  M. Faramaajo ayadoo aan cidna la tartamayn oo Caleemo qoyan loo ruxayo ayuu cidna wax ka maqli diiday lana tashan diiday, ma maanta oo xaalkiisu halka la ogyahay uu marayo ayuu qof la tashanayaa?!!!
  • M. Faramaajo waxaa la taliya, lataliyayaal dhagartii ka batay oo aan cidna aaminin, marmarka qaar waxay qaataan go'aamo xaasidnimo abtirsi ku leh. Waxaad ka garan kartaa sida Geeska loo geliyo warbaahinta iyo siyaasiyiinta ka aragti duwan xukuumadda M. Faramaajo inkastoo uu meesha ka baxay Khayre oo asna aan duca qabe ahayn oo ku tiirsanaa la taliyayaal ay ka mid yihiin Prof. Yaxye Hareeri nin lugu magacaabo oo runtii saamayn badan ku lahaa siyaasaddii ay Nabad iyo Nolol wax ku dhaqijirtay. Lama hubo in Yaxye laga nefiso doono uu jabadka ka baxay.

M. Faramaajo Ra’isul wasaare kama keeni doono jahooyinka laga filayo sidoo kale uma badna in uu ka keenayo beelaha tunka waa wayn ee saamaynta iyo awoodda isbidaya hadduu ka keenana asaga laftiisa ayaa kala kulmi doona caqabad ra’isul wasaaraha uu keeno.

Sida duruuftu tilmaamayso M. Faramaajo ra’isul wasaaraha uu keeni doono wuxuu ka eegi doona waxa uu asaga u galo iyo sida uu u fulin karo siyaasadihiisa ay ka mid tahay qof iyo cod u jeed leh, haddii la waayana muddo kordhin inta ugu badan ee la heli karo. Xiliga xukuumadda M. Faramaajo Kursiga ra’isul wasaaraha waxaa qayb iyo qoondo ku timid 4.5 u leh Hawiye, Dadka qaar ayaa tuhmaya in M. Faramaajo raadinayo ra’isul wasaare Hawiye wax ka gala laakiin aan wax u gelin, waa hal-xiraale adag oo aan la furi karin. M. Faramaajo isma fahmayaan ra’isul wasaare kursiga madaxweynenimada u hanqaltaagidoona doorashada soocota maadaama uu asagu rabo kursiga. Hawiye waxay si wayn u raadinayaan kursiga madaxdeynenimada ninkii kursigaas soo dhicin karaana waa nin wax u gala.

Waxaa xusid mudan in laga yaabo in uusan M. Faramaajo uusan ra'isul wasaare kusoo magacaabin mudada dastuurku tilmaamayo oo uu baarlamaanka muddo kororsi ka qaato sida laga dareemayo dhaqdhaqaaqa siihayaha xilka ra'isul wasaaraha oo isu muujinaya in uu hawlaha xukuumadda iska xajin karo.

Ra’isul wasaarihii hore Xassan Khayre wuxuu ahaa nin karti leh oo Kursigiisa iyo Kurisga madaxweynaha wax u gala Hawiyena wax ka gala laakiin aan wax u gelin Hawiye.

Soomaaliya waxay u baahan tahay madax Cadaalad ku dhaqda waxna ugu qaybisa ee aan Beel gaar ah u adeegin, tusaale; diblumaasiyiina Soomaaliya waxaa u badan 2 Beelood hal beel ayaan lambar koow ka ah, waxaanoo kale waa waxa keenaya is aaminaad la’aanta mana loo baahna in madaxdu sidaas wax ku dhaqdo.

W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla "Imaam"
Previous
Next Post »