𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝟑𝐚𝐚𝐝: 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐋𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐨𝐨 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐋𝐚 𝐢𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲



Markii uu jug isiiyey wuxuu yiri intaas ayaad noqonaysaa, waan fuulay, waxaan naqday 53 iyo jajab, waxaa u marqaati kacay qoladii horinaysay oo uu ku jiro kii markii hore isha ku dhiftay lacagtayda.
Waxaad moodaa in uu leeyahay "meeshaad ku sii xasaynaysa ka soo bixi kuu waari maysee".

Lacagtii oo laalaaban oo aan mar hore si qaldan u soo bixiyey sidii aad ku aragteen sheekada qaybteedii 2aad ayaan dhiibay, lacagtaas in aan miisaan ku foolo iima qorshaysnayn.

Hadaan miisaan ku fuulayo waxaan soo maray dhawr Makiinadood ay Rag ninkaan ka xoog badan la hurdoonayana laamiga dhiniciisa.

Markaan degay isla markiiba waxaa la qabtay mid kale asagoo lacagtaydii kun iyo labo waxay aheed ma xusuustee gacanta ku haya, ayuu billaabay wareegii iyo boodboodkii lacagtaydu ku dhimatay anna safkii ayaan galay, waxaan daawasho u galay midka igu xiga oo xoogaa iga baallo waynaa, igana Calool dheeraa.

Xamar meel sidaas loo dhooban yahay hadaad la soo gasho wax maal aduunyo ah, waa in aad iska warqabtaa si joogto ah. Si aad u ilaashato lacagta aad haysato hadba gacanta ayaa la saaraa meesha ay kuugu jirto korkana waa laga jejebiyaa sidii nin Jirac tafta ugu jiro, hadba waa la jejebiyaa oo la tuutuujiyaa meesha lacagtu kuugu jirto illaa aad ku dhawaato in aad meesheeda ku tiriso illeen dadka luguma soo hor bixin karo e.

Calool dheerihii ayaa lugu dhiftay, maaqaan meelaan fiiriyay intii odaga nafta ah u boodboodayey oo ku meereysanyey ninka iga uuska dheer, waxaan qiyaasayey in ay san jugtu ugu dhici doonin sidii ay iigu dhacday maadaaba uu Calool kuusnaa lagana yaabo in gacanta birtaa ee naf yare ka dalfato laakin ma dhicin oo asagaaba iga bu’ macaanaa.

Odogii mixnadda ahaa ayaa tab uu yaqaano u la helay oo ugu hubsaday xundhurtiisa jug uu la gariiray. Odogaas marka uu qofka ku rido Gacanta wuxuu ku dadaalayaa in uu qofkaas gadaal u hinqiyo oo meesha uu taagan yahay Cagaha uga qaado waana sida kaliya oo Run u ekaysiinaysa mujaamaladiisa cabir qiyaaseed ka uu ku takhasusay ah, illeen qofkii oo aan Cagaha dhulka looga qaadin intaas aad tahay lama oran karee. Waa naf ninku marka uu kugu soo rida tunburyadana Cagaha Dhulka ku hayn maysid intaad doonto la ekaawe. Hadaad sidaydoo kale Caato la galoolan tahay ama sida kii iga danbeeyay aad Baruur la jacariirto kii ku tuuraa la yiraahdaa.

Marka uu rabo in uu cabirkiisa sheego qof aad u buuran ama uu ka shakiqabo in uu sheegi waayo inta uu yahay wuxuu samaynayaa masraxiyad ka badan inta uu samaynayo marka uu cabirayey aniga iyo wixii ila mid ah, waa ku wareegayaa qofka asagoo sidiisii u boobboodaya, hadba garabka ayuu jagka siinayaa, waa ku wareegayaa markaas uu ku wareegayo waa uu fiiriyanayaa waliba Indhaha ayuu ku gubayaa. Wuxuu muujinayaa jugta iyo fiiradu labaduba in ay sheegista cabirka qofka doorka qaadanayaan ee aysan jugta un kaliya ahayn waxa lugu garanayo inta qofku yahay, xigtaa jugta yar ee uu hadba garabka uga dhiganayo dadka buurbuuran iyo kuwa uu ka shakiyo ma sahlana door ayay leeyihiin sida uu asagu nooga dhigayo.

Ninkaani qofna la hadlimaayo, kala sheekaysna maayo cilmigiisa iyo farsamadiisa uu dadka cabirkooda ku sheegayo asagoon miisaan ka saarin, kaliya qofka cusub ee yimaada waa laga yaabaa in uu kelmad yiraahdo laakiin cid kale waqti iyo dadaal ku bixin maayo la hadalkeeda.

Markaan cabaar daawaday ayaan meesha uga tegay ninkii iyo kuwii orinayay oo in ay soo bataan maahan aan yaraanayn. Dadkaan meesha joogaa waxay ku joogaan shactaradiisa asaguna wuxuu ku dadaalayaa in aysan ka tegin, hadba boodboodkiisa wuxuu ku soo darayaa farsamooyin kale siyaan looga daalin oo aysan uga tegin meheredlaawayasha xiisaha u yeelaya masraxiyadda iyo qiyaasta uu ku dilanayo lacagaha, hadday ka tagaan wax Dadka qalqaalinayaa ma jiraan oo waxay uga dhigan yihiin testimonial (cadayn waxqabad), qofkii yimaadaa wuxuu isleeyahay kuwaanba soo meesha ma marin adna baroowee markii intaas laga tagana ayaka ayaaba qofka qalqaalinaya.
Ninkaan qofna ma fuuleen miisaankiisa hadduu iska hurdoon lahaa inta meel fariisto oo shito Makarafoon ay ku duuban tahay “isla soco hayska socone”.

Wuxu galay dadka iigu xusuusta badan intaan arkayey qof wax gadaya;

Wuxuu ahaa masrixiyadle yaqaanna tabta oo socod siiyo adeega uu hayo,

Jillaa fadhiya oo dhamaystiran ayuu ahaa,

Si kooban ninkaan in ay dadku lacagta la agmaraan iska daaye wuxuu awood u yeeshay in aysan ka tegin markuu lacagta ka qaato, oo ay xitaa ku gacan siiyaan in uu dadka kale lacag ka disho oo ka gurto. Dadka asaga la midka ah ee miisaanka laamiga dhiniciisa la fadhiyaa way hurdoonayaan markii cabaar la joogo ayaa hal qof soo marayaa asaguna silac ayuu ku fuulayaa miisaankooda. Waxaan is iri haddii uu jiri lahaa qof agtiisa miisaan ku haysta xitaa wuxuu ku soo biiri lahaa kuwa orinaya ee miisaanka isaaray aniga.

Sirta ninkaani waxay tahay; wuxuu kala bartay muuqaalka dadka iyo lafahooda markaas ayuu hakaas ka qiyaasayaa inta ay noqon karaan. Wuxuu ku fashilmayaa qof iyo labo ayakana waa iska sii daynayaa illeen inta kale ayay suurta gelinaysaa in ay fuulaan miisaanka. Hadduu dhihi lahaa dadka dhan lacag ayaan ka qaadayaa ama aan sheego ama aan sheegiwaayo miisaankoodee, waxaa imaan leheed in uusan qofna fuulin laakiin hadda dadku waxay tiigsanayaan ‘Hadii aan sheegiwaayo fasaxaad tihiin’.

Sheekada ninka kale waxaan ka dhigayaa qayb kale. Laftiisu wuxuu ahaa nin aad u Caqli badan, Lambarro ayuu isticmaalayay ninkaanna waxay wadaageen in uusan dadka la hadlayn iyo in ay u dhoobnaayeen dad badan oo daawanayey farsamadiisa.

Anigu waxaan ku jiray dad farakutiris ah oo ka badbaaday in uu lacag ka qaado, sideen uga badbaaday miisaan kana aan ku fuulay, waa noo qormada danbe.

W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla "Imaam"
Previous
Next Post »