XAMDI KUFSI IYO DIL KAIYA LOOMA GAYSAN!


Xamdi waxa lugu sameeyay dil iyo kufsi un maahan, sidoo kale waxa lugu sameeyayna kaligeed luguma samayn, yaanan anaku kala inkirin waxa danbiilayaashu galeen.

Haddii aanan Xamdi Maxamed Faarax waxba la tarayn yaanan kala inkirin wixii ku dhacay, waxaan arkay dad si qaldan u tebinaya ugana waramaya falalkii wajiyada badnaa ee ku dhacay Xamdi.

Diinku wuxuu ilaaliyaa Sharafka, Caqliga, Diinka, Maalka iyo Dhiiga qofka Muslimka ah, bal u fiirso waxa u babadbaaday Xamdi inta aan soo sheegnay!!!!.

Waxaa lugu sameeyay oo is kugu darsamay Xamdi;

  1.  Khiyaano,
  2.  Afduub,
  3.  Handadaad
  4.  Jirdil,
  5.  Maandoorin,
  6.  Kufsi wadareed,
  7. Ku xad gudub sharafkeed,
  8. Daadin dhiig,
  9. Dil dhammaystiran oo silac ah,
  10. Dhac hantiyeed iyo
  11. Suurad xumayn.

Xamdi waxaa kufsaday rag farabadan sida la cadeeyay. Xamdi raali kama noqon karin in ay u galmoodaan rag aan u bannaanayn sidaas daraadeed waxaa iska cad in la handaday lana jujuubay si loogu dirqiyo maandooriye suuragelinaya in aan la maqlin qayladeeda iyo shanqarteeda, loona dareemin joogitaankeeda goobta dunuubtaan aan soo sheegnay ka dhacday. Haddii aan maandooriye la siin gabadha luguma hayn karin goobta waayo afkeeda lama waardiyayn karin waqtiga dheer ee ay goobta joogtay. Cid cadaysay ma jirto laakiin waa sida aan qiyaasayo caqliguna sheegayo.

Xamid markii ay gashay goobta faldanbiyeedku ka dhicilahaa ee ay ku aragtay wax ka badan ciddii ay aheed in ay meesha ku aragto shaki kuma jiro in aysan raali ku ahayn joogitaanka goobta, sidoo kale shaki kuma jiro in ay horayba ka qiyaastay in ay jiraan waxay aysan u tooghayn, sidaasna waxaa lagama maarmaan ku noqonaya aftuud.

Xamdi cayr maahayn wax wadatay sida la sheegay laba moobayl, ma aanan arkin cid dhahaysa wixii ay wadatay oo maal ahaa waa la helay, dabcan waxay ku maqanyihiin danbiilayaashii galay danbiga Xamdi Lugula kacay.

Xamdi waxaa laga tuuray Dabaq dhawr biyaano ah, qofku hadduu halkaas oo kale ka soo dhacana in uu jajabayo oo uu kala baqayo ama madaxa iyo calooshu qarxayaan waa shaki la’. Arrintaani waa suurad xumayn tii ugu darneed. Waxaa xusid mudan Xamdi waxaa lugu tuuri rabay luuq u dhexeeyay Dabaqa laga tuuray iyo Guri ay ku dul dhacday, u fiirso haddii ay luuqa ku dhiqi laheed, halkaas ayaa eeyuha iyo bisaduhu ku cuni lahaayeen ayna ku uri leheed, waa suurad xumayn daran.

Xamdi Waxaa ku xadgudbay sida la sheegay 2 nin waxaana muuqata in aysan xammili karin oo ay ku dhaawacmi karto gacan-qaadkooda illaa dhiigeedu qubto.

Hadaba anakoo uurka ku hayna waxaas aan soo tixay oo ay gabadha u gaysteen wuxuushtu, ayaka muxuu noqondoonaa abaalmarintoodu? Ma waxa ay ku sameeyeen ayaa lugu samayn doonaa mise qaar ayaa loo dhaafi doonaa?. Waa su’aal u baahan jawaab!!!!!.

Waxa gabadhaas lugu sameeyay ayada dhibaato tii ugu darneed ayay ku eheed, anakana waxay nugu tahay duris la durayo binu’aadamnimadeena maadaaba ay nugu jiraan dad nuucaan oo kale ah waxna aanan ka qabanayn oo aan difaacayno waliba, Dumarka Soomaaliyeedna waxay ku tahay argagax gelin iyo cabsiin. Hay’adaha cadaaladda iyo danbi baarista dalkana waxay ku noqon doontaa caay iyo fadeexad, haday si sax ah wax uga qaban, waxaan oo dhan waxaa go’aan ka gaaraya sida looga jawaabo falkaan. Haddii kuwii gaystay lugu abaal mariyo nolol iyo farxad waa murugo iyo gef.

Xamdi qolada qalatay falkooda bahalnimada ah markii laga tago, waxaa iiga muuqda nacayb guun ah oo xididaystay, waaxanan is iri malaha waxaa la doonayey in aanan waligeen illoobin falkaan. U fiirso, markii falfal xumada lugu la kacay, naftaa laga jaray, intaas waa ku samriwaayeen, waxay garteen in ay tuuraan, oo ku tuuraan dhagaxa iyo shamiintada ka hoosaysa dabaqa.

 

Kuweena qaldan haddii aan la qaban waan wada halaagsamayna, waa in aan gacanta qabanno dadka dumarka sida xun u la dhaqmaya. Waxa nuucaan oo kae ah haddii aanan ka jawaabin waxaa imaanaysa in cid kastaa ku dhiirato, haddii qofku ogaado in uusan ku badbaadyan falalka nuucaan ah wuu ka joogsanayaa.

 

Xamdi maxaan ka yeelidoonnaa?.

W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla

https://www.facebook.com/cabdew/

https://twitter.com/Cabdew

Previous
Next Post »