Naafada Soomaaliya lalama tashto, lugumana tashto, waa laga tashtaa
Sharciga Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed
ee la soo saaray xilli aan lagu xusin gudihiisa laakiin ku began 2020 wuxuu
xaqiray oo iska indhatiray Naafada Soomaaliyeed oo ah bulshada Soomaaliyeed
qayba ugu nugul.
Naafadu waxay xaq u leedahay helista
xogta sida ku cad qodobka 18ad faqradiisa 1aad ee Dastuurka JFS, sidoo kale xeerku wuxuu ka hor
imaanayaa isla Dastuurka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah qadobkiisa 11aad ee
sinnaanta muwaadiniinta Soomaaliyeed maadaaba uusan dhawrayn u sinnaanta xog
helista. Ugu danbayn xeerka saxaafaddu wuxuu burburinayaa Dastuurka JFS
qodobkiisa 32aad faqrooyinka 1 iyo 2 ku waas oo tilmaamaya in uu qofkastaa xaq
u leeyahay helista xogta dawladda iyo xogaha kale oo muhimka u ah.
Naafadu way nuucya badan tahay, waxaa
jira dad naafo ka ah xubnaha maqalka iyo araga oo sida badan qofku warbixinada
ku helo. Sidoo kale naafadu way nugushahay waxayna leeyihiin baahiyo u gaar ah
oo khasbaya in la siiyo adeegyo u gaar ah (enables).
Dadka araga naafada ka ah qaab ayaa
fariimaha loogu diraa sidoo kale dadka maqalka naafada ka ah waxa jira qaab ku
haboon oo fariimaha loogu diro. Xeerka saxaafaddu waa in uu tilmaamaa sida dadka
naafada ah xogta ugu siinayo si uu u sugo xuquuqda qofka maqalka naafada ka ah
iyo kan araga naafada ka ah.
Gudiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka,
Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diyaariyay xeerkaan
aad ayay ugu sibiririxdeen waxaana muuqata in aan aqooni hagayn diyaarinta
Xeerkaan ee mashruuc hagayey.
Kootaysiga Kuraasta Golaha Warbaahinta Soomaaliya
Xeerkaani naafada takoor iyo iska
indha tiris kaliya kuma samayn ee sidoo kale waxaa naafada hal xubin xitaa looga
diiday Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed oo 9 xubnood ah, tanina waxay sii
xoojinaysaa sida aan marnaba loogu hallayn karin wax masuuliyad ah dadkii
xeerkaan soo ablabaleeyay.
9 ka xubnood waxaa loo qaybsaday si
layaab ah oo naxariista ka fog, naafana aan wax naruuro ah u muujinayn.
Dawladdu waxay leedahay oo kooto
loogu xiray 3 xubnood, mid ka mid ah sedexdaas dumarka ayaa kooto loogu sii
xiray.
Warbaahinta gaarka loo leeyahay waxaa
kooto ahaan loo siiyay 3 xubnood mana jirto cid sedexdaas kooto looga sii xiray.
Bulshada rayidka ah waxaa la siiyay 3
xubnood, sedexdaan xubnood waxaa mid mid kooto loogu xiray dumarka, Qareenada
Soomaaliyeed iyo Gudiga Xuquuqul Insaanka.
Waxaan aad uga xumahay in xeerku
uusan wax koota ah u xirin dadkii bulshada ugu nuglaa, waa Naafada
Soomaaliyeed. Naafadu naf ma lahan miyaa?, baahida aysan u qabin naadu oo ay u
qabaan dhinacyada xubnaha gudiga isku qaybshay maxay tahay?.
Ma jirto cid ka nugul Naafada ee dadka
xeerka diyaariyay ayaa gartay in uu sii socdo dulmiga iyo is iloowsiinta Naafada
Soomaaliyeed ee aan gaarin meelaha wax lugu boobo.
Waxaa la yaab ah dawladdu waxay isi
siisay 3 xubnood waxna kama siin naafada sida dumarka mid kooto ahaan loogu
xiray. Waxaa iswaydiin mudan in dumarka kooto loo xiro si aan loo boobin iyo in
naafada kooto loo xiro si aan loo boobin tee horaysa?. Marka la rabo in la xuso
jilaayaasha aan dawliga ahayn, ma waxaa mudnaanta leh in la xuso hay’adaha
dadka naafada ah mise hay’adaha dadka lixaadka qaba?.
Waxaa amakaag ah bulashada rayidka ah
waxay qaadatay 3 xubnood mana oran xeerku ‘mid naafada halla siiyo. Waxaa
naafada u quus gooyay sida ay u qaybsadeen bulshada rayidka ah 3da xubnood ee
ay xoogsadeen.
Xeerku wuxuu ka soo baxay hay’addii
dawladda wakiilka uga aheed horumarinta iyo dhawrista afka, xeerka naftiisa
ayaana ereyada afka qaarka mid ah asal-doorinaya. Si guud xeerku aad ayuu u
tayo yaryahay qoraal ahaan iyo qodobo ahaanba. Waxaa ku jira hinkaad xumo iyo
qodobo aan cadayn sidoo kale aan fadhin.
Waxaa la yaab ah madaxwaynaha JFS oo
saxiixay iyo xukuumadda oo marisay Xeerkaan, dhammaantood ma aysan milicsan
arrinta dadka naafada ah, mayaysan wakiil ka ahayn naafada?. Soomaaliya naafada
lama xusuusto lamana xeeriyo xaaladooda sida badan, meelo yaryar oo ay mashaariic
nugu qasabtay maahane.
Haddii aan naafada la siinayn wax
ahmiyad ah, haddii aan lugu darayn goobaha lugu gaaro go’aamada masiiriga ah,
haddii aan wax jaanis ah loo siinayn in ay hadlaan oo ay sheegtaan baahidooda
waxay la mid tahay in aan loo baahnayn, waxay ka dhigan tahay waxba nalama
lahan waxay nugu yihiin dul saar.
Naafadu waxay leeyihiin hay’ado ayaka
si sax ah u matala oo baahiyahooda ka warqaba xogtoodana haya, waa in hay’adahaas
la qadariyo lana siiyo doorka la siinayo hay’adha kale ee dalka ka jira. Xeer aysan
naafadu wax ka soo saarin xeer maahan, hay’ad aysan naafadu ku jirinna dadka ma
wada matesho. Sida aan naafada wax xil ah layskaga saarin iyo in aan loo
baahnayn waxaad ka garan kartaa, xaafiiska madaxweynaha dalka qof naafo ah oo
ku socda gaariga dadka naafada ah ma geli karo, xaafiiska ra’isul wasaaruhu waa
la mid. Xaafiisyadaasi uma adeegaan naafo, haday u adeegaanna naafada oo
bannaanka joogta oo qoraxda taagan ayay u adeegaan.
Xeerkaan wuxuu muujinayaa in aysan
naafadu wax baahiya u qabin warbaahinta iyo xogaha waana xeer aan loo dhammayn,
ha laga dhigo xeer loo dhanyahay.
Waxaan ku talinlahaa in la miyirsado
oo naafada la xusuusto kootana looga xiro 3da xubnood oo la siiyay warbaahinta
xorta ah iyo 3da xubnood oo la siiyay dawladda mid ka mid ah.
W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla "Imaam"
https://twitter.com/Cabdew
https://www.facebook.com/cabdew
ConversionConversion EmoticonEmoticon